Ibraahiim al-Buleyhi:Cilmiga Jahliga

Ibraahiim al-Buleyhi oo ah qoraa iyo filasoof dalka Sucuudiga u dhashay, iminkana ka mid ah Golaha Shuurada dalkaas, muxaadarada lifaaqa hoose oo uu ka jeediyay Jaamacadda Kuweyd 2016kii, wax uu ku doodaa in la abuuro “Cilmiga Jahliga”, si aynnu u xoraynno caqliyadeena. 

Ibraahiim wax uu muxaadarooyin badan ka ga warramay aragtidiisa ku aaddan in bulshadiisa iyo kuwa la midka ah la gu tilmaamo “bulsho soo koraysa”, iyo ”bulsho danbaysa”. Dooddiisu waa in aan bulshadiisa iyo kuwa la itaalka ahi toona labadaa magac u qalmin. Hadda ogow, u ma doodayo in la gu sheego ”bulsho horumartay”.

“Bulsho soo koraysaa” waa mid waddadii horumarka cagta ku haysa, ta danbaysaana waa mid la ga dheereeyay laakiin soo ordaysa; labadaa xaaladoodba waxaa ku jirta rejo ah in cidda la ga danbeeyo mar uun la gaadhi doono. Sidaa awgeed, bulshadiisa iyo kuwa la itaalka ahiba ma soo korayaan mana danbeeyaan ee waa ay taagan yihiin, oo maba aha busho orod bilawday oo tallaabsanaysa ayaa uu rumaysan yahay. 

Ibraahiim al-Buleyhi wax uu qabaa dadkaasi sidoodaba ma fekeraan, waxayna u dhaqmaan sidii kumanyaal sanno hortood loo dhaqnaa. Taana sababteedu waa iyaga oo moodaya in ay sidaasi wanaagsan tahay. Waa kuwo maqalka dhegahooda uu ka soo boodayo ereyga “isbeddel”, iyo wax kasta oo macnahaa lihi. Qof kasta oo isbeddel ku baaqa waxaa la moodayaa xaasid iyo cadow liibaanta la haysto ka la qubaya. Wax ay caado u lee yihiin adeegsiga “hebel meel aan la garanayn buu inoo wadaa,” iyo “wax aan la garanayn oo waxii aynnu naqaannay ahayn”. Dugsi iyo jaamacad kasta oo la dhigtaa waxba kuma kordhiyaan, cilmiguna ma galo, maskaxdaa damiinka ah ee dhaqanka abaaday la gu soo qufulay, ayuu Buleyhi rumaysan yahay.

Sababahaa dartood, Ibraahiim wax uu ku talinayaa in la abuuro cilmi cusub oo la gu barto jahliga qudhiisa, loona bixiyo ”Cilmiga Jahliga”. Ibraahiim isaga oo ka jawaabaya wayddiinta ah “cilmi la barto ayaa la arki jiraye sidee jahli loo baranayaa?”, wax uu sheegay in uu jiro ”jahal muddabbaq” oo ah in aqoondarrada qudheeda aqoon la moodo la guna faano. Haddaba, si jahliga noocaas ah ee dhaqanka galay loo ga baxo horta waa in la bartaa waxa uu yahay “jahli”; haddii kale isaga ayaa la ilaashanayaa oo la moodayaa aqoon iyo ilbaxnimo, sida maanta la yahay. Taas ayaa u sabab ah dibudhaca haysta kuwa dibudhacay oo dhan. Marxalad nololeed oo aad u gabowdey ayaa ay ku dhagaxoobeen oo diiddan yihiin in ay hore u ga dhaqaaqaan.

Lifaaq:
https://youtu.be/STqDDbQ5dEI?si=TMCU2PHI0MjxX36j

Comments