Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir (1940s–2021): Geeri iyo Nololba Gobannimo

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir (1940s–2021): Geeri iyo Nololba Gobannimo

Eebbe wuxuu Qur’aanka Kariimka ah, suuradda Aala-Cimraan, aayaddeeda 185aad inoogu caddeeyey in naf kasta ay dhadhamin doonto geerida. Waa xaqiiqo aan laga leexan karin, waana halka ay nolosha adduunyada qofku ku dhammaanayso.

Si kastaba ha ahaatee, waxa qofka adduunka lagu xasuustaa waa raadadka uu ka tago—himilladii uu xaqiijiyay, hab-dhaqankiisii, iyo magaca iyo maamuuskiisa intii uu noolaa; si kale haddii aynnu u dhigno, nolosha adduunyo qofku waa meesha ay hanka iyo falaadka uu ifka la joogay dhigaan iyo magaca iyo sifaalaha ay labadaasi u yeelaan.

Sidaa awgeed, dadka qaarkood marka ay geeriyoodaan, xusuustooda waxa sii jirsiiya waxqabadkoodii, halka kuwa kalena si sahal ah loo illaabo, oo ay uga baxaan xasuusta bulshada. Taa macnaheedu waa qofku marka uu dhinto waxaa lagu xasuustaa ama lagu illaawaa waxa uu ifka kaga tagay.

Maalinnimo Jimce ah, 12kii bisha labaad, 2021, abbaaro siddeeddii fiidnimo, ayaa nin aannu saaxiib nahay ii sheegay warka naxdinta leh ee geerida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir (1940s–2021). Geerida Suldaanku may ahayn mid aniga oo keliya igu reebtay dareen murugo leh, balse waxay ahayd mid taabatay quluubta ummadda soomaaliyeed oo dhan.

Haddaba, maqaalkan kuma lafagurayo sooyaalkii nololeed ee Suldaanka ama taariikhda faca weyn ee saldanadda, balse waxa aan isku dayayaa in aan wax kooban ka tilmaamo shakhsiyaddiisii, dadnimadiisii, iyo sifooyinkii gaarka u ahaa.

Suldaan Maxamed waxa uu ahaa tusaale qofnimo oo laga baran karo geesinnimo, hoggaamin hufan, iyo deeqsinnimo. Noloshiisu waxa ay ahayd mid ka tarjumaysa masuuliyad, caddaalad, iyo waxtar bulsho. Sidii uu u noolaana waxa ay astaan u ahayd hoggaamiye bulsho iyo dhaqameed oo ku sifaysan hal-adayg, talowadaag, iyo naxariis.

Waxa uu lahaa shakhsiyad dhinacyo badan hodan ka ah, taas oo ay ku kulansanaayeen wanaagyo badan oo aan badi dadka laga wada helin. Qof kasta oo la kulmay ama yaqaannay amaba la dhaqmay, wuxuu ku xusuusanayaa dadnimadiisii iyo wanaaggiisii qofnimo ee badiba uu dadka kale dheeraa, deeqsinimadiisii, dulqaadkiisii, hufnaantiisii iyo hoggaamintiisii.

Suldaanka waxaa lagu yaqaannay in uu ahaa shakhsi qalbigiisu ka xalan yahay qabka iyo fatooshka badiba madaxda looga bartay. Xilka, maalka iyo magacu toonna agtiisa waxba kamay ahayn, bal e, suldaannimada iyo cumaamaddaba nin kaga kalsoon, kuna tiirsan shakhsiyaddiisa dabiiciga ah ayuu ahaa.

Waxa uu ahaa nin ilbaxnimo iyo reer magaalnimo ku jirto oo aan suldaannimada kaynta la aaddin. Sida uu mar ka warramay Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)[1], Suldaanku wuxuu ahaa qof aqoon iyo xikmad isku darsaday. Waxa uu wax ku bartay Somaliland, Suudaan, iyo Ruushka, sidaa darteed, waxa uu ahaa nin aqoon ahaan dhisan.

Suldaan Maxamed, waxa uu ahaa oday beeldaajiye ah iyo xilkas u feejigan guud ahaan dadka soomaaliyeed, gaar ahaanna dadka uu la nool yahay, waxa ay ku sugan yihiin, marwalbana u war haya oo wax la qabashadooda iyo taageeriddooda iska xil saara. Wuxuu ahaa nin aan xaqa ka gabban, cod iyo carrab xor ah leh, oo aan cidna uga haybaydsan runta. Wuxuu ahaa dhegayste wanaagsan oo fikirka dadka kale ixtiraama, isagoo si gaar ah u qiimayn jiray dadka waxgaradka ah iyo aragtidooda.

Suldaan Maxamed wuxuu ahaa deeqsi gacantiisu furan tahay oo wixii uu hayo lala leeyahay. Waxa la isku raacay oo qof kasta oo la kulmayba ka markhaati furay, in aannu weligii qof u soo baahday gacantiisa oo madhan celinnin, weligiina qof waxa uu siinayo u tirin.

Kaddib faafiddii warka geeridiisa, Liibaan Ismaaciil Buraale, oo qoraal ka qoray Suldaan Maxamed kuna faafiyay bartiisa Facebook, wuxuu xusay laba dhacdo oo uu goobjoog u ahaa. Ta hore wuxuu sheegay in sannadkii 2014kii uu meher kaga qaybgalay Maansoor Hotel oo Hargeysa ku yaalla. Siddeed suldaan oo uu Suldaan Maxamed ka mid ahaa baa joogay.

Kolkii meherka laga soo baxay ee sawirrada dadku galayeen ayaa barxadda hudheelka isaga oo taagan ay Suldaan Maxamed ku yidhaahdeen salaadiintii kale “suldaan maanta ducadii keen,” inta uu taleefan qabsaday ayuu qofkii uu la hadlay ku yidhi “akoonkaygii wax ma ku jiraan?” dabadeed in 8000 oo dollar ku jirto ayaa loo sheegay. Sida uu Liibaan ka warramay inta uu jeeggii bangiga la soo baxay ayuu siddeedii kun ba ugu qoray salaadiintii!

Tu kale oo Liibaan goobjoog u soo ahaa oo ayuu ka sheekeeyay. Nin ay saaxiibbo yihiin oo Jarmalka jooga iyo inanta uu guursanayay oo Jarmalka la joogtay in meherkoodii oo Hargeysa ka dhici lahaa ay hooyadii inanta dhashay ka soo horjeesatay in meherkaasi dhaco, iyada oo soo istaagtay in Suldaan Maxamed oo dalka ka maqnaa illaa uu yimaaddo aan meherka inanteeda la qabayn.

Hooyadaasi waxay sidaa u samaynaysay, sida uu Liibaan sheegay, in inanteedu markii ay tahriibtay ee magafe qabsaday lacagtii madaxfurashada inanteeda lagaga doonayay in Suldaan maxamed ahaa qofkii ay gurigiisa ugu tagtay ee markii ay dhibaatada haysata u sheegtay ka bixiyay dhammaan lacagtii inanteeda loo haystay! Hadda ogow wiilka iyo gabadha midna Suldaan Maxamed dhanka haybta isumay dhawayn.

Ugu danbayn, ma aha maalka oo keliya ee waxkastaba, Suldaan Maxamed, faxal buu ku ahaa - ra’yiga, talada iyo tusaalaha, ducada iyo xataa wejiga farxadda leh. Waxa looga wada marag furay in uu ahaa nin qofka hawl in uu ka caawiyo oo u raaco ka codsada aanu cidduu yahay iyo in uu isu sheego toona wayddiin jirin.

Wuxuu ahaa addoon tuf leh oo ducadiisa iyo habaarkiisu aqbalaad dhanka Ilaahay ka leeyihiin. Dhab ahaan, geeridiisu waxay astaan kale u tahay dhimashada hoggaamiye, geesi, iyo oday karti leh. Ilaahay ha u naxariisto, jannooyinkiisana ta u ugu sarraysa (Firdowsa) hoy ha uga dhigo, bani aadankiisana inta uu u jecel yahay qaraabbo iyo ehel ha uga dhigo. Aamiin.

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan


[1] Cukuse waxa uu warbixin sooyaalkii Suldaan Maxamed ku saabsanayd ku siiyay saxaafadda goobtii la gu aasayay.


Comments