Dharaaraa Ina Soo Maray: buug muhiimad weyn oo taariikheed leh

27/12/2019kii habeennimadii waxa magaalada Hargeysa la gu soo bandhigay buug taariikheed cusub. Qoraagga buuggu, indhaha bulshadii dhawrka boqol ahayd ee hoolka weyn ee Maansoor soo buux dhaafisay, kumannaankii baraha bulshada sida toos ah u ga daawanayay iyo dhegaha dadka soomaalida ah ba qof ku cusub ma aha; waa Boobe yuusuf Ducaale oo toban buug in ka badan oo hore maktabada Af Soomaaliga ku soo kordhiyay.
Dharaaraa Ina Soo Maray waa hayaan taariikheed oo geeddiyadeedii kala danbeeyay buuggu goobjoog u ahaa. 

Labaatan sannadood (1960 – 1980) dadka iyo dalka Soomaaliland wixii ay muteen iyo halgan toban sannadood (1981 – 1991) ahaa oo aan dharaar keliya faraska heensaha la ga dhigin seefta na dhiigga la ga bi’in baa uu ka warramayaa.
Mujaahid Boobe wuxuu si hoos-u-dhaadhac leh u qeexayaa duruufihii bulsho iyo halgan ee dadka reer Soomaaliland ku xeernaa. Waxa uu si wacan u soo gudbinayaa caadifaddii dadka reer Soomaaliland qaadday ee ay xorriyaddoodii u geeyeen Xamar iyo wixii ay dabadeed muteen, sababihii halgan tobanka sannadood ahaa ee SNM hormuudka ka ahayd keenay ee dhib, dhac, cadaadis iyo gabboodfal iyo xadgudubba ahaa. Wuxuu si baxsan u kala dhigdhigayaa qaabkii halgankaa loo abaabulay, dadyowgii qaybaha bulshada ka mid ahaa ee ka qaybqaatay, goobihii iyo deegaannadii la gu dagaallamay oo aad u badnaa, magacyadii halyeyadii iyo hoggaamiyayaashii SNM.

Maadaama aan shan illaa lixdii sannadood ee u gu danbeeyay dabagalka iyo baadhista sooyaalkii taariikhda siyaasadeed iyo halgameed ee guud ahaan soomaalida, gaar ahaanna Soomaaliland dadaal galinayay, marka ay SNM tahay, wax badan oo aad u badan oo halgankii SNM ee tobanka sannadood ahaa ku saabsan baa in aan helo xogtoodu I gu adkaatay, aniga oo intaaba tobannaan iyo tobannaan raggii SNM ahaa waraysiyo ka qaaday kuwo kale na la sheekaystay. Waxa ka mid ah waxyaabaha SNM ku saabsan ee aan raadin jiray dastuurkii SNM oo dhammaystiran iyo go’aamaddii shirweynayaasha iyo waliba heshiisyadii SNM la gashay cido kale ee ay ka mid yihiin heshiiskii SNM, USC iyo SPM. Buugga Dharaaraa Ina Soo Maray ee uu soo saaray Boobe Yuusuf Ducaale dhab ahaan wuu ka duwan buugaagtiisii hore ee soo baxday, arrimaha uu mudnaanta koowaad ii gu yeeshay aniga waxa ka mid ah in aan ka helay kayd badan oo aan tabayay oo SNM ku saabsan.

Boobe waxa uu isu gu keenay buugga kayd muhiim u ah qof wal oo maanta doonaya in uu wax ka ogaado ama ka qoro taariikhdaa tagtay ee Soomaaliland iyo jabhaddii SNM, dhismaheedii urur ahaaneed, halgankii tobanka sannadood ahaa iyo qaabka ay u wadday, shirweynayaasheedii iyo sidii dimuquraadiga ahayd ee ay u qabsoomi isu dooran jireen. Waxa intaa ba ka sii muhiimsan kaydka qoraal ee buugga loo gu dhextagayo. Dastuurkii SNM, go’aamadii shirweynayaasha iyo kalfadhiyada jabhadda iyo heshiisyadii SNM cido kale la gashay ba, nuqulladii rasmiga ahaa oo sawiran baa buugga ku yaalla, kuna qoran. Haddii qoraagu buugaagtiisii hore uu inoo soo werin jiray xogihii SNM la xidhiidhay, maanta buuggiisan cusubi waxa la ga helayaa kaydkii SNM ee rasmiga ahaa.

Ibnu Khalduum ayaa laga hayaa hadal u dhignaa “ taariikhda iyo mustaqbalku waxa ay isu shabahaan si ka dhaw sida ay isagu eeg yihiin dhibcaha roobku”. Haddaba, taariikhda ay umadi lee dahay waa muraayad laga dheehdo tagtada iyo casharrada ay tabinayso, iyada oo dharaaraha soo socdaa ay yihiin qaabaynta casharradii laga dheefay dharaarihii tagay. Dharaaraa Ina Soo Maray waa duni dhan oo dhigaysan oo qiimi aad u weyn u leh sooyaalka Soomaaliland iyo guud ahaan, baa aan odhan karaa, dadyowga soomaalida iyo waliba taariikhda geeska afrika, afrika iyo dunida ba.

Dhaqanka bulsheedka shaacsanaha ah, qofku wax uu ka ga lumaa wakhtigii uu ku daraasayn lahaa, ku dhuuxi lahaa oo ku baadhi lahaa sidii uu u ogaan lahaa runta taariikhda, in uu buug kasta oo soo baxa ba qofka qoray waxa uu ka aamminsan yahay iyo qabiilkiisa judhiiba is horkeeno, dabadeed af mutuxan iskaga naqdiyo ama isaga beeniyo ba buugga.

Waxa qorani muhiimad gaar ah baa ay lee yihiin, qofka wax qoray na marwalba isaga ayaa ka mudan nin af iyo hadal la istaaga. Buuggan Dharaa Ina Soo Maray waxa aan qabaa laba goorba ka-hadalka waxa uu sidaa wuu furan yahay:
1. Marka la helo dhigaallo kale oo taariikhda uu ka warramayo iyagu na ka warramaya oo la la akhriyi. Iyo,
2. Marka uu ka hadlayo qof isagu sida Boobe taariikhdaa goobjoog ka ahaa oo xogteeda haya.

Wax sahlan ma aha kaydinta iyo ururinta wixii la qoray ee taariikhda halganka intii la gu jiray, Boobe Yuusuf Ducaale hawl culayskeeda iyo aan idhaahdo, halgan labaad baa u wehelinayay kii qoriga, kaasi oo ah in aan kaydkaa taariikhda umadda muhiimka u ahi lumin. Mahadsanid baa aan lee yahay oo qormada ku soo xidhay.

Comments