๐ ๐๐ฅ๐๐ง๐ช๐๐ฒ๐ง ๐ค๐จ๐จ๐๐๐ง: ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐ “๐๐ก๐ ๐๐ซ๐ข๐ ๐ข๐ง๐ฌ ๐จ๐ ๐๐จ๐ฅ๐ข๐ญ๐ข๐๐๐ฅ ๐๐ซ๐๐๐ซ: ๐ ๐ซ๐จ๐ฆ ๐๐ซ๐๐ก๐ฎ๐ฆ๐๐ง ๐๐ข๐ฆ๐๐ฌ ๐ญ๐จ ๐ญ๐ก๐ ๐ ๐ซ๐๐ง๐๐ก ๐๐๐ฏ๐จ๐ฅ๐ฎ๐ญ๐ข๐จ๐ง”
Buugga la yidhaahdo “The Origins of Political Order: From Prehuman Times to the French Revolution” waxaa qoray Francis Fukuyama, waxaana la daabacay sanadkii 2011. Buuggani waxa uu ka hadlayaa horumarka nidaamyada siyaasaddeed ee bani aadanka laga soo bilaabo bilowgii taariikhda ilaa kacaankii Faransiiska ee qarnigii 18aad.
๐๐จ๐ฐ๐๐ฎ๐ฎ๐๐ฒ๐๐๐ ๐ฎ ๐ ๐ฎ ๐๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ฌ๐๐ง ๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐:
1. ๐๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐๐ ๐๐ข๐๐๐๐ฆ๐ฒ๐๐๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐๐๐:
Fukuyama wuxuu ka bilaabayaa buugga asalka siyaasadda, isagoo eegaya bilowgii bani aadanka iyo horumarka siyaasaddeed ee ka dhashay. Wax uu baadhayaa sida bani aanku uu u gu guulaystay halabuurka qaab-dhismeedyo siyaasaddeed oo kala duwan, laga soo bilaabo cahdiyadii qabiilka iyo dawladaha hore ee Mesopotamia, ilaa nidaamyada siyaasaddeed ee casriga ah.
2. ๐๐ฐ๐จ๐จ๐๐๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐:
Fukuyama wuxuu baadhayaa seddexda arrimood ee muhiimka ah ee ay tahay in nidaam siyaasaddeed kastaa uu yeesho: xukunka sharciga (rule of law), awoodda dowladda (state capacity), iyo masuuliyad (accountability). Wuxuu ka hadlayaa sida awoodda dowladda iyo xeerarka sharcigu ay ugu xidhan yihiin horumarka siyaasaddeed iyo sida ay u saameeyaan horumarka bulshooyinka.
3. ๐๐ก๐๐ช๐๐ง๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ง๐ค๐:
Buuggu wuxuu si qoto dheer u ga hadlayaa dhaqanka bulshada iyo sida uu u saameeyo habka xukunka. Wuxuu tilmaamayaa in dhaqanka ay muhiim u tahay fahamka sida dowladuhu u dhismaan, iyo sidoo kale sida nidaamyada siyaasadeed ee dhaqamada kala duwan ay isu rogaan.
4. ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐๐:
Fukuyama wuxuu ka hadlayaa isbeddelka taariikheed ee xukunka, maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray. Wuxuu is ku dayayaa in uu fahmo sida uu xukunku isu beddelay waqtiyada kala duwan, iyo sida ay aragtiyaha siyaasaddeed ee kala duwani ugu talinayaan xukumidda bulshada.
5. ๐๐ก๐ข๐ฆ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ฐ๐จ๐จ๐๐๐:
Fukuyama wuxuu ka hadlaa sida awoodda dowladdu ay ku xidhan tahay in la helo hay’ado awood leh oo xakameyn kara bulshada. Wax uu is dul taagayaa sida dowladuhu ay u yeeshaan awood xooggan iyo sida ay awooddaasi ugu dambeyntii u saameyn karto xukunka, isagoo tusaale u soo qaadanaya Fransiiska iyo Shiinaha.
6. ๐๐๐๐๐๐ง๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐:
Buuggu wuxuu sidoo kale si gaar ah u ga hadlayaa kacaankii Faransiiska iyo saamaynta uu ku yeeshay qaab-dhismeedka siyaasaddeed ee casriga ah. Fukuyama wuxuu falanqeynayaa sida kacaankaasi uu u horseeday isbeddelo badan oo ku saabsan xidhiidhka u dhexeeya dowladnimada iyo shacabka.
๐
๐ข๐ค๐ข๐ซ๐ค๐ ๐
๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฒ๐๐ฆ๐:
Fukuyama wuxuu buugga ku muujinayaa aragtidiisa ah in horumarka siyaasaddeed ee dunidu uu ku saleysan yahay horumarka bulshada ee dhinacyada dhaqan, dhaqaale, iyo siyaasaddeed. Waxa uu aaminsan yahay in horumarka siyaasaddeed uu ka dhashay baahida dadka ee ah in ay helaan nidaamyo awood leh oo ilaalinaya xuquuqda qofka iyo danaha guud ee bulshada.
Waxaa muhiim ah in Fukuyama uu is ku dayo inuu muujiyo dawladnimo jiritaan dhaba lihi sida ay u gu adeegto bulshada, isagoo tilmaamaya in dowlad kasta ay u baahan tahay awood iyo sharci ay ku xakameeyaan bulshada.
“The Origins of Political Order” waxa aan u aqoonsan ahay buug muhiim ah oo qeexaya xidhiidhka ka dhexeeya xukunka, awoodda, iyo mas’uuliyadda. Buuggani wuxuu iftiiminayaa isbeddellada siyaasadeed ee adduunka iyo sida ay dowladuhu u ga falceliyaan baahida bulshada. Waxa aanu soo bandhigayaa caqabadaha iyo suurtagalnimada horumarinta siyaasadda ee wadamada kala duwan.
U gu danbayn, Fukuyama wuxuu is ku dayayaa inuu ku dhiirrigeliyo siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada inay si qoto dheer u fahmaan xidhiidhka ka dhexeeya xukunka iyo dadka, is la markaana ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa nidaamyo siyaasaddeed oo dheellitiran oo ka faa’iideysta dhammaan qaybaha bulshada.
Haddii aad xiiseyneyso buuggan, waxa uu ku siinayaa faham qoto dheer oo ku saabsan xidhiidhka u dhexeeya nidaamka siyaasaddeed iyo bulshada, isagoo si fiican u sharraxaya aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta bulshada iyo dowladnimada.
Comments
Post a Comment