Buugga: Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur)

Hordhac

Ilaa intii aan waxbarashada bilaabayba, guud ahaan taariikhda Soomaalidu, gaar ahaanna taariikhda siyaasadeed ama dawladnimada Soomaalidu, waxay ahayd walina tahay arrin qalbigayga iyo maskaxdayda ilaa maanta ku tallaalan. In aan mar kasta la fadhiisto kana dhegaysto dadka waayeelka ah waayihii iyo taariikhda Soomaalida wixii ay u soo joogeen, tan iyo waagaa waxay ii ahayd caado. La-joogga iyo la-sheekaysiga dadka waaweyn waxa iigu baxday naanaysta “Waayeel” oo qof kasta oo tan iyo yaraantaydii i yaqaannay uu ii garanayo.

Waxaan bilaabay akhrinta buugaagta taariikhda Soomaalida iyo dawladnimada ka warramaysa muddo hadda laga joogo toban sannadood, si gaar ah waxaan u xiisayn jiray buugaagta ay qoraan ama laga qoro jilayaashii siyaasadda Soomaalida. Ma is lihi maanta waxa jira buug laga qoray siyaasi Soomaaliyeed ama isaguba uu qoray oo jira ayaa ka maqan maktabaddayda gaarka ah.

Sidaa awgeed, maqalka magaca Cabdiraxmaan Axmed Cali muddadaa wuxuu igu ahaa muush inta badan igaga soo baxa buugaagtaa, kolka laga sheekaynayo halgankii dibuxoraynta qaran ee SNM hormuudka ka ahayd, kolkaasna xog dhaafsan in uu ahaa guddoomiyihii ugu dambeeyay Ururkii SNM ee ku guulaystay dibuxorayntii qaranka ka ma aan maqli jirin; qudhayduna nin ka mid ahaa xubnihii badnaa ee Ururkii SNM oo guddoomiye ka soo noqday, ka dibna madaxweyne ka soo noqday Jamhuuriyadda Somaliland ayuun buu ila ahaa. Xitaa muddadii uu Jamhuuriyadda Somaliland madaxweynaha ka ahaa xogta keli ah ee aan ka maqli jiray waxay ahayd in aan xilligiisii waxba la qaban, muddadiisii kolkii ay dhammaatayna shirkii Boorama madaxweyne kale lagu doortay.

Wixii ugu horreeyay ee laga qoray ee sawir buuxa iga siiyay sooyaalka ballaadhan iyo taariikhda mucjisada ah ee uu leeyahay, wuxuu ahaa qoraalka uu Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib ka qoray Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali ee ku jira buuggiisa la yidhaahdo Somali Phoenix oo markii iigu horraysay aan ku akhriyay sannadkii 2016kii jaamacadda International Islamic University ee dalka Malaysiya oo uu yaallay maktabaddeeda akhriska. In kasta oo qoraalkaasi ahaa mid kooban oo dhawr bog ah, haddana miisaanka uu leeyahay, xaqiiq waxa ah in buuggaasi si kale ii baray Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali shakhsiyaddiisii, shaqooyinkiisii laga soo bilaabo guddoomiye degmo iyo guddoomiye gobol, diblamaasinimadiisii, ilaa jabhadnimadiisii iyo madaxnimadiisii Jamhuuriyadda Somaliland.

Maalintaa aan akhriyay buugga Jeneraal Jaamac-Yare ka dib wax aan bilaabay sidii aan marba marka ka dambaysa raadraac ugu samayn lahaa taariikhdiisa. Wax aan xilligaa ka bilaabay in aan afafka Carabiga iyo Ingiriisiga ku baadho Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali wixii laga ga qoray. Baadhitaankaa internetku wuxuu igu riday badweyn aan laga gayoonayn oo taariikhdiisa ku xidhiidh leh. Hase yeeshee, dabagal rasmi ah wax aan ku bilaabay taariikhdiisa sannadkii 2019, bishii Feebarwari, kolkaas oo aan tagay magaalada Muqdisho. Waxaan bilo la fadhiyay Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo aan ka duubay in ka badan 16 saacadood oo dhammaantood uu ka warramayo, laga soo bilaabo 1956 ilaa sagaashannadii qarnigii tagay, Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali. Kuma aan koobnaan Jaamac ee waxa aan waqti u helay in aan la kulmo jeneraallo, wasiirro hore iyo diblamaasiyiin wax badan ka hayay Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali.

Muddadii intaa ka dambaysay waxaan u xidhxidhay sidii aan u heli lahaa rag badan oo xogo ka hayay Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali kuwaas oo ku kala sugnaa dalalka Suudaan, Eretariya iyo Soomaaliya. In kasta oo rag badani dhinteen, kuwo kalena gabaw hayo, haddana tobaneeyo ka mid ah Suudaantii ay aadka isugu dhawaayeen ama xilalka sare dalkaa ka soo qabtay iyo Ereteriyaan ka mid ahaan jiray hoggaankii sare ee Jabhadihii Xoraynta Ereteriya ayaan nolol ku la kulmay. Sida buugga gudihiisa loogu tagi doono, Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali gacan weyn ayuu xilliyadii ay halganka ku jireen dadka reer Ereteriya siiyay, sidaa awgeed shacbiyad weyn oo aan soo arkay kolkii aan tagay ayuu ku leeyahay umadda Eretariya dhexdeeda.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali, Ilaahay naxariistiisa janno ha ka waraabiyo e, wuxuu ahaa qof taariikh ballaadhan ku leh guud ahaan Geeska Afrika iyo gaar ahaan geyiga Soomaalida; Jamhuuriyadda Somaliland marka laga hadlayana, waa hoggaamiyihii xoreeyay, rukunnada ugu mudan ee ay ilaa maanta ku taagan tahayna dhigay. Way ballaadhantahay taariikhdiisu, in hoggaamiye isaga oo kale ah oo taariikhdiisuna ku fidsantahay adduunka la isu xilsaaro sidii loo ururin lahaana dhab ahaan mid sahlan ma ahayn.

Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal khudbaddii uu ka jeediyay Shirweynihii Beelaha Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu qabtay magaalada Boorama sannadkii 1993, isaga oo ka hadlaya Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxa hadalkiisii ku jiray, “Dalkan taariikh baa laga qori doonaa. Hadday qorantahay oo taallaa. Qaar aan dhalan maanta oo dhabarkeenna ku jira oo aan cidna u eexanayn ayaa qori doona taariikhdaas. Bog dahab ah ayuu Cabdiraxmaan ku yeelan doonaa.” Wakhtiga uu hadalka jeedinayay Madaxweyne Cigaal ma aan dhalan e saddex gu’ ka dib baan dunida guudkeeda imid. 25 sannadood ka dib xilligaa khudbaddu baxday ayaan u dhaqaaqay ururinta Sooyaalka Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali.

Haddaba, nuxurka guud ee buuggani waa in aynnu wadaagno sooyaalkii dheeraa ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali oo aan ku soo qaadanayo waayo iyo dhacdooyin ka la geddisan oo marka hore tiisa qofeed iyo kartidiisii shaqo, fikirkiisii iyo hoggaamintiisii taabanaya, marka xigtana Soomaalida, dadka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo guud ahaanba Geeska Afrika ku xidhiidhsan.

Marka laga yimaaddo taariikhda dheer ee shaqadiisii iyo noloshiisii ah, wuxuu Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali la gaar yahay marka hore in uu dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland badbaadintoodii iyo guushii weynayd ee dibuxorayntooda qofka dhaliyay ee keenay uu ahaa. Marka xigtana, siyaasadda sida looga bartay, badi siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa Jamhuuriyadda Somaliland waa in ay dan shakhsi ugu jirta, isagu se muddadii nus qarniga ka badnayd sooyaalkiisa siyaasadeed waxa hoggaaminayay mawqifka dhab ugu adeegidda dalka iyo dadkiisa, waxaana si weyn uga muuqday danaynta uu siinayay sida guud ahaan ay tahay in bulshadu ay dawladnimada uga helaan adeeg qumman.

Haddaba, buuggani, marka hore, wuxuu ku salaysanyahay waraysiyo aan la kala yeeshay: 1) madax hore, saraakiil iyo diblamaasiyiin ka tirsanaan jiray dawladihii rayidka ahaa (1960-1969) iyo Taliskii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa (1969-1991), kuwaas oo aqoon aad u dheer iyo wadashaqayni soo dhex martay Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali. 2) shisheeye ay ka mid yihiin xubno ka tirsanaan jiray Dhaqdhaqaaqyadii Xornimodoonka dalka Ereteriya iyo qaar kale oo Suudaan ka soo jeeda, kuwaas oo xilal kala duwan ka soo qabtay imminkana ka haya dalka Suudaan oo ay waxbarasho, shaqo iyo aqoon kale intaba Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali wadaageen. 3) saraakiil iyo hoggaan kale oo Ururkii SNM ka tirsanaa, iyo madaxdii ka tirsanayd xukuumaddii Madaxweyne Cabdiraxmaan ee Jamhuuriyadda Somaliland ugu horreysay, haddii ay yihiin wasiirro ama saraakiishii laamaha kale ee dawladda ku magacawnaa. 4) waxgarad iyo guurti ilaa bilowgii Jamhuuriyadda Somaliland u soo joogay. Marka xigtana, dukumentiyadii dowladda iyo kuwii Ururkii SNM, faylal ku keydsan aarkiifiyadahii Ingiriiska (the UK National Archives), faylal ku kaydsan aarkiifiyada Talyaaniga, faylal guriga Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali yaallay oo ka dib geeridiisii ay ilaalisay xaaskiisii Kinsi Ibraahin Cismaan iguna soo wareejisay.

Xog-ururinta buuggu (data gathering) waxay qaadatay muddo saddex sannadood ah, aniga oo sidii aan soo sheegay wakhtiyada qaarkood safarro ku tegay dalalka Suudaan, Ereteriya iyo Soomaaliya intaba. Laakiin qoristiisu waxay ahayd toban bilood (la ga soo bilaabo bishii February 2021 ilaa iyo bishii November 2021). Muddadii intaas ka dambaysay buuggu wax uu ku jiray akhrin ay akhriyayeen dhawr qof oo isugu jiray kuwo habka qoraalka buugga dibusixid ku samaynayay iyo qaar iyagu nuxurka qoraalka iyo taariikhda ku qoran ka talobixinayay.

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

26 Juun. 2022


Comments