Dunida ma jiro dal aan lahayn dad loo yaqaan afka qalaadna loogu yeedho intellectual, Carabidana ku ah musaqaf, innaguna aynnu ku soomaaliyaynnay indheergarad, kuwaas oo bulshadooda ku leh door iyo kaalin aan cid kale oo buuxin kartaa jirin iyo xil aan cid kale oo gudan kartaa jirin. Waana kaalinta iyo xilka matalaadda damiirka iyo samaha ummadooda, sinnaanteeda, xaqa dulmanaha, iyo ka hor tagga dulmiga iyo dulmiwadaha. Waa dadka u dhexeeya awoodahaa iyo bulsho weynnta ee kala haga, dhanka kalena waa iyaga cidda oddorosta aayaha, kana diga dalluumaha.
Sidaa awgeed, innaga mushkiladda kowaad ee ina haysataana ma aha siyaasiga arxanka daran ee damiirka xilkasnimo ka arradan, balse dhibaatada weyn ee aynnu qabnaa waa la'aanta dadkaa indheergarad ah. Sidaa darteed, iyadoo dadkaa baahida aynnu u qabnaa joogto tahay oo haddii aynnu haysanno aynnaan sida maanta u dayaysnaanneen, haddana kol kasta oo xaaladaheenna bulsho, siyaasaddeed iyo dawladeed ay adkaadaan baynu innaga oo dayaysan oo hadba gidaar madaxa ka soo jarayna is wayddiinaa oo nidhaahdaa "aqoonyahan iyo indheergaradkii mee?".
Haddaba, waaqiceenna iyo xaaladdeena bulsho iyo daleed oo maanta dhan kastood ka eegtana wada murgan, kaalintaa iyo xilkaa indheeradka ilaa iminka (intii aan arkay anigu) nin keliya baa isu taagay, waana Sheekh Almis Yaxye oo jimcihii ina dhaafay khudbaddii uu jeediyay ay si walba uga goonni ahayd khudbadihii wadaadda iyo waxii hadal warbaahinta lala soo istaagay.
Sheekh Almis wuxuu gutay xil isaga iyo inta la midka ahba saaran, waxaanu ka soo baxay kaalin goor kasta loo baahan yahay in la buuxiyo, si gaar ahna waqtigan aynnu ku jirno, ee lagu dhiirran la yahay ereygii runta iyo xaqa ahaa. Wuxuu ina tusay, inoo sheegay, inoona muuqatay in uu yahay nin isu taagi kara (haddii madaxa la wada qarsaday) xilkii iyo kaalintii looga fadhiyay dadka indheergaradka ah, taas oo ahayd inay had iyo goor u taagan yihiin, oo dabcigooda iyo xilkasnimadoodana ka mid ah xakamaynta awoodaha bulsheed ee haddii kale xadgudbi kara, sida siyaasiga iyo hantiilaha, iyaga oo ah cidda kowaad ee ay awoodahaasi ka baqaan haddana ka aragti qaataan.
Barakow baan leeyahay sheekha. Waxaad ka soo mudh tidhi dhexdooda ummad wada dayaysan oo runteeda inay isu sheegto oo dhab u waajahdo ka jecel hawaawiga beenta ah, iyo isu maakhiraynta iyo kala maakhiraynta dhexdooda.
Comments
Post a Comment