Ramadaan: fursad isbeddel ummadeed lagu samayn karo

Abuur ahaan xikmadda Ilaahay ka leeyahay abuurka Ibnu aadanka waxa ka mid ah sidii ay ugu hoggaansami lahaayeen, iyaga oo falaya wixii uu faray ee farallo ah, kana tagaya wixii uu ka reebay. Tani waa xikmad Ilaahi ah. Maalmaha, habeennada, saacadaha iyo ilbidhiqsiyada aynnu nool nahay waxa ugu khayr badan kuwa aynnu Ilaahay la qaadanayno, ku qaadanayno xuskiisa iyo addoonnimadiisa.

Haa, waxa inagu soo foodleh maalmo iyo habeenno ka khayr iyo wanaag badan dhigood. Waa maalmaha uu Ilaahay ku sifeeyay “ أياما معدودات” dhabahaan kuwa guulaystay waa kuwa ka faa’iidaysta ee khayr iyo dambi-dhaaf kala hadha; waxa dhab ahaan iyaguna khasaaray kuwa ay maalmahani ku maraan xawaare ee dabadeed ay sidaa ku dhaafaan ee aan khayr, dambi-dhaaf iyo isbeddel nololeed ka korodhsan.

Ilaahay waa xikmad ama murti badane, in laga joogsado cuntada iyo cabitaanka iyo waxyaabaha soo raaca muddo bil ah, waxa uu ka leeyahay xikmad xeeldheer. Taasina waa in ay addoomihiisa u siyaadiso caafimaad, cibaado, hoggaansan, iyo Alle ka cabsi. Waa mucda aayadda uu Ilaahay ku waajibiyay soonka "يا أيها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الدين من قبلكم لعلكم تتقون"“Dadoow wax aannu idin farnay soon sidii aannu u farnay ummadihii idinka horreeyay ba, si aad Eebbe uga baqataan.”

Ramadaantu waa fursad isbeddel oo qofafka, qoysaska iyo ummuduhu isku beddeli karaan. Bulsho ahaan wax aynnu ku sugan nahay xaalad adag oo nololeed, dawladeed iyo daleedba, dhab ahaan Ramadaantu waa fursad iyo jaanis aynnu isku beddeli karto oo waxkasta oo inaga xumi inoogu samaan karaan, haddii aynnu taasi marinkeeda u marno.

Quraanku wax uu inoo sheegay in badan in aan Ilaahay xaalad ummaddeed doorinahayn illaa ay iyadu is-ahaanteeda isu dooriso mooyee. Waa quus goyn iyo war cad oo Ilaahay ina siinayo. Candhuuftiisa dib ha u liqo qofka ay maankiisa ku jirto in Ilaahay nasri Soomaali ku soo dejinayo ay isku beddelaan. Waa Ilaahay sarreeye ka innagu leh “ إِنَّ اللَّهَ لا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ”. Cid run sheegtana waxa ugu sarreeya Ilaahay.

Waxa halkan inooga cad in isbeddelka ummadeed ee aynnu u baahan nahay uu isla innaga innagu xidhan yahay. Waa innaga kuwa la doonayo in ay duunka ka doonaan isbeddel, ku dhaqaaqaan ama falaan si Ilaahay korreeye uga caawiyo xaqiijinta waxa ay ummaddu doonayso. Waa sunnaha Ilaaliga ah in Ilaahay ibnu aadanka ka doonayo sababo si uu ugu caawiyo gaadhida waxa ka danbeeya sababaha ee wanaag iyo badhaadhe ah. Waa taas ta aynnu u oomman nahay ee ay tahay in aynnu fursaddan uga faa’iidaysanno.

Waa maxay waxa ka dhexeeya isbeddelka aynnu doonayno iyo bisha Ramadaan? Waxa ka dhexeeya arrin weyn, waxa ka dhexeeya oo ku xidhan habkii loo gaadhi lahaa waxa aynnu doonayno ee isbeddel ah. Sidee? Wax aynnu doonaynaa isbeddel xaaladeed in aynnu samayno: iska doorino burburka, dibudhaca, musuqmaasuqa, maamul xumada, dawlad la’aanta iyo hoggaan xumada. Innaga oo taa caksigeeda u heellan helidda dal iyo dad mid ah, gaadhida horumar ummadeed iyo daleed, helidda hoggaan iyo dawlad wanaagsan, isku duubni, iyo wadajir, innaga oo sidaasi ka doonayna in Ilaahay inagu kaalmeeyo gaadhideeda. Saw sidaa ma aha? Halka miidda hadalku ku jirtaa waa halkan, halka ay fursad inoogu tahay Ramadaantu waa halkan, waayo waxa aynnu kaalmo ka doonaynaa Ilaaha samooyinka iyo dhulka, kaalmadiisana waxa ku xidhan shardi aad u weyn.

Shardiga ku xidhan in Ilaahay inagu gacansiiyo isbeddel in aynnu samayno waa in aynnu isaga horta u gargaarno, sida Ilaahay ba leeyahay “يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنْ تَنْصُرُوا اللَّهَ يَنْصُرْكُمْ وَيُثَبِّتْ أَقْدَامَكُمْ” “Kuwa iimaanka la yimidoow haddii aad Ilaahay u gargaartaan isna wuu idiin gargaari.” Sidee markaa Ilaahay loogu gargaarayaa? Gargaarka Ilaahay waa u hoggaansan, waa isu-dhiibid dhammaystiran, waa u noqosho addoon dhab ah, waa baryid iyo ku-toosnaan ay tahay in lagu toosnaado sharcigiisa. Ilaahay gargaarkiisu waa raacitaanka waddadii nabi Maxamed, waa ku-dayashada rasuulka iyo dhugashada wixii uu Ilaahay ka keenay ee xaq ah. Waa taas sababta ay fursad isbeddel inoogu tahay Ramadaan.

Qofkasta, qoyskasta iyo guud ahaan ummadda ba bishan waxa saaran midkastaba arrimo si loo gaadho isbeddel dhammaystiran: qofkasta waxa raasan in uu naftiisa uu hagaajiyo, u soo noqdo Ilaahay isaga oo la imanaya toobad-keen dhammaystiran; qoyskasta waxa saaran hagaajinta qoyskooda, oo ubadkoodu ugu horreeyo, waxa saaran daahirinta nafahooda iyo u noqoshada dhanka Alle iyo faridda taas ubadka; guud ahaan ummadda bishan barakaysan waxa saaran in ay is wada cafiyaan, isasaamaxaan, dulmiga, dhaca boobka iyo musuqmaasuqa cidda ku jirtaana ay Ilaahay u soo noqoto oo faraha ka qaaddo. Waa samaynta arrimahan waxa Ilaahay innaga doonayo si uu inoogu kaalmeeyo helidda waxa aynnu maanka ku hayno ee dawlad-wanaag iyo horumar ah. Waa falidda intan u-gargaaridda Ilaahay si uu isaguna inoogu gargaaro.

Ugu danbayn siyaasiga wax aan leeyahay Ilaahay ka cabso, suldaanka wax aan leeyahay Ilaahay ka cabso, ummaddan guud ahaan wax aan leeyahay Ilaahay aynnu ka cabsanno oo si dhab ah ugu noqonno, haddii aynnu doonayno isbeddel badhaadhe iyo barwaaqo inoo fura. Waa in aynnu bishan Ramadaan ka dhigannaa bishii walaaltinnimada Soomaaliyeed, bishii wadajirka iyo gaca-is-qabsiga. Waa in ay ka dhigannaa bil aynnu Ilaahay u wada noqonno oo midkii ciddi in leeg walaalkii ka galay uu ka doono cafis, kii musuq xoolo ummadeed ku sameeyay Ilaahay u noqdo, kuwa dilka, dhaca iyo boobka wadaana waa in ay bishan Ilaahay u noqdaan oo xumaanta iska daayaan. Waa in Ramadaanta sannadkani inooga duwanaataa 30 sannadood Ramadaanadii ina soo maray. Wax aan la hadlayaa waa duunka qof kasta oo Soomaali ah oo u damqanaya ama ka damqanaya 30 sannadood dhibta dawlad la’aaneed iyo caddaaladdarreed, waayo? Dawlad la’aanta iyo caddaalad-darrada ayaa waxkasta oo mandaqadda ka dhacay kana dhacaya u sabab ah.

“Ilaahay haddii aynnu u wada noqonno qof, qoys iyo qaran ba wuu inoo hiilinayaa, wuu ina kaalmaynayaa oo inagu hagayaa tubta dawlad wanaagga. Aynnu u noqonno Alle.”

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan.

28, May, 2016. Kuala Lumpur, Malaysia. 

Comments