Maanta Hargeysa waxaa isku mar ka wada dhacay laba wax oo mid aad u wanaagsan yahay midka kalena aad u foolxun yahay. Markii kowaad taariikhda Soomaalilaand waxaa qayliyay xubno ka tirsan garsoorka qaranka oo ka cabanaya faragelin siyaasadeed oo hawshooda lagu hayo.
Waa wax aad u wanaagsan nimanka garsoorka fadhiyaa ugu dambayn in ay taa ku baraarugeen, isla markaa bulshada u sheegeen. Waa fahan wanaagsan oo ay ku garwaaqsadeen hawshoodu, dastuur ahaan, in ay si buuxda uga madaxbannaan tahay danaha siyaasadeed iyo damacyada gaarka ah. Weligoodba tii laga la’aa waa taa, haddii ay gartaan oo ku shaqeeyaanna waa tallaabo aad u weyn oo loo qaaday dhanka dawlad wanaagga iyo garsoor macno leh oo horumarsan. Khayrka maanta Hargeysa markii kowaad ka dhacay waa kaa.
Foolxumada isla maanta Hargeysa ka dhacday taas ayay ku xidhiidhsan tahay ama liddi ku tahay. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaalilaand, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaalada, Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa beeniyay, oo waxba kama jiraan ku tilmaamay, eeddaa xaqa ah ee xubnahaa garsoorku kaga cabanayaan faragelinta siyaasadeed ee xukuumadda.
Waa ayaandarro aad iyo aad u weyn Guddoomiyahaas oo ku fadhiya kursiga ugu sarreeya garsoorka umaddu in uu sidaa u dhaqmo oo dhawaaqaa xaqa ah ee geesiga ah afka qabto. Waayo waa xilkiisii ay ahayd mar horeba in uu hufo oo siyaasadda iyo musuqmaasuqa ka xoreeyo. Waana la wada og yahay garsoorka maanta in ay fadeexadi hoganayso. Waa la wada og yahay oo maanta ma jiraan garsoor iyo siyaasad ka la madaxbannaani, sidii aanay weligeedba u jirin.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Guddida Caddaaladda Xasan Axmed Aadan ayaa isaguna dhankiisa isla maanta sheegay in Garsoorka Soomaalilaand haysto madaxbannaani wanaagsan oo uu ku faano. Wax uu af cad ku yidhi: “Garsoorka Soomaalilaand wax uu haystaa madaxbannaani ka wanaagsan kii xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin, waxaanan odhan karaa raggaas ku hadlay afka garsoorayaashu wax ay ku kaceen gaf.”
Ugu horraynba hadalka ah “Garsoorka Soomaalilaand wax uu haystaa madaxbannaani ka wanaagsan kii xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin” munaasib ma aha. Waa mare garsoorku in aanu siyaasad iyo musuqmaasuq ka madaxbannaanayn waa la wada og yahay. Waa marka labaade xukuumaddii Rayaale iyo tan imika jirta isku dhererintooda qudheeda ayaa ah siyaasad aan afka garsoorka ku qummanayn. Mar kalena waa gef nimankaa xaqa iyo damiirka u gadooday madaxdoodu in ay cabbudhiso.
Ilaahay nimankaa ha garansiiyo xilka ay dadkooda u hayaan muhimaddiisa iyo halistiisa. Ilaahay ha tuso taako qudha oo ay siyaasad ama musuq u dhowaadaan in ay aayaha umadda oo dhan saamayn xun ku yeelanayso.
______________
FIIRO GAAR AH: Maqaalkan oo uu qoray Ibraahin Hawd, wuxuu ku soo baxay mareegtiisa https://www.ibraahinhawd.com/, sannadkii 2013kii, xilligaas oo 27 garsoore ka qoreen warbixin dheer garsoorka Somaliland.
Comments
Post a Comment