Hordhac
Qof bay taariikhdu si yar oo fudud kuu jeclaysiisaa. Waxa aad ku raacaysaana waa raadka sooyaalkiisa qofeed ee ay taariikhdu diiwaangelisay. Mar waxay ku jeclaysiinaysaa qofnimadiisa hodanka ah, kol kalena kartida, aqoonta, geesinnimada iyo ku-dhaca uu lahaa kana muuqday dhacdooyinka uu dhigay ee mahadhada yeeshay taariikhduna u diiwaangelisay. Qofafkaa ay taariikhdu i jeclaysiisay waxa ka mid ah Ibraahin Ismaaciil Maxamed oo ku caan baxay “Ibraahin Koodbuur”.
Ka sokow jacaylkaa ay taariikhdu i jeclaysiisay, waxaan ku dhiirraday in aan aad u dabagalo sooyaalkiisii qofeed iyo hawlqabad ee uu kaga tagay dunida soomaalida. Waxaanay taariikhdu i bartay inuu ka mid ahaa halyeeyadii taariikhda soomaalida, iyo tan Bariga Afrikaba macnaha aadka u weyn ku leh. Sababtaas iyo kuwa kale oo loogu tegi doono gudaha buuggan ayaa igu kellifay in aan ka qoro buuggan oo maantaba ku jira gacmaha akhristayaasha.
Qof ahaan, Ibraahin Koodbuur waan ku garaadsaday maqalka magaciisa; waxaanan ku bartay xuska sanadlaha ah ee la qabto 12ka April, ee ku saabsan hawlgalkii la bixistii Cabdillaahi Askar, dhacdadaas oo faahfahinteeda loogu tegaayo Qeybta 4aad ee buugga.
Sidaa darteed, Ibraahin Koodbuur sooyaalkiisii nololeed, halgameed iyo hoggaamineed, waxaa ku duugan (sida aan qabo) duruus iyo waayo-aragnimo mug weyn leh oo laga baran karo, nolosha shaqsigan mar la aragga ahaa, taa soo noqonaysa: geesinnimada, ku-dhaca, kartida, go’aan qaadashada iyo tilmaamo kale oo lagama maarmaan u ah, xil gudashada dhabta ah ee looga baahan yahay in uu la yimaaddo qofka isu taagaya in uu horseed ka noqdo higsiga isbeddel ummadeed oo macno leh, gaar ahaan hoggaaminta iyo halgen adag oo hubaysan, oo lagula jiro nidaam keli talis ah oo awood badan leh.
Ugu danbayn, nuxurka guud ee buuggani waa in aynnu wadaagno sooyaalkii dheeraa ee Ibraahin Koodbuur, oo aan ku soo qaadanayo waayo iyo dhacdooyin kala geddisan oo marka hore taabanaya tiisa qofeed iyo kartidiisii shaqo, iyo maaraynta duruufihii qallafsanaa ee xilliyadii halgenka, marka xigana; hoggaamintiisii ciidannimo, jabhaddeed, aragtidiisii ballaadhnayd ee halgenka iyo Hawlgalkii layaabka lahaa ee uu ka fuliyay Miiska Saraakiisha Qeybtii 26aad ee magaalada Hargeysa.
Dariiqa Xog-raadinta:
Bishii May, 2023kii ayaan bilaabay xog-ururinta buuggan, waqtigaas oo la igu soo wareejiyay waraysiyo siddeed ah oo ay qaadeen Maxamed Cali iyo Zeki Dool, oo buuggan kaalin shariif ah ku leh. Muddadaa waxa kale oo gacantayda soo galay keydkii u ballaadhnaa ee ku saabsan xogta Ibraahin Koodbuur oo uu hayey, horena u ururiyay Xasan Maxamed Yuusuf.
Intaa kaddib, waxaan baadi doonay shaqsiyaadkii ay Ibraahin Koodbuur soo wadaageen waayihii kala duwanaa ee nolosha Sida; waxbarashadii heerarka kala geddisan ee dugsiyada, tii Milatariga, iyo halgankii dibu xoraynta qaran ahaa ee SNM. Waxaanan u kala socdaalay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Muqdisho. Ragga intii ku noolayd qurbahana waxaan kaga bogtey waraysiyo aan kaga qaaday khadka taleefanka, intaa waxa dheer rag doora oo ka mid ah shakhsiyaadkii macrifadda iyo saaxiibtinimada gaarka soo wadaageen. Waraysiyadaasi, haddaan si gaar ah isu dul taago waxay isugu jireen, lix waraysi oo uu hore u qaaday qoraa Siciid M. Gahayr, qaar ay hortay qaadeen Maxamed Cali iyo Zeki Dool oo intuba ku cad Footnote-ka xaashiyaha buugga iyo inta kale oo aan anigu qaaday.
Marka xiga, wuxuu buuggu ku salaysan yahay dukumentiyadii dawladda Soomaaliya, kuwii ururkii SNM, faylal ku kaydsan aarkiifiyadii Ingiriiska (the UK National Archives) iyo xogo duuban oo ku saabsan xusaskii sannadlaha ahaa ee loo qabtay dhacdadii Birjeex ee la-bixiddii Cabdillaahi Aska, kuwaas oo uu keydiyay Xasan Maxamed Yuusuf iguna soo wareejiyay.
Gunaanadkii, buuggu wuxuu u qaybsan yahay toddoba qaybood, oo kala ah:
- Qeybta 1aad: waxay ka warramaysaa noloshiisii hore, ilaa heerarkiisii waxbarasho.
- Qeybta 2aad: waxay ka warramaysaa ka-soo-noqoshadiisii Midawga Soofiyeed iyo muddadii uu ka tirsanaa Ciidankii Xoogga ee Soomaaliyeed, iyo doorkii uu ku lahaa dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya (1977).
- iQeybta 3aad: waxay ku saabsan tahay dhaqdhaqaaqyadiisii qarsoodiga ahaa ee dalka gudihiisa.
- Qeybta 4aad: qeybtani waxay ka warramaysaa Hawgalkii Birjeex ee uu kula baxay halgamaa Cabdillaahi Askar, iyo sidii uu u fuliyay iyo arrimihii ku gedaannaa.
- Qeybta 5aad: waxay ka hadlaysaa tallaabiddiisii iyo doorkiisii halganka SNM, xilalkii iyo masuuliyadihii uu soo qabtay iyo aragtidiisii qaab-halgameedkii ururka.
- Qeybta 6aad: waxay ku saabsan tahay karaamooyinkii qof ahaan uu lahaa iyo geeridiisii (1987).
- Qeybta 7aad: waxa ku urursan qoraallo ay ka qoreen shaqsiyaad ka mid ah kuwii ay Ibraahin Koodbuur sida weyn isu yaqaanneen iyo xogo kale oo laga qoray.

Comments
Post a Comment