HOOYO!

"Dhaldhaalka dunidiyo
Dahab waa sahaalee,
Cid dareen ku siisoo
Nafta kuugu deeqdoo
U qudhbixi daraaddaa
Dirsan hooyo weeyee
Dadka yaa samayn kara?” Cali Ileeye.

Hooyo! Hooyadu waa duni dhan oo sideeda u dhisan una dhammaystiran. Caalam gudihiisa naxariista taallaa carrab ma koobaan ay tahay. Hooyadu, waa bilowga nolosha qofka iyo barta uu ka qaado tallaabada ugu horraysa. Nolosha mugga ballaadhan wadiiqada qofku kaga soo dhacaa waa ta hooyada. Qof kastaa jiritaanka sugan iyo qofnimada dhabta ah ee uu leeyahay, wax ay ku xididdo aroortaa waddadaas.

Dugsiyada wax laga barto ee noloshu sida ay u badan yihiin bay u kala duwan yihiin. Dugsiga hooyadu waa ka ugu horreeya iyo waliba ka ugu waxtarka badan ee qofi ka aflaxo, kaas oo saamaynta ugu weynna ku yeesha qofka. Waa dugsi qofku si hagarbaxsan wax uga barto, u guna tababarto si muuqata iyo si dadbanba. Kolka laga yimaaddo in caloosheeda qofku ku dhex abuurmo, dabadeed korriimo bar bilaw ah ugu helo uurjiifka, marka uu dunida yimaaddo ee ay horraaddada ku habto, si maaddi ah dhalashada qofka iyo ilaa kolka uu noqdo hanaqaad isku filan, waxa lagu kala sifayn karaa labada erey ee "waxba" iyo "wax." Qofka oo aan waxba ahayn ayay hooyadu qof wax ah gacanteeda, ababinteeda iyo korinteeda kaga dhigtaa. 

Dugsiga hooyada qofku waxa uu ku bartaa kuna laylsamaa inta dadnimada asalka u ah ee qofka bani aadanka ahi dareemo. Naxariista, kalgacaylka, jacaylka, tudhaalaha, arxanka, dhibirsanaanta iwm, ayuu qofku wax ay yihiin ku bartaa. Ma barto oo keliya, balse mid walba waxa uu agteeda ugu dareemaa si dhab ah. Inta dugsiga waayaha iyo waqtigu i bareen, inta dugsiyada tacliinta aan ka bartay, marka aan noloshayda dib u qiimeeyay oo eegay ma buuxin karaan inta dugsiga hooyaday aan ka bartay.

Qofku inta uu nool yahay ma jiro bani aadan uu boqolkiiba boqol og yahay ama hubo in uu xaalad kasta iyo meel walba garab taagnaanayo oo aan hooyada ahayn. Duruuf walba, marxalad kasta iyo goob kastaba hooyadu waa qofka keli ah ee aan kaga dhaqaaqayn ilmaheeda. Waa qofka keli ah si dhab ah, goor kasta iyo meel walba niyaddeeda aad ku jirto, kaana war haysa. Ma jiro qof ka war haya bani aadanka waxa qalbigiisa ku jira iyo hadal iyo ficil ka u ga imanaya ujeeddada ay ka leeyihiin. Marka laga yimaaddo waanada iyo waxsheegga san oo qofku uba qaadan karo qof wanaaggiisa jecel, balse hooyadu waa qofka keli ah ee canaanteeda, dilmadeeda iyo cadaadiskeeda intuba ay leeyihiin ujeeddo lexejeclo iyo wanaag ay kula rabto. Nolosha qofka cid uma taaban karto qalbigiisa iyo ruuxdiisa sida hooyadu u taabato. Sidaa awgeed ma jiro dareen la barbar dhigi karo dareenka hooyada. Ma jiro jacayl iyo xidhiidh kale oo dhammaystiran keeda mooyee, ma jirto naf hurid iyo nuglaansho dhab ah oo aan keeda ahayn iyo dadaal iyo gacanqabasho teeda ka weyn, aqoon iyo barasho teeda ka qaalisan.

Sannad buure ah baa laga joogaa maalintii hooyaday Foosiya Ibraahin Saleebaan ku geeriyootay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Sannadkaa kun kaalmood oo ay nolosha igaga gudbanayd oo aanan dareensanayn intii ay noolayd ayaan dhab ahaan dareemay. Dareenka aan dareemayo waxa keli ah oo si dhab ah u garan kara qof ay ka baxday hooyadii. Hooyadu wax ay u tahay qofka wax kasta. Waa rejada xilliga murugada iyo meesha uu ka dugsado walbahaarka; waa awoodda xilliga daciifnimada, waana ilo burqanaya oo uu ka helo jacayl, naxariis, iyo cafis ba. Hooyo waa nolol. Waa iftiin u baxa bani aadanka dhammaantood. Cid kasta oo waydaa wax ay wayday ruux saafi ah oo naxariisi ugu abuurnayd. 

Hooyo! Waa kelmada ugu qurux badan ee dibnahayga ka soo baxda, sidoo kalena aan ku dareemo rejo iyo jacayl. Waa kelmad macaan oo naxariis ah oo ka soo baxda salka qalbigayga si dareen leh. Hooyo wax aan kaaga mahadcelinayaa in aad tusmo iyo tusaale ii ahayd ilaa maantana ii tahay, in aad i bartay wanaag, daacadnimo, dadnimo, cafis, dulqaad, intaba. Ima aad barin oo keliya e, mid walba si dhab ah baad ii tustay. Nabad ku led. 

Comments