Ibnu aadanka noloshiisu waa safar xidhiidhsan. Maalin kasta ba safar malyuun fool leh oo ka la waayo, wakhti, dan, dooranaan iyo ujeedda ba ah ayaa uu u galaa dacallada dunida iyo hadba deegaanka uu ku nool yahay deegaannada ka baxsan. Waayo-aragnimooyin ka la duwan baa uu intaa ba, qofku, ka dhaxlaa safarradaa. Qaar baa xiise aanu illaawin ku yeesha oo xusuusta noloshiisa ku lammaanaada, kuwo kale oo socdaallada nolosha ka mid ahi na, aan idhaahdo, wax ay qofka ka ga tagaan murugooyin.
Qofku kolka aanu deegaankiisa, dhulkiisa ama dheh ba dalkiisa dhanna u dhaafin, haddii aan idhaahdo, waa sidii jiir haan ku weynaaday oo ka le, malaha hadal I ga ga soo noqon maayo, hore na waa tii soomaalidu u gu maahmaahday “nimaan dhul marini dhaayo la e” safarku nolosha aadanaha waa u muhiim iyo lagama-maarmaan.
U safridda dal ama deegaan kale, barashada dad cusub dhaqan kooda, dadnimadooda, afkooda (haddii ay ka af duwan yihiin), taariikhdooda iyo la tacaamulkooda ama la falgal kooda bulsho dawladeed iyo nololeed ba waa tu door wey ka ciyaarta nolosha qofka taasi oo dhan kale na, soo dhawaysa fahankiisa iyo u dhug yeelashadiisa adduunyada iyo hab socodkeeda nololeed ee dadyowgeeda iyo deegaannadeeda ka la duwan.
Qormadani waa ballaysinka qormooyin aan ka ga warrami doono safarradaydaas oo sabtiilayaal noqon doona. Safarro tamashlayn iyo tacliin ba lahaa ayaa ay ahaayeen, kuwaas oo aan ku soo arkay dhaqanno bulshooyin ka la duwan, ku soo maqlay afaf ka la duwan, ku na soo bartay sooyaalka umaddo ka la duwan.
Malaysiya:
Malaysiya waa dalkii ii gu horreeyay ee aan noloshayda u safray. Mana noqon kii u gu danbeeyay. U safarkaygii Malaysiya wuxuu ahaa bilowgii safarradaydii siddeed (8) dal oo ka le oo qaaradda aasiya iyo afrika ba ku yaalla oo dhammaantood I gu reebay xusuuso aan I ga guurayn, noloshayda na saamayn weyn ku yeeshay ilaa iminka na ku leh.
Subaxnimo maalin talaado ah, abbaaro 11kii ayaa xaafaddii iyo dhawrkii sekeddood ee xaafadda Qudhacdheer aan ku garaadsaday, ku koray, nolosha na muddo rubuc qarni uun dhawr sannadood ka dhiman yihiin aan ku qaatay gaadhi uu wade ka ahaa Khaalid Maxamed Cabdi la I ga ga qaaday oo diyaaraddii aan dalkaygii iyo magaaladaydii Hargeysa ba ka ga dhoofi lahaa la I gu geeyay. Kursi daaqad xiga ayaa la I ga fadhiisiyay diyaaradda Itoobiya oo ii ballaysintay safarro badan oo dalal barasho, dad barasho iyo dhaqan ka la barasho ba lahaa.
Hablo qurux badan oo aan midiba ta kale ka dhicin ayaa kolba dhan u socsoconayay diyaaradda dhexdeeda, anigu na wax aan la ashqaraarsanaa samayska diyaaradda iyo bilicdeeda gudaha, sida loo nidaamiyay kuraasiddeeda, daaqadaheeda iyo marinnada dhex mara inta ba. Soo fuulidda diyaaraddu waa ay I gu cusbayd, taasaa na sabab u ah baan is lee yahay sida badawnimadu ka muuqato ee aan u daadaawanayo gudaha diyaaradda.
Dhan kale na dareenkayga oo dhami wuxuu ku maqan yahay qoyskaygii, saaxiibaday iyo magaaladayda aan ka dhoofayo. Markii aan diyaaradda cagta geliyay ba, wax la yidhaahdo boholyow ayaa I gu bilaabmay. Asxaabtii aan la cawayn jiray, qoyskaygii aan la noolaa, hooyaday oo aan subax kasta ba ka soo ag toosi jiray ayuun baan judhiiba tebay.
Diyaaraddii ayaa nala haadday iyada oo guux iyo reen waalan ba is ku daraysa, dabadeed na marinkeedii hawada ayaa ay qabsatay. Markan waxa uu qofku xor u yahay dhex socoshada diyaaradda iyo daawashada farshaxanka gudaheeda. Dabcan, qof ay diyaaradi ku cusub tahay ayuun baa taa ku mashquulaya sida aniga oo kale.
Madaarka magaalada Hargeysa, qaybta sare ee sugitaanka diyaaradda wax aannu is ku barannay Mustafe Cabdiraxmaan Sheekh oo aannu is ku ujeeddo safar oo waxbarasho ahayn, is ku dal na u soconnay. Isagu waa nin aan safarka cirku ku cusbayn sidayda, Malaysiya oo aannu labadayadu ba ku sii jeednaa na ku cusbayn. Laba kursi oo is xiga ayaa aannu ka la fadhinnay, halkaas oo sheekadii aannu qabsannay sidii ay noogu socotay aannu hawada dalka Malaysiya ku galnay.
Toddoba iyo toban saacadood (17 saacadood) oo intooda badan aan diyaarad saarnaa ka dib, maalintii danbe – shanti iyo badhkii galabnimo ayaa aannu hawada magaalada Kuala Lumpur ee carriga Malaysiya galnay. Dhulka wada cagaaran iyo biyaha madaxa is ku la jira, dhirta dhaadheer ee bilicda ishu aanay ka daalayn leh ayaan dusha ka daawanayay intii diyaaraddu I su diyaarinaysay in ay caga-dhigato garoonka weyn ee magaalada Kuala Lumpur.
Madaarka dadka ka shaqaynaya, malaha haddii aan boqollayda ku xisaabiyo, askari, mid xafiis fadhiya iyo qaar fadhiya miisaska safafka dadka ka safraya madaarka ama sii galaya dalku ba la gu sii eegayo baasaboorradooda ama la ga siinayo fiisayaasha, boqolkiiba sagaashan waa dumar. Kolka magaalada la soo gala na, haweenku shaqo aanay ka shaqaynayni ma jirto.
Waxa galabnimadaa madaarka Kuala Lumpur I gu sii sugayay Xamse Cabdiraxmaan (Maal) iyo Sakariye (Awguure) oo isagu gobol ka fog caasimadda ka soo safray. Labadooda ba, is araggayaga fool-ka-foolka ahi waa markii koowaad, waxa aannu se I su naqaannaa si kasta oo dadi I su aqoon karaan. Faa’iidooyinka bulsho ee baraha bulshada, gaar ahaan Facebook-gu lee yahay ayaa ay ka mid tahay is baridda dadyow meelo ka la fog jooga oo is barashadooda tu la mahadiyo noqoto.
Dalku waa Malaysiya, wuxuu dhacaa koonfurta bari ee qaaradda aasiya. Waa dal cagaaran. Bilicda, dhismayaasha iyo sida uu dalkani u dhisan yahay toona waxba uma oga dalalka dunida koowaad ee maanta. Sannad kasta dalxiisayaal badan baa daafaha dunida u ga soo dalxiis taga Malaysiya.
Afaf ka la duwan ayaa la gu wada hadlaa, inkasta oo Af Ingiirisigu yahay kan dadka oo dhami ku wada xidhiidhaan. Boqollayda tirade muwaadiniinta dalkan marka la eego, muslimiinta ayaa u badan. Dal ka mid ah dalalka dunida muslimiinta weeye.
La soco qeybta 2aad...
Comments
Post a Comment