“Waxaan aad ugu faraxsan ahay in himiladaydii shalay, maanta rumowdo oo laysugu yimaaddo halkii aan ku baaqayay…” ~ Guddoomiye Xirsi Cali X. Xasan.
Tonan sanno oo gucle iyo orod ah. Toban sanno oo dulqaad, dadaal, jihayn, iyo hoggaamin ah. Toban sanno oo aanu maalinna ka baydhin tubta hayaankiisa doonista qaran mid ah iyo ummad midaysan. Xirsi Cali X. Xasan - guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, shalay oo taariikhdu ahayd 2da bisha Oktoober waxay u ahayd maalin aad u weyn. Waxaa midho-dhashay himiladii iyo hammigii Gud. Xirsi Cali X. Xasan, waxaana la isugu yimid halkii uu salliga dhigtay toban sanno ka hor ee sahankiisu ahaa.
In ka badan 600 oo isugu jira madax-dhaqameedkii, haldoorkii iyo hormuudkii Beesha Habarjeclo oo ah degaanka Gud. Hersi Ali H Hassan ayaa isugu yimid shir ballaadhan oo ka qabsoomay magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, kaas oo ujeeddadiisu ahayd dhisidda iyo taageeridda Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu madashaa si milge iyo maamuusba leh codkooda u wayddiistay beesha ballaadhan ee Bariga Burco, doorashooyinka isku sidkan ee 13/Noofeember/2024. Salaadiintii, siyaasiyiintii, cuqaashii iyo hormuudkii kale ee beesha oo madashaa ballaadhan ka hadlay waxay iyaguna dhankooda cod dheer ku sheegeen in ay ku midaysan yihiin Xisbiga Waddani iyo dhisidda Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Dr. Cabdiraxmaan-Cirro.
Sifooyinka hoggaamiyaha dhabta ahi leeyahay waxaa ka mid ah in uu leeyahay ARAGTI cad iyo higsi iyo hillaadin. Kartida uu dadkiisa ku hoggaamin karo ayaa iyaduna muhiim ah. Waxaana saddexeeya KA-GO’NAANSHAHA oo aanu la’aantii ka midho-dhalin karin higsiga iyo hammigiisa. Gud. Xirsi Cali X. Xasan waxa uu la yimid saddexdaa sifo ee muhiimka ah oo saldhig u ah midho-dhalka hammigii iyo higsigiisii ahaa qaran mid ah iyo ummad mid ah kuna midaysan Xisbiga Waddani iyo dhismaha Musharrax Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan-Cirro.
Halgamaaga weyn ee Nelson Mandela ayaa tamarta halgankiisa sabab uga dhigay weedha ah "Muuqa yoolkaygu maalin qudha igama libdhin." Waa run, ujeedka wanaagsan iyo hubantida hadafkaagu waa waxa ugu weyn ee tamarta ku geliya. Taasina waa ta uu muujiyay Gud. Xirsi Cali X. Xasan oo Jallaafo iyo jidgooyo kasta oo loo soo dhigay aanu marna ka lumin muuqa yoolkiisu, ugu danbayna ku guulaystay.
Cabdiqani Cabdillaahi Aadan
La-taliyaha Warbaahinta Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.
Comments
Post a Comment