Dhawr iyo tobankii sannadood ee tegay Somaliland waxaa aad ugu batay goobaha jaamacadeed ee wax laga barto. Jaamacado tiro iyo tamuux ah baa dalka laga furay, kuwaas oo bixiya badi koorsooyinka jaamacadaha dunida lagu dhigo. Sidaas oo kale waxaa xoogaysatay xorriyadda uu ardaygu u leeyahay in uu doorto waxa uu baranayo. Labadaa arrimoodba waa guul weyn haddii la eego duruufaha adadag ee dalka ka jira dhinac walba.
Ka sokow in tacliinta loo arko hadaf uu qofku uga dan yeesho in uu qofnimadiisa ku koriyo, waxa ay se kale oo ay tahay agab loo adeegsado danaha nolosha. Dhinac kasta oo ka mid ah nolol maalmeedda iyo hawlaha la qabanayo dunida maanta waxaa ku qaybsan aqoon iyo farsamo u goonni ah oo lagu fushado ama lagu fududaysto. Keli iyo wadar, qaran kasta ummaddiisu sida ay xariif ugu tahay aqoonta iyo farsamada ay u adeegsanayso xirfaddeeda shaqo ayay ka dhalataa tirada iyo tayada waxsoosaarkeedu.
Waxsoosaarka dadka waxa tiro badan iyo tayo wacan siiya waxaa lagu koobi karaa: 1) Xirfadda aqooneed ee hawsha lagu qabanayaa heerka ay gaadhsiisan tahay; 2) Saacadaha shaqo ee hawsha la gelinayaa inta ay yihiin; 3) Habsamida hawsha lagu qabtay sida ay u wanaagsan tahay ama u xun tahay. (Becker, 1993, Todaro & Smith, 2020). Qodobkaa u dambeeya waxa uu macnaynayaa qofku isaga oo xirfad iyo qalab wanaagsan wax ku qabtay isla markaa saacado badan shaqeeyay haddana in ay dhici karto in uu yahay qof waxqabad liita oo caajis ah ama karti xun, ama taa beddelkeeda.
Ummaduhu si ay u ilaaliyaan una joogteeyaan habsami u socodka hawlaha guud ee dalkooda, had iyo goor waxa ay isha ku hayaan siina oddorosaan isu dheellintirnaanta laba arrimood oo muhiim ah: 1) Baahida shaqaale iyo xirfadaha suuqa shaqada ka jira ama dhowaan ka jiri doonaa kuwa ay yihiin; 2) Diyaarinta xirfadleyda suuqa shaqada looga baahan yahay ama looga baahan doono.
Mar qudha haddii ay labadaasi isa seegaan waxaa dhaca khasaare weyn. Xilli loo baahnaa in ay shan kun oo injineer soo baxaan haddii ay jaamacaduhu soo saaraan shan kun oo qareen waxa dhacaysa mashaqo weyn; shantii kun ee qareen shaqo looma hayo, hawshii shanta kun ee injineer qaban lahaayeenna waa baylah.
Sannad walba jaamacadaha tirada badan ee dalka ku yaalla waxaa ka soo baxa dhawr kun oo dhallinyaro ah kuwaas oo bartay koorsooyin aan dalkaba looga baahnayn. Isla markaa waxaa dayacan meelihii xoojinta u baahnaa sida culuunta beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, joolajiyada, farsamooyinka gacanta iyo arrimo kale.
Dhibaatada waxa keenay waa laba arrimood: ardaygii oo aan haysan cid ku hagta waxbarashada uu shaqo ku heli lahaa sidaa darteed wax aan dalka looga baahnayn baranaya, iyo dhanka kale waxa ardaygaasi baranayo oo aan ahayn wax uu u dhisan yahay oo ka jibbo keeni karo. Dabadeed waxaa ciiddii ka batay jaamiciyiin aan: 1) koorsooyinka ay barteen ku wanaagsanayn, iyo 2) shaqo la'aan ah.
Qorshe la’aanta jirta darteed waxaa muuqata dhallinyaradu maanta in ay dhaqan ka dhigatay in ay jaamacad ka baxdo oo keliya. Waalidka oo aan badanaa qudhiisuba tacliin lahayn ama ay hoosayso waxaa ku filan in uu arko ilmihiisii oo jaamacad ka baxay, dabadeed marka uu ilmihii uu ku soo tabcay isbixin waayo ee shaqo heli waayo waxa uu eersadaa dalka iyo dawladda. La isma wayddiiyo waxa jaamacadda lagaga baxayaa in ay yihiin wax loo baahan yahay iyo in kale. La isma wayddiiyo marka horeba ardaygu waxa uu baranayo hadhow in uu shaqo ku heli doono iyo in kale.
Haddaba, dawladdu iyada oo hawlgelinaysa hay’adaheeda ku qaybsan tacliinta, shaqada iyo dhallinyarada, waxaa ku waajib ah in ay waxbarashada dalka nadaamiso oo xoojiso culuunta ay dadka iyo dalku maanta u baahan yihiin.
Waxaa habboon in awoodda ugu badan la saaro laba meelood si ay u soo baxdo dhallinyaro leh xirfad ay ku shaqaysato dalkana wax ugu qabato. Midi waa xoojinta farsamooyinka gacanta, ta kalena waa aqoonaha la xidhiidha beeraha, xoolaha iyo kalluunka. Labadaa meelood ayaa maanta shaqo laga abuuri karaa, isla markaa qayb weyn ka qaadan kara kobcinta dhaqaalaha dalka iyo nolosha bulshada, iyada oo dambe wax dunida loo iib geeyo laga soo saari karo.
Halkan bay soo gelaysaa kaalinta muhiimka ah ee dawladdu, si dadka barta culuuntaa loo baahan yahay, maalgelin loogu heli lahaa si ay aqoontoodu waxsoosaar ugu gudubto. Waa kaalinta dawladnimada, sidii ay hantida yar ee dalka ugu jahayn lahayd meelaha waxsoosaarka umadda u leh dhallinyaraduna shaqo ka heli karto.
Macno yeelan mayso sannad walba in kumannaan dhallinyaro ah oo jaamacado ka soo baxay suuqyada la soo tubo iyada aan shaqo loo abuurin iyaguna lahayn xirfaddii loo baahnaa ee ay shaqo ku abuuran lahaayeen. Khasab ayay ku noqonaysaa in ay dalka ka dhuyaalaan oo lamadegaanka iyo badaha ku le’edaan.
Comments
Post a Comment