Wargeyska Jeune Afrique ee Faransiiska la ga lee yahay ayaa waraysi kooban oo dhinacyo ka la duwan taabanaya la yeeshay MW. Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), wax yar ka dib shirkii Beelaha Waqooyi ee Burco May, 1991. Waraysigu waxa uu u dhacay sidan hoose:
𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐥𝐢, 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝, 31 Luulyo – 6 Agoosto 1991
“𝐀𝐧𝐢𝐠𝐮 𝐦𝐚 𝐢𝐡𝐢 𝐪𝐨𝐟 𝐱𝐚𝐠𝐣𝐢𝐫 𝐚𝐡”
𝐉𝐞𝐮𝐧𝐞 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐪𝐮𝐞: Maxaad bishii Maajo u go’aansateen in aad dhistaan Somaliland?
𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐥𝐢: Dadweynaha Waqooyiga Soomaaliya waxay doorteen madaxbannaani. Ka dib shirar kala duwan oo dalka oo dhan ka dhacay, kii ugu danbeeyayna uu bidhii May ka dhacay magaalada Burco, shirarkaas oo aannu la tashannay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadu waxay keenneen in aannu la soo noqonno madaxbannaanidayada oo aannu dhisanno dawladdadayada.
𝐉. 𝐀.: Maxaa sababay in midawgii Somaliland iyo Soomaaliya uu guuldarro ku dhammaado?
𝐂. 𝐀. 𝐀.: 30 sano oo tijaabo ah wax natiijo ah kama soo bixin. Koonfur waxba umay qaban Waqooyiga, biyo iyo koronto midna ma jiraan. Hal milyan oo qof oo waqooyiga ah ayaa ku sugan xeryo qaxoonti. Tan iyo 1988kii, 300,000 ayaa ku firidhsan Khaliijka, Yurub, Kanada, iyo Australia. Xaaladdan ma sii jiri karto.
𝐉. 𝐀.: Maxaad u malaynaysaa sababta uu Maxamed S. Barre ugu dadaalay burburinta waqooyiga?
𝐂. 𝐀. 𝐀.: Sidoo kale, wuxuu burburiyay Koonfurta.
𝐉. 𝐀.: Waa maxay qorshihiinnu hadda? Ma u aragtaa in SNM oo inta badan ka kooban beesha Isaaq ay caqabad ku noqon karto midnimada waqooyiga?
𝐂. 𝐀. 𝐀.: SNM waxay albaabkeeda u furtay beelaha kale, mana hayno hoggaanka nidaamka dimuqraadiyadda. Xilligii Maxamed S. Barre wuu dhammaaday, sidaa awgeed kama soo horjeedno beelaha kale ee gobolka, dhammaanteenna waxaan rabnaa in aan illawno wixii hore.
Awoodda si siman ayaa loogu qaybin doonaa beelaha waqooyi. Dawladda ku-meelgaadhka ahi waxay ka kooban tahay 17 wasiir, oo 6 ka mid ah ay yihiin Isaaq. Gadabuursiga, oo qaar ka mid ahi taageerayaashii xukuumaddii hore ee Muqdisho ahaayeen, waxaa ku jira 2 wasiir.
𝐉. 𝐀.: Ma jiraan dhibaatooyin idinka haysta waddamada deriska ah?
𝐂. 𝐀. 𝐀.: Maya! Waxaannu rabnaa in aannu la yeelanno xidhiidh wanaagsan dhammaantood, gaar ahaan xukuumadda cusub ee Itoobiya. Waxaanu doonaynnaa in aannu xidhno boggii hore, oo furno bog cusub oo aannu nabad ku soo celinno Geeska Afrika. Golaha Midowga Soomaaliya (USC) ee la wareegay talada Muqdisho ayaanu sidoo kale ka midaysan nahay danahaas. Taas awgeed, rejo weyn baanu ka qabnaa in aannu is afgaran karno. Waxaanu ku taageeri doonnaa inta karaankayaga ah. Haddii Koonfuri ay dawlad wanaagsan hesho, ma jirto sabab diiddaysa in ay xidhiidh wanaagsan yeeshaan waqooyi iyo koonfur. Itoobiyaanka iyo dadka Soomaaliyeed waxay ku socdaan dariiq sax ah.
𝐉. 𝐀.: Beesha caalamka inteeda kale ma muuqato inay ku dadaalayso inay aqoonsato dalkiinna?
𝐂. 𝐀. 𝐀.: Annagu waxba ma wayddiisanayno. Keliya waxaannu u baahan nahay caawimo bani’aadannimo; waxaanu u baahan nahay cunto iyo shidaal. Dalal dhowr ah ayaa hore noogu soo gurmaday sida Suudaan, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Abu Dhabi iyo Dubai, iyo sidoo kale Oxfam, UNICEF, iyo hay’adaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay.
Waxaanu ku kalsoon nahay mustaqbalka, waxaanuna diyaar u nahay wada shaqaynta deriskeenna: Djibouti, Soomaaliya, Itoobiya.
𝐉. 𝐀.: Ma qorshaynaysaan in aad ka baxdaan Ururrada Soomaaliya hore ugu jirtay (Jaamacadda Carabta, OAU)?
𝐂. 𝐀. 𝐀.: Maya.
𝐉. 𝐀.: Ma jiraan wax jawaab ah oo dheeraad ah oo idiinka yimid OAU?
𝐂. 𝐀. 𝐀.: Abuja, Nigeria, wasiirrada arrimaha dibadda ee Afrika si taban ugamay falcelin.
𝐉. 𝐀.: Laakiin si togan ugumay falcelin midna…
𝐂. 𝐀. 𝐀.: Waa run. Keliya waa arrin waqti qaadanaysa.
𝐉. 𝐀.: Aragti ahaan, xaggee ayaad taagan tahay?
𝐂. 𝐀. 𝐀.: Anigu ma ihi shuuci, mana ihi qof bidix ah. Waxaan ahay muslim wanaagsan, iyo waddani. Waxaan u taagan ahay dhaqaalaha suuqa xorta ah iyo dimuqraadiyadda guud ahaan Geeska Afrika. Anigu ma ihi qof xagjir ah haba yaraatee.
𝐉. 𝐀.: Somaliland ma dawlad Muslim ah baa?
𝐂. 𝐀. 𝐀.: Qof walba waa Muslim dalkeenna. Waxaan leenahay hiddaheenna iyo dhaqankeenna.
Comments
Post a Comment