Suldaan Xasan Bulbul maxaad ka maqashay? Waxa in kooban kaga warramay 2008 waraysiyo Wargeyskii Saxansaxo ka qaatay Mujaahid Aadan Muxumed Hoorri (Mataan) oo ka mid ahaa xildhibaannadii hore ee Golaha Wakiillada, ahaana ninkii magaca SNM bixiyay.
Maqaalka:
Gaashaamo ayaan ugu tagay Suldaan cusub kolkii ay dadka Deegaannada Beelaha Bari oo dhami wada caleemo saareen, ee loo gartay in uu noqdo qaa'idka (hoggaamiyaha), oo boqornimo la saaray.
Suldaan Xasan iyo qaabkii caaqibada lahaa ee uu hawshaa u hayay waxay i xasuusisay, Sheekh aad u qiimo badnaa oo ahaa sheekha keliya ee aan ka helay faa'iidooyin badan oo ahaa nin Ingiriis ah oo islaamay, magaciisana la yidhaahdo Sheekh Cabdiqaadir Al-Suufi Al-Darqawi oo aan filayo inuu weli nool yahay oo aanan maqal dhimashadiisa, waxaanu deggenaa England. Sheekhaasi buuggaag badan oo uu Islaamka ka qoray ayaa jirtay, waxaanan buuggaagtaa ka akhriyay saddex kitaab oo ka mid ahaa kuwaa uu Islaamka ka qoray oo kala ahaa: Letter to Africa, 2. Jihaad, 3. Resurgent Islam.
Markaa buuggiisaas hore ee Letter to Africa ayuu ku sheegay in meelaha qudha ee Islaamnimadii xaqiiqiga ahayd ee dhabta ahayd ay ku sii hadhay ay yihiin (Nomadic Trobes), qabaa'ilka reer miyiga ah ee ku nool bariga iyo waqooyiga qaaradda Afrika. Waxaanu sheekhu sheegay in dadkaa qabaailka ah ee labadaa meelood kala daga eebisku wada diintoodii iyo xoolahoodii ay yihiin qaar aanay weli gaalo gacanta ku dhigin oo haysta Islaamnimadii dhabta ahayd ayuu sheekhaasi ku sheegay kitaabkiisan in ay dadkaasu yihiin.
Aniga oo niyadda ku sii haysta arrimaha aan kitaabka sheekha ka akhriyay, ayaan run ahaantii markii aan Gaashaamo tagay qalbigayga si toos ah u gashay. Waayo waxaan arkay Suldaan Xasan Bulbul qaabka uu u dhisnaa iyo sida uu wax u amraayay iyo qaabka nidaamkiisu ahaa uu aad ugu dhawaa qaabkii nidaamkii Sayid Cumar oo kale.
Runtii may jirin cid suldaanka ammaankiisa ilaalinaysay oo aannu ugu tagnay, waxaa uu xidhnaa laba go' oo midna guntiga hoos u gaabiyay, midna uu ku jeeni qaaran yahay iyo garan uu sitay. Markaa may jirin cid gaara oo suldaanka ilaalinaysay haddana dadkoo dhami isagay ilaalinayeen isaga oo geed hoos fadhiyay. Cid gaara oo u qoran basaasiin wax u soo sheegta ahi may jirin, dadkoo dhamina isaga ayay wax u soo sheegaan.
Suldaan Xasan Bulbul wuxuu ahaa suldaan si cajiib ah u shaqayn jiray, wuxuu gashan jiray laba go' oo cadcad oo midna guntan yahay oo guntigiisa gaabiyay, midna uu ku jeeni qaaran yahay iyo garan cad. Waxaanu hoos fadhiisan jiray geed weyn hoostiisa manuu lahayn cid gaar ah oo ilaalo u ahayd, laakiin dadkoo dhami isagay ilaalin jireen. Runtii may jirin cid lacag la siiyo oo wax u basaasi jirtay, laakiin dadka oo dhami waxay si hagar la'aan ah ugu heelanaayeen inay wixii wararbah ee cusub ay suldaanka u soo sheegaan isaga oo geedkiisa hoos fadhiya, ilaa inanta yar ee adhi jirta ahi hadday aragto cadaw soo dhex maray adhiga ay la joogto si toosa ayay ugu soo sheegi jirtay.
Runtii markaa muu jirin ciidan habaysan oo si rasmi ah mushahar uu suldaanku u siiyo. Haddana may dhici jirin in qof gaashaan qaad ahi uu ku dhiirrado in uu dagaalka ka baxo. Nidaam qaabkaas oo kale ah waxa u shaqayn jiray uun dawladdii Islaamka ahayd ee Khulufaa'ul Raashidiinta iyo Rasuulka (SCW).
Sidaa awgeed suldaankaasi wuxuu ahaa nin caqiibo leh, oo aanay boqriddiisa iyo caleemo saaristiisa aanay goobni ku ahayn beesha Galbeedka Burco oo keliya, balse ay boqriddiisa si weyn uga qayb qaateen beesha kale ee dhinaca bariga xigtay ee reer Baallidhaato.
Haddaba marka aan leeyahay suldaanku wuxuu i xasuusiyay Sayid Cumar markii uu xukunka hayay, waxa dhici jirtay in marka la yidhaahdo ciidan ina weerayaya ayaa inagu soo waajahan, in la odhan jiray oo la is wayddiin jiray ciidankaa inagu soo duulayaa tiradiisu inteebay leeg tahay, had iyo jeerna culayska la saari jiray in laga helo xog buuxda si loo caddeeyo tirada iyo tayada ciidanka iyo meesha uu u soo aaddan yahay. Sidaa awgeed marka xogtaas oo dhan la helo ayuu Alle ha u naxariistee Suldaan Xasan Bulbul siidhiga ugu dhufan jiray beelweyntiisa degaannadaa deggen. Waxaanu ku odhan jiray madax dhaqameedyada hoose ee beelaha "ciidan tiradiisu intaa leeg tahay oo cadaw ah ayaa inagu soo socda, markaa inta uu u yeedho Maxamed Kaahin ayuu suldaanku ku odhan jiray "ciidanka farahaa leh ee hubka intaa leeg wada, awood intee leeh ayaynu u baahan nahay in aynu kaga hor tagno? Isla daqiiqaddaa ayaa la bayaamiyaa tirada ciidanka loo baahan yahay oo la yidhaahfaa ciifan tiradaa leeg ayaynu u baahan nauay. Isla marka Suldaan Xadan Bulbul loo sheego tirada ciifanka loo baahan yahay ayuu isla markaaba isugu yeedhi jiray madax beeleedyada, waxaanu ku war gelin jiray in mid waliba uu keeno tiro intaa iyo intaa leeg oo ciidan ah.
Waxa kale oo suldaanku odhan jiray xoolo maxaynu u baahan nahay. Marka la isla garto tirada xoolaha nool ee loo baahan yahay ayuu ku amri jiray in mid waliba tirada xoaba ah ee la faro uuu keeno. Haddaba waxa xusid mudan in isla markaaba degdeg loo keeni jiray wixii ciidan iyo xoolo laga sugayay madaxdhaqameedu inay soo ururiyaan. Marka la keeno ayuu suldaanku u khudbadayn jiray. Waxaanu ku bilaabi jiray hadalkiisa " iska abhiya, waar naga joog dhaha, waar maxaa nagu dilaysaan dhaha, waar miyaydaan Islaam ahayn dhaha, laakiin idinku xabbadda hakaga horraynina oo marka ay xabbadda idinku bilaabaan uun wax iska celiya oo si dhab ah ugu gumaada."
Haddaba suldaanku wuxuu ahaa shaqsi aad u qiimo badnaa, markii danbana faqashtaa nagaga disbay beri dambe aaggaa uu joogay, waxaana dilay ciidankii cadawga oo ahaa col gaar ah oo loo soo diray in ay khaarajiyaan isaga.
Dhammaad
WQ: Mujaahid Aadan Muxumed Hoorri (Mataan)
Comments
Post a Comment