Buuggan magaciisu waa “Halgan iyo Haladayg,” qoraagu na waa Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen Cabdi. Inta aan ka og ahay waa buuggii koowaad ee qof soomaali aragga li’I qoro ama ku qoro Af Soomaali. Nuxurka guud ee buuggani waa in aynnu wadaagno sooryada sooryaal ee Mudane Cabdiraxmaan, kaas oo uu ku soo qaadanayo waayo iyo dhacdooyin kala geddisan oo marka hore shakhsiyaddiisa taabanaya, marka xiga na dalka iyo dadka Soomaaliland ku xidhiidh leh.
Marka la ga yimaaddo taariikhda aanu madiga ku ahayn warintooda ee halgankii dibuxoraynta dalka iyo waayahaa siyaasadda Soomaaliland ee uu tan iyo sannadkii 2005tii ku soo jiray, waxa uu Cabdiraxmaan la gaar yahay, haddii aanu la ahaynna tiro yari ku wehelisaa marka hore in uu dalkan iyo dadka Soomaaliland badbaadintooda iyo xorayntoodii indhihiisa siistay, marka xigana, siyaasadda sida loo ga bartay badi siyaasiyiinta Soomaaliland waa inay dan shakhsi u gu jiraan, isagu se muddadaa rubuc qarniga ku dhaw sooyaalkiisa siyaasadeed waxa hoggaaminayay mawqifka raadinta xuquuqda dadka naafada ah, waxaa na si weyn u ga muuqda danaynta uu siinayo sidii dadkaasi dawladnimada xuquuqdoodii u ga heli lahaayeen, si la mid ah sida bulshadu guud ahaan ay tahay inay dawladnimada u ga helaan.
Waayaha nolosha iyo gedgeddoonkooda waxa lagu tilmaamaa mowjado oo kale. Waa mowjado iyagu is wada, oo aad qayb ka tahay. Mowjadahaasi jihada ay hadba u dhaqaaqayaan, Meesha ay ku geynayaan iyo natiijada ka soo baxaysa ma dadka ayaa saameyn ku leh, mise waa wax iska socda oo aynnaan waxba ka beddeli karayn? Kii ay tahay ba, runtu waa in noloshu tahay wax baaxad weyn, oo qof waliba yahay uun qayb yar oo ka mid ah. Gedgeddoonkaa nolosha iyo maalmahaa adduunyada ee midiba cayn goonni ah kugu noqonaysaa, waxay Cabdiraxmaan isaga oo dhalinyaro ah oo halgan umaddeed ku jira noloshiisii u rogeen inuu araggii indhaha waayo. Taasi sidaa aynnu nidhi waa tu ay nolosha adduunyadi ku dhisan tahay, marka xigana, qaddar Ilaahay iyo qoraal Rabbi ah, balse nolosha sannadkii 1990kii kolkii uu indho beelay uga bilaabmaysa ilaa iminka siduu Cabdiraxmaan u maaraynayay ee u diidday in aragtida uu waayay ay ka reebto gudasha kaalmaha kala geddisan ee nolosha ayay duruus buuggan aynnu u gu dhex tagaynaa ku sugan tahay. Dhab ahaan Cabdiraxmaan waa halyey, bal e, waa “Halyeygii Naafada Soomaaliland”, ayaa aynnu odhan karnaa. Iska ga sheegi mayno oo keliya taa, waxa se marag ka ah rubuc qarnigii u gu danbeeyay siduu dhaqdhaqaaqa naafada xoogga u saarayay, taasina si weyn bay buuggan u gu dhex xusan tahay.
Waxa uu si hoosudhaadhac leh u ga warramayaa nolosha iyo duruufaha naafada dalka. Waxa uu ku dheeraanayaa in bulshada naafada ah ee Soomaaliland aanay helin ama haysan wixii ay ahayd iyo kaalintii ay dawladnimada inay ka helaan ay ahayd. Waxa uu si si ballaadhan u ga hadlayaa abuurta koonka, halka uu aadamigu ka ga jiro iyo karaamada la siiyay ee salaysa ama salka u ah masuuliyadda ka saaran abuurta kale dhammaanteed, mashaakilka siyaasadeed iyo bulsheed ee waaqica nolosha ka taagan. Mowqifkaa guudmarka ah ayaa uu hoos u ga dhaadhacayaa isaga oo hoos u gu degaya nolosha iyo duruufaha bulshada naafada ah iyo axwaasha ay ku sugan tahay, Taas na caqli qudha kuma soo gudbinayo ee mid walba kasha iyo qalbiga ayuu ka soo goynayaa.
Buuggani waa farriin umadda toos u gu socota. Bulshada labadeeda dhinac ee ay mashaqadu dhex taal ayuu mid walba u dirayaa waano, canaan, abhin, guubaabo, talo iyo tusaale. Taas sababteedu waxay noqon kartaa arrinta meesha taal oo ah mid u baahan wacyi guud iyo isbeddel bulsho, oo aanay qof keli ah iyo kooxi keli ahi waxba ka qaban karin.
Buuggan waxa aynnu u gu tagaynaa aqoon hoggaamineed, waayo-aragnimo nololeed iyo raadadkii nololeed ee Cabdiraxmaan, dhibaatooyinkii ka horyimid iyo sida uu u ga soo gudbay, fursadihii soo maray iyo sidii uu u ga faa’iidaystay. Marka la ga yimaaddo sida baxsan ee dhiibsan ee uu waayaha iyo duruufaha nololeed ee naafada soomaalida u ga warramayo, taasoo uu rubuc qarni ka badan wakhtigiisa iyo maalkiisa u gu huray waxkaqabashada duruufahaa, isaga u maray dalal badan, albaabo badan u garaacay, dadyow kala duwanna u hor istaagay, arrinta dawladnimada iyo dimuquraadiyadda Soomaaliland ay is la caddilan yihiin ayaa uu mudane Cabdiraxmaan ku hakanayaa. Isaga oo is ku deyaya in uu lafaguro xiddidada ay ku aroorto iyo dhirta ay hadhsato dhibta ka dhex aloosan Soomaaliland iyo dawladnimada casriga ah. Waxa uu taa ku lammaanaysiinayaa siyaasiga basarka xun ee Soomaaliland iyo sida falka waaqiciisu yahay, isaga oo siyaasadda iyo siyaasiga wanaagsan ee dal iyo umad horumarin karaya si ka duwan sida aynnu ka barannay siyaasiyiinta danaysiga axmaqa ah leh inoo baraya.
Siyaasigu waa in uu ku guulaystaa sidashada iyo sugashada awoodda dhaqan wanaagsan iyo dhawrsanaan miiggan, si uu u yeesho haybad umaddiisu isu gu soo taagi karo. Cabdiraxmaan waxa ay bulshada inteeda badani ka dooc iyo dareen qabaan in uu lee yahay haybaddaas oo ah hibo ilaashi u baahan. U gu danbayn farriinta weyn ee buuggani sidaa waa in bulsho iyo dawladba dhugmo weyn loo yeesho codka naafada Soomaaliland.
Comments
Post a Comment