Goggoldhig
Lix
illaa toddobadii sannadood ee ugu danbeeyay buu xadhkaha goostay baan odhan
karaa qoraalka Af Soomaaligu oo dhalinyaro, aqoonyahan iyo waayeelba ka dhigeen
dhigaallo. Waxa unkamay mareego badan oo u gaar ah qoraallada Af Soomaaliga:
haddii ay sheeko-faneed yihiin iyo haddii ay qoraal-aqooneedyo ama gorfayno
yihiinba. Waxa la quusay badweyn ballaadhan oo aan wali si quman loogu
dabbaalan.
Qoraallada
Af Soomaaliga ah ee la qoray kalihii ugu danbeeyay kama ay madhnayn marnaba
qaar si toos ah ama dadban ugu tacaluqa diinta iyo arrimaheeda, ha u kala
baxaan kuwo jar-iska-tuurnimo ah iyo kuwa wax soo kordhiyay bee. Mowduuca ku
saabsan siyaasadda iyo diinta Islaamku waa mowduuc indhawaaleba loo qalinqaatay
ka hadalkiisa, iyada oo si aan gabbasho lahayn loogu xardhayo qalinka in
ummadda loo qurxiyo nidaamka Calmaaniyadda.
Taxanaheennan
waxa aan kaga hadli doonaa mowduuca siyaasadda iyo diinta Islaamka. Mowduucan
oo dhab ahaan markii aan dhexgalay igu noqday badweyn aan qoraal iyo laba toona
lagu soo koobikarin, sidaas baanay igula noqotay in aan ka taxo
taxane-qoraaleed, aniga oo dhexdiisa ku samayndoona naqdin aan ku samayn doono
rag mowduucan u qalinqaatay sida qoraa Cabdisiciid Cabdi.
Ugu horrayn waxa aan diiradda ku saari doonaa laba saddexda qoraal ee taxanahan ugu horreeya qeexitaannada Diin, Islaam, iyo Siiyaasad daabadeedna wixii ka danbeeya waxa aan u gunta u gali doonaa mucda iyo miidda mowduuca.
Fahan Iyo Qeexidda Kelmadda Diin:
Waa
maxay diin? Marka aynnu weyddiintan ka weyddiin celinayno, waxa lagamamaarmaan,
ah in aynnu u noqonno, ugu horrayn, buugaagta ka faallooda ereyada iyo
macnayaashooda luuqad ahaaneed. Sidaa awgeed, mar haddii kelmadda Diin tahay,
kelmad Af Carabi ah, wax aynnu ugu horrayn u noqonnaynaa buugaagta luuqadda ee
Afka Carabiga, si aynnu ugu horrayn fahan uga qaadanno, waxa Afka Carabiga loo
yaqaanno kelmaddan.
Haddaba, buugaagta ka faalloota macnayaasha ereyada ee luuqaddu si midaysan uma aysan siin macne mid ah kelmadda Diin, wax ayna ku kala qeexeen qeexitaanno aad u kala fog. Aqoonyahan Maxamed Cabdillaahi Darraas oo qoray buug uu ku magacaabay "Al-diin" wax uu hoosta la xarriiqay in buugaagta luuqaddu aysan siin kelmaddan macne gundheer oo ka turjumaya, laguna qeexikaro. Wax uu ka soo qaatay, aqoonyahanku, macnayaasha faraha badan ee ku dhigan dhiganayaasha luuqadda saddex macne oo saddexduba is imanaya, oo kala ah:
- Kelmadda Diin "الدين" wax ay ku timaaddaa macnaha "دانه دينا" oo noqonaya: wuu mulkiyay, wuu xisaabiyay, wuu xukumay. Taasi oo ku soo ururaysa mulkiyidda shay iyo ku tasarufkiisa, xukumiddiisa, xisaabintiisa, iyo abaalmarintiisa. Wax aana laga helayaa macnahan Quraanka, sida suuradda Alfaatixa oo Ilaahay leeyahay:(مالك يوم الدين) oo noqonaysa Af Soomaali ahaa: Ilaahay iska leh maalinta xisaabta iyo abaalmarinta; wax aanay halkan wadataa kelmadda Diin macnaha xisaabinta iyo abaalmarinta. Sidoo kale xadiisyada nabiga waxa laga helayaa kelmadda oo sidata macnaha xukumidda, sida nabiguba yidhi: ( الكيس من دان نفسه) oo macne ahaan noqonaya: caaqilku waa ka naftiisa xukuma ([1])
- Kelmadda Diin "الدين" wax ay ku timaaddaa oo kale macnaha " دان له" oo noqonaya: wuu addeecay iyo wuu u khduucay. Kelmaddu halkan wax ay qaadanaysaa macnaha cibaadada, addeecidda iyo khudduucda.
- Kelmadda Diin "الدين" wax ay ku timaaddaa sidoo kale macnaha " دان بشي" oo noqonaya: waxa uu ka dhigtay diin iyo mad'hab. Diintu halkan waa waddada iyo mad'habka uu qofku raacayo fal ahaan iyo caqiido ahaan.
Saddexdan
macne ee aynu xusnay, saddexduba waa ay is imanayaan, waxa aanay ku soo
ururayaan xidhiidh ka dhexeeya laba daraf oo midkood ka kale weynaynayo. Haddii
aynu eegno macnihii koowaad ee aynu soo xusnay, waxa uu ahaa xukumid iyo
mulkiyid; haddii aynu eegno kii labaadna waxa uu ahaa addeecid, hoggaansan iyo
khudduucid; sidaa awgeed labadaa macne waxa ay kala qaadanayaan labada daraf ee
xidhiidhku ka dhexeeyo. Macnaha koowaad, waa cidda awoodda iyo mulkiga leh ee
wax laasimisa. macnaha labaadna waa ciddii wax lagu laasiminayay ee
hoggaansanka iyo addeecidda la imanaysay; macnahana saddexaadna waxa uu
noqonayaa dastuurkii nidaaminayay xidhiidhka ee tusaale ahaan: cidda wax lagu
laasiminayo ee hoggaansan iyo khudduucda la imanaysaa ay u raacaysay hoggaansan
ay u hoggaansamayso dhinaca mulkiyidda iyo xukunka leh.
Intaasi
waa saddexdii macne ee Darraas uu ka soo koobay macnayaasha buugaagta luuqaaddu
siiyaan kelmadda Diin, oo si gaar ah u khusayn doonaan mowduuceenna labada
macne ee danbe. Haddii aynu eegno qaamuuska Af Soomaaliga iyo kelmadda Diin
waxa uu ku qeexayo, waxa uu odhanayaa: Diin: waa maamul xag Ilaah laga soo
jideeyay oo dad ku dhaqmo. Hab weyn oo lagu dhaqmo oo Ilaah loogu dhawaado([2]).
Haddaba,
haddii aynu fahannay luuqad ahaan waxa kelmadda Diin ay ku timaaddo, waa
macnaha Diin ereybixinta aqoonyahan aqoomaha kala duwan?
Marka
aynu eegno dhinacyada kala duwan ee aqoonyahanka aqoomaha kala duwan, si
midaysan ereybixin mid ah uma ay siin Diin. Waxa ay ku kala qeexeen qeexitaanno
kala duwan oo kala fog; waxaana mustaxiil noqday in diin la siiyo ereybixin
guud oo ka turjunta; iyada oo aynu odhan karno waxa sidaa wacaya in aqoonkasta
iyo diin kastaa leedahay waxyaabo aanay la wadaagin kuwa kale oo khaas u ah,
taasi oo ah in lagu kala duwan yahay nusdanbeedyada laga soo kala
shidaalqaadanayo marka la qeexayo macnaha diin. Waxa aqoonyahanka qaarkood
hoosta ka xarriiqeen in kala duwanaanshaha lagu kala duwanaaday ereybixinta
diin, iyo badashada qeexitaannada la siiyay ay caddayn u tahay in aan la siin
karin diinta macne guud ama aan la xaddidi karin fahanka diinta. Waxa ka mid ah
aqoonyahanka sidaa xusay Mustafe Cabdirisaaq oo qoray buug uu ku magacaabay
"Diinta, Waxyiga Iyo Islaamka." Sidoo kale waxa ka mid aqoonyahanka
sidaa hoosta ka xarriiqay, Cabdikariin Khaddiib, oo qoray buu la yidhaahdo "الله
ذاتا وموضوعا"
oo isagu xusay in diintu tahay caadifad qof ahaaneed iyo xidhiidh
shakhsi ah sidaana aanay suurtagal u ahayn siinta ereybixin mid ah oo guud,
kulminaysana dhinacyada kala duwan; qofkuna marka uu doonayo in uu gaadho
macnaha diinta waa in uu u noqdaa gudihiisa is ahaaneed ee aanu dibadda ka
sugin in diinta loo qeexo. Waxa ka
dabatagay aqoonyahanka qaarkood hadalka Khadiib oo ay xusay in uu hadalkiisu
xaqiiqada baalmarsan yahay, nolosha iyo diintana kala fogaynayo.
Fahanka Diin Ee Aqoonyahanka Muslimiinta:
Inta
aynaan u galin qeexitaanka ay siiyeen aqoonyahanka muslimiintu diin si loo
fahmo, waa in aynu, ugu horrayn ogaanno in aqoonyahanku idil ahaantii -muslin
iyo gaal- ugu kala qaybsameen qeexitaanka macnaha diin laba kooxood:
- Koox u qeexday Diin si guud oo siisay ereybixin guud oo ay soo gudogalayaan idil ahaan diimuhu, ha ahaadeen kuwa soo degay sida: Nasraaniyada iyo Yuhuudiyada ama kuwo ibnu aadanku dejiyay sida: Majuusiyada, Baraahimiyada iyo Hinduusamka. Kooxdanina waxa ay u qaybsan yihiin laba fariiqo:
I. Fariiqo
qeexiyaankooda Diin ku kooban tahay diimaha leh Ilaah ay cibaadada ugu
dhawaadaan; iyo
II. Fariiqo qeexitaankooda Diin uu ku dhacayo dad
kasta oo leh duquus iyo nidaam cibaado oo aanu ka baxayn qof dadkaa ka mid ahi,
yaanay ba lahaanin dadkani Ilaah keli ah e.
- Koox u qeeday diin si gaar ah oo ku gaar ah cid gaar ah; sida qolo macnaha diin ku koobtay Islaamka, Nasraaniyada iyo Yuhuudiyada, iyo qolo ku koobtay macnaha diin diimaha ibnu aadanku dejiyay iyo waliba qolo kale oo macnaha diin ku koobtay ictiqaad aan fal wadan. Qolo kasta oo kooxdan ka mid ahina Diin waxa ay qeexeen hadba sidii ay ugu muuqatay in ay diini tahay.
Aynu u
nimaadno haddaba aqoonyahanka muslimiinta iyo fahankooda diin ay ka bixiyeen,
iyaga oo laftigoodu ku kala faylsan labadii kooxood ee aynu soo xusnay.
Haddaba, aynu u kala qaadno qeexitaannada aqoonyahanka muslimiintu ka bixiyeen
Diin labo, 1. Qeexitaan ku fadhiya ereybixinta Islaamka, iyo 2. Qeexitaan guud
oo si guud u yaalla:
1.
Qeexitaanka
Diin ee ereybixinta Islaamka: aqoonyahanka muslimiintu waa ay isku khilaafeen
ereybixinta Islaamka ee diin; qaarkood waxa ay diin ku qeexeen Islaamka, qaar
kalena milladii nabi Ibraahiim, isla qaar kalena diin waxa ay ku qeexeen
towxiidka sida Fiiroos ([3]).
Waxa kale oo aqoonyahanka ka mid ah qolo ku qeexay diin:
i.
"Qiritaanka
kelinnimada Ilaahay iyo rumayntiisa.([4])"
ii.
"Isu
dhiibidda Ilaahay korreeye keligii iyo ku-caabudkiisa wixii uu sharciyeey in
lagu caabudo. ([5])"
iii.
"Diin
waa wixii Ilaahay ku sharciyeeyay carrabka nabigiisa ee axkaam ah.([6])"
Qeexitaankan Diin ee Bayjuuri, waa qeexitaan gaaban illaa
xad. Marka uu leeyahay "Waa wixii Ilaahay ku sharciyeeyay carrabka
nabigiisa" waxa ka baxaya Quraankii; marka uu leeyahay "..ee axkaam
ah" waxa iyana halkaa ku baxaya wixii akhbaar ah ee Ilaahay naftiisa kaga
warramay ama nabigu kaga warramay ee magacyadiisa iyo sifooyinkiisa iyo waliba
ficilladiisa ka mid ah; waxa sidoo kale ka baxaya rumayntii malaa'igta,
buugaagtii Quraanka ka horraysay. rasuulladii Maxamed ka horreeyay, rumaynta
aakhiro iyo maalinta qiyaame iyo dhammaan waxyaabihii qaybka ahaa oo dhan.
iv.
"Diin: waa rumayn iyo caqiidayn wixii Ilaahay ka
yimid iyo ka-dhigasho manhaj nololeed.([7])"
v.
"Diin:
waa isu-dhiibitaanka Ilaahay iyo u-hoggaansankiisa; waa milladda Islaamka ee ah diinta dhammaan rasuulladii la soo
diray.)[8](
Qeexitaanka Diin ee aqoonyahanka reer Galbeed
Marka
aynu xusayno qeexitaannada Diin ee aqoonyahanka reer Galbeed ma aha in aynu ka
dhiganayni qaar lagu daydo oo qeexitaannadoodu munaasab ku yihiin qeexitaanka
Diin. Waxa aynu u xusaynaa oo keli ah waa: in oggaanshiiyo ay tahay in aynu
ogaanno qaab-qeexitaankooda Diin iyo fahanka ay ka haystaan Diin. Haddaba, sida
aqoonyahankii hore ee muslimiintu isugu khilaafeen xadiddida macnaha Diin baa
ay iyaguna ugu kala tageen. In badan oo buugaagtooda ka mid ahi waxa ay Diin ku
qeexeen: "Mabaadi'da uu qofku ku duldhiso aragtidiisa iyo falkiisa,
falsafad ahaan iyo siyaasad ahaanba." Aqoonyahanka weyn ee reer Jarmal
Immanuel Kant waxa uu ku qeexay Diin:" u dareenka waajibaadkeenna sida in
ay yihiin amarro Ilaahi ah.([9])" Aqoonyahan
reer Maraykan ee isagana lagu magacaabo Ropert Spencer, waxa uu ku qeexay
Diin:" Rumaynta awoodda aan suurtagal ahayn sawirashada dhammeendkeeda
wakhti iyo meel midnaba.([10])"
Dhawrkan hadal ee kooban baa innagaga filan ogaanshaha qeexitaanka Diin ee
aqoonyahanka reer Galbeed.
Soo koobidda qeexitaanka Diin.
Sida
aynu soo xusnay qeexid lagu midaysan
yahay lama siin kelmadda Diin, taasi oo ay ugu wacan tahay, sida aynu soo
xusnayba, kala duwanaashaha meelaha ay aqoonyahanku ka soo kala
shidaalqaadanayaa si ay u qeexaan Diin una xaddidaan fahankeeda. Aqoonyahan
kastaba waxa uu ka taagan yahay Diin dhinac, dhinacaasi baanu ku fadhiisinayaa
fahankiisa ama dheh qeexiddiisa kelmadda. Waxa aynu ku soo koobaynaa
qeexitaannadii faraha badnaa, qeexitaanka digtoor Darraas uu ku qeexay Diin
buuggiisa "Al-diin" kaasi oo u dhigan sidan:" Diintu: waa
dhigaal Ilaahi ah oo ku hanuuniya (ibnu aadanka) xaqa xagga rumaynta iyo
wanaagga ama khayrka dhinaca suluukiyaadka iyo xidhiidhka." Haddii
aynu si kale u dhigno, waxa aynu odhan karnaa Diintu: waa wax kasta oo qofku ka
diin dhigto uuna aammino, waxaasi ha ahaadeen xaq ama baadil bee; taasi oo ku
soo ururaysa in diintu tahay wax la aammino oo la dhaqangaliyo, laguna
fadhiisiyo falalka iyo xidhiidhka. Ka muslimiin ahaanna, haddii aynu macnaha
diin ku fadhiisinno fahanka diinta Islaamka waxa ay odhan karnaa Diin: waa
cibaada ama xidhiidhka ka dhexeeya qofka iyo Ilaahay.
Diinta Iyo Fahanka Quraanka
Haddii
aynu eegno dhigaalka samaawiga
ah ee Ilaahay ummaddiisa ugu talogalay in ka manhaj dhigtaan, kelmadda Diin
marka aad ka baadho, waxa aad ka helaysaa iyada oo ugu jirta dhawr macne oo
kala duwan. Mar waxa ay ugu jirtaa kelmadda Diin oo sidata macnaha: Abaalmarin
ama maalinta abaalmarinta, sida Ilaahay leeyahay suuradda Alfaatixa ملك يَوْمِ الدِّينِ)). Mar kalena waxa ay ugu
jirtaa Quraanka iyada oo wadata macnaha: Addeecidda, sida Ilaahayba ku leeyahay
suuradda Nisaa, (وأخلصوا دينهم لله). Mar kale kelmadda Diin waxa ay ugu jirtaa Quraanka iyada oo sidata
macnaha: Usuusha Islaamka iyo caqiidooyinka, sida ku xusan aayadda ku jirta
suuradda Shuuraa ee Ilaahay yidhi: (شَرَعَ لَكُم مِّنَ الدِّينِ مَا وَصَّىٰ بِهِ نُوحًا وَالَّذِي
أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ وَمَا وَصَّيْنَا بِهِ إِبْرَاهِيمَ وَمُوسَىٰ وَعِيسَىٰ ۖ
أَنْ أَقِيمُوا الدِّينَ وَلَا تَتَفَرَّقُوا فِيهِ ۚ كَبُرَ عَلَى الْمُشْرِكِينَ
مَا تَدْعُوهُمْ إِلَيْهِ ۚ اللَّهُ يَجْتَبِي إِلَيْهِ مَن يَشَاءُ وَيَهْدِي
إِلَيْهِ مَن يُنِيبُ). Sida oo kale waxa ay
Quraanka ugu jirtaa macnaha: waa wax kasta oo qofku ka
diin dhigto ee uu aammino, sida ku xusan suuradda Alkaafiruun (لكم
دينكم ولي دين).
Waxa mudan in halkan la baraarujiyo in kelmadda Diin marka ay sideeda u taallo aanay ahayn beddelka kelmadda Islaam, sida dad badan oo Afka Soomaaliga wax ku qoraa u isticmaalaan. Islaamku wuu ka ballaadhan yahay diinta; diintu: waa xidhiidhka cibaado ee addoonka iyo Eebbe ka dhexeeya, ma aha beddelka Islaamka. Islaamku waa: diin iyo adduunyo, caqiido iyo manjah nololeed, cibaado iyo xidhiidh, dacwad iyo dawlad, dhaqanwanaag iyo awood [11]. Islaamku waxa ka mid ah maqaasiddiisa ilaalinta diinta iyo toosinteeda, waayo diintu waa sirta jiritaanka jinka iyo insiga iyo quruxda nolosha ee Ilaahay u abuuray jiraha, sida ku cad aayadda suuradda Daariyaad ku jirta ee Ilaahay yidhi: (وما خلق الجن والانس إلا ليعبدون).
Fahanka iyo qeexidda siyaaadda.
Siyaasaddu markii ay noqotay
udubdhexaadka nolosha guud ee bulshooyinka dunida, waxa adkaatay in siyaasadda
la siiyo qeexid guud oo la isugu wada iman karo; iyada oo tan iyo jiritaankii
ibnu aadanka madarasadihii siyaasiga ahaa ee unkamay mid waliba ay siyaasad u
taqaanno si iyo jaad goonni ah, taasi oo ay ku fadhiisiso manaahijteeda
siyaasiga ah. Sidaa awgeed, marka aynu ka jawaabcelinayno “Waa maxay Siyaasad?”
waa in aynu xusnaa, aqoonyahanka muslimiinta iyo aqoonyahanka kale ba
qeexitaannadooda siyaasad, innaga oo ka sii farcinayna mid waliba qeexitaannada
ku hoos jira.
Mawsuucada culuumta siyaasadda ee jaamicadda Kuwayd, iyada oo ka soo guurinaysa qaamuuska Ropert, waxa ay siyaasad ku qeexday:”Fanka lagu maamulo mujtamicaadka.” Cismaan Yuusuf Keenadiid, qaamuuskiisa Af Soomaaliga isaguna waxa uu siyaasad ku qeexay “Cilmiga, farsamada, iyo tabta danaha iyo arrimaha qaranka loo maamulo.” Sidoo kale waxa la yidhi:”Siyaasaddu waa u dhigidda arrin sida uu ku quman yahay.([1])” Buugaagta qaanuunkuna siyaasad waxa ay u taqaannaa “Asallada ama fanka lagu maamulo arrimaha guud.”
Gudoballaadhnida Iyo Wadakoobsiga Islaamka
Islaamku
waa manhaj nololeed dhammaystiran iyo hannaan sharci oo gudoballaadhan, kaasi
oo wadakoobsanaya dhinacyada kala duwan ee nolosha iyo ibnu aadanka. Islaamku
waa: rumayn dhab ah iyo ku-dhaqan, cibaado, caqiido, diin iyo adduunyo; sidoo
kale Islaamku waa: xidhiidh, dacwad, dawlad, siyaasad, awood oo ku soo
wada-ururaya manhaj nololeed dhammaystiran. “Waxa aannu {Maxamedoow} kugu soo
dejinay buug {Quraan] cadaynaya waxkasta oo ay ku sugan yihiin hanuun, naxariis
iyo bushaaro muslimiin ([12])”
Islaamku
waa manjah-nololeed iyo diin dhammaystiran oo guud ahaan caalamka loo soo
dejiyay iyo idil ahaan ibnu aadanka. Ma jirto cid aanay farnayn qaadashada
diinta Islaamku oo adduunyada ku guud nool. Nabi Maxamed oo rasuulkii iyo
nabigii idil ahaan ummadda ahaa sida ay diinta uu siday u tahay mid guud oo
gudoballaadhan, wadakoobsanaysana ibnu aadanka buu u ahaa rasuul iyo nabi guud.
“Waxa weynaaday {Ilaaha} ku soo dejiyay Furqaan {Quraanka} addoonkiisa, si uu
ugu noqdo caalamka dige.([13])”
“Waxa aad tidhaahdaa {Maxamedoow} waxa aan ahay rasuulkii Ilaahay idiin soo
diray dhammaantiin. ([14])”
“Waxa aannu kuu soo dirnay dadka oo idil, si aad ugu noqoto dige, laakiin dadka
badankiisu taasi ma garanayaan.([15])”
Wadakoobsiga Islaamka Ee Nolosha Ibnu aadanka
Islaamku
waa manhaj-nololeed dhammaystiran oo nidaaminaya nolosha ibnu aadanka min qof,
qoys, bulsho, qaran ilaa ummad, haddii ay xag: cibaado, dhaqaale, awood,
wax-wada-qabsi, dawladnimo, dastuur adduunyo, siyaasadeed iyo is-xukunkaba. Ma
jirto nololi illaa Islaamku waxa uu u dhigay hannaan iyo hab ka ugu wanaagsan
oo noloshaasi ku qummi karto.
Waxa uu
Ilaahay yidhi:” Dadoow waxa la idin faray qisaas.([16])”
sidoo kale waxa uu yidhi: “Dadoow waxa la idin faray soon([17])”
sidoo kale “Waxa la idin faray {dadoow} dagaal..([18])”
iyo waliba sidoo kale “Waxa la idin faray {dadoow} midkiin haddii uu ku
soo xaadiro malaggu haddii uu ka tagayo khayr dardaaranka waalid iyo qaraabo..([19]) “Dhammaan
aayadahan xaaladaha ay ka warramayaan waxa ay ku wareegayaan nolosha gaar ee
qofka, ta bulshada iyo dawladda. Marka uu Ilaahay xusay faralnimada soonka,
waxa uu ka hadlayaa xaalad cibaado; marka uu qisaasta xusayna, waxa uu ka
hadlayaa qaanuunka kala-xukunka dadka ee xuquuqdooda; sidoo kale marka uu ka
hadlayo dardaaranka qofka dhimanayana waa xaalad shakhsi. Marka uu ka hadlayo
Ilaahay dagaalkana waa arrin dawladeed, sidaas baa Islaamku u yahay diinta
gudoballaadhnida iyo wadakoobsiga xaaladaha nolosha ee ibnu aadanka.
Falal
ama dhaqdhaqaaq kasta oo dunida guudkeeda ka dhaca oo ibnu aadan sameeyo Islaamku waxa uu ka leeyahay xukun sharci;
mar waa wax bannaan oo mubaax ah, marna waa waajib, mar kale waa sunne, marna
waaba xaaraan, mar kalena waa karaahiyo {wax-laga-wanaagsan yahay falkiisa ama
odhaahdiisa}.
Islaamku
waxa uu isku xidhayaa nolosha adduunyo iyo ta aakhiro oo aan sinnaba u kala
maarmayn, oo aynu odhan karno waa qaabeeyaha nolosha adduunyo si ay ugu
xidhanto nolosha liibaanta ee aakhiro. Waayo, dunidu waxa loo joogaa shaqo iyo
beerasho dalag in la goosto loogu talogalay dunida danbe ee aakhiro. Qofkii
beerta dalag wanaagsan oo si wanaagsan u beertaa waxa uu goosanayaa wanaag, kii
aan tabcanna wax la’aan buu ku soo dhici doonaa. “Waxa aad tidhaahdaa
{Maxamedoow} salaad-oogayga, gawracayga, noloshayda iyo dhimashaydaba waxa leh
Ilaahay.([20])”
sidoo kale waxa uu Ilaahay yidhi:” Waxa aannu {Maxamedoow} kugu soo dejinay
buug {Quraan] cadaynaya waxkasta oo ay ku sugan yihiin hanuun, naxariis iyo
bushaaro muslimiin ([21])”
Haddaba,
marka laga hadlayo gudoballaadhnida iyo wada-koobsiga Islaamka, waxa
aqoonyahanku ku soo ururiyaan saddex:
1-
Wada-koobsiga
Islaamka ee wakhti ahaan, oo ka dhigan: in Islaamku ahaa diintii ummadihii
hore, eegga iyo berriba.
2-
Wada-koobsiga
Islaamka ee dhul ahaan, oo ka dhigan: in aan Islaamku ku gaar ahayn dhulal gaar
ah ee uu yahay diinta dhammaan adduunka oo dhan. Iyo
3-
Gudo-ballaadhnida
manhajka Islaamka iyo wada-koobsigiisa nololeed ee idil ahaan nolosha ibnu
aadanka ee gaarka ah, ama guud.
Aqoonyahan
Xasan Al-bannaa {Ilaahay ha u naxariisto e} waxaa uu yidhi isaga oo ka hadlaya
gudoballaadhnida iyo wadakoobsiga Islaamka:” Islaamku waa nidaam gudoballaadhan
oo dhammaan noloshu ku gudojirto, waa: dawlad iyo waddan, xukuumad iyo ummad,
akhlaaq iyo awood, naxariis iyo caddaalad, saqaafad iyo qaanuun, aqoon iyo
xukun… jihad iyo dacwad, fikir iyo cudud sida uu u yahay caqiido iyo cibaado
suubban..” Sidoo kale aqoonyahan Yuusuf Al-qardaawi ayaa isna yidhi:” Islaamku
waa farriin nololeed oo dhammaystiran iyo
farriin ku socota ibnu aadanka idin ahaantii sida ay u tahayfarriin guud
oo caalamka ku socota iyo farriin xilli kasta ku socota ([22])”
Islaamku Ma Oggola Kala Qaybin Ama Kala Xulasha Manhajkiisa
Isku-dhafanka
manhajka nololeed ee Islaamku ama dhehba diinta Islaamku ma oggola kala
xulashada. Kama raalli aha qaadashada iyo ku dhaqanka qayb ka mid ah iyo
ka-tagidda qayb ka mid ahba. Islaamku waa shareeco, waa manhaj nololeed oo isku
xidhan ama is-haysta, kaasi oo aan sinnaba u kala baxayn ama loo kala saari
karin. Ku-dhaqan dhammaystiran ama ka-tagid waxba ugama dhexeeyaan. “Kuwiinna
{Ilaahay} rumeeyayoow u-qaata/u-fuliya Islaamka si dhammaystiran..([23])”
Haddaba,
Islaamku maxaa uu ka qabaa kala-xulashadiisa ama ku-dhaqankiisa qayb iyo
ka-tagiddiisa qayb? Ilaahay korreeye isaga oo ka hadlaya cidda kala-xulasho ama
ku-dhaqanka qayb iyo ka-tagidda qayb Islaamka ka mid ah samaysa, waxa uu yidhi:
“Ma waxa aad rumaynaysaan qayb ka mid ah kitaabka {Quraanka} waxa aanadna ka
tagaysaan qayb ka mid ah, abaal-marinta cidda sidaa fashaa waa dullinnimo
nololeed oo adduunyo iyo maalinta Qiyaame oo ay cadaab darran la kulmayaan.
Ilaahay ma mooggana waxa aad falaysaan ([24])”
Islaamku
ma kala-qaybqaybsamo oo waa mid keli ah, sidoo kale noloshuna waa mid oo
iyaduna midad kale ma laha; qofka ibnu aadanka ahina waa qof uun, ma
kala-qaybsamo: waa qof keli ah, caqligiisa, caadifaddiisa iyo damiirkiisaba, ma
dhici karto in uu kala-qaybqaybsamo, oo tusaale ahaan uu noqod: qof calmaani
dhan ka ah, oo Islaami dhan ka ah oo kiristaani dhan ka ah. Qofku waa qof oo
waa muslin uu farantahay ku-dhaqanka Islaamku ama waa Kiristaan raacaya diinta
Kiristaan ama se waa calmaani ay tub iyo dariiq u tahay calmaaniyaddu.
Islaamnimadu waxa ay leedahay “U-qaata Islaamka si dhammaystiran ama dheh
ugu-dhaqma Islaamka si dhammaystiran.” Ma oggola diin kale ama dariiqo kale oo
ka hoos shaqaysa. Islaamnimadu calmaaniyadda ma oggola, calmaaniyadduna Islaamnimada
ma ogola; sidoo kale Islaamnimadi Kiristaanka way nasakhday oo ma oggola
ku-dhaqankeeda, Kiristaannimada jirtaana waa mid aan Islaamnimada oggolayn.
Haddaba,
sida Islaamku sidan aannu kala-qaybinta u ogolayn baa aanay noloshu
kala-qaybinta u oggolayn. Noloshu waa mid oo Ilaahay baa iska leh, uma kala
qaybsanto badh Ilaahay badh cid kale. Noloshu sida midda u tahay baa ay
maraysaa tub mid ah oo ay raacaysaa manhaj mid ah iyada oo au xukumayso cid
keli ahi. Suurtagal ma tahay magaalada Burco laba maayar ka wadataliyaan?
Suurtagal ma tahay in Soomaaliland laba madaxweyne ka wadataliyaan? Siday
haddaba suurgal u tahay in nolosha ibnu aadanka laba dhinac looga kala taliyo?
Maangal ma aha in masaajidkana Islaamku ka taliyo, madarasadihii, iskuulladii,
gurigii, dawladdii iyo nolosha inteedii kaleba ay u taliyaan maananka ibnu
aadanka iyo manaahijta calmaaniyaddu oo ay sida ay doonaan u dhigaan.
“Suurtagal ma aha in masaajidka Islaamku ka taliyo, Calmaaniyadduna
madarasaddii, jaamicaddii, maxkamaddii, cod iyo muuq baahiyihii, saxaafaddii,
shineemadii, masraxii iyo suuqiiba ay ka taliyaan.([25])”
Islaamku waa manhaj nololeed oo dhammaystiran, kaasi oo la fal-galaya nolosha ibnu aadanka; kama raalli aha mana oggola in nolosha iyo ibnu aadanka lala xukumo, sidoo kale baan calmaaniyadduna u oggolayn in nolosha lala xukumo.
([1])
Waxa ku soo saaray buuggiisa Almusnad, Iimaamu Axmed (17123) waxaana soo
weriyay xadiiska Shaddaad Ibnu Aws. Xukunka xadiiska isaga oo ka hadlaya Tirmi,
wax uu yidhi: waa xadiis xasan ah oo sugan. Waxa xadiiska soo saaray sida oo
kale Ibnu Maajah, buuggiisa Alzuhd (4260) iyo Xaakim buuggiisa Almustadrak
(4/280) wax aannu yidhi isaga oo sugnaanshaha xadiiska ka warramaya: waa
saxiix.
[9]) Religion within the Limits of Reasons Alone.
[10])First principles
[11]) eeg buugga: Diinta Iyo Siyaasadda ee uu qoray Dr. Yuusuf
Alqardaawi, bogga 17aad.
[12]) Eeg suuradda Al-naxli, aayadda
89aad: ﴿ ونَزَّلْنَا عَلَيْكَ
الْكِتَابَ تِبْيَانًا لِّكُلِّ شَيْءٍ وَهُدًى وَرَحْمَةً وَبُشْرَى
لِلْمُسْلِمِينَ ﴾
([13])
Eeg suuradda Alfurqaan, aayadda 1aad: ﴿ تَبَارَكَ الَّذِي نَزَّلَ الْفُرْقَانَ عَلَى عَبْدِهِ
لِيَكُونَ لِلْعَالَمِينَ نَذِيرًا ﴾
([14]) Eeg suuradda Al-acraaf, aayadda 158aad: ﴿ قُلْ يَاأَيُّهَا
النَّاسُ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُمْ جَمِيعًا﴾
([15]
)Eeg suuradda Saba’,
aayadda 28aad: ﴿ وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا كَافَّةً لِلنَّاسِ بَشِيرًا
وَنَذِيرًا وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ ﴾
[16]) Eeg suuradda Al-baqara, aayadda
178aad: ﴾ ﴿ ا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِصَاصُ فِي
الْقَتْلَى
[17]) Eeg suuradda Al-baqara, aayadda
183aad: ﴿ يَا
أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى
الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ ﴾
[18]) Eeg
surada Al-baqara, aayadda 216aad: كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِتَالُ وَهُوَ
كُرْهٌ لَكُمْ ﴾ ﴿
[19]) Eeg suuradda Al-baqara, aayadda 180aad.
[20]) Eeg suuradda Al-ancaam, aayadda
162aad: ﴿ قُلْ إِنَّ صَلاَتِي
وَنُسُكِي وَمَحْيَايَ وَمَمَاتِي لِلّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ ﴾
[21]) Eeg suuradda Al-naxli, aayadda
89aad: ﴿ ونَزَّلْنَا عَلَيْكَ
الْكِتَابَ تِبْيَانًا لِّكُلِّ شَيْءٍ وَهُدًى وَرَحْمَةً وَبُشْرَى
لِلْمُسْلِمِينَ ﴾
[22]) Eeg buugga: (الخصائص العامة للاسلام) bogga
95aad.
[23] ) Eeg suuradda Al-baqara, aayadda
208aad: ﴿يا اليها الذين آمنوا
أدخوا في السلم كافة ﴾
[24]) Eeg suuradda Al-baqara, aayadda
85aad: ﴿ أَفَتُؤْمِنُونَ
بِبَعْضِ الْكِتَابِ وَتَكْفُرُونَ بِبَعْضٍ فَمَا جَزَاء مَن يَفْعَلُ ذَلِكَ
مِنكُمْ إِلاَّ خِزْيٌ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ
يُرَدُّونَ إِلَى أَشَدِّ الْعَذَابِ وَمَا اللّهُ بِغَافِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ ﴾
[25]) Aqoonyahan Yuusuf Alqardaawi,
buuggiisa Diinta Iyo Siyaasadda, bogga 56aad.

Comments
Post a Comment