NAF KELI AH!

Firaash ayuu dul jiifaa. Kolba dhinac ayuu isu rogaa isaga oo hurdo iska baadhbaadhaya. Naftiisa iyo hurdada colaad gaamurtay ayaa dhex taalla. Col kala furtay ayay in dhawaaleba ahaayeen. Markasta oo uu hurdo damcoba geerkaasi uma galo. Maalintii uu guriga soo galay, toban maalmood ayaa ka soo wareegay. 

Maalintaas ayaa isugu dambaysay dibad. Xataa hawada iyo cadceedda dayrka gurigiisa maalintaas ayaa ugu dambaysay.
In kasta oo uu deggen yahay guri fillo ah oo qurux badan oo gudihiisa ay yaallaan wax kasta oo guri qoys ladan deggen yihiin oolli karay, haddana isaga wax macno ah lama laha. Wuxuu tebayo ayaa ka weyn. Halka bannaan ayaa ka weyn haddii uu ku buuxin lahaa wax kasta oo adduunyo uu hayoba. 

Qaybta xusuus kaydinta maskaxdiisa ayaa kolba dhacdooyin mahadhooyin ku reebay soo hor qotominaysa. Wax ay naftiisa ku hafanaysaa mawjado murugo iyo farxadba xambaarsan. Kuwaas oo uga dhaartay in ugu yaraan dhaayihiisu inyar isu dhawaadaan. Sidii qof waalan ayuu kelidii fillada lixda qol ka kooban dhex wareegaa. 

Kol haddii uu buuqii dadka ka soo dhex baxay, isaga iyo naftiisan keli noqoshada fartayna isu keli yihiin, intaas ayuu nafisaad ka dayayaa. Mararka qaar in adiga iyo naftaadu isu keli noqotaan waxay leedahay faa’iido, tabta mararka qaar in aad kelinnimo dareentaa xanuun u tahay.

Iminka qorraxdu casargaaban ayay u hoobatay. Wuxuu ka soo baxay gurigii. Dan la’aan buu uga soo baxay. Qorshe iyo go’aan midna kuma soo bixine maskaxdiisa ayuun bay ku soo dhacday iska bax. Wuu lugaynayaa. Lugtiisuna jiho cayiman oo ay ku jeeddo garan maayo. Naftiisan ambadka ah ayuu daba socdaa. Laami weyn oo dadku labada dhinac ka sunsumayaan ayuu cagta saaray. Waxa labada dhegood ugu jira eerfoonno. Isaga lugtani wax ay u tahay nafisaad, si la mid ah sida dhegtiisu nafisaad ugu dareemayso qaraamka iyo heesaha u baxaya. Intaa uu soconayo heesaha ugu keydsan taleefankiisu, iskood iyaga ayaa isu bedbeddelaya. Fanku waa nolol. Noloshuna waa fan. Dad noloshooda fanku ka xarriman yahay, waa sidii dad saxare ku nool. Fanka iyo suugaantu dadka wax ay wadaajiyaan waayaha nolosha iyo dareenka dadnimada. 

Waxa u baxaysa Magool. Si aan qiyaas lahayn buu dareenkiisu ugu raaxaysanayaa laxanka iyo ereyada isa saaran iyo codka dareentaabadka ah ee Naas Xaliima:

"Waxan ahay mid dooni
Badweyn kula dakaantoo
Waxan ahay mid daaloo
Dirgan waayay socodkee
Allahayoow dal ma aqaan
Allahayoow dad ma aqaan
Qofuu daad wadaan ahaye
Dawga hayga raaridin."

Gabbalkii baa u dhacay. Wuu iska socday in badan oo badan. Iminka bani aadan aan isaga ahayni mari maayaan waddadan. Ma goor qofi socdaa baa. Waxa meherado laamida labada koone kaga yaalla midina ma furna. Waxa soo dhacay dhaxan iyo dabayl aan qofna u adkaysan karin oo jawigii ka dhigay baqdin. Balse isagu dan kama laha. 

Wuu iska lugaynayaa. Naftiisa ayaa hoggaaminaysa. Waa doonis xooggan oo awooddiisa ka baxsan. Intaa uu soconayo wuu tallamayaa. Wuu fikirayaa. Isaga iyo naftiisa ayaa isla hadlaya. Si aan macno lahayn waxa uu isu waydiiyay sababta uu u lugaynayo goortan. Adiga iyo naftaadu haddii aad doonaysaan in aad isu keli ahaataan, miyaad qolkaagii hoosta ka soo xidhatid? Miyaad gurigaagii iska joogtid? Haddii aad soo baxday maqaayadaha bunka ee magaalada maad mid ka mid ah bun inta aad dalbato kelidaa kursi iska fadhiisatid oo goor hore dhaxanta ka xarootid? Mooyi! Haddii uu isaga jawaabi karo waydiimahan, sababta uu dan la’aan isaga soo baxay buu garan lahaa.

Waxa maskaxdiisa marba marka ka dambaysa ku soo dhacaya waydiimo qalbigiisa xaradhaaminaya. Midba midda ka dambaysa ayaa ka xanuun badan. Sidii qof furin dagaal jooga oo cadaw ay is hayaan oo aan arxamayn la dagaalamaya oo rasaastu ugu socoto si darandoorri ah, ayay isagana su’aaluhu ugu dhacayaan qalbigiisa. Iminka qof noocma ah ayaad tahay? Waa maxay waxan noloshaada haystaa? Maxaa ku haya? Mooyiye maxaa i haysta. 

Wuxuu muquurtay xusuuso hore iyo noloshiisii dhallaannimo. Gurigoodii saddexda qof ee isagu afarta ku yahay ku wada noolaayeen. Hoygii uu inanka keliya iyo qofka ugu yarba isagu ahaa. Dharaarihii dugsiga ee wiilasha la ayniga ah ay isa soo layn jireen. Maalmihii marka ay wiil is dilaan haddii uu ka gacan sarreeyo, wiilkaasi ugu yeedhi jiray walaalkii. Habeennadii uu la ciishoon jiray la’aanta walaal wax ka qaban kara lana qaban kara.

Mar keli ah ayuu qoslay, ilbidhiqsiyo yar ka dibna ilmo tifiq ka tidhi. Wuxu dib u xusuustay maalin laba wiil oo walaalo ahi isugu tageen oo dhinac walba lagu soo dhuftay. Dharaartaa kolkii uu gurigooda ku soo noqday wuxu hoosta ka soo xidhay qolkii uu keligii seexan jiray. Duhurkii, mar hooyadii u soo gashay ee kolkii ay aragtay dakharrada ku yaalla ay waydiisay cidda ay isa soo dagaaleen, ayuu waydiin kale isna kaga jawaabay. Waqtigaa hooyadii wuxu waydiiyay sababta uu bilaa walaalka u yahay! Sababta aanu u haysan wiil walaalkii ah oo wehel iyo gaashaan labadaba u noqda! Isku mar bay qosol iyo ilmo ka soo gobo’ tidhi indhiisu ay kulmeen. Isaga oo waydiinta hooyadii aanay eedda ku lahayn ee uu waydiiyay ku qoslay, haddana maskaxdiisu waqti uu qosolkaa kaga bogto kumay simin. Ilbidhiqsyo gudahood wax ay ku soo gantay xusuusta maalintii geerida hooyadii. 

Bil keliya ayuun baa laga joogaa kolkuu waayay qofkii noloshiisa ugu muhiimsanaa. Qofkii uu ugu jeclaa. Qofkiii uu agjooggiisa ugu farxadda badnaa. Hooyadii! Haa, way dhimatay! Nabar weyn ayaa qalbigiisa gaadhay muddo kooban. Inkasta oo uu u dhashay shaqsiyad adag, haddana si wal oo qofku u yahay qof adag, wax soo rida ayaa jira oo daciif ka dhiga.

In kasta oo uu maanta yahay shan iyo labaatan jir caqli ku filan leh, oo barbaarin wanaagsan ay hooyadii ku soo tarbiyaysay oo garashadiisa iyo garaadkiisaba ay si weyn u soo korisay, haddana in uu soo koray isaga oo aan lahayn carruur la nooc ah oo uu la ciyaaro oo la sheekaysto, dugsigana isku raacaan, ma ahayn wax sahlan oo la dhayalsan karo. Si kasta oo uu hadda uga soo gudbay kalinnimadii carruurnimo, haddana qayb weyn ayaa noloshiisa ka maqan oo uu si joogto ah u tabaa. Dareenka kelinnimo ma aha mid kolnaba ka suulay. 

Marar badanna isaga oo aan ku baraarugsanayn ayuu ku soo doogtaa. Wax uu dareemaa kelinnimo xad dhaaf ah isaga oo tabaya kaalintii walaalnimo. Wuxu niyaystaa haddii uu nolosha heli lahaa walaal iyo saaxiib waxyaabaha uu ka caawin lahaa walaalkaa, isaguna ka caawin lahaa.

Weli wuu lugaynayaa. Waa mugdi, laakiin saqdhexe iyo waasoodhowaad mid ay tahay ma garan karo. Sidii buu isula hadlayaa. Isaga lugaynayaa. In uu saacadda eego ayuu damcayaa haddana illaawayaa ama awoodi waayayaa. Baakidhkii uu ilaa casargaabkii kolba midh sigaar ah kala soo baxayay ayuu xabbad kala soo baxay. Wuu iska shitay. 

Xabbaddii sigaarka ahayd ayuu aad u nuugay oo sambabada guntooda dib uga soo celiyay. Noloshiisa oo dhan ayuu caawa dib ugu nakhtiimay. Shan iyo labaatanka gu ee uu jiro xasuusta maskaxdiisu wax badan ma ay dhaafin, kor iyo hoosba wuu ka eegay, quruxdeeda waxa aad uga badan foolxumadeeda, wuxuu se maqli jiray “Rag iyo rafaad waa mataano”. Dareenka kelinnimo ee uu ku soo koray. In uu waayay dadkii noloshiisa farxadgalin jiray ee uu ugu jeclaa. Intuba raad ayay ku reebeen. 

Nabarrada waqtigu dhayo, isaga kiisu kuma jiro. Kelida iyo murugada, mugdiga iyo ciilka sida loola macaamilo ayuu se aad u bartay. Dadkii uu nolosha ugu jeclaa qaar way dhinteen. Kuwo kale oo nolosha ay ku rafiiqeenna way kala hadheen. May kala hadhine iyaga ayaa mar keli ah noloshooda ka saaray, noloshiisana ka baxay. Haddii uu garanayo sababta qofka ay nolosha ku rafiiqaan noloshiisa uga baxay, caawa su’aalahan darandoorriga ah ee qalbigiisa xaradhaaminayaa way ka kala yaraan lahaayeen. Naftiisan kelinnimada la ciishoonaysa ee ambadka ah ayuu nafisaad u heli lahaa.

Dhacdooyin gaar ah ayay markan xasuustiisu mar kale ku hakatay. Naftiisa ayuu markan la sii hadlayaa. Wax badan baad nolol aad leedahay qof aad rafiiq tihiin sii malaysay. Wax badan baad adiga oo ka raystay dadka inta danaystaha ah oo noloshu isu kiin keentay qof iyo laba aad walaal iyo saaxiib tihiin oo aad daacad isu tihiin sawiratay oo indhaha la sii raacday. Wax badan baad sheeko nolol qurux badan ku saabsan naftaada ka sii dhegeysatay. 

Isma ammaanaysid, balse inta qalbi qof bani aadan ahi daacad yahay ayuu qalbigaagu daacad yahay. Waligaa qofna kuma danaysatid, si la mid ah sida aanad uga danaysan. Danaysigaba ma taqaannid wuxuu yahay iyo macnaha uu leeyahay. Qofka aad rafiiqdaan qiimaha ugu sarreeya ayaad siisaa. Danaynta ugu weyn baad tustaa. Naftaada ayaad la meel dhigtaa. Dantiisa ayaad taada ka horraysiisaa. In aad naf qudha tihiin oo wixii dhibaato ah idin wada taabanayso, si la mid ah sida wixii wanaagna ahina idiinka dhexeeyo ayaad u aragtaa. Haa, aad ahaatide maxaa dadka daacadnimadu ku yar tahay kelidaa ku soo beegay? Maxay qofafkii noloshaada soo maray danaystayaal u noqdeen? Maxay sida aad u qiimayso, u danayso, ugu danayso, una dareento adiga kuugu qiimayn waayeen, kuugu danayn waayeen, kuuna dareemi waayeen? Oo yaa ku yidhi kelidaa uun bay ku beegan yihiin? Yaase kuu sheegay in aad adigu daacad tahay iyaguna aanay ahayn? Maxaad se ku ogaatay in aanay ku qiimayn, ku danayn, kuna dareemin? Mooyi. 

Maskaxdiisu hadal ma dayso. Naftiisu kama dayso kolba waydiin dhamac ka kulul inay ku gunto qalbigiisa. Qalbigiisuna inuu la taaho nabarrada isdabajoogga ah kama nasto.

Waa nin maqan. Naftiisa iyo isaga ayaa isla maqan. Mar keli ah ayuun buu ku dhex dhacay lix, toddoba ey. Dhawaaq cod sarreeya ayay mar keli ah isku wada dareen. “Wah … wah… wah”. Cirkaas buu u booday. Wax waliba waa kuwan ka kala daatay. Isaga iyo naftiisii iyo fikirkii isla maqnaa meel ay isla marayeen ma garanayo. Saacaddii uu haleelka u waayay, marna illaawayay ayuu fiiriyay. Saddexdii habeennimo iyo jarjar weeye. Halkaad joogtaa? Masaafo intee leeg baad gurigii ka soo socotay? Jihadee buu se kaa xigaa? Immisa waddo ayaad soo goysay sidii laamiba laami kuugu dhiibaysay? Isaga oo ciil la liita ayuu laamidii cagta dib u soo saaray. Wixii uu tabayay ee ka maqnaa ilaa yaraantiisii weli way ka maqan yihiin. Taana xal uma helin. Balse waxa keliya ee uu og yahay waa in uu aad u jeclaan lahaa in uu helo cid uu nolosha la sii rafiiqo.

Comments