Xorriyadda uu qofku u leeyahay inuu aragtidiisa u madaxbannaanaado, tilmaami karo wixii khaldan ee aan sharciga waafaqsanayn ama kaga hadli karo haddii gef sharci uu jiro, waxa ay saldhig u yihiin habka loo yaqaanno dimuqraaddiyadda. Ha yeeshee waxaa dhinac socda xaqa dastuuriga ah ee hadalka uu qofku u madaxbannaan yahay.
Shuruuc xaddidaysa heerka xorriyaddaas oo ka ilaalinaysa in uu ku xad-gudbo xadka ay xorriyaddaasi leedahay ee gefka ku noqon kara danta guud ee ummadeed iyo karaamada qofeedba, sida ay u tahay arrin loo baahan yahay xorriyadda hadalku ayay shuruucdaasina u yihiin kuwo loo baahan yahay, si aanay u lumin qiimaha iyo macnaha xoriyadda hadalka iyo qoraalku. Arrintani waxa ay xidhe u tahay in xoriyadda hadalka aanay ka mid ahayn ereyada waxyeellayn kara nabadda, sumcadda, danta guud, ama aan ahayn war maray dariiqii looga baahnaa.
Marka la eego hirgelinta xorriyadda dhinaca hadalka, waxaa iyana lagama-maarmaan ah inay dhinac socoto hirgelinta shuruucda tilmaamaysa kala sooca xorriyatul-qawlka hadalka gefka ah ee aan ku haboonayn in la qoro iyo in hadal ahaan fagaare iyo si gaaraba loogu isticmaalo iyo hadalka toosan ee habboon.
Marka la eego hawlaha saxaafadda ayay arrintani noqonaysaa mas’uuliyadda u weyn ee ku dhaqankeedu uu lagama-maarmaanka u yahay, waxaana laf-dhabar u ah in suxufi waliba uu isagu sidiisa u yahay nin aan cidina u tilmaamin ilaalinta danta guud ee qaran marka la eego kaalinta uu hayo ee saxaafadda. Suxufigu waa in uu cid walba uga aragti horreeyaa ereyada faafintooda iyo qoraalkooduba ay gefka ku yihiin qarankiisa, ha noqoto saxaafadda madaxabannaan iyo tan dawliga ahba.
Guud ahaan lama moogaan karo in heerka dal walba uu marayo dhinaca dhisme, korriin, iyo horumar inay qayb ka noqonayso nooca saxaafadda ee ka jirta dalkaasi, waana shaki la’aan in saxaafad walba ay ka warranto inta badan dhacdooyinka ku badan degaanka ay ka hawlgasho, laakiin waxaa loo baahan yahay in suxufigu uu kala saaro rumaysnaantiisa shaqsiyadeed, iyo xaqiiqada ku dhaqanka hawsha saxaafadda oo u baahan in loogu dhaqmo sida ay yihiin xeerarkoodu.
Comments
Post a Comment