Barafasoor Axmed Ismaaciil marka ugu horraysa wax aan kugu salaamayaa salaam soomaalinnimo. Wax aan ahay arday wax ka barta carriga Malaysiya. Ma awoodo in aan kula kulmo, oo dalkii oo aad imminka tagtay ma joogo, sida oo kale mudane ayaanan awoodin in aan kugula soo xidhiidho khad taleefan. Sidaa awgeed baa ay garashadaydu i siisay in aan farriintayda kuu soo mariyo ilaha badan ee maanta dunidu guud ahaan, iyo Soomaalidu gaar ahaan, ay ku wada xidhiidho.
Mudane Barafasoor wax aan ahay wiil dhallinyar ah oo kuu haya ixtiraam, qaddarin iyo xushmad ba, doonayana lexejeclada uu kaa qabo awgeed in uu kugu biiriyo wixii uu u arko in ay yihiin tubta toosan ee aan qoomamada danbe lahayn.
Mudane Barafasoor sida aannu og nahayba wax aad muddo aad u badan ku hawlanayd dib u dhiska dawladeed ee Soomaaliya. Wax aad maal iyo maskax ba galisay aragtidaadii Soomaaliweyn iyo dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray oo dib cagihiisa ugu istaaga. Fagaarayaal badan, buugaag iyo maqaallo ba waa aad kaga hadashay oo ka qortay. Wax ay hadal iyo qoraal ahaataba, wax aad adiga iyo aqoon yahanno kale ba goosateen aasaasidda xusbi siyaasadeed iyo galidda siyaasadda Soomaaliya, taasi oo aad ku dhaqaaqdeen oo aad caawa ba hayso maxsuulkii idiinka soo baxay.
Galiddaadii siyaasadda iyo tagiddaadii Muqdisho wax ay kugu soo beertay yiqyiqsi, oo ahayd kelmaddii aad ku cabbirtay wixii aad Muqdisho ku soo aragtay, mar aad waraysi siisay mid ka mid ah talefishannada Soomaalida. Waxa yiqyiqsiga kugu soo riday wax ay ahayd in aad guntii siyaasadda Soomaaliya ee Muqdisho u dhaadhacday dabadeed ugu tagtay qudhun aan lahayn wax-ka-qabasho eegga.
Taasi wax ay aqoon yahan badan iyo bulsho badan oo Soomaaliyeed ba ku ridday fajiciso. Waxa in badan la isweyddiiyay: ma manta ayuu barafasoor Axmed Ismaaciil ogaaday in gunta siyaasadda Soomaaliya sidan u qudhunsan tahay? Waayo dadku waxa ay yar iyo weyn ba ka dheregsanaayeen in siyaasadda Muqdisho wajigeedu kaas oo mutuxan yahay. Dhab ahaan aqoontaada xeesha dheer iyo ku-jirkaagii siyaasadda Soomaaliya muddada aadka u dheer baa keenay in su’aashaa la is weyddiiyo. Sababta oo ah ma aad ahayn qof laga asmaci karo in uu maanta ogaaday xaaladda noocan ah.
Si kasta oo ay u dhacdayba taasi waa ay dhacday. Si dhakhso ah baa aad Muqdisho uga noqotay waagii aad timid Xamar, kadib muxaadaro aad adiga iyo Cali Khaliif wada gasheen baad ku sheegtay in aadan baarlammaankii ka soo fasax qaadan, iskaana uga soo baxday waddankii. Tibaax aad bixisay maalintaas oo laga dhadhansan karayay hadalladaadii baa ahayd isbeddel aragtiyeed in aad doonayso in aad samayso, mar haddii yiqyiqsi iyo wax aanad filanayni kugu soo dhaceen aad na la soo kulantay.
Mudane Barafasoor, waxa kugu dhacay isbeddel aragtiyeed lagu misaali karo in aad mar keli ah ka dhaqaaqday eber una dhaqaaqday boqol. Wax aad qaadatay aragti dad badani aanay kaa filahayn markaa. Wax aad qaadatay go’aan ay kaaga yimaaddeen dhaleecayn, aflagaaddo iyo tuuryooyin badani ba. Ha yeeshee wax uu ahaa aragtidayda midkii ugu wanaagsanaa wax aad qaadan lahayd in aad qaadatay. “Sidii la rabay haddii ay noqon wayday, sidii ay ka fursan waydo waa in ay noqotaa.”
Haddaba, caawa oo ay taariikhdu tahay 31ka Mey, wax aan dhagaystay mudane muuqaal yar oo lagaa duubay. Wax aad ku dhex sheegtay waraysigaas kooban in ay taagan tahay xilligii aad ku biiri lahayd saddexda xusbi ee Soomaaliland mid ka mid ah. Waa halkan halka aan doonayo mudane in aad talo wixii ay ila noqotay kugu darsado. Waa halkan mudane, halka aan sababteeda kuugu soo diray qoraalkan. Bal ila yara soco.
Qarankan sidiisaba (Soomaaliland) waxa lagu dhisay ama dhisayba qabiillo isu tagay shirarkii kala danbeeyay ee 1991kii iyo 1993kii ba. Wanaag baa shirarkaa ka soo baxay oo nabad iyo dawladnimo loo dhan yahay baa lagu soo unkay. Habkii iyo hannaankii dimuquraadiga ahaa ee loo guuray iyo dhaqankii qabiilaysiga Soomaalida ayaa dhismihii dawladda lagu milay oo lagu bayd iyo cayn gooyay.
Waxa aad arkaysaa in dhaqankii Soomaalida ee geela loogu diriri jiray bili ama buruud, sharaf, haybad qabiil iyo dan dhaqaale ba in maanta halkaa geela uu u galay guud ahaan Soomaalida , gaar ahaann Somaliland mansabka dawliga ahi, oo xilalka dawliga ah aad si toos ah uga akhrisanayso is-araggii dhaqanka geela oo dawladdii iyo mansabkeedii ba loogu dhaqmayo.
Sidoo kale ayaa mudane barafasoor uu dhaqankii qabiilooyinka Soomaalida ee ahaa in aanay waxba wadaagin, waxeedana xoog ama xeer ku kala qaadato uu galay qarannimadii Soomaali guud ahaan iyo Soomaaliland. Qaranka dhan jeexjeex baa qabiillo u leeyihiin oo u sheeganayaan. Inanka Awdal joogaa wuxuu og yahay in aannu lahayn Togdheer, ka Togdheer joogaana Maroodijeex, ka Sool joogaana Daadmadheedh. Sidaa u wad oo qabiil waliba dadkiisa wax ay ku shubeen in ay gobolkan leeyihiin kuwaa kale na aanay lahayn. Taasi barafasoore qarannimo ma noqonaysaa ma se tahay? Horta dal noocaas ah baa aad mudane dhexjoogtaa oo siyaasiga iyo suldaanku in uu sidaa noqdo ay ugu wacan yihiin, dadkiisu in sidaa laga dooriyo ay u baahan yihiin.
Ma dayrinayno mana quusanayno, Soomaaliland haddana si kasta ayaa ay u dhaantaa Soomaalida kale ee Soomaaliya. Taasi waa xaqiiq iyo dhab. Wax aynnu haysannaa Soomaaliland ahaan haykal dawladeed, ciddi in leegba ha ahaadeen.
Mudane barafasoor, labadaa sifo ee xun ee dawladnimadii innanaga milmay baa xusbiyadiina si toos ah uga muuqda. Bal dadka rayidka ah weyddii mudane Waddani, Kulmiye iyo Ucid qabiilooyinka kala leh. Si fudud baad warcelinta weyddiintaa u helaysaa oo ah in Kulmiye laba qabiil leeyihiin, Ucid na qabiil leeyahay, Waddanina qabiil leeyahay. Xaqiiqada xusbida aad doonayso mudane horta waa taa xusbi kasta reer baa leh, ninka musharraxa u ah na qabiil ama laba qabiil oo isu tagay baa ka dhigtay musharrax; mar kastana waxa aad ku noqonaysaa dulsaar lagu meelgaadho sidii ay u noqdeen raggii adiga kaa soo horreeyay ee qaarkood xusbiyada qaar aasaaskaba wax ku lahaayeen laakiin aanay ahayn qabiilka hadba xusbiga leh.
Mudane barafasoor dunida in badan baad taqaannaa xusbiyadeeda. Waxa xusbiyada dunida sidaan aydhoolajiyad. Taas bay dadka ka gadaan oo dadkuna ku raacaan ama kaga baydhaan. Kuwa Soomaaliland aydhoolajiyad qabiiilaysan baa ay sidaan. Wax ay wax ku doonaan waa qabiilaysi, wax ay ku dhisan yihiin waa qabiilaysi, wax ay xilalku ku kala qaybsadaan waa qabiilaysi, bal e, siyaasiga Soomaaliyeed baa u badan mid siyaasi ku noqday qabiilaysi. Gunta siyaasadda qadhmuun ee xusbiyada taallaa waa qabiil, xusbi ummadda Soomaaliland leedahay na ma jiro ee mid kasta qabiil iyo laba isu tagay baa leh. Horta xusbiyada aad doonaysaa waa kuwa sawirkaa leh mudane. Ma kugu habboon yihiin?
Anigu wax aan qabaa mudane haddii aad gasho in aadan sannad ku wada jirahayn, waayo wax aan kugu aqaannaa nin aan xammili karin dhaqanka foosha xun ee qabiilaysiga xusbiyada ka jira. Wax aan qabaa haddii aad gasho xusbi ka mid ah xusbiyada qabiilaysan ee dalka ka jira, marka aad xaqiiqadaa soo taabato ee aad ka soo baxdo in aad waayi doonto kalsoonida dadka reer Soomaaliland. Waayo mudane barafasoor lagaa siisan maayo sida tii shalay immika ayaan ogaaday qudhunka xusbiyada gunta kaga jira ee qabiilka ah.
Maxaa kula gudboon ee aan u arkaa in ay mudane kula gudboon yihiin?
Waxa aan u arkaa in ay marinkeeda tahay, kulana gudboon tahay, in aad sugto horta wakhtigaaga. In aad bulshadaada soo dhexdagto, oo beerato mujtamac dhidibbo adag ku taagan oo sida aad doonayso kula doonaya in dalkan isbeddel ka dhasho. Waxa kula gudboon in aadan figta qudhuntay gelin e, hoosta bulshada ka soo toosiso illaa laga gaadhayo wakhtiga xusbiyada siyaasadda la furayo, taas oo aad uga faa’iidaysan karto in aad xusbi ka duwan xusbiyada jira ama soo maray Somaliland aad aasaasto, adiga oo xilligaa haysta koox u dhaarsan meelmarinta aydhoolajiyadda xusbiga hadba aad dhisto, waanan hubaa in kaasi noqon karo ka midaynaya dhalinyarada jahawareersan ee quusta jooga ee ka quustay shan iyo labaatanka siyaasi ee shan iyo labaatanka sannadood soo hortaagnaa.
Mudane sunanka dunida waxa Ilaahay u dhigay in laga faa’iidayso. Shalay baa uu aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen xusbi galay, maanta waxa haysta waa aad og tahay. Waxa keli ah ee aqoon yahankaa mushkiladda ku hayaa waa qabiil iyo xusbi la leeyahay sida xusbiyada kale oo uu soo duldagay. Hankaaga hoggaaminta waddanka kuma suuragalayo galidda xusbiyada saddexda ah mid ka mid ah mudane, waa in aad sugtaa muddada shanta sannadood ah ee la furayo xusbiyada siyaasadda. Wax aan ku leeyahay mudane ka fiirso oo ka fiirso go’aankaaga galidda xusbiyadan qabiilaysiga ku dhisan, si aadan u waayin kalsoonida mujtamacan taagta daran.
Barafasoor waxa aad kugu la talinayaa ka-joogsiga xusbiyada dalka, taa liddigeedana samaynta madal Soomaaliland aqoon yahankeeda, dhalinyarteeda isbeddelka jecel iyo waayeelkeedaba kulmisa. “Haani gun baa ay ka soo tolantaa.”
Wax aan kugula talinayaa in aadan lumin kalsoonida dhalinyarada oo kor iyo kal ba og xaqiiqada dhabta ah ee xusbiyada Soomaaliland. Wax farqi ahi idiin dhaxayn maayo barafasoor adiga iyo siyaasiga faashilka ah ee xusbi haddii gasho kugula jira. Ama waa in aad la walaaqataa qudhunka, ama waa in aad ka soo carartaa haddii aad gasho, dabadeed sidaa ku waydaa kalsoonida dadka, ama waa in aad ka joogtaa sidaas baa dan iyo dux ba ah oo inta ku taageersan ee aan ka mid ka ahayna u ah.
Mahadsanid.
Cabdiqani Cabdillaahi Aadan.
31/May/2016, Kuala Lumpur, Malaysia.
Comments
Post a Comment