Waa maxay bidco?


Waa goor fiid ah. Wax aan saaran ahay tareen, oo gurigaygii baan daal is leeyahay la gaadh. Wax aan soo garab is-taagay laba dhalinyaro ah oo ku muransan bidcadu waxa ay tahay. Maan dhexgelin ee dhegta ayaa hadalkooda u dhigay. Dabadeed wax aan xusuustay dalkii iyo sida masaladan Bidcada ninba dhan ula kici jiray; saa qoraal yarahani igu soo dhacay, si aan u xardho Bidco waxa ay tahay iyo halka ay gasho.

Bidco waa kelmad Carabi oo macnaheedu luuqad ahaan tahay "Wax kasta oo aan hore u jirin oo la keeno." Oo wax ay yidhaahdaan: hebel waxa uu la yimid wax aan hore loo aqoon ama loo samayn. Macnahaasi isaga ah baa Quraanka lagala bixi karaa meelo door ah. Suuradda Baqara, aayaddeeda 117aad waxa ay lee dahay {بَدِيعُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ} yacnii wuxuu sameeyay samooyin aan hore u jirin aslanba – waa samayn wax aan hore u jirin. Axqaaf, aayaddeeda 9aad baa iyana lagala bixi karaa macnahaa luuqadeed oo odhanaysa {قُلْ مَا كُنْتُ بِدْعًا مِنَ الرُّسُلِ} oo ah: waxa aad Nebi Alloow ku tidhaahdaa ma ihi kii ugu horreeyay ee dhanka Ilaahay ka keena risaalo. Waxa la leeyahay waar diintani tii ugu horraysay ee Ilaahay ka timaadda ma aha, Nebi Maxamed kii ugu horreeyay ee Ilaahay soo diro isna ma aha.

Waxa ay gashaa bidcadu arrimaha diiniga ah ee cibaadada ah ee Ilaahay loo gu dhawaanayo. Halkaasi waxa ka baxa in bidcadu gasho wax kasta oo dunyawi ah asalka bannaan ba. Arrin kasta oo adduunyo ah na sharcigu wuxuu u daayay ibnu aadanka oo loo dhaafay maarayntiisa. Waayo dadku iyaga ayaa hadba xaaladahooda adduunyo u aqoon badan oo aan waxba loo ga yeedhin karin. Taasi sharciga ayaa xusay oo ku nuuxnuusaday, sida nabiga la ga so weriyay, xadiiska Muslin soo saaray ee saxaabiga Aanas Ibnu Maalik uu soo werinayo ee leh "Idinka ayaa u aqoon badan arrimhiina adduunyo."

Ilaahay wuxuu soo dejiyay diin, waxa ku sugan qaabka kasta iyo cibaado kasta oo ka raalli yahay in loo gu soo dhawaado. Intaas oo keli ah kuma dayne wuxuu soo raaciyay nabi dadka bara sida iyo qaabka Ilaahay loo gu cibaadaysto. Sidaa awgeed baa aanay cibaado ahayn wax aan nabi Maxamed la ga soo gaadhin oo aanay cibaado ahayn qaab aan nabi Maxamed u samayn cibaado. 

Nuxurkuna wuxuu ku soo ururayaa in wixii diin ah ee cibaado ah la ga qaato uun sharciga ee aanay ahayn jaantaa-rogan iyo wax qof kastaa sida uu doono ka yeeli karo. Sidaa awgeed baa Bidcadu mar waxa ay gashaa: 1. Asalka Cibaado: sida in qofku sameeyo cibaado cusub oo aan aslan ba diinta ku sugnayn. 2. In siyaado la gu sameeyo cibaadooyinka oo la gu soo daro wax aan ku jirin aslanba ama loo sameeyo cibaadadii si aan nabi Maxamed u samayn lagana soo werin, iyo 3. In wakhti gaar ah oon sharcigu jidayn la gu gaaryeelo cibaado gaar ah. Marka la si ku soo xooriyana bidcadu: waa cibaado kasta oo aan Ilaahay jidayn in loo gu dhawaado ama la gu cibaadaysto; cibaado kasta oo aan loo samayn sidii nabigu dadka u baray iyo cibaado kasta oo loo samaysto wakhti aan sharcigu jidayn.

Bidcadu waa mid, ma u kala baxdo laba. Dhammaanteed waa xaaraan aan bannaanayn oo aan Ilaahay aqbalahayn aslanba. Maxaa u daliil ah haddaba arrinkaasi? 1. Xadiiska Abuu Daa'uud soo saaray ee odhanaya "Waxa aan idiinka digayaa arrimaha kuwooda cusub, wax kasta oo cusubi waa bidco, bidco kastaana baadi weeye." 2. Xadiiska Bukhaari iyo Muslin soo saaren, "Ka ku soo dara diintayada wax aan ka mid ahayn, waa la gu soo celinayaa." 3. Xadiiska Muslin soo saaray ee is na leh " Ka sameeya camal aannaan samaynin waa la gu soo celinayaa."

Is ku soo wada-xooriyoo mar bidcadu dhammaanteed waa xaaraan, mar kale na bidcadu arrimo adduunyo shaqo iyo shuqul kuma laha oo ma gasho.
Mahadsanid.

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Comments