Cali khaliif gallaydh: geeri iyo nololba gobonnimo

Soomaalidu wax ay tidhaahdaa "geeri nimaanad aqoon iyo geel jiray ku wanaagsan tahay" balse ninka aanad aqoon iyo geeljirahaba cid baa garanaysa. Waqti aanan iminka saxayn galab iyo fiid kii uu ahaa 8dii bishii tobnaad ee sannadkii 2020kii ayaa aan soo istaagay meherad dukaan ahayd oo ku taallay aagga kaalinta Maxamed-Rashiid ee waddada idaacadda tagta. Saaxiibkay Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Carab ayaa is bariidin ka dib igu ganay warka naxdinta leh ee geerida Cali Khaliif Gallaydh oo uu isu kaayo yaqaannay. Wax ay igu noqotay qaadanwaa, waayo maalmo ka hor baa is arag isugu kaaya dambaysay Cali, maalintii isugu kaaya dambaysayna buugaagtii uu isiiyay kolka warka geeridiisa lay sheegayo sidii aan gaadhigayga u saaray maalintaa ayay u saarnaayeen. 

Barafasoor Cali Khaliif Gallaydh (1941-2020) maqalka magaciisa iyo aragga muuqiisu waqti hore ayay ii ahaayeen, wax aanse si joogto ah u dhegaysan jiray una daawan jiray waraysiyada uu bixiyo iyo hadallada uu jeediyo intii uu dib ugu soo noqday siyaasadda Soomaalida ee carro Dhulbahante fadhiisinka ka dhigtay. Is barashadayada toos ahi wax ay ahayd 8da bishii sagaalaad ee sannadkii 2019kii, kolkaas oo uu isku kaaya xidhay Cabdillaahi-Geeljire oo xilal wasiirnimo Jamhuuriyadda Somaliland ka soo qabtay. Maalmahaa aanu is baranayno Cali wax aan u doonayay in aan ka waraysto Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali oo aan xogururinta taariikhdiisa waday. Kolkaas oo aan ka qaaday waraysi aan badnayn oo 30 daqiiqadood ah. Wax aan si wanaagsan u xasuusan ahay hadal uu maalintaa igu yidhi oo nuxurkiisu ahaa " weligay balwad maan yeelan, taasina wax ay iga hor joogsatay rag badan oo aanu sheekaysan lahayn oo aan wax badan ka baran lahaa Cabdiraxmaan-Tuurna ka mid yahay in aanan waqti xafiisyada ka baxsan isu helin, sababtaas baanan Cabdiraxmaan-Tuur wax aad u badan uga baran." Aniga iyo barafasoor Cali xidhiidhkayagu kuma ekaan kumana joogsan waraysiga sooyaalka Tuur, balse tan iyo maalintii ugu horraysay ee aanu kulannay ilaa geeridiisii xidhiidhkayagu wax uu ahaa joogto. Si wanaagsan baanu waqti isugu heli jirnay, muxtarim iyo siyaasiyiin door ah buu i baray iskuna kaaya xidhay sida Faysal Cali Waraabe, si taa la mid ah baa akhyaar iyo waayeel badan oo la sheekaysigiisa danaynayay aan iyaga iyo Gallaydh isugu keenay. 

Beryihii aan Gallaydh bartay wax uu deggenaa hudheelka Cali Jirde, muddo ka dib ilaa geeridiisiina wax uu deggenaa hudheelka Damal ee Dahabshiil leeyahay. Wax aan xasuusan ahay maalmihii uu ka guuray hudheelka Cali Jirde oo baraha bulshada aad la isula dhex maray in Gallaydh lacagtii hudheelka dawladdu bixin wayday oo laga raray. Fiidnimo maalin ka mid ah maalmahaa aniga oo Gallaydh ka soo qaaday hudheelka Damal kuna sii jeedna agagaarka Star Hotel, halkaas oo aan ku ballansanayn qoraa Maxamed Xirsi Guuleed (Cabdibashiir) oo iga codsaday in aan isu keeno isaga iyo Gallaydh, ayaa intii aanu sii soconnay waydiiyay sababta uu uga soo guuray hudheelka Cali Jirde. Wax uu Gallaydh iigu jawaabay "adeer hudheelka waxaa ku xidhan qolooyinka Imaaraadka, aniguna wax aan deggen ahay qolalka waaweyn, kolkaa inan uu dhalay Siilaanyo oo hudheelka maamusha ayuun baa igu wargelisay in ay qolka u baahan yihiin, sidaas baan uga soo guuray oo Dahabshiil oo arrimo ganacsi naga dhexeeyaan aan u soo guuray hudheelkiisa." Fiidnimadaa intii aanu sii soconnay waxa kale oo aan Gallaydh waydiiyay hawshii iyaga iyo dhanka xukuumaddu halkay marayso. Wax uu igu yidhi " nin haddii subaxii markuu gurigiisa ka soo baxayo ay caruurtiisa mid ka mid ahi ka soo xanaajiso oo xafiiska cadhadaa ku imanaya ciddii uu la kulmana ku qaabilaya ayaa arrintii u xanniban tahay, waa sidii aad kula kulantaan farxad ama cadho, dhinaca kalena guddi haddii hal qof maqan yahay la odhanayo hebel baa maqan oo shirkii furmi maayo ayay hawshiiba gacantooda ku jirtaa." 

Barafasoor Gallaydh tan iyo lixdameeyadii dawladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya wax uu ka soo qabtay xilal door ah oo kala duwan, wasiir, madaxii wershaddii Sonkorta ilaa raysalwasaare. Xilka raysalwasaaraha oo ah kan ugu sarreeyat xilalka uu qabtay wuxuu noqday sannadkii 2000, waxaana magacaabay Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad Xasan. Muddadii uu xilkaa hayay oo koobnayd waxa ugu weyn ee laga xasuusan yahay waa faragelintii badheedhka ahayd ee dawladda Itoobiya ku haysay xukuumaddiisii iyada oo Itoobiya si weyn u diiddanayd ugana soo horjeesatay Raysalwasaare Gallaydh. 

Beryihii aanu kulannada xidhiidhsan lahayn ayaa aan la wadaagay Barafasoor Gallaydh hadal kooban oo Jeneraal Jaamac-Yare ku qoray buuggiisii ugu dambeeyay ee "Taariikhda Soomaalida Xogogaalnimo u dhaw," oo aan markaa soo bixin, wax uu Jaamac ka hadlay Gallaydh waqtigii uu raysalwasaaraha ahaa sannadkii 2000 iyo sidii Itoobiya faragalinta qaawan ugu haysay xukuumaddiisii. Wax aan Gallaydh tusay hadalkii buugga ku qornaa oo sidan u dhignaa "... Dawladdii Carta lagu soo dhisay Xabashidu waa la dagaalantay oo wax ay si badheedh ah u abaabushay qabqablayaal dagaal si loo burburiyo dawladaas Soomaaliyeed. Wasiirkii 1aad ee dawladdaas, Cali Khaliif Gallaydh, oo isku dayay in uu wax iska celiyo oo dawladdiisa ka difaaco fargelintii Xabashida, waxaa xilkii looga qaaday in lagu beddelo nin ay Xabashidu ka raali noqon karto. Ayaandarro, nin Xabashiyi rabtaa waa kii laga ilaalin lahaa danaha Soomaaliyeed. Sida laga soo xigtay ilo xogogaal ahaa, Cabdiqaasin Salaad Xasan iyo lataliyayaashiisii wax ay la xiriireen Cabdimaajid Xuseen oo dawladda Itoobiya uga wakiil ahaa Ummadaha Midoobay oo New York joogay. Wax uu ku soo taliyay in Xasan Abshir loo magacaabo wasiirka kowaad oo Cali Khaliif lagu beddeli lahaa. Markaas kadib baa ay xubno beesha Darood ka soo jeeday oo ka tirsanaa hayadihii lagu soo dhisay Carta, dawlad iyo baarlamaanba, u tageen Cabdiqaasin. Wax ay ku yiraadeen, sida qaarkood ii sheegeen, “Waar haddii aad rabto nin Xabashiyi doonayso, ma jiro nin Soomaaliyeed oo Cabdillaahi Yuusuf Xabashi uga dhowiye, ma aad asaga u magcawdid Wasiir 1aad si aynu bal dhexdeenna u midowno.” kolkii uu akhristay, wax uu igu adkeeyay in kolka buuggaasi soo baxo aan u keeno si uu qoraal uga qoro ka dib kolka uu akhriyo. 

Barafasoor Gallaydh intii aan aqaannay wax aad u badan baan ka bartay, wax aad u badan buuna ii kordhiyay. Shakhsiyad isduldhig badan, deggen, daacadnimo ku sifaysan kana muuqato, arrimaha guud iyo danta bulsho toosinta wixii ka qaldan u taagan buu ahaa. Wuxuu isku darsaday aqoon baac dheer oo uu u lahaa sooyaalka iyo dhaqanka Soomaalida, baraarug sarreeya oo uu kula socday waxyaabaha degmadeenna iyo hareeraheeda ka dhacaya, iyo aqoon fiican oo uu u lahaa caalamka, gaar ahaan reer Galbeedka. Si kastaba, kolka la soo hadalqaado magaca Gallaydh, waxa la sheegi karaa waxyaabo badan oo lagu xasuusto marxuunka. Aniga se, awooddii uu Galaydh u lahaa in uu u hadlo qaab dadka dhegaysanayaa/daawanayaa fahmi karaan ayaa xiise gaar ah ii leh. Wuxuu ahaa tusaale manhajyada geli kara oo tusinaya waxa ‘aftahamo’ laga wado. Waxa uu sida ugu fiican, ee qof saaxadda guud ee Soomaalida ku jiraa yeeli karey, u lahaa awoodda hadalhelidda iyo hadalgudbinta. Waxa uu ka hadlayo adiga oo aan ku wada raacsanayn, ayaad haddana wax ka baranaysaa sida uu waxaas uga hadlayo. Dhab ahaan Gallaydh in uu ahaa doodaa dhaqanyaqaan ah, siyaasi xogogaal ah iyo akhriste wanaagsan, ayaa sababay in uu hadalkiisu macneyaal badan u sameeyo dadyaw kala duwan.

Barafasoor Gallaydh, wax uu ka noolaa Soomaalidii wax baratay Afgenbigii Askarta ka hor—oo ka tayo sarreeya kuwii wax bartay intii askartu talada haysatay. Hasayeeshee waxa yaraa, ama aan si muuqata u jirin, waxsoosaar aqoomeed oo uu ka tagay. Dhawr goor baan si toos ah iyo si dadban taa ugala hadlay ugu yaraanna uu qoro ogaalkiisa waxii soomaalida siyaasaddeeda ah tan iyo lixdameeyadii. Wax aan xasuusan ahay isaga oo Cali ii garaabay hadal uu igu yidhi oo sidan u dhignaa "Cabdiqanoow way igu jirtaa in aan wax qoro, waxaana ii qorshaysan kolkaan arrinta aan halkan u joogo dhinac u rido in aan dalalkaa dibadda ee laabyada wanaagsan leh muddo sannad ah tago oo wax qoro." Wax aan ka xun ahay isaga oo aan taa u dhaqaaqin in uu god galay: wuxuu sed u helay oo aynu khudbadihiisa iyo waraysiyadiisa badan ugu laallaaban doonnaa quruxda iyo hodannimada afeed, dhaqameed, iyo baraarug ee uu qodobbadiisa ku soo gudbin jiray.

Comments