Nolol iyo geeri, farxad iyo murugo, barwaaqo iyo abaar, gob iyo gun, hodantinnimo iyo faqri, iyo kuwa la midka ah ee badan, mid waliba midka kale sawir, xaalad iyo dareen ka soo horjeeda ayuu tilmaamayaa. Erey kasta oo ka mid ah na kolka uu maqalka qofka ku soo dhaco, maankiisu wax uu ka haystaa sawir dhab ahaan u qeexaya oo ka turjumaya, kaas oo kolka uu doono in uu ereyo ku qeexana ku cabbiri karo.
Erey kasta oo ka mid ah ereyada aynnu qaarkood xusnay lama garan kareen tilmaanta xaaladda iyo dareenka uu u taagan yahay, haddii aanu jiri lahayn mid kale oo caksi ku ah oo tilmaamaya xaalad iyo dareen ka soo horjeeda. Tusaale ahaan, farxaddu wax ay tahay lama qeexi kareen haddii aanu jiri lahayn dareen ka soo horjeeda oo murugo la yidhaahdo. Taasi waa xikmadda abuurta bani aadanka iyo xaaladaha iyo dareennada uu hadba gali karo ama noloshiisu marto ay ku fadhiyaan. Sidaas baa haddaba caafimaadku waxa uu yahay aan bani aadanku u garteen, haddii aanu jiri lahayn erey iyo dareen ka soo horjeeda oo caafimaad darro ah ama bukaan ahaansho.
Bani aadanku siyaalo badan buu isugu xidhan yahay ama ba xidhiidh u wada leeyahay, waxaa na dhex mara xidhiidho kala duwan. Wax ay yidhaahdaan culimada ku xeeldheer aqoonta kasmo-nafeeddu, qofku wax uu samaystaa 396 saaxiib, 36 ka mid ah bay isku soo dhawaadaan, laakiin lix keliya ayaa noloshiisa ku soo hadha. Haddaba, in qofka iyo hadba dadka inta ku xeeran uu u barto midkasta si ka duwan sidii ay isu barteen barashadii hore, dhab ahaan taasi wax ay qofka u suurtagashaa xaalado gaar ah iyo waqtiyo tirsan oo keliya. Waayo inta uu bani aadanku isku xaalad iyo duruuf ku jiro isuma yaqaanno si run ah. Dhammaantood na waa dad wanaagsan qofka na u wada tirsan.
Qofka iyo dadka nolosha xidhiidhku ka dhexeeyaa wax ay isku bartaan socotada iyo gedgeddoonka nolosha iyo waayaha caynba-caynka ah. Soomaalidu wax ay tidhaahdaa saddex baa dadka lagu kala bartaa: 1) jid in aad la marto, 2) jidiin in aad wadaagtaan, 3) jabbad in aad la degto. Haseyeeshee jabbad, jid, iyo jidiin keliya kuma oo koobna marxaladaha iyo duruufaha qofku dadka ku kala baran karaa.
Druufaha nolosha iyo xaaladaha adagi wax ay ka mid yihiin meelaha qofku dadka ama saaxiibada ku kala barto. Marxalad kasta iyo duruuf kasta, qofka dad bay ka reebaan, si taa la mid ah na wax uu bartaa wejiyo cusub, isla sida uu foolashii hore na u kala barto, ee qaar na kuwo uu xaalad kasta ku xisaabtami karo u noqdaan, qaar kale na baaqi ugu ahaadaan marxaladda uu ka baxay, halkaa na ku hadhaan.
Dareenka xanuunku waa mid ka mid ah, haddii aanu ahayn ba ka koobaad, dareennada ugu horreeya kuwaas oo qofka xaaladdiisa mid hoosaysa ama daciif ah ka dhiga. Waa xaalad qofku nuglaado, baahi weyna u qabo garabjoogga dadka iyo ka warhayntooda. Xanuunku ha ka mid ahaado xaalada daciifka ka dhiga iyo dareennada damaqa leh ee qofka bani aadanka ah soo mara. Balse marka laga yimaaddo intaaba duruus badan iyo faa’iidooyin door ah oo qofka iyo naftiisa uu u leeyahay baa jiri kara ama dhab ahaan u jira.
Marxaladda xanuunka, kolka qofku maalmo la jiifo xanuun haleelay, ka sokow dareenka xanuunka iyo ka werwerkiisa, xaaladda qofku xanuunsanayaa wax ay ka mid tahay xaaladaha qofka iyo naftiisa wada sheekaysiga ugu weyni dhex maro; wada hadal keliya ma aha e, dhab ahaan ay u wada hadlaan. Waa xaalad qofku (ha laga dhigaba in ay baqdinta geeridu sabab u tahaye) uu raadka noloshiisa muddo yar ku wada daalacan karo: wixii ka qaldamay, wixii uu gef sameeyay (mid bani aadan iyo mid Ilaahayba), wixii uu ka gaabiyay …. intaba maskaxdiisu wax ay ku daalacataa saacado yar. Kolka uu taa ka fikirayo bukaanku wuxuu gaadhaa go’aanno ah in uu noloshiisa wax ka beddeli doono.
Maalmaha xanuunku wax ay qofka kala baraan dadka kuwa u dhaw dhab ahaan lana wadaagga dareenka ee noloshiisa ka fikira, iyo kuwa dhawaanshahooda iyo saaxiibtinnimadooda labadu ba ku xaddidan tahay xaalad gaar ah ama dan ay ka leeyihiin. Xaqiiqooyinka xanbaarsan dareennada qalbiga u daran ee qofka muddada uu xanuunsanayo hor yimaadda waxa ka mid ah, in qof uu tirsan jiray oo si dhab ah na ugu xisaabtami jiray uu agtiisa ka waayo, kol ay tahay iska warranna, oo maalmaha uu xanuunka la jiifo qofkaasi maqnaanshihiisa tebi waayo, taa ka soo horjeedkeeda na qof aanu tirsan jirin kuna xisaabsami jirin uu ka helo daryeel iyo ka warhayn. Dhab ahaan waa dareen qalbiga dhaawac ku ah in qof uu maalin kasta xidhiidhin jiray, oo is maqli jireen tebi waayo dharaarta uu xanuunsan yahay qofku ee aanu wax xidhiidh ah la soo samayn, halka qof si joogta ah aanu xidhiidh u dhex mari jirinna uu tebo maqnaanshaha qofka ee dharaaraha uu xanuunsanayo dabadeed na ka wardoono oo uu ka helo garab.
Sida maalmaha duruufaha adagi qofka u baraan saaxiibada xilliga ladnaanshaha oo keliya, ayaa maalmaha xanuunkana u kala bartaa saaxiibada waqtiga caafimaadka iyo farxadda oo keliya iyo jaallayaasha dareenwadaagga dhabta ah ay wadaagaan. Sidaa awgeed xanuunku faa’iidada ugu weyn ee uu qofka u leeyahay waa in uu kala baro dadka ama saaxiibada dhabta ah iyo kuwa aan ahayn ee xidhiidhkoodu xaddidan yahay.
“Bani aadankaa lagu bartaa
Markaad baahan tihiyo
Markaad tahay bestaa.” Hees, Maxamed-BK
Comments
Post a Comment