Culimada ama wadaaddadu waa duul ka sharfan oo ku sharfan ummadda dhexdooda, sida dhammaan aqoonyahankuba u sharfan yahay. Waxa si guud sharafta uu aqoonyahanku ugu helay waa aqoonta, waxa si gaar ah culimadu sharafta ku sii heleen waa aqoonta ay Ilaahay diintiisa u leeyihiin. Waxa ay sidaan aqoontii diinta. Waa dhaxlayaashii nabiyada Ilaahay ee aqoonta iyo sharafta ka dhaxlay. Way ammaanan yihiin oo Ilaahay baa ammaanay, waa na ay sharfan yihiin oo Ilaahay baa sharfay.
Waxa ammaan culimada iyo karaamo ugu filan sida Ilaahay u markhaati gashay markii uu ka hadlayay xaqnimada Ilaahnimadiisa. Suurado door ah baa aayado ka mid ah Ilaahay ku xusay culimada iyo dadka aqoon yahanka ah mansiladooda, sidaa awgeed waan ka boodayaa soo guurinta aayadahaa Ilaahiga ah si aan u soo kobo qormadaydan, oo aan ugu talo galay in aan ku sharfo mid ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo aan qaddarin, sharaf iyo ixtiraam ba u hayo; iina ah tusaale wanaagsan.
Sheekh Rashiid Macallin Maxamuud Cige, waxa aannu aqoon ahaan is-barannay 2011kii oo aannu si joogto ah uga wadashaahayn jirnay subaxnimadii makhaayadda Al-Jasiira ee dhanka bari ka xigta dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali. Halkaas oo aan anigu ku sugi jiray baska dugsiga ii qaada, waaggaas oo aan dhigan jiray dugsiga sare ee Salaama.
Aqoonta aannu isu leenahay Sheekh Rashiid Macallin Maxmuud Cige waxa ay ka soo bilaabmatay waaggaas. Intii ka danbaysay xilligaas si toos ah baanu sheekha isugu xidhannay, illaa aan noqday qofka gaarka ah ee sheekha buugaagta iyo waraaqaha u qora.
Waxa aan ku bartay Sheekh Rashiid kalbaxsanaan iyo hufnaan aan mugdi ku jirin; waxa aan ku bartay sheekha ixtiraam, qaddarin iyo in uu sharaf huwiyo ummadda qofkasta oo la kulmo yar iyo weyn, arday iyo caalim. Waxa aan ku bartay aqoon ballaadhan oo uu had iyo jeer jecel yahay in uu dhaxal uga dhigo dhallinyarada iyo inta aqoonta jecel. Waxa aan ku bartay soo-dhawayn, kaftan, qosol uu qofka ay maalin kaliya wada fadhiistaan uu moodayo in ay toban sanno is-yaqaanneen. Waxa aan sheekha ku bartay dhibirsanaan, is-duldhig aannu dadka iska sarraysiin. Haddii aad taqaanno in culimada laga helo hudheellada waaweyn: Maansoor iyo Ambassador, waxa Sheekh Rashiid aad ka halaysaa halka badanka dadku ka shaaheeyaan ee caadiga ah. Waxa aan ku bartay Sheekh Rashiid in uu caruurta, dhallinyarada, waayeelka iyo aqoonyahankaba soo-dhawayn iyo wakhti siiyo. Waxa aan ku bartay jacayl ummaddeed, jacayl diineed iyo jacayl aqooneed. Waxa aan ku bartay Sheekh Rashiid oo aan ku aqaannaa sifo kasta oo magaca gob uu leeyahay. Sheekh Rashiid waa gob ilbax ah, waa aqoon yahan dhab ah oo u soo guuriya aqoonta si aan madmadow ku jirin, waa sheekh jecel dhexdhexaadnimada iskana dhawra khilaafka, kuna ababiya taas ardaydiisa.
Rashiid Macallin Maxamuud Cige waa sheekh iiga soocan culimada, hilaaddii 1974kii buu sheekhu Hargeysa ku dhashay. Isla Hargeysa ayuu ku soo koray kuna bilaabay dugsi-quraankii ugu horreeyay oo uu macallin u ahaa aabbihii Ilaahay ha u naxariisto e Macallin Maxamuud. 1982kii baa sheekha la qoray dugsiga hoose ee Qudhacdheer. Dugsigii dhexe waxa uu sheekhu u beddeshay dugsiga Riis oo uu ku dhammaystay. Ka dib waxa uu galay sheekhu dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali. Ka dibna waxa uu u qaxay sheekhu Balli Abokor halkaas oo uu ku dhammaystay dugsigii sare oo Carabi ku bixi jiray. 1992kii buu Sheekh Rashiid u boqoolay carriga Yemen. Waxa uu si toos ah u tegay Damaaj oo ahayd xarunta caalinkii weynaa ee Muqbil Ibnu Haadi Al-waaddici. 1994kii ka dib waxa uu u soo wareegay Macbad iyo xaruntii Sheekh Maxamed Iimaam.
Waxa uu shahaada koowaad (Degree) jaamacadda ka qaatay, jaamacadda Culuumta iyo Tiknoolajiyadda ee yemen sannadkii 2000, isaga oo diyaariyay markaa buuggiisa la yidhaahdo “أحكام الحيض والنفاس”. Waxa uu la soo kulmay Caalinkii weynaa ee Maxamed Salaax Ibnu Cuthaymiin. Hilaaddii 2002dii buu SHeekh Rashiid ku soo noqday waddanka markaas oo uu si toos ah bare uga noqday Machadka Sunne ee Hargeysa ku yaalla. Sheekh Rashiid Macallin waa qoraa ka qora buugaag aqoonta diinta kuna qora luuqadda Carabiga, waxa aan Cabdiqani ahaan gacantayda ugu qoray 23 buug oo uu wax kaga qoray caqiidada iyo usuulu Fiqhiga oo la daabacay intaba. Waxa ugu caansan buugaagta uu qoray risaalada uu u bixiyay “Al-Risaala Al-Mufiidah Fi Al-Towxiid Wal-Caqiidah.” Oo lagu daabacay waddanka Masar laguna dhigo dugsiyo door ah oo dalka ku yaalla. Waxa sidoo kale jira buugaag door ah oo aan la daabicin weli oo uu ka mid yahay Sharraxa kitaabka Al-Caqiidah Al-Waasidiyah.
Sheekh Rashiid Macallin waa bare wax ka dhiga ilaa 2011kii jaamacadda Golis, kulliyadda Shareecada, isaga oo ka dhiga labada maaddo ee kala ah, 1. Caqiidada, iyo 2. Usuulu Fiqhiga. Sheekhu waa aabbe leh saddex xaas, dhalayna 18 ubad ah. Waa khaddiibka masjid Abii Hurayra, Ilaahay cimriga ha u barakeeyo, if iyo aakhirana sharaf ha huwiyo. Aammiin.
Cabdiqani Cabdillaahi Aadan.
Kuala Lumpur, Malaysia.
21/May/2016, Sabti.
Comments
Post a Comment