BARNAAMIJ-SIYAASADDEEDKA WADDANI & SIYAASADDA HORUMARINTA DHALINYARADA

 Hordhac: 

12 sanno oo Xisbiga Waddani jiro, dhalinyaradu waxay ku leeyihiin door iyo kaalin weyn, oo aanay abid xisbiyada dalka ku yeelan. Kolka la fiiriyo qaab-dhismeedka xisbiga ee heer qaran, gobol, degmo, magaalo iyo xaafad, waxaa si weyn uga muuqata kaalinta weyn ee ay dhalinyaradu ku leeyihiin. Taa macnaheedu waa in awoodda, laf-dhabarta iyo mishiinka Xisbiga Waddani ay yihiin Dhalinyarada dalku; Xisbiga Waddanina yahay xisbiga dhalinyarada.

Xisbiga Waddani doorka ay dhalinyaradu ku leeyihiin ma aha xilal iyo manaasib magac keliya ah. Balse wax ay hayaan qaar ka mid ah xilalka iyo kaalmaha ugu mudan uguna muhiimsan xisbiga. Wax ay kaalin muuqata ku leeyihiin fadhiyada iyo shirarka lagu jaan-gooyo siyaasadda xisbiga, lagu falanqeeyo arrimaha taagan, laguna dejiyo qorshayaasha, iyadoo la dhegaysto fikirkooda, kana dhiibta taladooda. Tusaale ahaan, aniga oo ka mid ah dhalinyarada dhalatay intii Somaliland la soo noqotay madaxbannaanideeda, kuna hanaqaaday Somaliland waxa aan ka mid ahay la-taliyayaasha hoggaanka xisbiga Waddani, gaar ahaan Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali X. Xasan. 

Taasi waxay ka marag kacaysaa hab-fikirka hoggaanka xisbiga Waddani ee Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro iyo Gud. Xirsi. Waxaanay ina tusaysaa in ay yihiin hoggaamiyayaal u diyaarinaya dhalinyarada dalka in ay mustaqbalka dhaw noqdaan kuwii ay gacantooda ku soo wareegi lahayd hoggaaminta dalku. 

Doorka Dhalinyaradu ku leedahay Barnaamij-siyaasaddeedka:

Barnaamij-siyaasaddeedka Xisbiga Waddani oo dhawaan soo baxay (9kii bisha 9aad) kana warramaya qorshaha qaran ee Xisbiga Waddani shanta sannadood uu Somaliland ku maamuli doono, dhalinyarada Somaliland kaalin intee leeg bay barnaamijkaa ku leeyihiin? Ama si kale haddii aan u dhigo xukuumadda Waddani maxaa uga qorshaysan dhalinyarada Somaliland? 

Ugu horrayn, Xisbiga Waddani isaga oo ka duulaya waaqica iyo duruufta dhalinyarada, aaminsanna doorka weyn ee dhalinyaradu ka qaadan karto horumarinta Somaliland, siyaasaddiisa horumarinta dhalinyarada waxa uu kaga hadlay toban bog oo ka mid ah barnaamij-siyaasaddeedkiisa. Waxaana saldhig u ah “diyaarinta dhalinyaro leh aqoon, karti iyo xirfado casri ah oo bulshada waxtar ku soo kordhiya, hormuudna ka noqda taabbo-gelinta isbeddel Somaliland ku badhaadho”. 

Haddaba, Xisbiga WADDANI isaga oo aqoonsan in mustaqbalka qarankeennu uu ku jiro gacanta dhalinyarada, si xal loogu helo dhibaatooyinka badan ee ku gedaaman dhalinyarada, waxa uu ballanqaadayaa in xukuumaddiisu ay shanta sanno ee soo socda gaadhi doonto yoolasha kala ah: 1. Kobcinta Matalaadda Siyaasadda ee Dhalinyarada, 2. Kobcinta Shaqo-abuurka Dhalinyarada, 3. Kobcinta Madadaallada Dhalinyarada, 4. Dardargelinta helitaanka dhalinyaro ee fursadaha caalamiga ah, 5. Dhalinyaro la jaanqaadaysa isbeddelka Tignoolajiyadda, 6. Ilaalinta xaqsoorka fursadaha dhalinyarada. 

1. Kor u Qaadista Matalaadda Siyaasadda:

Kolka siyaasadda laga warramayo, waxaa la yidhaahdaa Siyaasaddu waa tiirdhexaadka dumista iyo dhismaha qaran, dawlad iyo bulsho. Sidaa awgeed, Siyaasad hagaagsani bulsho hodan ah bay samaysaa, halka siyaasadda xumina ay tahay aabbaha dumista iyo saboolnimada. 

Tan macnaheedu waa in siyaasaddu tahay saldhigga horumarka nololeed ee bulsho iyo dawlad, sidoo kalena tahay dibudhaca iyo hoosaynta ummad iyo dawlad. Sidaa daraaddeed, ummad siyaasaddeedu hagaagsan tahay ayuun baa nolosheeduna hagaagsanaataa oo horumartaa. 

Kolka Somaliland la joogo, waxa aynnu maanta tirsanaynaa dhawr iyo soddon sanno, jeerkaasna nolosheenna bulsho iyo dawladeedba waa kuwo liita oo dibudhac ku jira. Taa waxa inoogu wacan waa siyaasadda degelkeenna oo aan abidkeed noqon mid hagaagsan oo qorshe dhisme ummadeed iyo horumarin bulsho ku fadhida. 

Dhalinyarada dalkan markaynu nahay, rejo xumada, mustaqbal la’aanta, shaqo la’aanta, nolol liidashada iyo guud ahaan mushkiladaha gaarka inoo haysta waxaa aabbe iyo hooyo u ah SIYAASAD XUMADA dalka. Taa waxa raaca, in Caqbadaha aasaasiga ah ee keenay dhibaatooyinka badan ee dhalinyarada haysta ay ka mid tahay, kaalinta xaddidan ee dhalinyaradu ku leedahay ka qaybgalka siyaasadda.

Sidaa awgeed, XISBIGA WADDANI, taariikhda markii u horraysay Somaliland waxa uu ballanqaadayaa Dhalinyarada in ay qeyb laxaad leh ka noqon doonaan geeddi-socodka siyaasaddeed ee dalkooda, ku yeelan doonaan metelaaddii abid ugu weynnayd ee dhalinyaradu ku yeelato. Sidaa daraaddeed, XUKUUMADDA XISBIGA WADDANI:

• 20% ayaa ay golaha wasirrada ka siin doontaa dhalinyarada da'doodu ay u dhexayso 25 - 40 sano.

• Waxa ay hubin doontaa in dhallinyaradu 30% ku yeeshaan guddiyada latalinta siyaasadda, iyo guddiyada dhammaan waaxaha dawladda si ay fikrad iyo talo ugu darsadaan siyaasadaha saameeya dhallingarada.

• Waxa ay 30% kordhin doontaa diwaangelinta codbixiyeyaasha u dhexeeya 18-25 jir ee aqoonta leh, si dhalinyarada aqoonta lihi saamayn weyn ugu yeeshaan go'aaminta arrimaha masiriga ah ee qaranka.

• Waxa ay dhisi doontaa ururka dhalinyarada ee heer qaran oo si dhab ah u meteli kara danaha dhan walba leh ee dhalinyarada Somaliland.

2. Shaqo-abuurka Dhallinyarada: 

Dhibaatooyin ugu waaweyn ee haysta dhalinyarada Somaliland waa shaqo la’aan, gaadhsiisan heer aad u daran. Taas oo aan si u qalanta loogu falanqayn madalaha qorshaynta, isla markaana aan fulinteeda la hirgelin. Matalan:

• Heerka shaqo la'aanta dhallinyaradeennu waxa uu marayaa 75%, halka celceliska Afrika uu yahay 20%. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in 10 kii dhalinyaro ahba 7-8 ka mid ahi ay shaqo la' yihiin (youth Employment Statistics in Africa in 2023; Youth Unemployment and Security in Hargeisa Survey in 2018).

• 53.2% ka mid ah dhalinyarada shaqo la'aantu haysaa waa dhalinyaro leh aqoon ama xirtad lagu xoogsan karo balse Suuqa ka waayey shaqo (Somaliland Youth Status Survey Report / Sonyo).

• Qarabakilka ayaa ah caqabadda ugu weyn ee dhalinyarada aqoonta leh ka hor taagan shaqada. Dhalinyarada nidaamka qaraabakiil ah marta ayaa 3 jeer ka fursad badan dhallinyarada aqoonta ku shago tagta (Youth Unemployment and Security in Hargeisa in 2018).

• Tacaddiga laylinta shaqo (Internship Exploitation) ayaa ah caqbad weyn oo niyadjab ku keentay dhallinyaro badan oo muddo bilo ah maskaxdooda, iyo waqtigooda lagaga faa'iidaysto si mushahar la'aan ah ama qiimo jaban, ka dibna intooda badani aanay helin fursad shaqo.

• Tahriib: Culaysyada shaqo la'aanta iyo raadinta nolol wanaagsan ayaa keenay in dhalinyaro badani isku dayaan noocyo kala duwan oo tahriib ah, halka qaarkoodna nolol ka raadsadeen dalka aynnu jaarka nahay ee Soomaaliya oo ay kala kulmaan dhibaatooyin. 

Sidaa awgeed, barnaamij-siyaasaddeedka XISBIGA WADDANI, waxa uu ballanqaadayaa in xukuumadda uu soo dhisi doonaa in ay: 

• 25% ayaa ay hoos u dhigi doontaa shaqo la'aanta.

• Waxa ay maalgelin doontaa 1,500 oo ganacsiyada dhallinyarada ah, kuwaas oo abuuraya ugu yaraan 15,000 -30,000 shaqo.

• Waxa ay yagleeli doontaa 6 xarumood oo dalka oo dhan ah, kuwaas oo lagaga shaqeeyo hawlaha lagu taageerayo ganacsatada da'da yar oo ka heli doona talooyin, tababarro, agab, hagitaan, iyo fursado maalgelineed.

• Waxa ay xoojin doontaa helitaanka fursadaha caalamiga ah ee maalgashiga ganacsiga dhalinyarada.

• Waxa ay laylin shago ku meelayn doontaa 20% ka mid ah ardayda jaamacadaha ka qalinjebisa.

• Waxa ay abuuri doontaa xeerilaaliya xuquuqda dhallingarada ku jirta layliska shaqo "Intern Protection Act". 

3. Kobcinta Madaddaalada: 

Jiritaan la'aanta goobo madaddaalo waa mid ka mid ah caqabada nololeed ee haysta dhalinyarada Somaliland. Dhallinyarada dalku ma helaan goobo madadaalo ama jidhdhis, 58% ka mid ah ayaa hela garoommo kubadeed balse aan lahayn goobo kale oo lagu madadaasho. Taasi waxa ay sababtay in 200,000 oo dhallinayrada Somaliland ahi ay qabayimaan cunitaanka qaadka iyo nuugista sigaarka, sababo la xidhiidha shaqo la'aan iyo jiritaan la'aanta madadaalooyin badan (Somaliland Youth Status Survey Report).

Sidaa awgeed, barnaamij-siyaasaddeedka XISBIGA WADDANI, waxa uu ballanqaadayaa in xukuumaddiisu ay fulin doonto qodobbadan:

• waxa ay sannad kasta abaabuli doontaa “Bandhigga Ciyaaraha Qaranka”. 

• Waxa ay guulayatayaasha Bandhigga Ciyaaraha Qaranka u diyaarin doontaa safarro dibadeed oo ay kula tartamaan dhiggooda heer caalami. 

• Waxa ay samayn doontaa abaalmarin sannadle ah oo la siiyo dhallinyarada ugu hal-abuurka, waxtarka iyo warbaahinta fiican ee baraha bulshada.

• Waxa ay samayn doontaa 6 xarumood oo dhalinyaradu ka heli karaan taageero ah dhanka curinta habboon, tabaha ganacsiga online-ka iyo ka caawinta qalabka aasaasiga ah.

• Waxa ay dhisi doontaa 6 xarumood oo ah kaabayaasha ciyaaraha fudud ah, heerkooduna sarreeyo.

• Waxa ay samayn doontaa abaalmarin sannadle ah oo lagu magacaabi doono 'Abaalmarinta Xasan Sheekh Muumin' taas oo la guddoonsin doono dhallingarada leh hibada fanka iyo suugaanta.

• Waxa ay aasaasi doontaa Akademiyadaha Ciyaaraha iyo Fanka oo loo abuuri doono kobcinta xirfadaha dhallinyarada ee ciyaaraha, hal-abuurka, fanka iyo suugaanta.

4. Dardargelinta Helitaanka Fursado Caalami ah:

Dhalinyarada Somaliland ma helaan fursado caalami ah, ha ahaadeen kuwo waxbatarasho ama fursado ganacsiyeed bee, haddii ay helaan kuwo waxbarasho inta heshaa waa in kooban kuwaas oo badi ku hela fursadahaa qaab eex iyo qaraabo-kiil ah. Sidaa awgeed, Xukuumadda XISBIGA WADDANI waxa ay ballanqaadaysaa: 

• Waxa ay sannad kasta deeqo waxbarasho siin doontaa 30 dhallinyaro ah oo si heer caalami ah u soo barta afafka Ingirisida, Carabida, Mandarinka iyo luuqadaha kale ee dunida maanta muhiimka ka ah.

• Waxa ay furi doontaa deeqo waxbarasho oo caalami ah, sida ku faahfaahsan qaybta waxbarashada ee Barnaamij-siyaasadeedkan.

• Waxa ay dhalinyarada dalka ka baxaya siin doontaa tababbar gaaban oo ku saabsan fahanka caalamiga ah iyo matalaadda habboon ee Somaliland (Pre-Departure Orientation Seminar).

5. Lajaanqaadka Isbeddelka Tiknoolajiyada: 

Si dhalinyarada dalku ula jaanqaadaan isbeddelka tignoolajiyadda casriga ah, XISBIGA WADDANI waxa uu ballanqaadayaa in xukuumadda uu soo dhisi doonaa fulin doonto qodobbadan hoose:

• waxa ay manhajka iyo mashaariica waxbarasho ee dhalinyarada ka dhigi doontaa kuwo kor u qaadaya aqoonta iyo awoodda tiknoolajiyadeed ee dhalinyarada, sida ku faahfaahsan qaybta waxbarashada.

• waxa ay ganacsiyada la xidhiidha tiknoolajiyada u qoondayn doontaa 30% ka mid ah maalgashiga dawladda ee ganacsiyada.

• waxa ay samayn doontaa barnaamijyo ay fuliyaan xarumaha dhalinyarada ee gobolladu oo ay ka heli karaan taageero ah, dhanka waxbarashada iyo ganacsiga online-ka ah.

• waxa ay ka shaqayn doontaa in tirada ardayda jaamacadaha ee barta culuumta la xidhidha tiknoolajidu ay 40%, ka noqdaan ardayda jaamacadaha.

6. Ilaalinta Xaqsoorka Dhallinyarada:

Si loo sugo xaqsoor dhab ah oo laga hirgeliyo dalka, XISBIGA WADDANI waxa uu ballanqaadayaa in xukuumadda uu soo dhisi doonaa: 

• Mashruuc kasta oo khuseeya fursadaha dhalinyarada, waxa ay gaadhsiin doontaa dhammaan gobollada dalka.

• Waxa ay qaadi doontaa cagabadaha maamul ee haysta dhalinyarada ku nool deegaannada ka baxsan, ama ka fog caasimadda, sida helitaanka kaadhka aqoonsiga, dhalashooyinka, shahaadooyinka, liisammada, gelitaanka

imtaxaannada iyo tartannada, cadaymaha dawladda ku xidhan, iwm.

• Waxa ay samayn doontaa shabakad online ah oo dhallinyaradu ay ku soo gudbiyaan tallooyinkooda dawladnimo (Youth E-government Portal).

• Waxa ay baahin doontaa warbixin sannadle ah oo faahfaahinaysa mashaariica taabanaysa horumarinta dhallinyarada.

Gunaanad: 

Dhalinyarada Somaliland gacmahooda ayaa uu isbeddelku ku jiraa. Sidaa awgeed, Xisbiga Waddani waxa uu soo bandhigay siyaasad dhalinyaro oo cad, taas oo haddii laga dhabeeyo wax aad u badan ka beddeli doonta waaqica nolosha dhalinyarada dalka. 

Qof kasta oo dhalinyaro ah waxaa saaran waajibka ah in uu mustaqbalkiisa iyo hagaagsamida noloshiisa u hiiliyo, waxaanan ugu baaqayaa in uu codkiisa siiyo Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani. 

WQ: Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

La-Taliyaha Warbaahinta ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

Comments