Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir (1940s–2021): Geeri iyo Nololba Gobannimo
Eebbe wuxuu
Qur’aanka Kariimka ah, suuradda Aala-Cimraan, aayaddeeda 185aad inoogu
caddeeyey in naf kasta ay dhadhamin doonto geerida. Waa xaqiiqo aan laga leexan
karin, waana halka ay nolosha adduunyada qofku ku dhammaanayso.
Si kastaba ha
ahaatee, waxa qofka adduunka lagu xasuustaa waa raadadka uu ka tago—himilladii
uu xaqiijiyay, hab-dhaqankiisii, iyo magaca iyo maamuuskiisa intii uu noolaa;
si kale haddii aynnu u dhigno, nolosha adduunyo qofku waa meesha ay hanka iyo
falaadka uu ifka la joogay dhigaan iyo magaca iyo sifaalaha ay labadaasi u
yeelaan.
Sidaa awgeed,
dadka qaarkood marka ay geeriyoodaan, xusuustooda waxa sii jirsiiya
waxqabadkoodii, halka kuwa kalena si sahal ah loo illaabo, oo ay uga baxaan
xasuusta bulshada. Taa macnaheedu waa qofku marka uu dhinto waxaa lagu
xasuustaa ama lagu illaawaa waxa uu ifka kaga tagay.
Maalinnimo
Jimce ah, 12kii bisha labaad, 2021, abbaaro siddeeddii fiidnimo, ayaa nin aannu
saaxiib nahay ii sheegay warka naxdinta leh ee geerida Suldaan Maxamed Suldaan
Cabdiqaadir (1940s–2021). Geerida Suldaanku may ahayn mid aniga oo keliya igu
reebtay dareen murugo leh, balse waxay ahayd mid taabatay quluubta ummadda
soomaaliyeed oo dhan.
Haddaba,
maqaalkan kuma lafagurayo sooyaalkii nololeed ee Suldaanka ama taariikhda faca
weyn ee saldanadda, balse waxa aan isku dayayaa in aan wax kooban ka tilmaamo
shakhsiyaddiisii, dadnimadiisii, iyo sifooyinkii gaarka u ahaa.
Suldaan
Maxamed waxa uu ahaa tusaale qofnimo oo laga baran karo geesinnimo, hoggaamin
hufan, iyo deeqsinnimo. Noloshiisu waxa ay ahayd mid ka tarjumaysa masuuliyad,
caddaalad, iyo waxtar bulsho. Sidii uu u noolaana waxa ay astaan u ahayd
hoggaamiye bulsho iyo dhaqameed oo ku sifaysan hal-adayg, talowadaag, iyo
naxariis.
Waxa uu lahaa
shakhsiyad dhinacyo badan hodan ka ah, taas oo ay ku kulansanaayeen wanaagyo
badan oo aan badi dadka laga wada helin. Qof kasta oo la kulmay ama yaqaannay
amaba la dhaqmay, wuxuu ku xusuusanayaa dadnimadiisii iyo wanaaggiisii qofnimo
ee badiba uu dadka kale dheeraa, deeqsinimadiisii, dulqaadkiisii, hufnaantiisii
iyo hoggaamintiisii.
Suldaanka
waxaa lagu yaqaannay in uu ahaa shakhsi qalbigiisu ka xalan yahay qabka iyo
fatooshka badiba madaxda looga bartay. Xilka, maalka iyo magacu toonna agtiisa
waxba kamay ahayn, bal e, suldaannimada iyo cumaamaddaba nin kaga kalsoon, kuna
tiirsan shakhsiyaddiisa dabiiciga ah ayuu ahaa.
Waxa uu ahaa
nin ilbaxnimo iyo reer magaalnimo ku jirto oo aan suldaannimada kaynta la
aaddin. Sida uu mar ka warramay Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)[1],
Suldaanku wuxuu ahaa qof aqoon iyo xikmad isku darsaday. Waxa uu wax ku bartay
Somaliland, Suudaan, iyo Ruushka, sidaa darteed, waxa uu ahaa nin aqoon ahaan
dhisan.
Suldaan
Maxamed, waxa uu ahaa oday beeldaajiye ah iyo xilkas u feejigan guud ahaan
dadka soomaaliyeed, gaar ahaanna dadka uu la nool yahay, waxa ay ku sugan
yihiin, marwalbana u war haya oo wax la qabashadooda iyo taageeriddooda iska
xil saara. Wuxuu ahaa nin aan xaqa ka gabban, cod iyo carrab xor ah leh, oo aan
cidna uga haybaydsan runta. Wuxuu ahaa dhegayste wanaagsan oo fikirka dadka
kale ixtiraama, isagoo si gaar ah u qiimayn jiray dadka waxgaradka ah iyo
aragtidooda.
Suldaan
Maxamed wuxuu ahaa deeqsi gacantiisu furan tahay oo wixii uu hayo lala
leeyahay. Waxa la isku raacay oo qof kasta oo la kulmayba ka markhaati furay,
in aannu weligii qof u soo baahday gacantiisa oo madhan celinnin, weligiina qof
waxa uu siinayo u tirin.
Kaddib
faafiddii warka geeridiisa, Liibaan Ismaaciil Buraale, oo qoraal ka qoray
Suldaan Maxamed kuna faafiyay bartiisa Facebook, wuxuu xusay laba dhacdo oo uu
goobjoog u ahaa. Ta hore wuxuu sheegay in sannadkii 2014kii uu meher kaga
qaybgalay Maansoor Hotel oo Hargeysa ku yaalla. Siddeed suldaan oo uu Suldaan
Maxamed ka mid ahaa baa joogay.
Kolkii meherka
laga soo baxay ee sawirrada dadku galayeen ayaa barxadda hudheelka isaga oo
taagan ay Suldaan Maxamed ku yidhaahdeen salaadiintii kale “suldaan maanta
ducadii keen,” inta uu taleefan qabsaday ayuu qofkii uu la hadlay ku yidhi
“akoonkaygii wax ma ku jiraan?” dabadeed in 8000 oo dollar ku jirto ayaa loo
sheegay. Sida uu Liibaan ka warramay inta uu jeeggii bangiga la soo baxay ayuu
siddeedii kun ba ugu qoray salaadiintii!
Tu kale oo
Liibaan goobjoog u soo ahaa oo ayuu ka sheekeeyay. Nin ay saaxiibbo yihiin oo
Jarmalka jooga iyo inanta uu guursanayay oo Jarmalka la joogtay in meherkoodii
oo Hargeysa ka dhici lahaa ay hooyadii inanta dhashay ka soo horjeesatay in
meherkaasi dhaco, iyada oo soo istaagtay in Suldaan Maxamed oo dalka ka maqnaa
illaa uu yimaaddo aan meherka inanteeda la qabayn.
Hooyadaasi
waxay sidaa u samaynaysay, sida uu Liibaan sheegay, in inanteedu markii ay
tahriibtay ee magafe qabsaday lacagtii madaxfurashada inanteeda lagaga doonayay
in Suldaan maxamed ahaa qofkii ay gurigiisa ugu tagtay ee markii ay dhibaatada
haysata u sheegtay ka bixiyay dhammaan lacagtii inanteeda loo haystay! Hadda
ogow wiilka iyo gabadha midna Suldaan Maxamed dhanka haybta isumay dhawayn.
Ugu danbayn,
ma aha maalka oo keliya ee waxkastaba, Suldaan Maxamed, faxal buu ku ahaa -
ra’yiga, talada iyo tusaalaha, ducada iyo xataa wejiga farxadda leh. Waxa looga
wada marag furay in uu ahaa nin qofka hawl in uu ka caawiyo oo u raaco ka
codsada aanu cidduu yahay iyo in uu isu sheego toona wayddiin jirin.
Wuxuu ahaa addoon tuf leh oo ducadiisa iyo habaarkiisu aqbalaad dhanka Ilaahay ka leeyihiin. Dhab ahaan, geeridiisu waxay astaan kale u tahay dhimashada hoggaamiye, geesi, iyo oday karti leh. Ilaahay ha u naxariisto, jannooyinkiisana ta u ugu sarraysa (Firdowsa) hoy ha uga dhigo, bani aadankiisana inta uu u jecel yahay qaraabbo iyo ehel ha uga dhigo. Aamiin.
Cabdiqani Cabdillaahi Aadan
[1] Cukuse waxa uu warbixin sooyaalkii Suldaan Maxamed ku saabsanayd ku
siiyay saxaafadda goobtii la gu aasayay.
Comments
Post a Comment