SAWIRQAADE YUUSUF DAAHIR: NIN MUDAN MUDNAAN BULSHEED

Gacantiisa hibada sare leh iyo kamaraddiisa ayaa I baray deegaanno aanan gaadhi kareen, deegaanno aanan hore u aqoon iyo deegaanno in ay jiraan ba aanan ogayn. Wuxuu ii baray dalkayga hooyo si kale oo aanan filayn. Quruxda dhulkayga, bilicda iyo suuradda ashaqaraarka leh ee dhul-dalxiiseedka dalkayga ku yaalla ayuu u tusay oo aniga oo aan hawl I ga qabsan, jid u marin oo magaaladaan ku dhashay ee Hargeysa dhex taagan I hor keenay. Tolow la’aantii ma baran lahaa waxaas oo dhan oo ma daawan lahaa bilicda san ee dhulkayga hooyo? Ilaahay ha u naxariisto e, abwaankii weynnaa, Xaaji Aadan (Afqallooc) baa ay gabay uu lee yahay ku jireen:

“Dadka kale ninkoodii waxtara way tixgaliyaane
Idinku na caqliga taabudkaa waad ku tumataan.”

Dhaqanka soomaalida oo tixgalinta la’aanta qofka kaalingudasha qumman ee bulsho la yimaadda ayuu xaajigu ka hadlayaa. Waxa uu innagu dhererinayaa umadaha kale iyo sida ay qofkooda mudan karaamaynta ee waxtarka leh u karaameeyaan. Caadada soomaalidu waa in qofkasta oo waxtar leh, geeridiisa ka dib la sheego oo la xuso. Qof aan umaddiisu ifka u gu abaalgudin oo ku karaamayn, qabriga wax u gu tari mayso in la xusaa; waa kii abwaankii cabqariga ahaa iyo suugaanyahankii xaqudirirka ahaa, Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) lahaa:

“Ha laguu ilmeeyee
Horta dhimo af maahee
Eeggoo la noolyiyo
Ifkaan kaaga baah nahay
Wax yaroo aqoonsiya.”

Maqalkiisa iyo aragtidiisa ba, waxa ay ii ahayd 31kii bishii laba iyo tobnaad ee sannadkii 2015kii. Goor fiid gaaban ah, goorsheegtu na sheegaysay 7:00 fiidnimo baa aan is ka soo xaadiriyay hoolka Maansoor. Waxa loo ballansanaa munaasibad uu soo agaasimay saaxiibkay Xamse Xaaji Faarax (Bootaan) oo ladhkeedu ahaa “Baro Haldoorkaaga.” Yuusuf Daahir oo ka mid ahaa haldoorkii ku casuunnaa, habeenkaas baa aan muuqiisa bartay.Nolol wanaagsan, dal dunida dalalka u gu nolosha wanaagsan ka mid ah, waa Canada e, ayuu inta uu ka yimid, doortay in uu waajibka dhulkiisa iyo dalkiisa hooyo ee Soomaaliland guto. Kaalintii uu buuxin karayay ee aqoonta iyo xirfadda iyo hibada sare ba u lahaa buu ka ga hagaagay.

Marka la ga yimaaddo gudashada waajibkiisa muwaaddinnimo, soo bandhigidda bilicda dhulka hooyo, waxaan tiro lahayn inta qof ee maanta sawirqaadayaal ah ee ka aflaxay kana bartay kamaradda. Halgamaa umaddeed baa aan odhan karaa. Dunida kale, dadkoodii ayaa bilicda aynnu shaashadaha ka majeeranno in ay inoo soo bandhigaan ka shaqeeyay. Innagu na, umad aan is ogayn baa aynnu nahay, badanaa in aan ka mid ahaa ee u haystay in Ilaahay dhulkiisa ballaadhan meeshii u gu foosha xumayd, u gu liidatay ee u gu bilicda darrayd inagu abuuray? Yuusuf Daahir wuxuu noqday rasuul loo soo diray in uu aaminaaddaas meesha ka soo saaro oo dal ama dheh ba dhul iyo dadkiisii oo aan is ka war hayn is baro. Haa, bilicda iyo quruxda dalkeenna iyo dadka ayuu is baray.

Waraysi ay ka qaadeen Mareegta Weedhsan, wuxuu yidhi Yuusuf isaga oo ka hadlaya kaalintiisa sawirqaadannimo: “Waa shaqo aan jeclahay, waana hubka keli ah ee aan ku difaaci karo dalkeenna, kuna muujin karo horumarkiisa iyo bilicdiisa dunidana ugu bandhigi karo. Waa sida keli ah ee aan farriintayda ugu gudbin karo walaalahayga Somalilanders ka ah iyo xukuumaddeennaba.” Source: http://weedhsan.net/index.php/the-magazine/6624-the-magazine-awoodda-sawirka-xogwarranka-yuusuf-daahir

Aan ku soo xidho qoraalka oo idhaahdo Yuusuf Daahir: mahadsanid muwaadin, waajibkii dhulkaada, dalkaaga iyo dadkaaga ba waad gudatay, Ilaahay ha kuu gu abaalgudo jannooyinkiisa ta u gu mudan ee Firdowsa. Waxa aad mudan tahay in goobaha mudanka dhulkeenna in taallooyin lagaaga dhiso.

Comments