CABDIQAYS & AADAN BAXNAAN: XUSUUSTA SHEEKO 40 SANNO KA HOR AH

Ilaahay ma kugu simay goob ay Cabdiqays iyo Aadan Baxnaan wada joogaan in aad adiguna ku weheliso? Habeenno sannadkii tagay ka mid ahaa xasuusihii ay dib uga sheekaysteen waxa ka mid ahaa beri ay damceen inay Ilaahay arji u qortaan, nin uu Sheekh Khukri labadooda u soo diray, jawigii ay ku sugnaayeen iyo maansadii Cabdiqays tirinayay kolkii ninkaasi u soo galay. 

Goobtu waa gurigii Aadan Baxnaan ka deggenaa Muqdisho. Waxa wada jooga Aadan iyo Cabdiqayn oo qasaa'id bay tumanayaan. Siday u wada fadhiyeen baa way is wayddiiyeen, waar waatan oo dhib baa ina haysatee maxaynnu yeelnaa? Arji baynnu qoranaynaa oo Ilaahay baa aynnu u tagaynaa. Arjigaa inta aynnaan qoran waa in aynnu horta nebiga siyaarannaa dabadeedna Xaramka tagnaa Ilaahay barinaa. Cabdiqays daqiiqadahaa wuxuu ku luuqaynayaa qasiido uu markaa tiriyay oo Aadan Baxnaan si fiican u xasuusan yahay, waxay odhanaysay: 

"Buus baanu leenahay shayddaanka baasoo,
Ha baxoo ha baydhoo bir ha lagu adkeeyee,
Gaashaanka boqorkaan ku barriisan doonaa,
Malaa'igta badan, afartooda u burjiga weyn,
Tasbiixda badan baan sii bahaysan doonaa,
Badduna ma xidhaysee waan ka boodi doonaa,
Bareed nebi dhexdood baan barqo joogi doonaa,
Salaan baahsanoo weyn, berrigiyo cirkaa sare,
Labadaba ka badan baan ku bariidin doonaa,
Bartay tahayna rawdadu ka ma baydhi doonnee,
Bogsashada salaaddaan cabsi boohi doonnaa." 

Daqiiqado ka dib baa waxa u soo galay nin. Waxay yidhaahdeen ninkii baa nagu qaadqaaday. Waar sow Cabdiqays iyo Aadan Baxnaan ma tihiin, Sheekh Shukri baa ii kiin soo diray, wuxuu idin yidhi dagaalkii miyaa igaga baxdeen? 

Aadan Baxnaan baa markaa intuu kacay qolkiisii hurdada galay si uun ninka lacag ugu soo qaado. Kolkuu ka soo baxay qolkii ninkiiba wuu waayay. Waar Cabdiqays ninkii mee iyo mooyi bay isu celiyeen. Haddana Aadan boodhigaadhkiisii guriga ayuu wayddiiyay ninkii uu soo daayay halkuu qabtay, isna wuxuu u sheegay in nin dhanka guriga u soo dhaafay, haddana sii dhaafay uun. 

Maalmo ka dib magaalada Jidda ayay tageen iyaga oo kala dambeeyay, Maka ayay isu raaceen dabadeed xaramka ayay wada yimaaddeen, sheeko kale oo xiise badan baa halkaana ka dhacday. Mar kale iyo qoraal kale oo kooban.

Comments