Halista Dawladnimada Somaliland: shan ka mid ah sababaha burburka soo dedejiya!

Dunida maanta caqli iyo cilmi badan uma baahna in la garto dawladnimadu waxay ugu fadhido nolosha bani aadanka. Haddii se laga tagi waayo, dawladnimadu waa hantida ugu qaalisan ee uu heli karo bashar dhulka guudkiisa saarani, ilaalinteeduna waa waajibka ugu weyn ee uu gudan karo basharkaasi. Haddaba, intii aanu gaadhin caqliga basharku dawladnimada waxa uu soo maray laba marxaladdood oo ka horreeyay marxaladda saddexaad oo ah“Bulsho Dawlad ah” (State Level Societies). Marxaladdii kowaad ee ay soo mareen waxabay ahayd tii bilawga oo loo yaqaanno “Bulsho Kooxo ah” (Band Level Societies), ama “Ugaarsato-Qaraabato (Huntersgatherers),” ay noloshu u ahayd ugaadhsiga iyo qaraabka. Marxaladdii labaad ee taa xigtayna waxa ay ahayd “Bulsho Qabaliya (Tribal Level Societies)”, waxaanay ahaayeen xilli uu qabiilku saldhig u ahaa nolosha siyaasaddeed ee bulshooyinka. Sidaa awgeed, bani aadanku guushii ugu weynnayd ee uu gaadhay waa dawladnimada. Dawladnimadaas oo ah masuuliyad wadareed ka samaysmay iskaashi bulsho oo ku salaysan maamul iyo maarayn iyo kala danbayn sharci oo bulshadaasi isla fahamtay inay kuwada noolaato, horumarna ku gaadho.

Bulshooyinka dawladnimada u leh garashada dhabta ahi si ay u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo korinta dawladnimada, waxa ay dajiyeen aqoono baaxad leh iyo falsafado lagu baadho dawladnimada, maamulka, sharciga, caddaaladda, akhlaaqda, culuunta bulshada, culuunta nafsiga, culuunta nafsiyadda bulsheed, taariikhda, dhaqaalaha iyo qorshaynta iyo aqoono kale oo loo adeegsado helista habka ugu suubban ee bulsho ku wada noolaan karto danta guudna ku wada maamulan karto, ilaa ay soo gaadheen halka ay maanta marayaan. Aqoonahaa iyo falsafadahaa lagu wanaajinayo ama lagu dhisayo dawladnimada waxa barbar socda baadhiso kale oo la xidhiidha cudurrada ku dhaca dawladnimada iyo sababaha burburin kara. Taa darteed cilmiga la yidhaahdo “Cilmiga Bulshadu” oo ka mid ah culuunta sida gaarka ah uga hadla arrimahaasi waxa uu leeyahay qawaanniin goonni u ah, waxaana ka mid ah qaanuunka la yidhaahdo “soo ifbixidda koritaanka iyo dumitaanka dawladnimada”, ama “soo ifbaxa dhalasho iyo dhimasho ee dawladnimada.”

Waxa uu qaanuunkani ina barayaa in dawladuhu dhintaan. Sida uu Caalimkii weynnaa ee Cabdiraxmaan Ibnu Khalduun ku tilmaamay kitaabkiisa caanka ah ee ‘al Muqaddimah’ dawladuhu waxa ay leeyihiin tabta bani aadanka cimri, marka waqtigoodu dhammaadana way dumaan ama baaba’aan. Isla markaana ummad kale ayaa u hadha oo dhaxasha. Waxaanu Ibnu Khalduun tilmaamay isaga oo kaashanaya khibraddiisa iyo waaya-aragnimadiisa in dawladda cimrigeedu yahay celcelis ahaan ilaa saddex fac oo uu ku qiyaasay 120 sano, fac kasta waxa uu siiyay tilmaamo gaar ah. Waxaanu tilmaamay; ‘ inay dawladnimadu marto heerar iyo marxalado kala duwan ilaa uu ku gebagebeeyay faca u danbeeyaa in uu yahay; mid is dhigta, isla markaana ku talaxtaga daba orodka dhaldhalaalka adduunyada, si weynna aan isaga xilsaarin ilaalinta mulkigii iyo magicii awooweyaashood, isla markaana facani sabab u noqdo suulidda dawladnimadooda.

Haddaba, dhimashada iyo baaba’a dawladuhu wax iska yimaadda ma aha si iskood ahna uma dumaan, balse waxa jira sababo loo bixiyay “sababaha dhimashada iyo baaba’a dawladeed”. Sidaa awgeed sababahaasi iyaga oo badan oo sida aan qabana dhammaantood la innaga soo dhex helayo, haddana waxa uu qoraalkani dul istaagayaa dhawr ka mid ah sababaha ay dawladuhu u dhintaan. 

Shan sababood oo ka mid ah kuwa soo dedejiya dhimashada dawladeed: 

1) Asaaskii hore ee dawladda oo jilicsanaa: 

Kolka dawladda aasaaskeedii hore uu jilicsan yahay waxa yimaadda inay u nuglaato cudurrada gala dawladnimada, kuwaas oo ka mamnuuca inay xoogaysato dawladnimadaasi. Waa haddii aanay bilawgaa hore aanay helin dawladnimaasi cid ka badbaadisa halisahaas. Ciddaasina waxay noqon kartaa hoggaamiye dhab ah oo marxaladdaa bilawga ah rukunno adag u taaga. Waayo, hoggaamintu waxay leedahay muhiimad weyn kolka marxaladda hore ee dhismahadowladnimada la joogo. Wuxuu yidhi Montesquieu: “bilawga, dhalashada iyo dhismaha ummadduhu waa hoggaamiyaha oo qaabeeya ama dhisa hay’adaha, ka dibna hay`adahaas ayaa noqda kuwa soo saara ee qaabeeya hoggaamiyayaasha cusub.” Quoted in Danwart A. Rustow, A World of Nations (Washington, D C: Brookings, 1967), 135.

Ibnu Khalduunna waxa uu tilmaamay inay dawlad waliba leedahay is-ahaansho ‘Casabiyad’ ay ku dhaadato oo ay ilaashato kana difaacdo wax walba; ha ahaato mid nasab, mid diineed ama mid qowmiyadeed. Waxa uu yidhi: ‘haddii asaaskii hore ee dawladaasi ahaa mid taag daran, dawladdaas waxaa u soo degdega in ay burburto’. 

2) Dulmiga:

Caqli iyo cilmi badan uma baahna in la garto caddaaladdu inay tahay asaaska jiritaanka ummadeed; la’aanteedna aanay bulsho jiri karin. Caddaaladdana waxa ka soo hor jeeda dulmiga, gaboodfalka iyo caddaalad-darrada kuwaas oo haddii ay nolosha bulsho dawladeed galaan soo dedejiyaan baaba’a dawladnimo. Waayo dulmigu waa waxa keena balaayo kasta oo dad ka dhex dhacda. Sida uu Ibnu Khalduun ku sheegay buuggiisana, dulmigu waa dige iyo digniin burbur. Waxaana buuggiisa ku jira fasal uu cinwaan uga dhigay “dulmigu wuxuu soo dedejiyaa burburka.” Mana aha dulmigu, sida aynnu u naqaanno, xadhigga iyo tacaddiga qof iyo qofaf lagula kaco oo keliya. Wuu ka ballaadhan yahay intaa. Dhaca iyo boobka hantida guud iyo ta gaarka ah oo aan loo aabbo yeelin, inta xoogga badan oo ku tumata inta tabarta yar, sharciga iyo garsoorka oo la baalmaro, dhammaantood waa noocyada dulmiga haddii ay baahaanna soo dedejiya burburka dawladeed.

3) Dabagal la’aan: 

Marka uu jiro nidaam dabagal oo xisaabtan ku samaynaya qof kasta wixii lagu ogaa, ama loo diray, waxaa la arkaa in dawladaa cududdeedu sii jirto, jiilasha danbana uu gaadho. Waayo, dabagalka iyo isla xisaabtanku waxay shaybaadh u yihiin dawladnimada, waxa lagu ilaaliyaa bedqabka habka dawladeed, waxaana lagu xakameeyaa ku xadgudubka awoodda dawladeed. Haddiise aanay jirin ama ay liitaan la-xisaabtanka madaxda iyo mas’uuliyiinta dawladda xilka haya, oo dabarka loo sii daayo waxa ay noqdaan kuwo kibra oo ku xadgudba ummadda ay talada u hayaan, aakhirkana sabab u noqda dumista dawladnimo.

Dabagalka iyo xisaabtanka ma jecla madaxda iyo dadka xilalka hayaa. Cabdalle Nafiisi, oo ka mid ah aqoonyahan aqoonta durugsan u leh fahanka dawladnimada casriga ah, dejinta istiraajiyadaha iyo hagaajinta maamulka dawladeed. Aragtiyaha uu fahanka weyn ka bixiyay waxaa ka mid ah muhiimadda isla xisaabtanka. Waxaanu yidhi: “Isla xisaabtanku waa fikrad aanay jeclayn dadka maamulka ku jira, hase yeeshee waa habka keliya ee lagu hirgelin karo hannaan maamul wanaag oo ka madhan musuqmaasuq iyo xatooyo, waxaana ay suurtagal tahay kolka hantidhowr ka madax bannaan hay’adda fulintu jiro. Inta se isla xisaabtanku dhalanteed yahay waa mar kasta oo maamul xumo, musuq iyo xatooyadu gacan sarrayso.”

4) Musuq Dhaqaale: 

Hantidu waa waxa ugu mudan ee ummadi leedahay; waa awoodda ugu muhiimsan ee fududaysa isla markaana kala socodsiisa hawlaha maamul ee qaranka. Hantida ummadda haddii aan laga dhawrin musuqmaasuq iyo xatooyo waxa ay keentaa in dawladdaasi faqiirto dadkeeduna dibudhac iyo baaba’a ay ku danbeeyaan. Dhaqaaluhu waa himilada ummadda. Waxa uu u baahan yahay in lagu kobciyo waxsoosaar iyo shaqo badan. Haddii aan si fiican loo maarayn waxa uu dhaxalsiiyaa ummaddaa in ay noqdaan kuwo isdhigta oo calooshooda oo keli ah ka fekera.

5) Khilaaf iyo talada oo aan lagu heshiin: 

Isqabqabsiga iyo talada oo aan lagu heshiin waxa ay sababtaa in ay dawladdaasi daciifto. Taariikhda waxaa ka buuxa dawlado badan oo markii taladoodii guduhu wiiqantay cadowgii dibaddu ka faa’iidaystay.

Gunaanad

Soomaalidu guud ahaan waa laangaab oo ma aha umad tiro naf leh dunida guudkeeda ku joogta. Tan iyo intii ay gobonnimada heshayna mushkiladda ugu weyn waxa ay ka haysataa dawladnimada. Muddo aad u dheer oo ay isku dayeen dhismaha dawladnimo dhab ab qaabka muuqda iyo magacyada hay’adaha waa la arkayaa, waxaa se meesha ka maqan nuxurkii qarannimo iyo jiritaankii dawladnimo dhab ah ee ahaa isahaanshaha dadka, dhab ahaan, ku wada abtirsanaya qarannimada. Dawladnimadan waxaa inoo keenay Ingiriiska, asaguna waxuuka soo dhaxlay dhaqan-dawladeed laba kun oo sanno ka horreeyay oo ka soo jeeda ilbaxnimadii ama Xadaaraddii ‘’Greeco-Roman Civilization’’. 

Dawladdii Ingriiska iyo tii Talyaaniga ee la isku daray waxay dhammaatay October 1969 markii Inqilabkii Military xooray distoorkii iyo ha’adihii ku dhisnaa. Maalintaas ka dib dawladnimada soomaalidu waxay ka koobnayd hummaag dawladnimo iyo nuxur awood nin qudha oo huwan magac dawladeed oo qabiilaysan (State Structure with one man power and clannish politics).

Ka dib 32 sanno, dawladnimada Somaliland waxa ku gedaaman haliso badan. Kol kasta oo sida iminka wax yihiin lagu sii socdana waxa loo sii dhawaanayaa burbur iyo baaba’a. Dadka reer Somaliland waxa ka muuqata moogganaan weyn, marxaladaha adag ee la taaban karaana waxay la yihiin wax qof iyo qofaf bulshada ka mid ahi ay faleen, waxaanay xalkooda ka eegayaan meelo soke iyo dhaymo guud. Kelida qofeed iyo wadarta bulsho intaba waxa hor yaalla xaqiiqooyin qadhaadh, waxaana cid walba ku jira baqe laga qabo burbur dawladeed. Cudurro iyo haliso badan oo dawladnimada khatar ku ah oo iyada oo halisaha ay leeyihiin la wada ogaa haddana la eeganayay baa natiijooyinkoodii marba marka ka danbaysa soo baxayaan. 

Maanta halisaha badan ee Somaliland dhex daaqayso sababahooda ma wada laha bulshada iyo intii 32ka sannadood u talinaysay. Cid keli ah baa leh, waana siyaasiyiinta iyo inta talada ummadda gadhwadeenka ka ah. In badan waxa lagu soo celceliyaa eedaynta qaabdhismeeka bulshada iyo dhaqankeeda oo lagu tilmaamo inay yihiin caqabadda ugu weyn ee hortaagan korinta dawladnimada. Waxaan qabaa kuwa sidaa yidhaahdaa inay guuldarradooda u qiil samaynayaan. Chinua Achebe hadalkeedii gunaanadka ahaa ee ay ka qortay dhibaatada dalka Nayjeeriya waxay tidhi: “dhibaatada taalla dalka Nayjeeriya waa tu gabi ahaanba ku timid guuldarro hogaamineed oo xidhiidh ah.” (Chinua Achebe, the Trouble with Nigeria (Fourth Dimension Publishing Co, 2000), 1.)

Sidaa awgeed, in dadka Somaliland helaan qarannimo jiritaan sugan leh iyo dawladnimo dhab ah waxay u baahan tahay marka hore in toos loo abbaaro sababaha aasaasiga ah ee dhibaatada jirta iyo xalkeedu waxa uu yahay.

Ugu danbayntii, dhaqan-siyaasadeedka hoggaamiyayaasha talada Somaliland waa isha ugu weyn ee laga dheehan karo sharraxaadda halisaha dawladnimada ku hareeraysan iyo waliba caqabadaha hortaagan dhismaha dawladnimo jiritaan sugan leh. Tan macnaheedu ma aha, in meesha laga saarayo qodobbada kale ee muhiimka ah sida hay’daha iyo hababka dawliga ah kuwaas oo door ku leh saamaynta iyo soo saarista dhaqanka siyaasadeed. 

Comments