Hordhaca
Qorista taariikh-nololeedka hoggaamiyayaashu waa hawl aad muhiim u ah oo kaalin weyn ka qaadan karta fahamka waayaha taariikheed, hannaanka hoggaamineed, iyo dhismaha dhaxalka aqooneed ee jiilasha hadda nool iyo kuwa mustaqbalka.
Hoggaamiyeyaashu waa shakhsiyaad saameyn weyn ku yeesha taariikhda iyo nolosha bulshada ay hoggaamiyaan. Waxa ay hormood u yihiin halganka iyo horumarka bulshada, iyagoo go’aanno muhiim ah ku hagaya jihooyinka siyaasaddeed, dhaqaale, iyo dhaqan ee bulshadooda. Sidaas darteed, qorista taariikh-nololeeddoodu waxay u adeegtaa baahiyo badan oo bulsheed, aqooneed iyo taariikheed.
Hoggaamiyeyaashu ma aha oo keliya kuwo talada haya, balse waa haldoorka bulshada oo door ka ciyaara qaabaynta mustaqbalka ummadahooda. Taariikhda nololeedkoodu waa isha laga daalacan karo duruufihii iyo waayihii ay ku soo shaqeeyeen, halgankii ay la kulmeen, iyo qaabkii ay ula tacaaleen caqabadaha horyaallay. Sidoo kale, waxay iftiiminaysaa xikmadihii iyo waayo-aragnimadii ay ka tageen, kuwaas oo noqon kara casharro qiimo badan oo u fududdaynaya hoggaamiyeyaasha iyo bulshooyinka danbe in ay horumar gaadhaan.
Qorista taariikh-nololeedyada hoggaamiyayaashu waxay leedahay dhowr faa’iido oo muhiim ah:
- Xoojinta Dhaxalka Taariikheed: taariikh-nololeedka hoggaamiyeyaashu waa keyd nololeed oo ilaalinaya dhaxalka taariikheed ee qaran kasta. waxa ay noo oggolaanaysaa in aan fahamno waddadii ay bulshadu soo martay, horumarkii lagaadhay, iyo caqabadihii laga gudbay. Taariikhdani waxay si gaar ah u ilaalinaysaa waayaha iyo guulihii hoggaamiyeyaasha si ay tusaale ugu noqoto jiilasha dambe.
- Casharro Laga Barto Waayaha Taariikhiga ah: hoggaamiyeyaashu waxay marar badan la kulmaan xaalado adag oo u baahan go’aammo adag. Qorista taariikhdoodu waxay ka caawisaa bulshada iyo hoggaamiyeyaasha dambe in ay fahmaan sida loo xalliyo khilaafaadka, loo maareeyo xaaladaha degdegga ah, iyo sida loo hoggaamiyo bulshada xilliyada adag.
- Dhiirrigelinta Jiilalka Cusub: taariikhda hoggaamiyeyaashu waa dhiirrigelin weyn oo ku saabsan guusha iyo adkeysiga. Jiilalka cusub ee hoggaamiyeyaasha ahi waxay ka baran karaan xikmadda iyo waayo-aragnimada hoggaamiyayaashii ka horreeyay, taas oo ka caawin karta in ay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan mas’uuliyadaha horyaalla.
- Cilmibaadhis iyo Daraasado Taariikheed: taariikhda hoggaamiyeyaashu waxay muhiimad gaar ah u leedahay aqoonyahannada, taariikhyahannada, iyo cilmi-baadheyaasha. Waxay siisaa macluumaad dhammaystiran oo ku saabsan waayihii taariikheed ee bulshooyinka, isbeddellada siyaasadeed iyo dhaqaale, iyo doorkii hoggaamiyeyaashu ku lahaayeen horumarinta bulshada.
- Ilaalinta Xaqiiqada Taariikhiga ah: marka taariikhda hoggaamiyeyaasha la qoro, waxaa laga hortagayaa halista ah in xogaha la marin habaabiyo ama lagu murmo mustaqbalka. Taariikh qoran oo rasmi ah ayaa hubinaysa in xaqiiqooyinka iyo waaya-aragnimada hoggaamiyeyaasha la ilaaliyo, loona gudbiyo jiilasha dambe.
Qorista taariikh-nololeedka hoggaamiyeyaashu waa hawl qaran iyo mid aqooneed oo aan la dayaci karin. Waa dariiq muhiim ah oo lagu dhisayo wacyiga bulshada, lagu xoojinayo hoggaaminta wanaagsan, laguna sii xoojinayo dhaxalka taariikhiga ah ee bulsho kasta. Haddii aynu dooneyno horumar waara iyo hoggaamin aqoon ku dhisan, waa in aynnu si joogto ah u dhiirrigelinnaa qorista taariikhda hoggaamiyeyaasha.
Haddaba, buuggan iyo kaygii hore ee aan ka qoray Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) waa baaq iyo bilow ahmiyad weyn leh oo ku saabsan ka faa’iidaysiga waayaha taariikheed ee hoggaaminta hoggaamiyayaashii umadda soo maray. Dhan kalena waa isku-day ka qaybqaadanaya halganka dibu-qoridda sooyaalka umadda, si loo ilaaliyo taariikhda halyayada Soomaaliyeed, loogana hortago illowga halgankii iyo himiladii ay ummaddu u soo halgantay.
Buuggani wuxuu si gaar ah u daboolayaa taariikhda iyo noloshii Cabdiqaadir Koosaar oo ahaa halyey kaalin weyn ku lahaa halgankii ururka SNM. Waa isku day la doonayo in jiilasha hadda iyo kuwa soo socda loogugudbiyo waayo-aragnimadiisii, fikirradiisii, iyo hoggaamintiisii aan caadiga ahayn. Cabdiqaadir wuxuu ahaa qof ku sifoobay karti, hufnaan, iyo himilo ballaadhan oo heer qaran iyo mid qaaradeedba taabanaysay.
Maqalka Cabdiqaadir Koosaar waxaa iigu horraysay xilligii aan waday xog-ururinta sooyaalkii Madaxweynihii kowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur). Waraysiyadii dhaadheeraa ee aan dadka xusuus-afeedda haya ka qaaday ayaan ku bartay Cabdiqaadir Koosaar oo beryihii danbe halgankii hubeysnaa maansada Daalalley ee Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ku siinayso derejada ah ‘DAMAL .’
Runtii taariikhda weyn ee uu lahaa qof si waafi ah waxa iiga sheega waxa ugu horreeyay General Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-Yare), kolkaa ka horna waxba kama aan aqoon. Laga bilaabo maalintaas waxaan qaatay go'aan ah in aan isaga iyo kuwa kale ee la mid ahba ka waraysto cid kasta oo iiga warrami karaysay. Faa'iidada go'aankaasi yeeshay waxa ka mid ah in aan waxa aad u badan ka keydiyo sooyaalkiisa, ka hor intii aanan bilaabin buuggan.
Inkasta oo ujeeddadaydu markaa aanay ahayn in aan waxa ka qaro, waxa se taa igu kellifayay iyada oo ay ii muuqatay gabowga iyo socoshada (geerida) shaqsiyaadka aan la kulmayay ee taariikhda shaqsiyaadkaa saamaynta weyn lahaa loogu tagi karo. Kuwaas oo mar kasta oo mid ka mid ahi geeriyoodo maktabad dhami umadda ka aasmayso. Sidaa awgeed, in aan ka sii reebo, haddii aan arko cid in ay waxa ka qorto ku foogganna aan siiyo ayaa ay ahayd bilawgii ujeeddadaydu.
Haddaba, kolkaan soo saaray buuggaygii kowaad ee Cabdiraxmaan-Tuur, maalmo ka dib waxa aannu magaalada Hargeysa isku barannay Dhudi Cabdiqaadir Koosaar, ka dib waxa dalka Ingiriiska igala soo hadlay Koosaar Cabdiqaadir koosaar. Xidhiidhkan danbe ee aniga iyo Koosaar na dhex maray baa ugu danbayn go'aamiyay in aan hore u bilaabo ururinta sooyaalka Mar-la-araggan uu buuggiisu gacantaada ku jiro. Taana waxa sababay iyada oo Koosaar igu war geliyay in uu hayo dabadeed isoo gaadhsiiyay qoraal-gacmeedyo (handwritten) uu Cabdiqaadir ku qori jiray qorshayaashiisa iyo aragtiyihiisa iyo kuwo daabacan oo kale oo SNM ku saabsan iyo waraaqihii ay is waydaarsan jireen dalalkii taageeri jiray SNM.
Ujeeddada & Dariiqa Xog-raadinta:
Ujeeddada buuggani waa keydinta iyo gudbinta sooyaalka halyey Soomaaliyeed, si loo daboolo baahida loo qabo in jiilasha dambe ay ka faa’iidaystaan waayo-aragnimadii iyo aragtiyadii shaqsiyaadkii taariikhda ku lahaa saamaynta weyn.Buuggu waxa uu ku salaysan yahay xog ururin ballaadhan oo ka kooban:
- Qoraallo iyo Dukumiintiyo Taariikheed: Buugga waxaa saldhig u ah qoraallo iyo dukumiintiyo uu Cabdiqaadir Koosaar gacantiisa ku diyaariyay, kuwaas oo ka turjumaya waayo-aragnimadiisii shaqsiyeed iyo aragtiyihiisii siyaasaddeed. Waxaa sidoo kale la kaashaday faylal taariikheed oo laga helay Aarkiifiyada Qaranka ee UK (The UK National Archives) iyo dukumiintiyo ay lahayd SNM.
- Waraysiyo Badan iyo Safarro: Waxaa la sameeyay waraysiyo lala yeeshay madax hore, saraakiil ciidan, diblamaasiyiin, iyo hoggaamiyeyaal bulsho oo aqoon durugsan u lahaa Cabdiqaadir iyo waayihiisii shaqo. Sidoo kale, xog ururinta ayaa ku baahday waddamo kala duwan sida Tansaaniya, Ruwaanda, Angoolla, Guinea-Bissau, iyo Itoobiya, si loo fahmo xidhiidhka uu la lahaa dhaqdhaqaaqyadii gobonnimodoonka Afrika iyo taageerayaashii SNM.
Qaab-dhismeedka Buugga:
Buuggu waxa uu u qaybsan yahay lix qeybood oo si nidaamsan u daboolaya sooyaalka Cabdiqaadir Koosaar iyo kaalintiisii halganka, kuwaas oo kala ah:- Barbaariddii ilaa Waxbarashadiisii: Qeybtani waxay diiradda saaraysaa carruurnimadiisii, barbaariddiisii, iyo bilowgiisii waxbarashada.
- Xiligii Kacaanka, Halgannadii Afrika & Dagaalkii 1977: Waxay qaadaa-dhigaysaa waayihiisii shaqo ee xukuumaddii kacaanka Oktoobar iyo doorkiisii taageeridda gobonnimodoonka Afrika, iyo dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray. Qeybtani waxa kale oo ay ka warramaysaa isku dhacii Kacaanka iyo Cabdiqaadir.
- Halgankii SNM & Himiladii Cabdiqaadir Koosaar: Qaybtani waxay diiradda saaraysaa kaalintiisii hoggaamineed ee SNM, fikirradiisii siyaasaddeed, iyo aragtiyihii uu ku iftiimiyay mustaqbalka halgankii lagu jiray iyo guud ahaan ka Soomaalida.
- Dhimashadiisii: Qeybtani waxay ka hadlaysaa geeridiisii murugada lahayd, iyo saameyntii uu kaga tagay bulshada, iyo halgankii SNM.
- Qoraallo iyo Khudbado: Qeybtani waxay soo bandhigaysaa qoraallo iyo khudbado muhiim ah oo uu jeediyay Cabdiqaadir, kuwaas oo ka tarjumaya himiladiisii siyaasaddeed iyo aragtiyihiisii hoggaamineed.
- Dad Yaqaannay baa yidhi: Qeybtan oo buugga gunaanad u ahi waxay soo bandhigaysaa qoraallo ay ka qoreen Cabdiqaadir Koosaar qaar ka mid ah shaqsiyaadkii ay halgan-wadaagga ahaayeen iyo kuwo kale oo aqoon durugsan u lahaa.
Cabdiqani Cabdillaahi Aadan
Hargeysa, Somaliland
05 May, 2023.

Comments
Post a Comment