GORFAYN: MAQAALKII CABDIRISAAQ BARAAG

Mudane Qoraa Cabdirisaaq Baraag oo aannu jaal ku nahay baraha facebook baa kowdii bisha Luulyo ee sannadkii 2018 waxa uu ku faafiyay bartiisa Facebook qoraal (sida uu sheegay) gorfayn ku samaynaya buugga “Dharaaro Xusuustood”, ee uu qoray Barafasoor Maxamed Siciid (Gees). Akhrin dabadadeed, waxa ay ii la muuqatay in ay lagamamaarmaan tahay in la ga halceliyo qoraalkaas, oo sida aan u arko ka fog dhaqangorfayneedka aqooneed ee la yaqaanno, kana arradan anshaxii, usluubtii iyo majarihii qummanaa ee ka halcelinta wixii dhigan.
Laba qaybood baa aan u kala xidhi doonnaa qoraalkan, innaga oo ka ga hadli doonnaa qaybta hore gorfaynta iyo waxa ay tahay, waxyaalaha loo ga baahan yahay gorfeeyaha ee usluubka, anshax iyo edaabba ah. Waxa kale oo aynnu ka ga hadli doonnaa (isla qaybta koowaad) sababaha dhigaal loo gorfeeyo, falanqeeyo ama loo naqdiyo ba. Qoraalka qaybtiisa labaad, waxa aynnu dhawr meelood ku dul istaagi doonnaa qormada Cabdirisaaq. 
Qaybta koowaad: waa maxay ‘gorfayn’?
Gorfayn: waa cilmibaadhis iyo daraasad la gu sugayo maaddo murtideeda, la gu na miisaamayo dheef iyo dhaliil waxa ay xanbaarsan tahay, taasi oo ay shuruuddeheeda ay ka mid yihiin:
1. Aqoon: qofka gorfeeyaha ahi waa in uu aqoon u lee yahay gorfaynta iyo maaddada uu gorfaynayo, labada ba; haddii aanad gorfeeyuhu aqoon u lahayn qaabgorfayneedka maaddo ama aannu aqoon u lahayn ba waxa uu gorfaynayo laftiisa, ujeeddadii gorfayneed ee uu lahaa waa uu baalmarayaa, oo qoraalkaasi noqon maayo gorfayn, wax kale oo la gu sheega ba. 
2. Madaxbannaani: Marka qofku gorfayntii aqoon u lee yahay, maaddadii uu gorfaynayay na u aqoon lee yahay, waxa waajibka labaad ee saarani yahay “madaxbannaani”. Waa in aysan jirin wax ka baxsan caddaynta maaddo dheefteeda iyo dhaliisheeda oo ku dirqinaya u qalinqaadashada maaddo, sida: awood shishe ama hoose oo ka baxsan ujeeddada gorfaynta. Tusaale ahaan: in qof damco gorfaynta buug, ujeeddadiisu na tahay ceebaynta, aflagaadaynta ama waxkasheegga qoraha iyo buugga ba, tan oo kale, baa aynnu odhan karnaa waa madaxbannaani la’aan, oo damac hoose oo aan u adeeggidda aqoonta ahayn baa qofka ku riixaya wax uu u gu yeedhayo gorfayn. 
3. Caddaalad: caddaaladdu waa waajib rabbaani ah oo qofka is ahaantiisa qofeed marwal iyo meelwalba u saaran. Waxkasta oo qofka ibnu aadanka ahi u dhaqaaqayo ba (qoraal, hadal iyo falba) caddaalad baa loo ga baahan yahay; hadal, qoraal iyo fal kasta oo caddaaladi ka maqan tahay na waa dheelli ku biiraya caddaalad-darrada, waayo, ma jirto wax u dhexeeya caddaalad iyo caddaalad-darrada. 
4. Deggenaan iyo dhawrsooni: Qofku marka wax gorfaynayo waa in uu la yimaaddaa deggenaan ay ku lammaan tahay hubsasho iyo dhawrsooni uu ka dhawrsanayo waxkasta oo aan aqoonta sal ku lahayn, sida: aflagaaddo, jeesjees iyo waxwal oo dhaawac ku ah gorfayn laftigeeda iyo waxa la gorfayanayo iyo cidda qortay ba. 
5. Aqoonayn: Gorfayn aan aqoonaysnayni gorfayn ma aha, waxa aanay u dhuranaysaa, marka ay gorfayntu dhaqanaqooneedka ka weecato dhanka caadifadda. Caadifadina gorfayn ma aha, ujeeddada gorfaynta na way baalmarsan tahay. 
Maxaa ‘naqdi’ ama ‘gorfayn’ loo sameeyaa?
Hal ujeeddo oo weyn baa ay isu gu biyoshubanayaan waxa ‘naqdi’ ama ‘gorfayn’ loo sameeyaa, ujeeddadaasi na, waa: toosinta wax qalloocan, kaabidda wax kala dhiman iyo sixidda gef (ha loo kaso ama yaan loo kasin e). Naqdi kasta iyo gorfayn kasta oo aan u adeegahayn ujeeddadaasi (saxayn gef, toosinayn qallooc ama aan kaabid samaynin) meel kuma laha aqoonta gorfaynta iyo naqdiga, haddii la doona ba ha loo bixiyo ‘gorfayn’ ama ‘naqdi’ e. 
Qiimaynta qoraalka Cabdirisaaq:
Marka aynnu dhuuxno qoraalka Cabdirisaaq ee loo gu yeedhay in uu gorfaynayo buugga Barafasoor Maxamed Siciid (Gees), ee u eegno dhaqanaqooneedka gorfaynta iyo shuruudaha ay lee dahay gorfayn ee loo ga baahan yahay in uu buuxiyo gorfeeyuhu, waxa si cad inoo gu soo baxaysa in aan qoraalkaasi meel ku lahayn gorfaynta, iyo aqoonta ba, bal e, uu yahay qoraal-caadifadeed loo qoray si caadifadaysan oo la doonayay in la gu duro (sida ay ila tahay) qof (Barafasoor Maxamed Siciid gees) loo hayo nacayb ama dheh ba diidmo gaar ah, waayo, qoraagu gef uu caddeeyay ma sixin, xog dhiman ma kaabin, qallooc na ma toosin, ma sheegin wixii wanaag buuggu lahaa, xataa gefafka buugga (Waa la ga heli karaa gefaf buugga e) ma soo qaadan, keli ah, waxa uu Soomaaliland qoraaggu ka yidhi baa ay u badan yihiin dhawrka qodob ee uu Cabdirisaaq isdultaagay; taasi oo malaa ujeeddadu tahay in wax la ga dhexraadiyo barafasoorka iyo waxa uu ka qoray dalkiisa. 
Waxa aynnu si kooban u gu soo koobi karnaa qiimaynta qoraalka Cabdirisaaq ee loo gu yeedhay in uu gorfaynayo buugga Barafasoor Gees: wixii uu lahaan lahaa ba gef buuggu ee loo ga garaabi lahaa Cabdirisaaq ba (haddii uu sheegay ba), waxa dilay oo ujeeddadii gorfaynaqooneedda ka leexiyay lahjadda aan usluubaysnayn ee qoraalka la gu qoray, duridda, aflagaaddada, maagidda iyo cayda, taasi oo marag cad u ah, hadalka aynnu kor ku soo sheegnay ee ah in qoraalka loo qoray ujeeddo ka shishaysa u adeegidda aqoonta, taasi oo la odhan karo, waxa ay ku xidhiidhaa nacayb ama diidmo shakhsi ah oo ku sal leh waxa maanta soomaali isku cayrsato ee qabiilku u gu horreeyo, Ilaahay baa aynnu taa ka magangalaynaaye. 
Qaybta labaad: isdultaagga qodobbada Cabdirisaaq buugga ka soo qaatay:
Cabdirisaaq (Baraag) bilowga maqaalkiisa, waxa uu sheegayaa in uu quraafaad buugga ku jira ka digaayo, isaga oo leh "[..] inta aan se la gu darin aan ka digo quraafaadka ka buuxa”, Bal hadda ba aynnu dhuganno quraafaadka qoraagu inoo sheegayo, sida uu caddeeyay in ay quraafaad yihiin iyo sida uu u naqdiyay ba:
Qodobka koowaad: Bogga hore ee qoraalkiisa ayuu cabdirisaaq ku qiimaynayaa buugga iyo sida uu deegaannada soomaaliyeed ka yahay, isaga oo yidhi:"[..] soomaalida kale marka la ga reebo Soomaaliland buuggu waxa uu u ga dhigan waraaqaha joornaallada Khaliijka ka soo baxa. Walaw la ga heli karo hotel kaste oo caan ah, hadda na cidi ma danayso.” Waxa, hadda ba, iswayddiin leh, side ayuu Cabdirisaaq ku xaqiijiyay in aan deegaannada soomaaliyeed oo dhan (Hadda waa Jabuuti, waa kililka shanaad, waa soomaalida Kenya illaa koonfurta Soomaaliya) buugga aan la ga danayn oo uu u la mid yahay joornaallada Khaliijka? Qofka qiimaynta noocan ah ee xaqiiqada ka fog buugga ku duray, akhriste ma ku kalsoonaan karnaa waxa uu ka yidhaahdo buugga, waayo, in nacayb goonni ah u hayo buugga iyo qoraaga ba, waxa inoogu marag ah hadalkaan xaqiiqada ka fog ee aan aqoonta sal ku lahayn ee uu u badheedhay? Iska daa deegaanno soomaaliyeed e, cabdirisaaq Gaalkacyo ama deegaannada Puntland baa aannu qiimayntaa saari Karin. Waa midda kale Cabdirisaaq isaga maxaa dadka ka soo reebay ee inta uu u akhriyay buugga u gorfeeyay, ilayn Puntland buu joogaa oo uu ina yidhi ‘lagama daneeyo buugga e’, sawkan xeerkii uu dejiyay isagii ba khilaafay! Mise waxa uu ina lee yahay soomaalida kale oo dhan aniga uun baa buugga ka daneeyay? Ma is odhan karnaa ba, quraafaadkii qoraaggu buugga ku sheegay isagii baa dhex fadhiistay oo qoraalkiisii quraafaad inoo gu bilaabay? Waa ay u badan tahay. 
Qodobka labaad: Cabdirisaaq (Baraag) waxa uu qoraalkiisa ku odhanayaa, isaga oo barafasoor Gees ka hadlaya:”[..] Qoraagu waxa uu dhaliilsan yahay Midnimadii Soomaaliya ee 1960. Ha dhaliilsanaado ee waxa uu ina barayaa in dadweynehii waagaas Somaliland ku noolaa ay ka soo horjeedeen midnimada. Waxa uu tusaale ahaan inoogu keenayaa abwaan waraabe-taag ah oo uu isagu samaystay ee aan looga horrayn. Cid uu ka soo xigtay ma jirto haba yaraato ee. Abwaanka magaciisii, mihnaddiisii, ehelkiisii iyo aqoon kale oo intaas dhaafsan mid na inooma uu sheegin. Waxa kali ah oo inoo soo gudbiyay waa hees-ku-sheeg aad arkayso in haatan gacanta lagu sameeyay oo ay jajaban tahay.”
Hadalkani waxa u gu weyn ee ku jiraa waa been-abuurasho weyn oo uu qoraagu ku been-abuuranayo barafasoor Maxamed Siciid (Gees) buuggiisa. Barafasoor Maxamed Siciid (Gees) buuggiisa, bogga 26aad, oo uu ka bilaabayo qoraal kooban oo ladhkiisu yahay "Raggii Ka Danbeeyay Dabayshii Soomaaliweyn", waxa uu ka ga hadlayaa sidii ay ku timid Soomaaliweyn oo (sida uu sheegayo) ay bilowgeeda lahaayeen laba nin oo la kala odhan jiray Ismaaciil Naxar iyo Cumar Dheere. Marnaba ka ga hadli maayo dhaliil uu dhaliilsan yahay ‘israacii lixdankii’, keli ah sooyaalka israacaas buu ka warramayaa, waxa se la gu yaqaannaa Gees in uu israacaasi dhaliilsan yahay (sida aqoonyahan kale iyo dad badan oo kale ba u dhaliilsan yihiin ama u ba dhaliilsanaan karaan ba). Waxa aynnu lee nahay, odhan mayno Cabdirisaaq been buu sheegayaaye, hadda na, qoraalkaa kooban meel na dhaliishiisa ku aaddan israacii kuma sheegin barafasoorku. Taasi waa taa, tu labaad na aan eegno. 
Cabdirisaaq waxa uu yidhi “[…]Ha dhaliilsanaado ee waxa uu ina barayaa in dadweynehii waagaas Somaliland ku noolaa ay ka soo horjeedeen midnimada”, Tanina waa been-abuurad kale oo buugga la gu shaanbadaynayo. Qoraalka uu israaca ka ga warramayo barafasoorku, marnaba ma sheegin cid diiddanayd israacii ama ba ka soo horjeedday. Xaasha! Ha loo gu daro intanna Cabdirisaaq quraafaadka qoraalkiisa. 
Waxa uu yidhi hadda na cabdirisaaq, isaga oo doonaya in uu been-abuuradkaa u qiilsameeyo “[..] Waxa uu tusaale ahaan inoogu keenayaa abwaan waraabe-taag ah oo uu isagu samaystay ee aan looga horrayn. Cid uu ka soo xigtay ma jirto haba yaraato ee. Abwaanka magaciisii, mihnaddiisii, ehelkiisii iyo aqoon kale oo intaas dhaafsan mid na inooma uu sheegin. Waxa kali ah oo inoo soo gudbiyay waa hees-ku-sheeg aad arkayso in haatan gacanta lagu sameeyay oo ay jajaban tahay.” Waxa aynnu soo sheegnay in aan barafasoorku dhaliilihiisa ku aaddan israacii ka hadal, iyo in aanu marnaba xusin ama sheegin cid diiddanayd israacii soomaalida, ee ay intaasi ba been-abuurad yihiin, hadda ba, waa yaabe, tusaalahan Cabdirisaaq sheegayo muxuu u soo qaatay Gees? Idin ba. Aynnu nidhaahno, in uu tusaale u soo qaatay abwaan waraabe-u-taag ahi waa been saddexaad oo qoraalka uu ku qoray cabdirisaaq. 
Bogga 26aad ee buuggiisa ayuu barafasoor Gees ka ga hadlayaa ‘israacii soomaalida’, waxa uu hadda ba ku bilaabaya ereyo uu tiriyay nin reer Hargeysaad ahaa oo ‘Calafso’ la gu naanaysi jiray, kaasi oo (sida barafasoorku na ka warramayo) buuxbuuxin jiray waddooyinka magaalada Hargeysa meelaha ay ka googo’aan sagaashannadii iyo wixii ka danbeeyay. Ninkaasi waxa uu odhan jiray:
“Waa taa xorriyaddii e, xamar ha gaynin,
Hadhaw baad xanaaqi e, Xamar ha gaynin,
Waa la gu xasuuqi e, Xamar ha gaynin.”
Aynnu soo guurino barafasoor Gees oo ninkaa ka sheekaynaya “ […] erayadan waxa tiriyay Abwaan naftii-hure ah oo la yidhaahdo Calafso oo ah nin waddooyinka Hargeysa meelaha googo’an buuxbuuxin jiray oo Alle u diray; isaga oo aan cidi u dirin oo aan wax dhaqaale ah cidi ku siin, isla markaana aanu ahayn shaqaale dawladeed, keligii ku shaqeeya iskaa wax u wabso. Abwaan Calafso marka shaqada uu qabanayo, waxa uu ku qaadaa heeso uu sameeyay oo waddani ah, taas oo ay ka mid yihiin ereyadan; ‘waa ciiddaadii e calafso.’ Heestaasi waxa ay ka mid tahay heesaha uu qaado Calafso oo ah hees loo gu magacbixiyay. Hadda ba, fekradda heestaasi waddaniyaddu ku dheehan tahay, waxa ay kuu muujinaysaa taageerada ay u hayaan dadweynuhu goonni-isu-taagga Somaliland” Xilliga uu ninkaasi tirinayay ereyadaasi ee waddooyinka magaalada Hargeysa buuxbuuxin jiray waa ka dib goonni-isu-taaggii Soomaaliland (ilayn lixdankii goonni-isu-taag wax la yidhaahdaa ma jirin e), barafasoorku na waa kaa hadalkiisa u danbeeya leh “fekradda heestaasi waddaniyaddu ku dheehan tahay, waxa ay kuu muujinaysaa taageerada ay u hayaan dadweynuhu goonni-isu-taagga Somaliland,” Cabdirisaaq, hadda ba, maxaa ku kellifay inta uu ku been-abuurto buugga in uu si uu u gu qiilsamaysto been-abuuradkiisa na u weeciyo hadalka barafasoorka? 
Cabdirisaaq waxa uu ku duray Barafasoor Maxamed Siciid (Gees) in uu samaystay abwaan waraabe-u-taag ah oo aan la aqoon, iyo ereyo kabkab ah, waxa uu yidhi: “[..] abwaan waraabe-taag ah oo uu isagu samaystay ee aan looga horrayn. Cid uu ka soo xigtay ma jirto haba yaraato ee. Abwaanka magaciisii, mihnaddiisii, ehelkiisii iyo aqoon kale oo intaas dhaafsan mid na inooma uu sheegin. Waxa kali ah oo inoo soo gudbiyay waa hees-ku-sheeg aad arkayso in haatan gacanta lagu sameeyay oo ay jajaban tahay.” Waxa aan is wayddiinayaa walaalkeen cabdirisaaq liiska uu haysto ee dadku u gu diiwaangashan yihiin liiska uu yahay? Sidee ayuu qof aannu garanayn u odhan karaa ‘ma jiro’? Cabdirisaaq ciddii aannu aqoon ba, agtiisa ma jirto miyaa? Sidani aqoonta irbad in leeg na kuma laha. Wixii aanad garan ahayn ‘ma garanayo’ ama ‘ma maqal’ baa ku filan, ‘ma jirto’ ma aha luuqad aqoonneed uu isticmaali karo qof u holladay in uu wax qoraa.
Aynnu barno Cabdirisaaq Calafso ninkii la gu naanaysi jiray(AHUN). Waxa la odhan jiray (Sida abwaan, qoraa Maxamed-haykal Muxumed oo ay qaraabo yihiinna sheegay) Xuseen Aw Daahir cilmi (Calafso). Reer Hargeysa ayuu ahaa, dadka reer hargeysi na waa yaqaanniin. In uu yahay abwaan waraabe-u-taag ahi, waa khuraafaadka qoraalka cabdirisaaq. In aan Gees wax ereyada dhaafsiisan ninkaa ka sheeginna waa khuraafaad kale. Barafasoor Maxamed Siciid (gees) isaga oo tilmaamaya ninka Calafso la odhan jiray waa ka yidhi “[..] erayadan waxa tiriyay Abwaan naftii-hure ah oo la yidhaahdo Calafso oo ah nin waddooyinka Hargeysa meelaha googo’an buuxbuuxin jiray oo Alle u diray; isaga oo aan cidi u dirin oo aan wax dhaqaale ah cidi ku siin, isla markaana aanu ahayn shaqaale dawladeed, keligii ku shaqeeya iskaa wax u qabso.” 
Qodobka saddexaad: Ka gayoon mayno been-abuurrada qoraalka Baraag ku jiray iyo sida uu hadba u weecinayo hadal buugga ku yaalla oo u waafajisanayo ujeeddo gaar ah oo uu lee yahay e, markanna waxa uu yidhi qoraagu “[…] Qoraagu aad ayuu ugu xeeldheeraaday ugu fiican yahay isu-ekaysiinta. Waxa aan se la yaabay sida uu ugu dhiirraday in uu madaxweyne ummadeed u ekaysiiyo xayawaanka labaad ee dunida ugu liita. Waa ''dameer'' waxaa na ka liita oo kali ah ''ey'' marka dhaqanka Soomaaliyeed la eego. Halkan waxa uu madaxda Somaliland ku tilmaamay ''dameero''. Maanta haddii Muuse Biixi la doorto waa ''dameer'' ee la fiirin maayo bal in uu dameerihii hore ka duwanaado iyo in kale. Waa kuwan erayadiisii, ''Ximaar yaa roox, ximaar yaa jii | Dameer baa taga, dameer baa yimaadda'”, Baadhay oo baadhay oo akhriyay buugga oo meel madaxweyne ummaddeed uu buuggu ku sheegay dameer waayay. Mucjiso! Mar kale waxa uu afka isu galinayaa qoraagu Barafasoor Gees iyo Muuse Biixi, waa kan ina leh Cabdirisaaq “[..] Maanta haddii Muuse Biixi la doorto waa dameer.” Hadda ba, hadalka ah “Ximaar yaa roox, ximaar yaa jii” waa uu ku jiraa buugga Gees, waxa aannu ka ga jiraa bogga 129aad, qoraalka ladhkiisu yahay “Bixitaanka shirkadaha shidaalka iyo Ethiopian Airlines,” waxa aannu qoraalkaa ka ga hadlayaa madaarka Hargeysa iyo waliba shirkadihii shidaalka ee Soomaaliland ka baxay iyo sida shirkadahaa loo daba-ordayo haddii ay noqoto ta diyaaradaha iyo kuwa shidaalkaba iyo waliba sida ay tahay in aan loo baryin e, baylahdeenna aynnu basrisanno. Waxa uu odhanayaa barafasoorku “[…]Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline way u madax-bannaan tahay maamulkeeda, dawladdu ma fargeliso xitaa waqtigii Mengiste .Waa shirkad gancsi oo aad u weyn halkii dani ugu jirto ayey tegaysaa ee dhaqaale ka soo gelayo . Shirkadaha diyaaraduhu iyaga ayaa dawladaha barya in fasax duulimaad la siiyo ee dawladuhu lama baryaan fasax shirkadaha. Haddii aad makhaayaddaada hagaajisatid ,waad heli macmiil badan ,haddii kale waa lagaa tegi. Sidaas oo kale shirkadaha shidaalku iyaga ayaa dawladaha weydiista ruqsadda sahaminta shidaalka oo weliba lacag xaqul-qallin ah ku bixiya ee fasax lalama baryo. Haddiise la isku kaa garan waayo waa lagaa tegayaa. Sidaa awgeed, waxba yaan laga daba-cararin ee baylahdeena aan hagaajisano oo dhamaystiranno nabadgelyada garoonkeena iyo dalkeenna. Carabtu waxay tiraahdaa “ Ximaar yaa roox, ximaar yaa jii; Dameerbaa tega , dameerbaa yimaada. Ma aha sida aynu isu aragno ee waa sida dadka kale inoo arkaan. Haddii ayuu nabad ku haysano dadka iyo xoolaha iska dhex socda garoonka, dunidu sidaas nabad uma aragto, haddii beel waliba degaankeeda ay sheegato oo aynaan dhib u arag , dunidu waxay u aragta dhibaato iyo fawdo iyo dawlad aan dalkeeda maamulin oo waxba gacmaha ugu jirin.” Hadalku sidaas buu u yaallaa, ma aragno madaxweyne ummaddeed oo barafasoor Gees ku sheegay dameer iyo Muuse Biixi toonna, xataa haddii cabdirisaaq hadalkaa (Ximaar yaa roox, ximaar yaa jii) uu u qaatay in uu cid gaar ah la gu sheegayo dameer, sida uu la doontay ma aha. Hadalku waa mid guud (Mudlaq), ma aha mid gaar ah oo qof goonni ah ku socda (Mucayan), farqi baana u dhexeeya hadalka guud ee si guud loo gano, iyo ka qof gaar ah ku socda, mana aha tan oo kale mid hoos mari karta Cabdirisaaq, waxa aan se is lee yahay waxa ay u dhacday ukas!
Intaa marka aynnu ka nimaadno, cabdirisaaq, waxa uu dhaliil ka dhigayaa sida Barafasoor gees u dhaliilay wasaaradaha Soomaaliland, mindhaa, halka uu joogo (Cabdirisaaq) baa aan la iska dhaliilin oo layaab iyo fajac baa ay ku noqotay in uu barafasoor Gees oo Hargeysa joogaa haddana qoro dhaliilaha waaweyn ee dul hoganaya wasaaradaha Soomaaliland oo buug ka dhigo, dabadeed waxa uu is yidhi halkaa diiradda saar wax weyn baa ku jiree. Waxa aynnu lee nahay cabdirisaaq, dhaliilaha waaweyn ee runta ah ee Barafasoor Gees ka sheegay Soomaaliland waxba kuma jiraan, Gees na, waa nin dalkiisii runta ka sheegaya si loo dareemo xaqiiqada jirta oo fadhiga loo ga kaco. Nin iyo gurigiis u kala sheekayn ma leh. 
Qodobka afaraad: Waxa uu ku yidhi Cabdirisaaq qoraalkiisa isaga oo sii wada ku been-abuurashadiisii barafasoor Gees sidan:” […] Odaygu, waa khabiir sare oo dhanka Arrimaha Dibadda iyo Ictiraaf raadinta ah sabab waxa uu ka soo shaqeeyay Wasaaradda Qorshaynta iyo tan Arrimaha Dibadda labada ba. Sidaas darteed, 3 arrimood oo aynaan horay u arag ayuu u soo jeediyay in Ictiraafka Somaliland lagu raadiyo Waa: 1- Qaad, 2- Laaluush, iyo 3- Naag la doorto.” Barafasoor Gees buuggiisa talooyin sidan ah oo uu ictiraafraadinta Soomaaliland yidhi waa la gu helayaa ma jiraan. Ha yaabin akhriste, ma aha been-abuurashadii koowaad ee Cabdirssaq ku sameeyo buugga e. 
Waxa uu ku yidhi Cabdirisaaq qoraalkiisa isaga oo kala qaadaya saddexdaa arrin (Qaad, Laaluush iyo Dumar) ee uu soo sheegay, una tiirinaya barafasoorka, “[…]Marka aad dal u safartaan oo aqoonsi weydiisanaysaan, hameenkii oo dhan waa la qayilayaa, waftiga oo dhan. Aroortii markii gaaladii soo toosto ayaa la oranayaa dee ictiraafkii noo dhiiba; haddii aan sidaas la yeelin waxay kuu soo jeedinayaan in aad Soomaaliya la midowdaan. Waa kuwan erayadiisii oo qayaxan, '' ... xagga maskaxda ayaa lagaa qabsanayaa waa ay kugu adkaanaysaa in aad ku diiddid talada haddii aan loo sii QAYILIN ...'' Waxa uu sameeyay qoraaggu gef aad u weyn, si uu beentaa u ga sheego oo u ga dhigo in Gees ictiraafraadinta Soomaaliland yidhi qaad ha la gu raadiyo, buu u soo kala jaray hadalladii barafasoorka Cabdirisaaq. Waa gef aqooneed iyo akhlaaqeed, waa na ku been-abuurasho cad. Aynnu buugga Gees ka soo guurinno hadalka oo dhammaystiran, waxa uu odhanayaa barafasoor gees, isaga oo ka warramaya marka wadahallada la gu jiro sida ay tahay in loo dhaqmo oo loo tashado, “[..] Haddii walaalaheen reer Soomaaliya u diyaar yihiin hadal, waa lala hadli. Labada dal ee hadda shirarka u qabanaya arrimaha dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Soomaaliyeed ee galbaday ee kala ah; dalwadda Turkiga iyo dowladda boqortooyada Midowday (UK), ayaa habboon in wax laga ogaado, waayo waa dalal waaweyn oo horumaray, magaalooyin cammiran ayaa weftiga la gaynayaa, hudheello waaweyn ayaa lagu rogayaa, markaaba habrasho ayaa ku galaysa, geedkii ma aha ee boodhka dabada laga tumanayay ee la doonyaysanayay oo la wada sinnaa ee aad gartaada naqsan jirtay. Waxa dhici karta xataa qolalka lagu dejiyo in alaab warka iyo sheekada duubaysa la sii geliyo, oo la ogaado gol jilicdaada, sidaa darted debedda ayaa faqa loola baxaa, waayo xagga maskaxda ayaa lagaa qabsanayaa waa ay kugu adkaanaysaa in aad ku diiddid talada haddii aan loo soo qayilin oo aan la sii matlin wadahadalku sida uu u dhacayo oo aan laga sii taxaddarin yeedhis la isu yeedhiyo.” Akhriste barafasoor Gees qayila miyuu ina yidhi? Gaalada qayilsiiya miyuu ina yidhi? Wax talo ah oo qaad cuna ah ma ku aragnaa hadalkiisa? Maxaa ku kellifay Cabdirisaaq in uu hadalka in uu kala jaro, dabadeed ujeeddo kale u sameeyo oo ku been-abuurto odayga weyn ee Barafasoor Gees? ‘haddii aan loo sii qayilin oo aan la sii matlin wadahalku sida uu u dhacayo oo aan laga sii taxaddarin yeedhis la isu yeedhiyo’ Hadalkani waa isku xidhan yahay, qayilidda ku jirtaa na ma aha qaadkii la cunayay, hadalka ka danbeeya ayaa fasiraya oo waa haddii aan la sii tashan oo aan loo soo fadhiisan, la matlin wadahadalku sida uu u dhacayo. Bal tu kale oo ka daranna aan sheego! 
Waxa uu yidhi haddana Cabdirisaaq isaga oo wada ku been-abuurashadii iyo weecintii hadallada barafasoor Gees “2. LAALUUSH: Halkan, bog 192-3 waxa uu qoraagu inooga sheekaynayaa laaluush uu isagu hadda ka hor siiyay qof Keenyaan ah oo garoonka diyaaradaha ka shaqayn jiray; iyo in Cigaal mar golahiisa wasiirada uga sheekeeyey in uu Rayla Odhiingga warqad ugu dhiibay Arab Mooy oo markaas madaxweyne ka ahaa Keenya. Hadda na, khidmaddii (Laaluush) ayaa laga doonayaa.” Si xun wax u sheeg sixir waa ka daran yahay baa soomaalidu tidhaahdaaye, bal tanna sida buugga ay u gu taallo aynnu soo guurino. Barafasoor maxamed Siciid (Gees) qoraalkiisa ka jira buugga bogga 192aad oo ladhkiisu yahay “Ictiraafraadinta iyo qorshaha dhaqaale”, waxa uu ka ga hadlayaa kharashaadka ay tahay in wasaaradda arrimaha debedda loo gu talogalo hawlaheeda ictiraafraadinta, wax talo ah oo u dhigan ‘laaluush baa la gu helayaa ictiraafraadintu’ qoraalkaa kuma jirto; Iyana waa beenabuurasho kale. 
Maxay tahay sababta uu madaarka Kenya laaluush u gu bixiyay Gees? Maxaa se ka run ah laaluushka Cigaal? Bal aynnu jawaabcelinta wayddiimahan, ka soo xiganno buugga Gees. Waxa uu yidhi Gees “[…] waxa aan la soo qaxay toddoba carruur ah iyo hooyadood oo diyaaradda I gu weheliya. Waxa kale oo aannu wada soconnay Mudane Axmed Xaaji Cali (Cadami) oo ah wasiirka gaashaandhigga Soomaaliland ee hadda iyo Injineer Maxamed Ciise Cabdi oo (Xiirane) lagu naanayso. Labadu ba shirkii dib-u-heshiisiinta iyo goonni-isu-taagga Soomaaliland ee Burco ayaa ay ka qaybgaleen markii dambe. Haddaba, markii aan soo galnay hoolkii transitka ayaa aannu horta doonannay cabitaan. Dhalo CocaCola ah oo qabow ayaa qof waliba israaciyey, tii uu ka maahmaahay Ciise Curaagte. Markaan qabownay, ayaa aannu u baahannay fiisihii aan ku gali lahayn dalkan Kenya. Waxa aan waraystay midh dharcadda garoonka ahaa oo nagu agwareegayay, cidda madaxa ka ah laanta socdaalka garoonka iyo xafiiskiisa. Markii na tusay ninkii xafiiskiisii ee uu noo sheegay magiciisii ayaa aan xafiiskii u gu tegay oo dhawr boqol oo dollar ku jebiyay (Hawlfudaydin u siiyay) oo u dhiibay baasaboorradii oo dhan. Dabadeed waxa uu noogu dhuftay fiisihii, sidaas ayaa aannu ku galnay magaaladii Nairobi. Waxan dhacdadaas soo xusuustay mar madaxweyne Cigaal uu golihiisa wasiirrada kaga warramay kudhaqanka hawlfududayntu halka uu ka gaadhay dalka Keenya. Waxa uu ka sheegay in uu warqad u dhiibay Ralia Odinga, (raysalwasaarihii hore ee dalka Kenya) si uu u gaadhsiiyo madaxweyne Arab Mooy, (madaxweynihii ee Kenya). Ralia Odinga ayaa warqaddii gaadhsiiyay madaxweyne Arab Mooy, dabeeto markiiba Hargeysa ayaa uu u soo duulay. Waxa madaxweyne Cigaal yidhi ‘Waa kaas oo durba waxa uu doonayaa khidmaddii, horana Ambassador cawil Xaaji Cali Ducaale oo markaas ahaa wakiilka Soomaaliland ee Kenya Ayaan wax ugu dhiibay’”, U gu horrayn ba, barafasoor Gees, markan uu Kenya tegayo ma aha madax ee waa nin soo qaxay oo raadinaya sidii uu fiise ku heli lahaa. Midda labaad na, sida uu hadalka la doonayo cabdirisaaq, ma odhan Gees laaluush baan ku bixiyay ictiraafka Soomaaliland. Wali waxa aan iswayddiinayaa tolow laaluushka uu yidhi bixiya Gees halka uu ku jiro! Arrinka Cigaal ee uu soo kala jaray cabdirisaaq na, waxa uu Cigaal ka sheekaynayaa sida Kenya u gu mamsan tahay laaluushka, isagu na laaluush bixiya oo ku bixiya ictiraafraadinta Soomaaliland ma uu odhan ee qadiyad ku dhacday baa uu ka sheekeeyay. Waxa uu barafasoor Gees qoraalkiisa ku soo xidhayaa sidan, “[…] Afrikada aan ictiraafka ka doonaynaa waa kuwaa”, Barafasoor gees in uu qoraalkiisa ka ga sheekeeyo sida laalushqaadashadu afrika heer sare u ga taagan tahay mooyaane, talo laaluush kuma bixin qoraalkiisa. Bal waa yaabe, halkee buu cabdirisaaq taladaa barafasoorku bixiyay ka keenay? Maxaa se Baraag ku kellifay in uu marwalba soo kala googooyo hadallada barafasoor Gees? Bal idin ba. Tu kale oo ka daranna bal aan sheego! 

Mar kale cabdirisaaq waxa uu yidhi sidan yidhi isaga oo soo kala jaray qoraal Gees lee yahay oo buugga ku jira: “3. NAAG, ''... Madaxweyne qof Dumar ah aan maanta doorano, dhinacaas ayaaba ictiraafkii ka dhaw yahay e''. Waxa uu gees qoraalkiisa uu dumarka ka ga hadlayo oo ku jira buuggiisa bogga 199aad, illaa 201, ladhkiisu na yahay “Waa in dumarka kooto la ga siiyo golayaasha”, ka ga warramayaa dedaalka dumarka soomaalida guud ahaan, iyo hawlkarnimadooda. Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa Adna Aadan, Khadra Maxamuud xayd, Fahma Maxamed iyo gabadh kale oo Ladan cismaan la yidhaahdo oo dalalka galbeedka iyo dalkaba ka dhex muuqda. Waxa uu Gees qoraalkiisa carrabka ku adkaynayaa in dumarka xauquuqdooda la ga siiyo dawladda, baarlamaanka na loo ga xidho kooto aan la gu cidhiidhyin. Haddaba, dhammaadka maqaalka ayaa waxa uu odhanayaa sidan: “[…] Hadal iyo dhammaantii aan u oggolaanno xuquuqdooda dumarkeenna, oo golayaasha aan kuraasi koote ah ka siinno, Glaha Wasiirra na aan u badino, guddoomiyaha golaha Wakiillada, maayarrada aan qaar ka dhigno Dumar, xataa madaxweyne qof dumar ah aan maanta dooranno, dhinacaas ayaaba ictiraafkii ka dhaw yahay e. Wasaarad waxbarashada gabdhaha gaar u ah aan samayno, bangiyo dumar dhaqaale u abuura ha la sameeyo sida ay u soo baxaan boqollaal Adna Aadan ismaaciil, Fahma Maxamed, Khadra Maxamuud iyo ladna cismaan ahi.” Waxa uu Gees ka hadlayaa xuquuqda dumarka, oo uu xataa lee yahay marka hawlkarnimadooda iyo dedaalkooda aynnu dhuganno, iyagaa ba ictiraafka keeni kara, waa kan oo raggii is haystaane. Sida uu cabdirisaaq u dhigayo talooyin Gees u soo jeedinayo ictiraafraadinta Soomaaliland oo buugga ku jirtaa oo saddexdaa aynnu soo naqdinay ahi ma jiraan, labada hore ee laaluush iyo qaadka ahi, sidoo da ayay been u yihiin, tan haweenka na waxa uu kala soo dhexbaxay qoraalka xuquuqda dumarka ee dawladda ku aaddan, oo aan ahayn qoraal lagaga warramayo ictiraafraadinta Soomaaliland, se haweenka la ga ga warramayo. 

Qodobka shanaad: Waxa uu qoraalkiisa ku odhanayaa Cabdirisaaq, isaga oo buugga ka dhigaya in aan qof keli ahi qorin “Buugga si weyn ayay uga dhex muuqataa in aan 1 qof, 2 qof iyo 3 qof toona qorin ee jaafjaaf is-maan-dhaafsan uu yahay,” Cabdirisaaq waxa uu ku dawakhay qoraallada buugga, oo mindhaa uu u haysto in buuggu yahay mid imminka la qoray oo mowduuc isku xidhan ka hadlaya. Waxa aynnu lee nahay cabdirisaaq, ‘DHaraaro Xusuustood’ waa qoraallo taxane ahaan jiray oo toddobaadle u gu soo bixi jiray muddo dheer joornaallada Soomaaliland. Maqaalladii uun baa la gu soo ururiyay buugga, sida dunida ba qoraayo badani u sameeyaan oo u gu ururiyaan qoraalladooda taxanayaasha ah dhigane (Buug), haddii uu hayo cabdirisaaq qoraallo iyo maqaallo ismaandhaafsan, maxaa ka horjoogay in uu dadka u caddeeyo oo gorfayn-ku-sheeggiisa ku qoro? Waa aanay jirin e, intan qoraagu waa iska yidhi. 

Qodobka lixaad: Cabdirisaaq (Baraag) waxa uu gunaanadka qoraalkiisa ku qabsanayaa barafasoor Gees macnaynta ereyga afcarbeedka ah ee ‘Khawaaje’ iyo sida uu u isticmaalay. Waxa uu yidhi Cabdirisaaq (Baraag) “[…] Af Soomaaliga uu soo hadalqaaday aqoon buuran qoraagu u ma leh. Aan tusaale keeno. Waxa uu damcay in uu abuurto oo isagu tunto eray cusub. In kaste oo aanu marna inoo sheegen, erayga asalkiisu waa Carabi, waa na ''Khawaaje''. Qoraagu in ka badan 30 jeer ayuu buuggiisa ku adeegsaday 1 mar na ku ma uu guulaysan in uu micnaheesa oo fadhiya inoo sheego. Mar waxa uu ku micneeyay ''ajnabi caddaan ah''; mar kale na ''dadka reer galbeedka ah''. Nasiibdarro, labadan micne mid na ma uu leh. ''Khawaaje'' waa ''gaal'' waa na af Carabi.” Baadhay, baadhay oo waayay anigu meel qaamuusyada afka carabigu ereyga ‘khawaaje’ ku macnaynayaan ‘gaal’, intii aan ereyga baadhayay, waxa qaamuusyada af carabigu ku macnaynayeen ‘reer galbeedka’ iyo ‘ qofka ajnabiga ah’, bal si fudud u ga eeg lingaxan akhriste macnaha ereyga oo tabtaa barafasoorku u sheegay qaamuusku ku macnaynayo (http://www.almaany.com/ar/dict/ar-ar/%D8%AE%D9%88%D8%A7%D8%AC%D9%87/) Bal Cabdirisaaq isagu halka uu ka keenay iyada oo ereyga ‘khawaaje’ la gu macnaynayo ‘gaal’ ha inoo keeno. Waa wayddiin e, maxaa Cabdirisaaq tixraac u sheegi waayay markii uu saxayay ereyga, ilayn isagu qaamuus ma ahe? Bal ad ba. 

Gunaanad:
Qoraalka cabdirisaaq (Baraag) dhan kasta oo aad ka ga timaaddo ma aha qoraal koobsaday dhaqayngorfayneedka aqooneed iyo shuruuridihii gorfayntu lahayd. Waxa keli ah ee markii aan akhriyay ii soo baxay waa in Cabdirisaaq buugga qoraalka u ga sameeyay diidmo gaar ah oo xinifoqabiil riixayaan oo uu u hayo Barafasoor Maxamed Siciid (Gees), waayo been-abuurashooyinka aynnu soo aragnay iyo sida uu hadallada buugga u soo kala googoostay midkoodna aqoonta iyo gorfyanta waxba kuma laha. Waa qoraal caadifadeed (baa aan qabaa) ka soo burqanaday qalbi nacayb iyo diidmo u haya Gees, qoraalka cabdirisaaq (Baraag). Waxa qoraaga ka tan batay duunkiisa wixii uu u gu hayay Gees oo dabadeed ka leexiyay dhaqangorfayneedkii la yaqaannay. Cabdirisaaq mindhaa, waxa uu is lahaa qoraalka cidi isaga daba iman mayso. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa ‘lafaha ha la guro, xarraga se yaan la ga tagin’, cabdirisaaq lafana ma gurin oo buuggii si aqoonaysan ugama jawaabin wixii u gu muuqday gef, xarraga na wuu ka tagay oo, waxyaalo ka reebban gorfaynta iyo dhaqan aqooneedka ayuu galay. Si xun wax u sheeg, sixir waa ka daran yahay. 

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan.
6/7/2017, khamiis. 


Comments