Hordhac
In wax la qoraa waxa ay ka timaaddaa in wax la akhriyay. Qof aan waxba akhriyini wax ma qori karo, mana yeelan karo hammo qoraal. In wax la akhriyaa waa horumar, sida ay in wax la qoraa ba horumar u tahay. Kolka ay qoraal joogto, qoraal waxtar leh in la sameeyo baa horumarku yahay, marka ay akhris taagan tahay na, akhrisku kolka wax waxtar leh la akhrinayo buu waxtar yeeshaa.
Haddii ba aanay ka badnayn ba, tobankii sannadood ee u gu danbeeyay baa
dabaysha qoraal soomaalida, gaar ahaanna deegaannada Soomaaliland ka dhacaysay.
Waa sunne in dheefta iyo dhaliishu isbarbar socdaan e, waxa aan qabaa laguma
qadin dabayshaa qoraal, oo haba tirsanaadeene, buugaag waxtar bulsho iyo aqoon
ba leh muddadaa waa ay soo baxeen; waxa se la gu foogganaa inta u gu badan
waxkaqoridda mala-awaalka iyo mawduucyada ku saabsan dhiirrigalinta nafaha oo
qoraha buuggan aan gorfaynayo ba, buuggiisii koowaad (Garashada Wax Laguu
Gartay) dhiirrigalinta nafaha ayuu ku tacaluqay.
Run u dhawdu waxa ay tahay, in aan wali waxkaqoridda mawduucyada aqoonta
ah iyo fekerka la gu dhicin oo kaalintaasi tahay barxad bannaan oo qofaf
tirsani isku soo tuureen illaa imminka. Maktabadaha soomaalidu waxa ay baahi
weyn u qabaan buugaag feker oo caqliga qofka soomaaliga wayddiin ka ga tagi
kara iyo waliba kayd aqooneed aqoonaysan oo berri ka maalin la tixraaci karo,
sida oo kale na, la ga ga maarmi karo buugaagta afafka qalaad ee maanta dantu
inagu qasbayso. Waxa kale oo tani waxtar u noqonaysaa afka soomaaliga oo
noqonaya af aqooneed qofka soomaaliga ahi si aqoonaysan u gu fekeri karo.
Qoraalkani waa gorfayn iyo lafagur ku aaddan buugga “Sicirbararka
Fatwada: fatwadu ma lamataabtaan baa?”. Qoraagu waa Cabdicasiis Mahdi Axmed
(Guudcadde) oo nin aanu saaxiib isku dheer nahay ah. 17kii febraayo 2018ka ayuu
buuggu gacantayda soo galay, oo ii gu yimid Uganda. Si xiise leh baa aan u
akhriyay tiraba laba goor oo kala danbeeyay.
Waa buug xaqiiqatan abbaaraya derbi la ga dhigay lamataabtaan ama ba
dheh loomadhawaadaan. Waa buug feker oo isku dayaya naqdiga waxa la yidhaahdo
fatwada ee wadaaddada diinta Islaamku bixiyaan; waxa uu ka abuurayaa
iswayddiin, waxaa na uu dhigayaa goob naqdineed. Waxa uu buuggani furayaa
albaab aan hortii la furin, taasi oo shaki la’aan tahay in la gu hiifi doono oo
uu la kulmi doono dagaal ka ga yimaadda dhanka wadaaddada soomaalida oo ka
dhigay waxkasta oo iyaga iyo waxa ay qoraan ama dhigaan ba ku tacaluqa
lamataabtaan.
Gorfayntu, guud ahaan aqoonta iyo gaar ahaan ba waxqabadka qoran ee
buugaagta marka la joogo waa agab aqooneed muhiimaddiisa leh[1]. Gorfayntu wehel bay u tahay buugaagta
iyo dhammaan ba waxqabadka qoran, mar na, waa beegaal la ga daawan karo
horumarka iyo muhiimadda uu lee yahay buug daabacani.
Spink, Robins iyo Schamber (1998) baadhitaannada ay ku sameeyeen
mawduucan waxa ay dhigeen aragtiyo sii balballaadhinaya fekraddii Garvey iyo
Griffith (1971) ee tilmaamaysay waxa loo gu yeedhay “xidhiidhaqooneed –
Scholary Communication” aragtidani waxa ay ina tusinaysaa in aqoonyahanku u
wada xidhiidho hab ka duwan hababka kale ee dadku u wada sheekaysto. Xidhiidh
aqooneed wax la yidhaahdo baa aqoonyahanka dhexmara baa ay yidhaahdeen. Kooxdani
na (Spink, Robins iyo Schamber) waxa ay xidhiidh aqooneed aqoonyahanka dhexmara
ku kordhiyeen gorfaynta buugaagta.
Hadda ba, waa maxay gorfayni haddii aynnu iswayddiino, waxa aynnu odhan karnaa waa: aqoonbaadhis, daraasayn iyo qiimayn la gu sugayo waxqabad qoran murtidiisa iyo miisaanka baahiyeed ee uu ka kafaynayo dadka ama dheh ba bulshada loo qoray, taasi oo la na miisaamayo dheef iyo dhaliil waxa uu xanbaarsan yahay.[2]
Sida qaabgorfayneedka buugaagtu yahay ba, saddex meelood baa ay tahay in
buugga la ga abbaaro kolka la gorfaynayo: 1. Qaabka uu u qoran yahay (style),
2. Waxa ku qoran (content), iyo 3. Muhiimaddiisa (merit); haddii aan sii
furfuro, kolka u gu horraysa waxa gorfayntani abbaari doonta qaabka guud ee
buuggu u qoran yahay, marka xigta na waxa ku qoran buugga ama dheh ba mawduuca
oo aan u dul istaagi doono cutubcutub; marka saddexaad na, buuggani muhiimadda
uu lee yahay iyo farriinta ama nuxurka uu xanbaarsan yahay miisaanka baahiyadeed
ee ay bulshada ka kafayn karaan baa aan ku gorfayn doonaa; sidaa awgeed saddex
qaybood baa aynnu u kala qaybin doonnaa iyo gunaanad.
Qaybta koowaad: gorfaynta qaabka buuggu u
qoran yahay:
Haddii aan jaldiga buugga ee sare ku horreeyo, waa jaldi qurux badan oo
indhoqabad leh, tayo ahaanna ma xuma tayada daabacadda buuggu. Laba sawir oo
kala duwan baa gadaal iyo hore ka ga ka la sawiran buugga, kuwaas oo laba degel
uu qoraagu ka soo ka la qaatay. Sawirka hore, waa laba wadaad oo laba
qunbuladood oo is dhaafaya na dushooda la gu sawiray; xaaraan iyo xalaal baa ay
ka la fatwoonayaan oo mid waliba tiisa ridayaa; sawirka gadaasha buugga ku
sawirra na, waa wadaad “fatwadaydu waa muqaddas” haya iyo miskiin yar oo
“xaram, makruuh, xaram, makruuh” la fajacsan, ilayn noloshiisii ba labadaas baa
loo gu soo koobay e.
Magaca
buugga:
Magaca buuggu waa “Sicirbararka Fatwada”, cinwaan hoosaadkiisu na waa
“Fatwadu ma lama taabtaan baa?”. Magaca iyo mawduuca buuggu isma buuxinayaan oo
in magaca buugga la gu la degdegay baa aan qabaa, ereyga “Sicir” sida qaamuuska
Af Soomaaligu dhigayo[3] waa qiime; sicirbarar na, sida qaamuuska
Af Soomaaligu dhigayo waa “sicirbarar {-ka} (magic, lab, keli): lacagta oo
qiimaheedu hoos u dhaco; wixii lala
wareego oo sicirkoodu intii hore ka bato; dhuuniga iyo arradbeelka oo
qaaliyooba”. Sida aynnu macnaha ereyga lammaan ee “Sicirbarar” ka fahmi karno
waa erey suuqa ganacsigu iyo lacagtu lee yihiin oo wayddiinta mudan lihi
noqonayso: mawduuca iyo ereygan suuqa ganacsigu lee yahay maxaa ka dhexeeya?
Fatwada sidee baa uu sicirbarar u geli karaa? Ma lacag baa ay ahayd oo
qiimaheedii hoos u dhacay? Ma dhuuni iyo alaab la la ka la wareego oo
qaaliyoobay baa oo la lee yahay qiimihii hore ha la gu soo celiyo? Iwm.
Habqoraalka guud ee buugga:
Buuggu waa Af Soomaali. 173 bog oo mawduuc keli ah ka warramaya weeye.
Hab iyo hannaan sare baa uu u qoran yahay. Dhanka farsamada iyo tifaftirka,
inkasta oo aanu buuggu tifaftire ku qoran lahayn, hadda na, aad baa ay u fadhiyaan ama ba dheh loo
fadhiisiyay. Kala hormaynta cutubyada oo qoraagu isticmaalay “I, II,III, IV,”
waxa ay ahayd in uu isticmaalo: cutubka koowaad, cutubka labaad, cutubka
saddexaad, cutubka afaraad. Tixraacyada iyo maraajicda si baxsan baa loo gu
qoray buugga. Guud ahaan ba, qoraalka buuggu waa mid si baxsan loo diyaariyay. Hanbalyo baa aan lee yahay saaxiibkay
Cabdicasiis.
Magaca buugga: Sicirbararka Fatwada: fatwadu ma lamataabtaanbaa?
Magaca qoraha: Cabdicasiis Mahdi Axmed “Guudcadde”.
Soosaaraha: Hoyga Murtida
Sannadka: 2017.
Cutub: 4
Bogagga: 173
ISBN:9781788088374
Xajmiga:6”x9”
Gorfaynta buugga: Sicirbararka Fatwada: fatwadu ma lamataabtaan baa?
Cabdiqani Cabdillaahi Aadan
Email: ccaaden@gmail.com
Kampala, Uganda.
March, 2018
Comments
Post a Comment