Bulsho talo leh iyo bulsho aan talo lahayn waxyaalaha kala sooca ee la gu ka la garto waxa ka mid: ta hore (bulshada talada lehi) ma taqaanno mushkilad aan xal lahayn; mushkiladda u gu adag ee la odhan karo qarni dhan xalinteedu waa ay qaadan kartaa baa ay qorshaheeda sii dejisataa oo dabadeed, hadhaw, falkiisa ama ba dheh hirgalintiisa na ka dhabaysaa.
Waa bulsho aan aqoon hadaltiraha la gu calaacalo oo agteeda wixii la sheega ba ama ba yimaadda ba ee mushkilad ku ciriq lehi, xataa teeda si Alle iyo kedis ku soo gasha kolkaaba xal baa ay ka gaadhaa, teeda caadiga ah na, ma aha bulsho sugta mushkiladdu inta ay ku imanayso e, waxkasta oo la odhan karo umad mushkilad soo waajahi karta weeye waa ay sii qorshaysaa sida aynnu nidhi. Waxa aynnu odhan karnaa: waa bulsho tubta ay qaadayso ee marayso taqaanna, waxa intaa ay soconayso haleela na, si, sida u gu fudud ee loo ga gudbo taqaanna, adigu dheh ba: waa bulsho aan mushkilad aqoon.
Bulshada aan se aan talada lahayni mushkilad teeda u gu yar baa agteeda ku weyn marka ay ku timaaddo, xalkeedu na buur ta u gu weyn oo la yidhi ragoow is ururiya oo soo rujiyo ku noqotaa, qorshe la gu sii dejiyo mushkilad ta xallinteedu u gu adag tahay na iyada hadalkeeda daa.
Mushkiladaha haysta iyo dhibaatooyinka maalinlaha ah, inta ba, cabashada keli ah baa ay ka taqaan. Mushkiladdeedu na, inta badan waa laba iyo saddex ase wakhti walba ku soo noqnoqda, oo wax kama barato mushkiladdii soo martay.
Bal u fiirso oo tiri inta mushkiladood ee xilli kasta ba inagu soo noqnoqda ee aynnu baroorta keli ah ka ga jawaabno. Ka bilow mushkiladda abaaraha ee aynnu sannad walba fadhigaa ku sugno inta ay inoo imanayaan, ku xeji ta tahriibta ee la ga baroorto uun, ku xeji iyana mushkiladda dagaallada qabiillo ee madax illaa minjo aynnu baaqa uun ka dirno. Saddexdan iyo inta kale ee tirobeelka ah ba, ma aha mushkiladdo xal aan loo hayn e, umad talo leh baa xalka mushkilad kasta gaadha, mid aan talo lahayni se waa u mushkilad iyo baroor joogto ah.
Haddii maalin uun loo dhaqaaqo xal-u-helidda mushkiladaha iyo dhibaatooyinka bulsho iyo dal ba, malahayga, mushkiladaheenna iyo dhibaatooyinkeena taaganta ah, sida u gu fudud ee loo xaliyo baa xal loo gu heli lahaa; Waanayse jirin oo in loo dhaqaaqo, in qalbiga la ga doono baa ka horraysa, in xal loo ba hale na, haddii loo fadhiisto, in dhaqangalintiisa la ga daacad noqdo baa hadal ka joogaa.
Bal tusaale fog ba aniga oo doondoonin, aan u soo qaato tusaale dhibaatada bulsho iyo dal iyo qaranimo ba ee Ceelafweyn ka taagnayd muddada dheer. Ma mushkilad xal loo waayay baa tahay ama ahayd ba mushkiladda labadaa reer dhextaalla oo kolkasta ba dad inagaga baxayaan? Waa maya, jawaabtu iyadoo gaaban e, si dhab ah baan loo doonin xalkeeda, haddii ba shanta goor ee labadaa reer nabadda la dhexdhigay xal la ga gaadhay oo mushkiladda si dhab ah loo xaliyay na, maxaa keenay in ay illaa maanta halkii uun mushkiladdu joogto?
Bal isla mushkiladdaa Ceelafweyn, mushkilad joogto ah u gu soo tusaale qaatay e, aan xalkeeda na, sida uu u fudud yahay tusaale ka dhigto. In la xaliyo dagaalkaas oo kale, haddii si dhab ah mushkiladdaas xalkeedu inooga go’an yahay, waxa ay ku dhan tahay ba, runta eedda cidda leh oo la ga badheedho!
Caqliga reerhebelnimadu gartiisa ma akhristo oo markiisa hore ba, reer hebel gar iyo gaardarraba wax buu ku doonayaa, kolkaas dawlad iyo bulsho inteeda kale ba, hadalka kiisa runta ah cidda gardarrada leh loo la soo istaago ayaa ay ku dhammaan lahayd oo haddii la ga dhabeeyo, reer kasta oo kale na, ku tusaale qaadan karaa in aan loo warwareegayn, haddii ay gardarro falaan e, runta loo soo istaagayo.
Mushkiladda bulsho ee iyadu na jirta baa se ah in aan runta loo badheedhin e, waanwaan iyo dhexdhexaadin nin gardarran iyo nin gar leh arrinkooda la ga galo, halka la ga ga dhaqmi lahaa, haddii aynnu dhan diineed ba eegno murtida weyn ee nabigu inooga tagay e odhanaysay “walaalkaa u hiili haddii uu gardaran yahay iyo haddii la ga gardaran yahay, laba jeeraala ba,” ka gardaran oo runta loo sheegaa waa u hiil, ka la ga gardaran yahay oo gartiisa la siiyaa na waa u hiil, ku kasta oo gardarro damca na, waa u tusaale in aan gardarradiisa la gu raacayn oo iyadu ba hiilka ayaa ay ka mid tahay; bulsho aan se talo lahayni taa kuma dhaqanto, ereyga runta ah ee keeda gardaranna ma asiibto. Waa sidaas oo run ah in aan mushkilad ama dhibaato xallinteeda bulsho aan talo lahayni asiibin; waa i ga tusaale uun e, kuwa kale ee joogtada ah na, bal adigu ba saar miisaanka.
Sannad kasta abaaro ayaa kumannaan xoolo ah iyo intaas oo kale oo umaddeena ahi ba ku madhataa. Waxa keli ah ee aynnu ka nidhaahnaa na waa “dadkeena ha loo gurmado oo inta hadhay ha la badbaadiyo”, iyo “Ilaahay baa keenay roob la’aanta e, maxaynu ka qaban karnaa!” waxa aynnu qaban karnaa, waxa dadyowga dunidu ka qabteen, teeda u gu yar ba, marka roobku da’o waxa dooxyo biyahoodu badaha inaga galaan baa aynnu biyoxidheenno u samaynsan karnaa oo xataa kolkaa gaadhi karnaa toban sannadood haddii abaari timaaddo in aynnaan dad iyo duunyaba dhaadin; waa se baabbaco timo aanay ka soo baxayne, tu Alle ba oo awooddiisa ah ba ha ahaate e, dadku itaal, intii uu leeg yahay ba oo Alle galiyay baa jira, kagana gaashaamaan karo mushkilad kasta oo dabiiciya, xataa maxaa aynnu yeeli karnnaa ee taagteenna ah in la is yidhaahdo ha sheegin.
Mushkiladaheenna ama ba dhibaatooyinkeena bulsho ee joogtada ah, haddii kuwa bulshooyinka dunida la barbar dhigo, kuwo ka waaweyn baa umaddaha dunida la soo darsa oo aanay habeenna u dhutin. Waa se bulshooyin talo leh oo aan sideena talo la’aan noolayn.
Bulshada Somaliland talo ma laha, mid taliya na ma doorato, haddii la sheega na kama taliyo xalalka dhibaatadeeda iyo mushkiladdahaeeda joogtada ah, lama na wayddiiyo, laguma na xisaabiyo taas oo, malahayga, looma ba dooran marka hore ba.
Ku kasta oo ka mid ah oo taladeeda i su soo taaga, kuma doorato sifo talo iyo hoggaamineed, talaba ma laha e, halka bulshada talada lehi marka hore ba, inta aan doorasho taliye la gaadhin, uu jiro wax ay is ku raacsan tahay oo talo u ga meelyaallaan, taas na ay qofafka, marka ay ka la xulasho qofaf timaaddo ay ku xulato, taliyaheedu na, kolka danbe taladeedaa ay ku xulatay baa uu u gu taliyaa; bulshada se aan talada lahayni, qofaf ka ayaa soo horreeya, iyadu na waxa ay ku la ka la safataa reerhebelnimada, ilayn talo ay lee dahay oo meel u taallaa ma jirto e; iyagu na, intooda taladeeda u taagani, qorshe kasta oo ereyo qurux badan la gu yidhaahdo ba waa ay la soo istaagaan fagaarayaasha, wax ay se og yihiin in aan waxaa ay afka ka lee yihiini bulshada qiimo u lahayn ama ba badankeeda ba u lahayn, hadhaw na cidi ku la xisaabtamayn oo indhaha bulshada marka ay joogto uu yahay qolo heblaayo.
Raha xayawaanka la yidhaahdaa waxa la gu og yahay xilliyada barwaaqada ama roobabka balliyada iyo baraagaha in uu ka “dhaa, dhaa” yidhaahdo oo halkaa ku nolaado, xilliga abaarta na, soomaalidu waxa ay tidhaahdaa wuu is aasaa. Hadda ba, waxa la yidhi, sida aan sheeko soomaaliyeed ku maqlay, xilli abaar ah buu rah u yimid bahasha la yidhaahdo caasha-badhi oo ku yidhi “Naa kolka roobku ii da’o ee balligu ii buuxsamo baa aan iska bixin e, biyo i sii amaahi,” biyihii baa ay amaahisay iyadu na; kolkii gugii la gaadhay baa ay isagii oo balli ku jira u timid oo ku tidhi “Waar Rahoow amaahdii,” isna isma dhibin bee, jawaab kooban buu u dhiibay oo yidhi “Cid miyirqabtaba haddii aad aragto la hadal.” Bulshadu ha iska talo la’aatee, in yar oo hoggaanka talada loo dhiibo is tidhaahda bal wixii la gu lahaa wayddiiya lama waayo, jawaab na, marka intaasi wayddiinta la soo istaagaan iyaga na looma waayo, kol la yidhaahda na, “ciddii miyirqabta ba la hadla.”
Bulsho jiritaan sugan lehi, waxa ay lee dahay talo, dheh ba, sirta jiritaanka bulsho waa taladeeda iyo sida ay u tashato. Sidee ayaa aynnu Somaliland ahaan ku noqon karnaa bulsho talo leh? Waa tu u baahan in fikir iyo dood inta bulsho talo leh doonaysa ee ay taasi duunkeeda dhab ka tahay ay galiso. Bulsho waxa ay ku dhismi kartaa talo, bulsho talo lehi na, waa tii fikir iyo aragti, hiyi iyo qiyam la gu wadaago dadnimo iyo umadnimo iyo qarannimo ba leh.
Comments
Post a Comment