Bishan January 2022ka, habeennimadii ay 22ka ahayd, abbaaro tobankii habeennimo ayaa aanu khadka laga wada hadlo ee internetka, markii ugu horraysay isku maqalnay Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac oo sida uu ii sheegay saacaddaa ku sugnaa gegidda diyaaraduhu ka duulaan ee magaalada London. Ujeeddada ismaqalkayagu, ka dib kolkii la isku kaayo soo xidhay, wax ay ahayd aniga oo doonayay helitaanka buuggiisa dhawaan soo baxay ee aan qoraalkan kaga hadlayo. Xuseen si gobonnimo leh wax uu ii soo gaadhsiiyay toddobaad ka dibba nuqul saxeexan oo buugga ah, kaasoo iigu yimid magaalada Hargeysa. Waan uga mahadcelinayaa Xuseen in aanay qofkii koowaad ee Somaliland uu ku soo gaadho buuggiisu, waana ii sharaf.
Si xiise iyo xamaasad leh baan muddo saddex maalmood gudahood ahayd ku akhriyay buuggii, taasoo dabadeed igu dhalisay in aan qoraalkan kooban ka qoro. Gorfeynta iyo faallo ka bixinta buugaagta ujeeddooyinka ugu waaweyn ee laga yeesho waxaa ka mid ah:
• In dadka la ogaysiiyo jiritaanka buugga, oo la is baro buugga iyo akhristaha
• In la soo bandhigo mawduuca iyo xogta buuggu xambaarsan yahay lana qiimeeyo tayadiisa taas oo dadka la socodsiisa fikirka, aqoonta iyo dhaqanka jira
• In la tilmaamo lana saxo waxii gef iyo gaabis aqooneed ama qoraal ah ee buuggaa ku jira si loogu baraarugo
Haddaba buugga ciwaankiisu yahay ”Labo Isma Saarin”, waa xusuusreeb goobjoobe. Waxaanu ku saabsan yahay taariikhdii uu qoraagu markhaatiga ka ahaa, bal e jilayaasha ka mid ahaa ee bilowgii aasaaskii jabhadihii dibuxoraynta qaran ee Soomaaliya iyo saamayntii ba’nayd ee naf iyo maalba galaafatay ee uu ku yeeshay bulshada soomaaliyeed halgankii tobanka sannadood lagu jiray.
Buuggani waa xog waayeel oo malaasan iyo kayd dhigaal oo macduun ah. Waa buug qaro weyn, walwaalayana xog ka culays badan dhumucdiisa. Waa dadaal nafhur ah, waxana garan kara qof kasta oo ay buug qoraalkii is muteen, waliba buuggan oo kalena wuu ka sii xagjiraa marka lagu dhereriyo mawduuciisa iyo is diiddooyinkiisa ka dhalan kara dhaqanka hadlaaga ah ee ka dab qaata ‘kutirikuteenka’ iyo ‘wax la yidhi’.
Waxa uu ka kooban yahay 300 oo bog. Marka laga yimaaddo taariikhda guud ee halgankii dibuxoraynta qaran, wuxu si goonni ah uga hadlayaa Jabhaddii SSDF. Inta ogaalkayga ahna waa buuggii koobaad ee SSDF laga qoray.
Mujaahid Xuseen wuxuu si hoos-u-dhaadhac leh u qeexayaa duruufihii bulsho iyo halgan ee dadka ku xeernaa, sababihii halgankii jabhadihii kala duwanaa ee SSDF, SNM, USC iyo kuwii kaleba keenay ee dhib, dhac, cadaadis iyo gabboodfal iyo xadgudubba ahaa. Wuxuu si baxsan u kala dhigdhigayaa qaabkii halgankaa loo abaabulay ee uu ku bilowday, maraaxilkii dhisme ee kala dambeeyay ee Ururkii SSDF, dadyowgii qaybaha bulshada ka mid ahaa ee ka qaybqaatay, goobihii iyo deegaannadii lagu dagaallamay oo aad u badnaa, magacyadii halyeyadii iyo hoggaamiyayaashii Ururkii SSDF.
Maadaama aan tobankii sannadood ee ugu dambeeyay dabagalka iyo baadhista sooyaalkii taariikhda siyaasadeed iyo halgameed ee guud ahaan soomaalida, gaar ahaanna jabhadihii siddeetamaadkii qarnigii tagay halganka la galay Taliskii Maxamed Siyaad madaxda ka ahaa, haddii ay tahay SSDF, SNM (oo aan dhawaan dhammeeyay buugga taariikh nololeedka guddoomiyihii ugu dambeeyay Cabdiraxmaan Axmed Cali) dadaal galinayay, sidaa awgeed burburka dhaqameed iyo dibudhaca Soomaalida ku habsaday meelaha uu ka muuqdo waxa ka mid ah yaraanta garasho iyo aqoon dhab u qorta, si qumman u qiimaysa, runna u taariikhaysa waxii dhacay sababihii ay u dhaceen iyo sidii ay u dhaceen. Wax uu qofka Soomaaliyeed ka yidhaahdo waayaha foosha xun ee jira badanaa waa wax u dhigma oo la miisaan ah garashadii awalba keentay in waxii dhacay dhacaan.
Qofku caadi ahaan kolka uu rabo in uu arrimaha umaddiisa ka hadlo (maqaal, buug, muxaaddaro, waraysi iwm), inta badan wax aad mooddaa in uu meel iska soo dhigay xilkasnimadii, runtii, xishoodkii iyo caddaaladdii, dabadeed waxa uu doono ku hadlayo, una heellan yahay oo keliya faaninta iyo koolkoolinta naftiisa ama tolkiisa, labadaana garta iyo xaqa oo dhan siinayo, gefka iyo gardarrada oo dhanna ka moosayo.Taasi dadkii wax ay gayaysiisay in aad loo weyneeyo oo lagu kalsoonaado eray kasta oo qof shisheeye ahi ka yidhaahdo Soomaalida iyo ammuuraheeda, shisheeyahaas oo aan dabcan Soomaalida u ga xogogaalsanayn arrimaheeda laakiin la bidayo daacadnimadii iyo dhexdhexaadnimadii dadkeedii laga waayay.
Xaaladda caynkaas ah ee xogogaalkii Soomaaliyeed badankooda lagala kulmay iyo aammin darradaa xididdaysatay wax ay keentay in la waayo taariikh Soomaalida ka dhaxaysa oo lagu wada kalsoodaado, iyo in la waayo sababaha wixii dhacay u dhaceen, wixii qaldamay ama qalloocday iyo ciddii eeddooda lahayd iyo guud ahaanba dhaliilihii jiray ee waaqicii la joogay yaallay, intaas oo faa'iidada ay leeyihiin tahay in looga tabaabushaysto timaaddada. Waxa kowaad ee taa u dhintay ee maanta u mootani waa tabinta taariikhda ummadeed oo maktabaddeedu haawanayso ama been iyo belo lagu dhaamiyay. Kol haddii la waayay taariikh dhab ah iyo xog lagu kalsoonaado waxaa adkaanaysa daraasaynta iyo qiimaynta waayaha Soomaalida, waxii tasoobay iyo waxii toosayba, taas oo markeeda mugdi galinaysa sidii wax loo sixi lahaa maanta iyo berriba (Ibraahin-Hawd, 2020).
SSDF, SNM iyo jabhadihii kale intuba ma aha hadda isir jira oo horteenna yaalla. Waa wax tagay iyo taariikh. In sooyaalkeedii suganti ku saabsan la helaa waa iftiin wax laga baran karo. Wixii sugan ee laga heli karaa waa sahay loogu sahan tegi karo in kale oo ku kala filiqsan maskaxo kale.
Haddaba Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac oo ah qoraaga buuggu marka laga yimaaddo in uu qalinka u qaatay keydinta taariikhdii uu goobjoogga u ahaa soddon sannadood ka dib kolkii la riday Taliskii Maxamed Siyaad madaxda ka ahaa, waa mid uu kala siman yahay (haba yaraadeenee) intii ka horraysay ee halgankaa si guud wax uga qortay; balse wuxu la gaar yahay sida uu ugu dhiirraday, marka hore, in aanu waqti akhristaha kaga lumin ammaanta naftiisa iyo mid qabiilkiisa ah toona, sida looga buugaagta taariikhda ah ee goobjoogayaashii ka horreeyay qoreen; marka xigtana in aanu halgankii jabhadda dhinaca buunbuuninta iyo qurxinta keliya ama dheh guulaha uun ka istaagin, balse uu ku dhiirraday runta qadhaadh ee mar qofaf taabanaysa, mar kalena deegaanno taabanaysa, waaqicii dhabta ahaa, xaqiiqada sidii loo maamulay halgankii jabhadaha, wixii qalloocday sidii ay u qaloocdeen, mushkiladihii dhabta ahaa ee waaqicii halganka dhex ceegaagay, iwm.
Qoraagu isaga oo dhammaadka buugga ka hadlaya fakashadii badnayd ee ciidamada ee niyadjabka jabhadda dhexdeeda yaallay sababay, iyo in fashilkii ururradu ku xidhiidh lahaa habkii maamulka guud iyo ciddii qabanaysay, wuxu leeyahay sidan: "Dhanka siyaasadda waxa khaladku ka dhacay in aan siyaasiyiin hoggaamin halganka, taas oo aan waafaqsanayn fikirkii jabhadda loogu wanqalay 1979kii. Markii magaca SSF lagu dhawaaqay, fashilkii siyaasadda waxay keentay ugu dambayn fashil ciidan oo ka bilowday fakasho ciidanku bilaabay inay tarantarab ugu fakadaan Soomaaliya. Waxaan qabaa in badi ciidankaasi aanay ku fakan qorshe ka yimid dhanka Soomaaliya ee ay sababtay niyad jab ee ka dhacay jabhadda."
Marka hore jabhadihii halganka hubaysan ku jiray oo ay SSDF ka mid ahayd waxay lahaayeen weji qabiillo. Hoggaankii kala duwanaa ee jabhadaasina wuxuu ummadda durbaanka ugu tumay hiillada tolliimada. Mid walba waxay ku suntanayd qabiil goonni ah. Ma ay jirin midnimo dhexdooda ah, bal e, taasi inay timaaddo waxaa la odhan karaa waxaa hortaagnaa is aragga raggii kala hoggaaminayay jabhadaha iyo dabcan wejiga qabiil ee jabhaduhu lahaayeen.
Umaddii dhibaataysnayd ee ay ahayd in dhinac ka wada jeesato oo cadawga qarannimadeedii ku waxyeellaynaya gacan mid ah kaga hortagto, wax ay noqdeen in qolo waliba meel dabada soo galiso. Taasina waxa ay keentay in ujeeddo midaysan oo aan qoriga ahayn oo dhexdooda taalla la waayo iyo waliba in halganku muddo dheeraado, dhibaato badan oo laxaad lehna ummadda ka soo gaadho gacanta cadawgii ay ka horjeedday. Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) isaga oo umadda goonni goonnida u kala socotay ku ishaaraya gabaygiisii Gudgude wuxuu odhanayaa:
“Garab li’ida soodhkayga iyo goonninimadayda.”
Jabhadihii Taliskii Maxamed Siyaad madaxda ka ahaa halganka la galay wax ay adeegsanayeen siyaasad aan ka casriyaysnayn tii ay ka horjeeddeen, marka laga eego docdaas cuskashada fog ee ku talaxtagga habka qabaliga ah ee beelaynta dadka, taasoo horseed ka noqotay tan maanta la furdaamin kari la’ yahay ee wixii loo dhaqaaqaba qabyaaladdu ka soo bannafayso!
Dhammaan jabhadihii Soomaaliya waxa ay xooggooda Isugu geeyeen sidii looga takhalusi lahaa Maxmed Siyaad Barre loona burburin lahaa nidaamkiisii kelitalisnimada ku dhisnaa; waxa ka dambeeya cidina uma jeedin. Hadraawi isaga oo gabaygiisii Gudgude qorshe la’aantii iyo taladii aan meel la is la sii dhigin ka hadlaya wuxuu odhanayaa:
“In kastoo guddoonkii burburay, loo gudcura joogay
In kastoo go’aankii dulliga, geesinnimo diidday
In kastoo giyigu waa xormee, gaadhka la gu meersha
In kastoo gagaabkii cuslaa, garangar duulduulay
Xaajada god-raaca leh haddii, loo gabbala eego
Sida ay u ka la geysan tahay, way gun/god dheertahaye
Kol haddaan garaad la ga la hadhin, galabba sheeggeeda
Inta maanku gaajaysan-yahay, guuli waa weliye.”
Isaga oo Hadraawi sii sharxaya wuxuu odhanayaa:” Inkasta oo aan ku faraxsan ahay in aan nidaamkii ku talogalay in ay tiisa noqoto inkasta oo la diiday oo la yidhi ‘maya, nolol caynkaas ah geeri baanu ka xignaa’ oo markaa gacan loo la tagay, hadda na arrimaha waxkasooqaadka leh haddii dhinacaooda la eego ama la xusuusto, xaajada godraaca leh haddii loo gabala eego…. Macne kuma jiro nidaamka haddii la burburiyo oo aan kii beddelayay oo dhisan oo habaysani aanu dhisnayn. Waxa weeyaan kan uun baad ka soo qaadday, mid kale oo aanad ka war hayn oo aanad waxba ku la heshiis ahayn oo aanad wax garantii ah gacanta ka ga haysan oo meel uu la mari doono aanad ka war hayn ayuun baad u dhiibtay. Waxa is beddelayaa uun waa Cali iyo Jaamac, mar haddii aanay marka hore ba ‘waar maxaynu heshiis ku nahay marka aynnu ninkaa ridno,’ waa in wixii beddelayay oo dhisan oo la gu heshiis yahay oo la gu wada qanacsan yahay waa inuu jiraa, haddaanay jirin adigu waad cadho burburaysaa, ninkii halkan kuu fadhiistay uun baad ku cadho burburaysaa maalintaad riddo, laakiin ujeeddadii dagaalka la ga lahaa mar haddaanay sugnayn way u dhaw dahay mar labaad in ay siibato.”
Halgan kasta oo ummaddeed waxa waajib ah in uu diyaarsan yahay oo cad yahay nidaamkii iyo wixii lagu beddeli lahaa waxa laga halgamayo ee la diiddan yahay. Jabhadihii Soomaaliya ka dagaal galay midkoodna qorshe cad kama ay lahayn waxa lagu beddelayo ama la doonayo marka meesha laga saaro Taliskaa. Faylasuufkii weynaa ee Giriigga, Socrates (c. 470 – 399 BC), ayaa laga hayaa inuu yiri: “Sirta isbeddelku ma’aha la dagaalanka iyo burburinta noloshii hore, balse waa inaad tamartaada oo dhan isugu geysid dhisidda nolol cusub oo la jaanqaadi karta waaqica aad ku nooshahay”.
Ta kale oo Xuseen la goonni yahay, haddii aanu la ahayna tiro yaro ku wehelisaa waa taasoo uu ka badheedhay ama qiraalka ah in halgankii xaqa ahaa ee la galay, natiijadii ka dhalatay ay noqotay kud ka guur oo qanjo u guur, taasoo sababta keli ah ee ay leedahay ay tahay mid hoggaanka jabhadihii dhawrka ahaa ay leeyihiin. Isaga oo is qoomamaynaya, wuxu mujaahid Xuseen ku soo xidhayaa buuggiisa sidan:"Ta kale ee isu kay qaban wayday waa in aan maamul adag oo milatari ah la dirirnay ugu dambayna abuurnay mid kale oo asna ku shaqeeya qaab milatari ... isma odhan juhdigii aad galisay halganka hubaysnaa ee shanta sanno qaatay (asxaabta qaar ku qaatay toban sanno ama ay ku dhinteen ama ku naafoobeen) ayaa ku soo dhammaan natiijo la'aan ama qaab aan waxba ka fogayn kii aan dagaalka la galnay."
Dhab ahaan Xuseen wax uu gutay waajib taariikhdeed, isaga oo dhaayaheenna hor keenay buuggan oo muhiimad weyn u leh qof wal oo maanta doonaya in uu wax ka ogaado ama ka qoro taariikhdaa tagtay ee guud ahaan halgankii ama si gaar ahaaneed Ururkii SSDF, haddii ay tahay dhismihiisii urur ahaaneed, halgankiisii iyo sidii loo waday, shirweynayaashiisii iyo waliba sidii iyo sababihii ururkaas hawlgalladiisii istaajiyay.
Ibnu Khalduum ayaa laga hayaa hadal u dhignaa “ taariikhda iyo mustaqbalku waxa ay isu shabahaan si ka dhaw sida ay isagu eeg yihiin dhibcaha roobku”. Haddaba, taariikhda ay umadi leedahay waa muraayad laga dheehdo tagtada iyo casharrada ay tabinayso, iyada oo dharaaraha soo socdaa ay yihiin qaabaynta casharradii laga dheefay dharaarihii tagay.
buugga Labo Isma Saarin waa duni dhan oo dhigaysan oo qiime aad u weyn u leh sooyaalka dadyowga soomaalida iyo waliba taariikhda Geeska Afrika, Afrika iyo dunidaba.
Dhanka habka qoraalka buugga haddii aynu eegno, qabyo aan yarayn iyo gefaf madbaci ah baa tirobeel ka ah. Taasoo ay qasab tahay in daabacaadda labaad tifaftir la galiyo buugga.
Ugu dambayn farriinta buuggu sidaa wax ay tahay jabhadi wax lagu degdego ma aha, waxase taana ka sii horraysa in aan muwaadin lagu khasbin in uu qori qaato oo dawladdiisa la dagaalamo.
Cabdiqani Cabdillaahi Aadan
30/01/2022
Mogadishu, Soomaaliya
Comments
Post a Comment