Koodbuur & Karaamooyinka Eebbe


Ilaahay bani aadanka uu abuuray waxa ka mid ah qaar uu siiyo karaamooyin iyo deeqo gaar u ah. Dadkaasi waxay gaadhaan heer rooxaaniyadeed ay kaga gudbaan heerka dhow ee ay dadka caadiga ahi diinta iyo guud ahaan ammuuraha Eebbe ka fahmaan. Shareecada Islaamku waxay dadkaa u taqaannaa Awliyo Ilaahay. Waxa aanu xuskooda lagu sheegay quraanka. Aayadaha uu Ilaahay kaga warramay  waxa ka mid ah aayadaha 62, 63, iyo 64 ee suuradda Yuunis.

Waa derejo sare oo Ilaahay gaadhsiiyo dadkiisa cidda uu doono. Sida ay culimadu ka warramaan, ma aha heer la iska gaadho, balse, ammarka Eebbe ka sokow, dadaal badan oo Alle jacayl ah, cibaado joogto ah, iyo nolosha muuqata oo qiimigeeda la yaraysto ayaa lagu helaa. Kolkaas ayaa qofka loo furaa asraar muuqata, mid qarsoon iyo fahan dadka kale ka dahsoon, oo ka baxsan caqliga qofka caadiga ah.

Waxa jira laba erey oo kala ah “mucjiso,” iyo “karaamo.” way  kala duwan yihiin ujeeddo ahaan iyo macne ahaanba. Sida ay culimadu ku kala macnayso, mucjisooyinku waxay ka mid yihiin aayadaha gaarka u ah nebiyada iyo rususha. Karaamooyinkuna waa  awood ka baxsan inta bani aadanka kale looga bartay ama suurtagalka ka ah, oo Eebbe ku mannaysto qaar ka mid dadkiisa wanaagsan. Jiritaankooduna waa arrin ay ku kulansan yihiin culimada Ahlu Sunnuhu, oo cuskanaya daliillada quraanka iyo sunnaha.

Kolka laga soo bilaabo cahdigii nebiga (NNKH), buugaagta taariikhda waxa muush ah dhacdooyin badan oo ka sheekaynaya karaamooyin laga arkay qaar ka mid ah saxaabadii nebiga, oo ah kuwa ugu  mudan awliyada Ilaahay. Waxa kale oo buugaagtaa ku xusan, kaddib cahdigaa dadyow kale oo Ilaahay siiyay karaamooyin, kuwaas oo goobjoog looga ahaa. Dadkaasi ha noqdeen culimo diineed ama yaanay ahaane. 

Qisooyinka karaamooyinkii laga arkay dadkii wanaagsanaa ee awliyada ahaa, waxa ka mid ah ta uu ka warramayo xadiis uu werinayo Anas Binu Maalik oo ku jira Saxiix Bukhaari. wuxuu Anas ka sheekeeyay, labadii saxaabi ee la odhan Usayd bin Xudeyr iyo Cabbaad bin Bishr, oo habeennimo gudcur ah u yimid nebiga; cabbaar kolkii ay la joogeen way  is raaceen iyaga oo sii wada lugeeyay. Sida uu Anas sheegay mid waliba wuxuu sitay ul (bakoorad), waxaana uu yidhi “markii ay ka tageen rasuulka, labadii ulood ee ay siteen, mid ka mid ah ayaa ushiisii iftay, iftiinkaas ayaana ay ku soconayeen, ilaa ay kala weecdeen oo mid walba ushiisii iftiin uu ku sii lugeeyo u noqotay.”
Iimaamkii weynnaa ee Shinqiidi oo xadiiskaa faallo ka bixinaya, wuxuu sheegay in iftiinkaasi ahaa karaamo uu Ilaahay siiyay labadaa saxaabi, qisadooduna waxay “xanbaarsan tahay tilmaan cad oo muujinaysa sharafta iyo karaamada ay leeyihiin awliyadu, waxaanay jawaab u tahay kuwa taa beeniyay[1]”, ayaana uu yidhi.

Sida ay iiga warrameen halgamaayo badan oo SNM ah iyo shaqsiyaad kale oo ay jaal ahaayeen, Ibraahin Koodbuur wuxuu ahaa qof uu Ilaahay ku mannaystay karaamooyin iyo awooddo gaar ah. wuxuu ahaa qof Ilaahay awood u siiyay in uu akhriyo wejiyada dadka oo fahmi kara waxa laabahooda ku jira. Dhaqankiisii, cibaadadiisii, dabeecadihiisii, habka uu uga fal celin jiray gefka lagu la kaco, intuba waxay tilmaamayeen addoonnimo dhab ah. “Waxa uu lahaa summadaha badan ee Ilaahay dadka wax ku siiyo”, baana uu yidhi halgamaa Mijir Qaaddi.

Sida uu ka warramay halgamaa Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii u dhawaa, Ibraahin Koodbuur wuxuu ahaa weli, awliyaduna werdi bay leedahay ee, werdigiisu waa إِذَا خَاطَبَهُمُ ٱلْجَٰهِلُونَ قَالُواْ سَلَٰمًا” – kuwa marka ay wax-ma-garatadu la hadasho ku dhaafa nabad, waxaanu yidhi halgamaaga oo ka sii warramaya qofnimadii Ibraahin: waxa uu ahaa nin aan mar keliya isaga oo cadhoonaya, ama cid ku xanaaqsan, ama cid xamanaya aanad arkaynnin. Yacnii 'axsan khuluq'! Qofka dadka ugu  dabeecadda wanaagsan baa uu ahaa. Qof iimaankiisu qanjaha buuxo oo, suufi ah, oo Alle-yaqaan ah, oo Ilaahay ku kalsoon baa uu ahaa. Anigu wax badan baan ka faa'iday. Intii aanu isugu dhawayn baan ka mid noqday markii dambe; aniga, Turki iyo Waysacadde[2].” 

Dhacdooyin badan oo laga arkay Ibraahin Koodbuur, bay iiga warrameen halgamaayadii SNM, gaar ahaan ilaaladiisii gaarka ahayd oo mar walba ku lammaanaan jiray. Halgamaa Haybe Muxumed Axmed (Tamase) oo ka mid ahaa ilaaladii gaarka ahayd ee Ibraahin, baa ka mid ah ragga ka sheekeeyay karaamooyinkii gaarka ahaa ee Ibraahin lahaa.

Dhacdooyinkaa waxa ka mid ahaa in uu Ibraahin Koodbuur awood u lahaa qofka uu mar arko kala ogaanshihiisa basaas iyo daacad midka uu yahay. Sida uu Haybe ka warramay, wuxuu Ilaahay ku galladay in uu kala garto qofka loo soo diray iyo ka kale, “qof aad adigu u arkayso shaqsi bulshada ka mid ah oo caadi ah, baa uu ku odhanayaa ‘kaas saw arki maysid, innaga ayaa la inoo soo diray[3]”, baana uu yidhi halgamaagu.

Waxa laga yaabaa in dadka qaarkii u arki karaan shaki, balse ma ay ahayn ee waxay ahayd xaqiiqo in uu Ibraahin Koodbuur dadka ka dhex aqoonsan jiray basaasiinta. Sida uu ka warramay halgamaa Haybe, wuxuu goob joog u ahaa dhacdo arrintaa ku saabsan oo ka dhacday Karooska, beryihii halganka lagu jiray. Xilligaa, Xerada Ciidanku waxay ku taallay Kaam-Liibaan, balse waxay u soo magaalaysi tagi jireen Karooska.

Sida uu Haybe ka warramay, marka ay Karooska yimaaddaan, wuxuu Ibraahin Koodbuur fadhiisan jiray meherad magaalada ku taallay, oo ay lahaan jirtay gabadh la odhan jiray Caasha-Ciidagaley. Galab beryahaa ka mid ahayd iyaga oo halkaa fadhiya, waxa ugu  soo galay nin Go’ Case ah. Beryahaa Go’ Casaha waxa la odhan jiray ragga basaasiinta ah ee Kacaankii Oktoobar soo dirto. Ninkaa waxa laga soo diray Xeradii Libida ay ku lahaayeen Ciidamadii Kacaanku.

Kolkii ninkaasi meheradda soo gaadhay, wuxuu isa soo taagay illinkeedii oo sidii qof meesha ka raadinaya shaqsi kale u wada eegay raggii fadhiyay. Sida uu Haybe-Tamase ka warramay, Ibraahin Koodbuur baa ninkii inta uu fiiriyay ku yidhi  “waaryaa soo soco Ibraahin waa aniga ee”. Dhulgariir baa uu ninkii ku noqday hadalkaasi, dabadeed isaga oo gariiraya oo tallaabadu dirqi ku tahay ayuu gudihii soo galay oo ag fadhiistay Ibraahin, dabadeed, Haybe iyo ilaaladii kale ee ay wada fadhiyeen baa uu Ibraahin ku yidhi “orda oo cunto uga soo qaada hudheelkii Shube[4]”, oo sida halgamaagu ka warramay ka mid ahaa hudheellada qadiimka ah ee magaalada ku yaallay. Ninkii waxa kale oo uu Ibraahin u dalbay qaad iyo sigaar in loo soo qaado.

Kolkii intiiba loo keenay, sida uu Haybe sheegay, ninkii waa uu cuni kari waayay cuntadii. In yar markii uu ka qaatay ayuu dhinac iska dhigay. Qaadkii markii uu bilaabay ee dhawr qori ka cunay, baa uu Ibraahin ku yidhi “waaryaa, waxa aad ku odhanaysaa kuwii ku soo diray, waan soo arkay. wuxuu fadhiyay Caasha-Ciidagaley. Ibraahinna waa aniga, ima aad garanayn ee anigaa isu kaa sheegaya ee[5].

Sida uu ka warramay Haybe, ninkii cabbaar baa uu hadal ka soo bixi waayay. Kolkii uu yara nafisay ee naxdintii ka jabtay, ayuu ku yidhi Ibraahin “adeer mid baa aan ku wayddiinayaa, aniguna mid baa aan kaa ga warramayaa”, waxaana uu yidhi “waa la ii kaa soo diray. Xalay baa aan ka soo baxay Libida. Waxa i soo diray ninka ciidamada Lebi-Sagaale deggen haysta ee Cabdillaahi-Dheere la yidhaahdo iyo kuxigeenkiisa. Waxa aanu ahayn labadooda, aniga iyo Ilaahay oo keliya. Cid kalena ma ogayn. Habeen madawna way  ahayd. Nimankaasi markii ay isoo direen waxaan ku idhi ‘ma aqaanno Ibraahin’, dabadeed iyagaa yidhi calaamad aad ku garato ayaa aanu ku siinaynaa. Qofka dadka ka duwan ee ama abwaanka ah ama sheekha ah ama madaxda ah, ee aad aragto in la karaamaynayo, ee dadku ku urursan yihiin, ee had iyo jeer hadalka inta uu leeyahay la dhegaysanayo, waad garan doontaa oo meeshuna waa tuulo ee qofkaas weeye Ibraahin. wuxuu sheegay in uu sidii magaalada ku yimid, meherad kastana soo maray, halkii ugu  horraysay ee lagu urursan yahayna ay meheraddan noqotay. Sida uu Haybe ka warramay, intaa wuxuu raaciyay in aanu ku noqon doonin nimankii soo diray.

Markii uu  intaa sheegay, wuxuu hadalkii ku soo gunaanaday su’aashii uu Ibraahin wayddiinayay. wuxuu yidhi, sida uu Haybe ka warramay, “adigana waxaan kaa doonayaa, maadaama aan aniga iyo labadaa nin oo qudha ahayn, habeen madowna ay ahayd oo askartooduna aanay na ogayn, magaalana na ogayn, ciddii ii kaa sheegtay in aad ii sheegto”, dabadeed, Ibraahin Koodbuur baa hadalkii qaatay. wuxuu u sheegay in aanay habboonayn in uu ka baxo ballankii uu soo galay, “ballan baa aad soo gashay, ka bixi maysid. Waa aad ku noqonaysaa. In aad isoo aragtay iyo halka aan fadhiyo, ayaa aad soo sheegaysaa; marka aad arrintaa iska riddo, sidii aad doonto yeel, ama soo guur ama iska joog, adiga ayay kuu taallaa[6]”, baana uu ku yidhi. Wayddiintiina wuxuu Ibraahin kaga jawaabay, sida uu ka warramay Haybe, in uu Ilaahay dhagartii ay maleegayeen u soo sheegay.
Sida ay iiga warrameen halgamaayo badan oo SNM ahi, oo ay ka mid yihiin Haybe-Tamase iyo Cali Jaamac Cige (oo Ibraahin u qaabilsanaa sahanka Aagga Dhexe), Ibraahin Koodbuur dhaqannadiisa waxa ka mid ahaa in aanu xidhin ama dilin basaasiinta loo soo diri jiray ee la qabto. Sida uu Haybe sheegay, aynnu qabanno marka lagu yidhaahdo, wuxuu odhan jiray “Ilaahay baa qabanaya ee iska daaya”. wuxuu odhan jiray, sida ay halgamaayadu ka warrameen, “basaaska aad aragtaan ha dilina, hana sii wada daynina”.

Dhacdooyinka Ibraahin Koodbuur looga soo taagnaa ee tilmaanta u ahaa awooddihiisii Rabbaaniga ahaa, aad bay badan yihiin. Waxa ka mid ah dhacdo kale oo cajiib ah oo uu ka warramay Haybe-Tamase. Xilli ay la socdeen Ibraahin oo Kaam-Abokor ku sii jeeda, ayay habeennimo u sii hoydeen Kaam-Liibaan. waxay ku degeen beer uu lahaa nin la odhan jiray Caqli-Shide oo magaalada kaga taallay jihada koonfur-bari.

Sida uu Haybe ka warramay, kolkii ay tageen beertii Ibraahin Koodbuur iyo Caqli-Shide waxay fadhiisteen balbalo yar oo Caqli-Shide uu fadhiisan jiray. Haybe iyo ilaaladii kale ee la socotayna ardaaga ayay fadhiisteen. Goor cawayskii ah, qiyaastii sagaalkii fiidnimo ayay maqleen dhawaaqa rasaas hubka waaweyn ah. Markiiba in uu dagaal yahay bay isla qaateen. Jihadii rasaastu ka socotay bay qiyaaseen oo bariga ahayd. waxay isla qaateen in dagaalku uu ka socdo Karooska Bari oo Ciidankii Kacaanku ka soo weerareen dhanka Libida. Beryahaa qaadku kootarabaan baa uu ahaa. Qaadkii Haashim deggenaan jiray baa loo soo raray Karooska Bari, halkaas oo ahayd, sida uu Haybe sheegay, meel iska yoobsan oo habeenkii oo keliya arladu shidan tahay - wada tiriig noqota.

Sida uu Haybe ka warramay, isaga iyo raggii la fadhiyay way  is taageen, iyaga oo eegaya jihadii bariga ee ay rasaastu ka xigtay. In aan halkaa dad ka hadhayn bay isla qaateen, waayo, “waxa aanu garanaynaa”, baa uu yidhi Haybe “dabeecaddii magaaladu u samaysnayd iyo mirtan ku dhacday.” Cabbaar kolkii ay taag-taagnaayeen, waxa gudihii ka soo baxay Ibraahin Koodbuur. wuxuu raggii ku yidhi “saw waxa dhacaya ma maqlaysaan?! iska fadhiista oo iska qayila, ri’ bay dilayaan ee.” Sida uu Haybe sheegay, waxay Ibraahin wayddiiyeen, waxaa hub culus rasaas ka dhacaysa, haddii ri’ lagu dilayo intii hore ayay ku dhimataye, sawkan sii socda ma aha. Ibraahin wuxuu ugu  jawaabay “waar bisad kale wax ku noqon mayso waxaa ay ridayaan ee iska qayila”, dabadeedna gudihii baa uu ku noqday, waxaanu yidhi Haybe “anigu suufi baan odhan jiray oo tii baabu suufiga ayuu inoo saaray baa aan idhi”.

Ibraahin Koodbuur kolkii uu cabbaar gudihii ku jiray ayuu mar labaad soo baxay Haybe iyo saaxiibadii oo halkii sii taagan weli. wuxuu ku canaantay, sida uu Haybe ka warramay, “waar miyaydaan waxba maqlayn, waxaan idin idhi Ri'i uun bay dilayaan oo iska daa dad ee bisad ku dhici mayso. Ma ri'i baa aydun bannaanka u taagnaan doontaan?”, dabadeed way  iska soo fadhiisteen halkoodii. Rasaastiina daqiiqado kaddib way  go’day.

Sida uu Haybe ka warramay, aroornimadii bay u quraac doonteen Kaam-Liibaan, kolkii ay quraacdeen, Haybe iyo ilaaladii kale waxay u soo baxeen meheradda bannaankeedii – halkii baabuurkoodu yaallay, Ibraahinna gudaha ayuu kaga hadhay. Intii ay dibadda ku sugayeen, waxay arkeen gaadhi Laankaruusar ah oo kuwii qaadka ah, oo ka yimid Karooska Bari kuna  socda Jigjiga.
Waxa saaran rag dhawr ah. Way wada qoslayaan oo midiba midka kale ayuu dacaayadaynayaa. “Wallaahi in aanay kuwani meel dad lagu laayay ka iman,” baa aanu nidhi buu yidhi Haybe. Gaadhigii wuxuu isa soo ag taagay halkii ay taagnaayeen. Haybe iyo saaxiibadii waxay wayddiiyeen wixii dhacay iyo dad inta dhimatay. 

Sida uu Haybe ka sheekeeyay, raggii waxay ugu  jawaabeen qosol, waxaanay yidhaahdeen “wallaahi waxa aad maqlayseen dhuuso Iblays bay ahayd. Ri’ bay dilayeen. Wax allaala wixii aad maqlayseen ri’ bay dilayeen.” Haybe iyo saaxiibadiisii kale, way  yaabbeen! “Ri'i bay dileen, ma Ri'i? Haa. Raggii baa sidaa u wada eegay, sow daahir yaa shamis maaha!”, baana uu yidhi Haybe. Sida uu iiga warramay halgamaa Maxamuud-Gaabuush oo habeenkaa ku sugnaa Karooska Bari, riyo baadi ah oo soo raacay xoolo uu lahaa nin la odhan jiray Shube ayay ka mid ahayd rida la rasaasaynayay.


[1]) https://www.islamweb.net/amp/ar/article/231910/
[2]) Waraysi gaar ah, Maxamed Cali iyo Zeki Dool, 4/5/2023, Hargeysa
[3]) Waraysi gaar ah, waxa qaaday Maxamed Cali iyo Zeki Dool, 4/5/2023, Hargeysa
[4]) isla tixraaca hore.
[5]) isla tixraaca hore.
[6]) isla tixraaca hore.


FG: Qoraalkani wuxuu ku jiraa buugga taariikh-nololeedda Ibraahin Koodbuur

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan



Comments