Halista Qabiilka ee Dawladnimada Somalilaan

Halista Qabiilka ee Dawladnimada Soomaalilaan

 Hordhac:

Mid ka mid ah caqabadaha waaweyn ee hortaagan dhismaha dawladnimo jiritaan sugan leh, gaar ahaan bulshooyinka nugul ee ka soo kabanaya marxalado burbur iyo dagaallo sokeeye, waa qabyaaladda, oo salka ku haysa eex, danaysi iyo danayn la’aan maslaxadda guud ah(Ghalib, 2012)

Somaliland oo dhanka dawladnimada ugu roonayd soomaalida kale, inkasta oo dawladnimada qaabka muuqda iyo magacyada hay’aduhu jiraan, ilaa xadna ay hormuud Soomaalida kale ugu tahay, haddana dhaawaca marba marka ka dambeeya gaadhaya qarannimada iyo jiritaanka dawladeed oo ah is'ahaanshaha dadka, dhab ahaan, ku wada abtirsanayaa waa mid sii xoogaysanaya. 

Taa sababteeda u weyni waa mid qabyaaladeed oo ka timid hiddaha iyo dhaqanka oo la siyaasadeeyay lana dhex geliyay dawladnimadii casriga ahayd. Dabadeed sida uu Afyare Cabdi Cilmi uu buuggiisa, “Understanding the Somalia Conflagration” ku dooday “Awoodda dawladeed, hubka, shaqada iyo gargaarka shisheeye, waxay noqdeen khayraadka ugu muhiimsan ee ay qabaa'ilku ku tartamaan” (bogga 36). 

Sidaa awgeed, qoraalkani wuxuu lafa gur iyo gorfayn isku dhafan ku samaynaya isdiiddada dhaqanka qabyaaladda siyaasadeed iyo habraaca dawladnimada qawmiga ah ee Somaliland. Si gaar ah wuxuu u dul istaagaya qabyaaladda mucaaradeed halista ay dawladnimada Somaliland ku leedahay, isagoo is dultaagaya habdhaqan qabiillada ee labadii doorasho ee u dambeeyay (2017 iyo 2014). 

Asaaskii Somaliland: Kaalintii Qabiilka:

Marxaladdii asaaska ka dib, Somaliland waxa ka hanaqaaday dib u nabadayn bulsheed oo hiddaha lagu saleeyay iyo maamul isu dhigay in uu la jaanqaado dawladnimada casriga ah. Axdi nabadeed iyo wada noolaansho ay odayadu reeraha u xidheen (1991-93-97), qaadashada hannaanka dimuqraaddiga, dastuur dadweynuhu afti ku ansixiyay (2002), golayaal baarlamaan iyo degaan oo dadka matala iyo doorasho madaxtooyo oo toos ah, intuba waxay ahaayeen karti iyo horumar cajab leh oo dunida soo koraysa ku yar si gaar ahna Geeska Afrika aan ka jirin. 

Horumarkaasi wax aad u badan buu degelkan u soo jiiday. Dunida xorta ah oo dhami aad bay u jeclaatay. Yididdiilo indhahahooda si weyn u soo jiidatay baanay noqotay. Waxa lagu sifeeyay ubax lamadegaan ka baxay, waxaana loola dhaqmay si aan ka yarayn dawlad buuxda, ilaa heer doodda dunida taallay ay noqotay xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsi iyo dawladda taa ugu horrayn doonta. Haddaba tobaneeyadii sano ee u dambeeyay arrintu sidii ma ahayn, maalinbana ta ka dambaysa way sii shiiqaysay, ilaa Somaliland u ekaatay meel laga xiise dhacay oo raadkeedii dib u raacday. Maxay tahay sababtu? 

Waxaa la yidhaahdaa bulsho haddii uu dareenka cabsida iyo digtoonidu ka guuro waxay lumisaa dedaalka iyo waxabuurka. Bulshada reer Somaliland waxaa ka guuray dareenkii cabsida iyo digtoonida. Waxaa muuqata inay lumisay hankii dedaalka iyo waxabuurka, doonistii dhismaha dawladnimo dhab ah oo jiritaan sugan leh, higsigii midnimo iyo wadajirka bulsheed iyo is'ahaanshihii umaddeed iyo dawladeed iyo qarannimo. 

Mushkiladdoodu maanta waa hanka iyo himiladdooda oo soo dhoweeyay xarriiqihii ay wax ku kala soocayeen dabadeed, waxay legdansiiyaan beelaha ay ka kooban yihiin, taas oo aakhirkana uu ku burburo qaran ay ahayd in ay wada dhistaan. Dhaqankii iyo qiyamkii iyo akhlaaqdii bulsheed oo dhami way burbureen. Dabadeed waxaa dhacay hanjab, kala daadasho bulsheed, kalsooni darro iyo jahawareer aan maanta dhan loo socdo cid sheegi kartaa jirin. 

Labada cudur ee ugu darani waa in aan dhexdooda is aamminaad jirin iyo dareenkii waddaniyadda oo u muuqda mid dhintay. Bil matal, ma jiraan maanta wax ay wada leeyihiin oo la sheegi karaa. Wax kasta oo noloshooda la xidhiidhaa waa wax la kala leeyahay. Halbeegga ugu mudan ee badiba wax lagu qiimeeyaa waa qabiil; ilaa heer aragtida qof laga qabaa ay si uun ula xidhiidho aragtida qabiilkiisa laga qabo. 

Qarannimo iyo salkeedii xis iyo xusuus looma laha. Xintan qabaa’il ayaa ku keliyeystay oo halkii u dambaysay la gaadhay. Wacyigii dadnimo iyo kii ummadnimaba waxa meesha ka saaray kii ficiltanka qabiillada iyo hiillada xigtanimada abtirsiinta. Sidaa awgeed, Somaliland meel daran bay sii socotaa — waa meel ay adkaan doonto sida ay uga soo kacdaa. 

***

Asaaskii Somaliland (1991) inkasta oo uu qabiilku saldhig u ahaa, waqtigaa dhismaha qabiilnimadu wuxuu ahaa mid loogu danaynayay ururinta bulshadii reeraha u kala qubatay colaadihii dhacay ka dib horraantii sagaashameeyadii. Xilligaa, qabiilnimada dawladeed waxay ahayd heer dabiici ah oo la mid ah sidii bulshadu hidde ahaan isu abaabuli jirtay ee khilaafka ku wada xallisan jirtay. 

Ujeedku marna muu ahayn in qabiilka iyo qabyaaladda laga dhigto aydhoolajiyad ama mabaadi’ asaas u ah siyaasadaha gudaha dalka, xukunka dawladdana lagu saleeyo, una waarto sidan ay u waartay hadda. Hase yeeshee, taa sababteeda u weyni waa dhaqan-siyaasadeedka siyaasiyiinta, hormuudka iyo hoggaanka bulshada oo tan iyo asaaskii dawladnimada Somaliland mar walba dantiisu uga dhex muuqatay isku milanka qabiilka iyo siyaasadda.

Hoggaamintu waxay leedahay muhiimad weyn — gaar ahaan wejiga hore ee dhismaha dawladnimada, sida uu yidhi Montesquieu: “bilawga, dhalashada iyo dhismaha umadduhu waa hoggaamiyaha oo qaabeeya ama dhisa hay’adaha, ka dibna hay’adahaas ayaa noqda kuwa soo saara ee qaabeeya hoggaamiyayaasha cusub(1)”. Sababtan baa qoraalkani ugu arkaa sababaha iyo caqabadaha hortaagan dhismaha dawladnimo dhab ah oo ka fog qabiilka iyo qabyaaladda dhaqansiyaasadeedka hoggaamiyayaasha siyaasadda, oo taa beddelkeedana danahooda gaar ah uga faa’iidaysanayay qabiilnimada siyaasadeed. 

Sida ay Chinua Achebe hadalkeedii gunaanadka ahaa ee ay ka qortay dhibaatada dalka Nayjeeriya ku xustay ”dhibaatada taalla dalka Nayjeeriya waa tu gabi ahaanba ka timid guuldarro hogaamineed oo xidhiidh ah(2)”, halis kasta oo maanta dawladnimada iyo is ahaanshaha umadeed ee dadka Somaliland ku jiraan waa ayaandarro weyn iyo guuldarro hoggaamineed oo dul saaran siyaasiyiinta degelkan, kuwaas oo aan haba yaraatee marnaba la iman han sare iyo hoggaamin ay ku samatabixinayaan dadkooda, ku dhisayaan dawladnimada iyo qarannimada kuna xoojinayaan is'ahaanshaha umaddeed. 

Shaki la’aan dhaqanka ku dhisan ficiltanka iyo tiratiraha qabiilku wuxuu halis ku yahay jiritaanka dawladnimada Soomaalilaan, waxaanu aakhirka gaadhsiin karaa meel ay adag tahay in si fudud looga soo kabto. Taa awgeed, haddii siyaasiga Somaliland, dano gaar ah awgood ugu xilanayay qabiilnimada dawladeed iyo siyaasadeed, maanta waxaa halis ugu jiraan danihii guud iyo qarannimadii iyo dawladnimadii Somaliland. Taasi waa mid waaqaca maanta si weyn uga dhex muuqata, sida ay tilmaamayaan tusaalayaasha iyo dhacdooyinka hoose. 

HALISTA IS ARAGGA QABYAALADEED:

Tusaalaha habdhaqanka beelaha ee doorashooyinkii 2017-2024:

Somaliland intii ay jirtay heerka qabyaaladda siyaasadeed marba meel buu taagnaa. In kasta oo ka hor 2010kii (doorashadii madaxtooyada) tiratiraha qabyaaladda siyaasadeed ee gudaha Somaliland uu aad u hooseeyay (sababta wixii la doonaba ha lagu sheegee) haddana waxay xadhkaha goosatay wixii ka dambeeyay 2010kii, gaar ahaan doorashadii 2017kii oo astaan u ah (sidaan u arko) heerkii u sarreeyay ee qabyaaladda siyaasadeed ee Soomaalilaan ay gaadho — intii ka dambaysayna marba marka ka sii dambeeya heegga ayay sii goosanaysay. 

Waxaa la yidhaahdaa bulsho walba xaaladda ay markaa ku jirto iyo heerka garashadeeda ayaa jaangooya fekerka ay ku samaysato iyo diiradda ay ku eegto macnaynta dhacdooyinka dhexdeeda. Doorashadii madaxtooyada 2017kii, in kasta oo ay si dimuqraaddi ah u tartamayeen saddex musharrax/xisbi qaran, guushiina ay raacday musharraxii xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi (MW. Biixi), si’aragga qof iyo koox ee dadku wuxuu uga dhignaa tartan u dhexeeyay saddex qabiil (Garxajis, Awal iyo Habarjeclo). Taasi waxay sababtay in xisbiga iyo musharraxa guulaystay uga dhignaado qabiil ka guulaystay mid kale, labadii musharrax ee kale, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (MW. Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe iyo xisbiyadoodiina noqdaan qabiil laga guulaystay.

Dabcan madaxweynihii xukunka ku guulaystay, MW. Biixi, laftiisa ayay sidaa ugu muuqatay ama la ahaydba! Taa waxa marag u ah doorashadii muddo ka dib madal uu dadweynaha Agabar ugu khudbadaynayay wuxuu yidhi “Reerkii laga badiyay wuxuu u qaadanayaa inay gabadhaa guurwaa tahay, oo laga adkaaday, oo laga xarrago qaatay”, isagoo sii wata hadalkiisa wuxuu intaa hore raaciyay, “Qolodeennii guulaysatay ee aan odayga u ahay aynnu wax walba iyaga horumarino oo gacan walaaltinnimo kaga daba tagno(3)”. Tan iyo xilligaa Soomaalilaan waxa isu kala beddelayay marxalado adag iyo xaalado halis leh, kuwaas oo marba weji iyo jilayaal yeelanayay, maantana weji kale iyo jilayaal kale leh. 

Ka dib la-wareegiddii xilka ee MW. Biixi, Beesha Garxajis oo ay ka soo jeedaan madaxdii labada xisbi ee Waddani iyo UCID, waxay isu diyaarisay abaabulka mucaaradad adag oo ay kala hor tageen xukuumaddii labaad ee Kulmiye. Shirweyne beeshu dal iyo dibadba isaga timid ayaa lagu qabtay buurta Gacanlibaax (23-27kii Juun). Wuxuu ahaa shir xasaasi ah oo si weyn loogu dheg taagayay waxa ka soo bixi doona gudaha Soomaalilaan kamay se soo bixin wax ka duwan intii reeruhu ka soo saari jireen shirarkooda. Hase yeeshee, dad badani waxay aamminsan yihiin in mucaaraddadii siyaasadeed marna qabiileed ee lagala hortagay xukuumaddii MW. Biixi ay ka mid ahayd go’aannadii shirka Gacanlibaax. 

Si kastaba ha ahaatee, 7dii sano ee MW. Biixi talada dalka gacanta ku hayay, wuxuu waajahay guluf adag oo mucaaradeed. In kasta oo ay wajigii hore saldhig u ahayd beesha Garxajis, haddana, sannadkii u dambeeyay muddo-xileedkiisa iyo labadii sano ee korodhsiimaha ahaa, mucaaraddadu waxay wada gaadhay bulshada Soomaalilaan inteeda badan, taasna waxa marag u ah inay 64% ka codeeyeen MW. Biixi doorashadii Nov, 2024.

Mar keliya ayuu dalku galay is arag reereed oo qabyaaladaysan. Waxa bilaabmay mucaaradad reeraysan, waxa soo baxay kaabbayaal qabiil oo si weyn ugu heellan ka faa’iidaysiga caadifadda reereed ee taageerayaasha mucaaradka. Waxa suuqoodu kor u kacay shaqsi kasta oo nuxurka hadalkiisa ay saldhig u tahay qabiilnimadu. Waayo waxa loo arkayay inuu difaacayo ama u taagan yahay danaha qabiilka.

Tusaale, muddadii ay mucaaradka ahaayeen beesha Garxajis, Liibaan-Caddaalada waxaa loo arkayay hoggaamiye qabiil oo aqlabiyadda beelaha mucaaradku ku daba fayshan yihiin. Wuxuu ahaa qof u taagan difaaca danaha qabiilnimo ee beesha uu ka soo jeedo, taas baana ahayd waxa uu ku hantiyay qalbiyada inta badan ee dadkiisa. In kasta oo uu qabtay wax badan oo waxtar bulsho ah — gaar ahaan garab istaagga danyarta (tus. Gubashadii suuqa Waaheen oo uu garab siiyay ganacsatadii yaryarayd) — haddana qoraalkani wuxuu halkan tusaale ugu soo qaadanayaa wejigii qabiilnimada ee uu u taagnaa. 

Innaga reer hebel ah iyo iyaga reer hebel ah, ayaa ahaa waxa keliya ee hagayay garaadka iyo garashada bulshada. Tiir dhexaadka doodaha iyo hadallada mucaaradka (Garxajis) wuxuu ahaa innaga reer hebel ah la inooma oggola xukunka dalka, waxa inoo heshiiyay laba beelood (Habarjeclo iyo Sacad Muuse), nacabkeennu waa beelaha Kulmiye ku midoobay. 

Waxa xoogaystay hadal kasta iyo ficil wal oo ka turjumaya ama ahba nacayb, xintan, wax iska celin, kicin, aflagaaddo iwm. Si taa hore ka soo horjeedda waxa la yaraystay hadal wal iyo ficil kasta oo midnimo, toosin, wanaag, iwm ah. Qofka aan barta adag taaban ama ficil adag ku dhaqaaqin wuxuu ahaa qof liita oo cid kale iska dhaadhicinaya — marka mucaaradka la joogo. 

Heerkii u sarreeyay ee mucaaraddada reereed ay gaadhaa wuxuu ahaa samaysankii Jabhadda Gacanlibaax (Julaay, 2023), ka dib markii Komishankii Doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqeen sida ay u soo kala horreeyaan, doorashada ururrada/xisbiyada iyo Madaxtooyadu. In kasta oo doodaha qaar tilmaamayaan in asaaska jabhaddani ka dhalatay hab-dhaqankii gurracnaa ee madaxweynihii talada hayay, MW. Biixi, haddana waxa aan shaki ku jirin dareenka samaysanka jabhaddani inuu ahaa mid dhashay dareenkii guud ee mucaaraddeed ee beesha Garxajis. Si kastaba ha ku timaaddee, asaaska jabhadda Gacanlibaax wuxuu tusaale u ahaa sida caadifadda qabyaaladeed majaraha ugu qabatay jihaynta siyaasadda gudaha Somaliland, ugana awood badisay hoggaankii siyaasadeed ee mucaaradka ahaa. 

***

Ka dib doorashadii madaxtooyada ee November 2024 iyo la wareegiddii xukunka ee MW. Cirro, wax waliba way isbeddeleen (mucaaradkii waxay isu beddeleen muxaafad halka muxaafadkiina isu rogeen mucaarad). Sida waaqica bulshadu yahay, xukunkii dalka waxa ku fadhiisatay qolo isu arkaysay in muddo dheer laga riixayay talada u sarraysa ee dalka, waxaana mucaarad noqday qolo muxaafad ahayd (Subeer Awal) muddo badan, gaar ahaan intii uu talada dalka hayay MW. Biixi. 

Abaabul qabiilaysan iyo kicin qabyaaladaysan baa durba ku bilaabmay xukuumadda cusub ee MW. Cirro. Dad badan waxay ula muuqataa ficiltan iyo tiratirayn reereed oo ka dab qaadanaysa tallaabooyinkii mucaaradkii hore dibna u raacaysa raadkaa hore. Waxa hoggaaminaya innagoo reer hebel ah bay dawladdeenii iyagoo reer hebel ahi mucaarad ku ahaayeen. Halkaasna waxa ka soo baxaya innagoo reer hebel ahi waa in aynnu mucaarad adag ku noqonnaa reer hebel ah dawladdooda!

Dawladdu ma aha mid la wada leeyahay oo umaddeed sababtoo ah mucaaradkii hore iyagaba sidaa ugumay muuqan! Madaxweynaha iyo xukuumaddu ma aha kuwo cod dimuqdraaddi ah ku soo baxay oo maamulka dalka xaq dastuuriya u leh, waayo mucaaradkii horeba sidaa umay ahayn! Sidaa awgeed, xaaladdan in mucaaradka cusubi u dhaqmo si ka duwan sidii mucaaradkii hore, waxay u arkaan liidasho iyo doqonniimo, waana ficil la’aan. 

Si la mid ah sidii beesha Garxajis waxay beesha Subeer Awal yeelatay kaabbayaal ka ganacsada dareenka iyo caadifadda dadweynaha reerka, kuwaas oo qawlkooda iyo ficilkoodaba ay saldhig u yihiin ficiltan qabiil, kicin, aflagaaddo, xintan iyo nacayb ku jihaysan beelaha Garxajis iyo Habarjeclo. Waxa dhegaha beesha mar keliya la wareegay cid kasta oo intaa kor ku xusan qawlkooda iyo falkoodaba ay saldhig u yihiin. Tusaale waxa ah Goosha Isaaq oo ah inan dhallinyaro ah oo ka soo jeedda beesha Subeer Awal. 

Bilawgii mucaaraddada Subeer Awal, gulufkii u horreeyay wuxuu haleelay, Cabdikariin Axmed Mooge (Maayarka Caasimada), oo sida dad badani qabaan loo arkayay nin ka soo hor jeestay oo riday dawladdii Kulmiye ee MW. Biixi. Muddo yar gudaheed waxa lagu dhawaaqay jabhad ay asaaseen xubno beesha ka soo jeedaa. Waxa ku dhawaaqay nin magaciisa loogu yeedhay Qalbiwareen (halka jabhaddii Gacanlibaaxna uu hoggaamiyay Oofwareen). In kasta oo aanay ahayn, sidii jabhaddii Gacanlibaax, haddana ku dhawaaqiddeeda ayaa ah wax weyn marka aynnu ka hadlayno mawduuca qoraalkan. 

Haddii beesha Garxajis dhawr bilood gudahood ku shirtay Buurta Gacanlibaax, Sacad Muuse dhawr shir oo yaryar bay dalka iyo dibaddiisa ku qabsadeen, kuwaas oo giddiba nuxurka ujeeddooyinkoodu ahaa kicin iyo difaaca wax loogu yeedhay danaha Subeer Awal oo duullaan lagu yahay. Heerkii u sarreeyay ee ay gaadho wuxuu ahaa buug lagu sheegay in beesha Subeer Awal diyaarisay, “Warbixinta Beegsiga iyo Aargoosiga Beesha Subeer Awal ee Dawladda Madaxweyne Cirro”, kaas oo la soo saaray 12 May, 2025. 

***

Arrimahan oo dhami waxay muujinayaan halista dawladnimada Somaliland ugu jirto is'aragga qabyaaladeed iyo kala ficil qaadashada reeraha, oo bulshada (gaar ahaan waxa loogu yeedho beesha dhexe), si weyn u dhex yaalla. Kaas oo saamayn xun ku leh beelaha kale ee Somaliland deggen. Wuxuu abuurayaa dareen ah in Somaliland tahay wax dhex yaalla loollanka qabyaaladeed ee beesha dhexe (Isaaq), beelaha kalena marti ka yihiin. Taasi laba halisood bay leedahay: in beelaha aan Isaaq ahayn ay ku kellifto inay isu abaabulaan sidii ay uga hoos bixi lahaayeen Somaliland-ta u ekaatay gole beesha dhexe kelideed ku dheelayso, iyo intaan taa la gaadhin in Somaliland u burburto loollan qabyaaladda siyaasadeed ee beesha dhexe. 

Sidoo kale, waxay tusinayaan tusaalayaasha iyo dhacdooyinka sare, dawladnimo, waddaniyad iyo hadallada la midka ah ee dadka Somaliland inay u socon waayeen inay yihiin wax ka imanaya quluub aan fayoobayn oon daacad ahayn, quluub kala shakisan oo kala baqaysa ayayna ku dhacayaan.

Gunaanad & Talo-soo-jeedin:

Qabyaaladdu waa dhibaato, guud ahaan dawladnimada Soomaalida haysata, si gaar ahna halis weyn ku ah dawladnimada Somaliland. Sideedaba ma aha wax caqli la fahmi karo ku dhisan, ee waa uun caaddifad dareenka maangaabka ku qaraxda dabadeed meel daran u didisa. Wax ay curyaamisaa horumarka nidaamka siyaasadeed ee bulsho iyo qaran, waxaanay hoos u dhigtaa kalsoonida bulshadu ku qabto dawladnimada iyo qarannimada. Wax ay dhaawacdaa habka xulashada hoggaanka; waxaanay is hortaagtaa horumarka siyaasadeed iyo dawladnimada. Aakhirkana waxay keentaa inay dawladnimadu u eekaato ama noqotaba mid beeleed aan ku dhisnayn rabitaanka guud ee bulshada. 

Waa dhaabad iyo caqabad weyn oo hortaagan in la helo dawlad taabbagal ah, dimuqraaddi ah, oo hanaqaadda, iskaba daa e waxay dhaabad ku tahay sidoo kale in la helo bulsho leh astaamaha iyo hannaanka dimuqraadiyadda iyo horusocodnimada. Dhanka kalena, waxay burburisaa sharciga dawladnimada loo dejiyey oo aan haba yaraatee wax qiimo ah yeelan cidna ku dhaqmin. Sidaa awgeed, waa cadaw weyn oo hor istaaga ama rakaadiya dhismaha dawladnimada iyo umadnimada is ahaanshaha bulsheed ku dhisan. Bal e, aqoonyahanka dersa colaadda waxay aamminsan yihiin in qabyaaladda siyaasadeed ay tahay agabka ugu culus ee colaadda lagu shidaaliyo. 

Sidaa darteed, dal sabool ah, sida Somaliland, loollanka qabiilku wuxuu ku yahay halis, sababi karta colaado qabiil oo ba’an iyo burbur laxaad leh. Kala qaybsanaanta qabaliga ah iyo kala fogaanshaha umaddu ma taageeri karaan sii jiritaanka Somaliland. Nidaam siyaasadeed oo ku dhisan qabyaaladina ma noqon karo mid waara oo jiritaan sugan leh. 

***

Sookabashada qarannimada Somaliland waxay u baahan tahay in toos loo abbaaro sababaha asaasiga ah ee dhibaatooyinka iyo caqabadaha hor taagan, gaar ahaan qabyaaladda — oo ah cunsur halis ku ah ummadnimada iyo dawladnimada oo aan indhaha laga qarsan karin — iyo habkii loo xallin lahaa waxna looga qaban lahaa. Taa si loo gaadho, deraasado xeel fog oo ku aaddan sababaha uu qabiilku muhiimka u noqday iyo saamaynta taban ee uu dawladnimada casriga ah ku leeyahayba waa lama’huraan. Waxaa loo baahan yahay qorshe cad, ajande hufan iyo istaraatajiyad sugan oo ku aaddan in loo baahan yahay in aafadan lala dagaallamo iyo sida loola dagaallami karo. 

Sida uu qoraalkani u arko, ugu horrayn, xalka waxaa lagu heli karaa in bulshada dib loo gu noqdo, oo waa ay daadsan tahay ee la ururiyo, oo waa ay jajabtay ee la kabkabo, oo waa ay kala baqaysaa ee la heshiisiiyo, oo waa la khiyaanay ee kalsoonidii loo soo celiyo, oo waa la dhacay ee waxeeda loo ilaaliyo. Si intaaba loo xaqiijin karo, qoraalkani wuxuu soo jeedinayaa in marka hore wax laga qabto waxyaalaha loo adeegsado kala-dilka iyo kala fogaynta bulshada, laguna koriyo qabyaaladda siyaasaddeed. 

Tallaabooyinka ugu horreeya ama ugu mudanba waa in wax laga qabto warbaahinta casriga ah oo noqotay qalab saamayntiisu ilaa xad ay culus tahay. Sidoo kalena ah saldhigga laga huriyo colaadaha, lagu faafiyo dacaayadaha, beenta iyo iskudirka, kuwaas oo giddiba loo adeegsado kala'irdhaynta bulshada, iyo kicinta qabaa’ilka. Barbara Walter oo ah shakhsi si weyn u baadha dagaallada sokeeye, waxay cod dheer ku sheegtay in baraha bulshadu yihiin "huriye", si weyn uga qaybqaata xasarado iyo colaado sokeeye oo lagu rogmado, si dhayal ahna lagu loodin karin.

Waxaa hubaal ah in dad badan oo Somaliland ku nool ay si aan masuuliyad lahayn u adeegsadaan baraha bulshada iyaga oo baahinaya hadalo qabyaaladeed oo cunsuriyad iyo colaadin beeleed. Hadalladaas waxay abuuraan dareen nacayb ah oo si toos ah u waxyeellaynaya wada-noolaanshaha bulshada, korna u qaada xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

Waagii hore afka qabiilka waxa ku hadli jiray gabayaaga oo keliya. Intii baraha bulshadu dunida ku soo kordhay waxa afka qabiilka ku hadla dhallinyarada adeegsata, kuwaas oo ay ka muuqato carcar hor leh una dhaqma si anshaxa iyo qiyamka baalmarsan. Waxay faafiyaan xogo khaldan, waxay huriyaan dagaallo, waxay isku rakibaan hadallo la jarjaray, si ay u sameeyaan wax run u eg. 

Arrinkan qadhaadhkiisu si banyaal ah ayuu reer Somaliland u horyaallaa, wayna dareemi karaan khatarta laga dhaxlay. Sidaa awgeed, wuxuu u baahan yihiin xeerar iyo xakame adag oo lagu kaantaroolayo dadyowga caadaystay inay uga faa’idaystaan qabyaaladda. Guud ahaanna, warbaahinta masuuliyad baa ka saaran ilaalinta anshaxa suubban iyo qiyamta lama’taabtaanka ah ee ummadda. Waa inay noqdaan kuwo ka madhan naxli, kala-qaybin iyo qoqob bulsheed intaba, oo aanay baahin wax kasta oo dareen qabiil si uun looga urin karo. 

Dawlad kastaa waxay mas’uul ka tahay ilaalinta nabadda, isku-duubnida bulshada iyo jiritaanka qaranka. Haddii xukuumadda Somaliland aanay si dhaqso leh u qaadin tallaabooyin sharciyeed iyo ciqaabo adag oo lagu xakamaynayo faafinta hadallada qabyaaladeed ee warbaahinta iyo baraha bulshada, waxay khatar gelinaysaa aayaha siyaasadeed iyo jiritaanka dawladnimada.

Marka xiga, si loo tirtiro qabyaaladda waa in la helo mabda’ ka sarreeya, kana mudan kan qabiilka oo dadka mideeya, isla markaana isku xidha. Diinta Islaamku waa mabda’ sharfan oo haddii loo noqdo, laguna walaaloobo daawana u noqon kara eelkan karkaarrada jabsaday. Sidaa darteed, culimadu diintu waxay kaalin muuqata ka qaadan karaan la tacaalidda dhibaatooyinkan.

Waxa iyana muhiim ah waxbarashada. Waa tiir asaasi u ah haykalka bulsho kasta waana qiyaas bixiyaha laga dheehdo xaddiga iyo cabbirka horumar ee bulsho gaadhay ama ay gaadhi karto iyo tiirka horumarka bani aadanka. Manhajkeenna iyo bii’adda ardaygeennu wax ku bartaa waa in aanay noqonnin kuwo abuura arday qabiili ah oo aamminsan innaga reer hebel ah iyo iyaga reer hebel ah. Taa beddalkeeda, waa inay soo saaraan arday leh han sare iyo himilo ummadnimo. 

Siyaasadda ayaa iyaduna muhiimad gaar ah leh, waayo waa nidaamka maamulka dowliga ah, awoodaha iyo go’aannada masiiriga ah. Waxa la yidhaahdaa siyaasaddu waa tiirdhexaadka dhisnaanta ama dumista, horumarka ama dibudhaca ummad walba. Dhammaan qaybaha kale ee noloshu waxay la dhismaan ama la burburaan siyaasadda. Taa darteed, nadaamka siyaasadeed ee bulshada Somaliland inta uu ku dhisan yahay qabiilka marnaba dhici mayso in la isku fahmo siyaasadda iyo awoodaha. Sidaa awgeed, hagaajinta nidaamka siyaasadeed ee dalku waa lama’huraan. 

Ugu dambayn, dal iyo dawlad waxa jirsiin kara ee lagu wada yeelan karaa waa wada lahaansho iyo ummadnimo; ummad mid ah ama ummado isu tagay ayaa dal lahaan kara oo magaciisa wada sheegan kara. Dhismihiisa ummadeedna waxa suga qarannimo (cilmiga bulshadu wuxuu yidhaahdaa, 'a nation organized in a form of state'). Haddii la waayo wada lahaanshaha, is ahaanta umaddeed wiiqanto, is aragga reeruhu bato, oo qiiradu ku ururto dhulka Reer Hebel iyo Reer Hebel, dal ma jiro mana jirayo. 

Sidaa awgeed, is ahaanta qofeed iyo umaddeed ee dad reer Somaliland ah waxaa hor yaalla wayddiimo culus oo ay tahay inay jawaabo u helaan, kuwaas oo kala ah: Waa maxay Somaliland? Yaa leh Somaliland? Maxay isu yihiin reer Somaliland? Maxaa lagu helaa Somaliland maxaa se lagu waayi lahaa la’aanteed?

 

WQ: Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

20 May, 2025 Hargeysa

——————

1) Quoted in Danwart A. Rustow, A World of Nations (Washington, D C: Brookings, 1967), 135.

2) Chinua Achebe, the Trouble with Nigeria (Fourth Dimension Publishing Co, 2000), 1. 

3) https://youtu.be/1NXwzKnqJ8g?si=5diK8ggTr0lB1gM- 

Comments