Maqaalka Xuseen: Gar mise Gardarro?

Wadaaddadu waa dad innaga mid ah. Waxay sidaan diintii Ilaahay. Waana dhaxlayaashii rasuullada Ilaahay soo diray. Way ammaanan yihiin oo Ilaahay baa ammaanay. Wayna sharfan yihiin oo Ilaahay baa sharfay. Waxa ammaan ugu filan sida Ilaahay u markhaati gashaday markuu ka hadlaayay Ilaahnimadiisa. Fadligooda iyo ammaantoodu maaha wax qof iyo laba inkiri karaan. Sidaas oo ay tahay wadaaddadu maaha dad laga dhawray xumaan oo dhan.

Way gefayaan sida aniga, adiga iyo dadku guud ahaan ba u gefayaan. Taasina ceeb maaha oo dadka ayay kala siman yihiin, nabiguna waa kii lahaa "Dhammaan ibnu-aadamku wuu gefayaa, waxaa se ugu kheyr badan kuwa gefkooda ka soo laabta". Wadaaddadu waa dadka keliya ee sharkooda ama xumaantoodu dadka wada saamayso jeer kalena wanaagoodu dadka wada saameeyo. Qof kastaan siduu xumaan iyo samaan u leeyahay ayuu wadaadkuna xumaan iyo samaan u leeyahay.

Wadaadnimadu maaha dharka, gadhka oo lala baxo, luuqadda carabiga oo la yaqaanno, khamiis la gashado iwm. Wadaadku waa qof kasta oo cilmi u leh diinta Islaamka. Dadka bara cibaadooyinka iyo siday uga saxmayaan iyo dhammaan rukunnada diintooda. Wadaadkaas shardi ma aha inuu ku dhaqmo diintaa uu faafinayo iyo inaanu ku dhaqmin laakiin wuu ku dhaleecaysan yahay inaanu diinta ku dhaqmin se wadaadnimadiisu ma burayso.

Bulsho ahaan aad baynu u jecelnahay diinta, Ilaahay iyo Rasuulkaba. Jacaylkaasi waa ka sababay inaynu dadka diinta u dhaq-dhaqaaqana wada jeclaanno si aan kala reebis lahayn. Jacaylkaas la jecelyahay bay wadaaddadu ka faa'iideysteen oo isugukeen beyd iyo cayn gooyeen diin, dhaqan carbeed iyo waxyaabo kale, si ay Soomaalida u sii kasbadaan jacaylkooda loona waayo cid ka daba hadasha. Bulshada Soomaalida waxa la yidhaahdaa intii ugu badnayd waxa hortaagnaan jiray wadaaddada Suufiyada. Waxaaban odhan karaa marka wadaaddadeenna hadda la eego suufiyaddii hore ayaaba laga qaatay. Kuwii hore ceebtooda ugu wayni waxay ahayd bidco iyo khuraafaad, laakiin qof ashahaadanaya kurta kama goyn jirin.Kuwa haddu dhibtii Soomaaliya ka dhacday iyo waxa illaa maanta dhiig qulqulaya lug wayn ayey ku lahaayeen. Waxa ta aka sii daran, intii wadaadka dambe la bartay ayuunbaa qarax iyo aragagxiso soo baxday. Marka sidaa loo eego ayaan leeyahay suufiyaddii hore ayaaba malaa laga qaatay.

Doodda Diin iyo Dadnimo waxa qoraalkii koobaad ku furay guddoomiyaha Hiil Qalin, Khadar Cabdi Cabdilaahi. Wuxuu Khadar ku soo galay doodda maqaal uu u bixiyay Wadaad:Shar iyo kheyr. Run ahaan haddaan lays caasiyeyn Khadar si wanaagsan ayuu u dhigay doodda. Wuxuu qaaddaa dhigay oo caddeeyay in wadaaddadu gefaan, isagoo taxay tusaale yaal badan. Sidoo kale wuxuu Khadar ka hadlay in dadka soomaalida hubsiimo la'aani ka hayso wadaaddada.Taas isagoo ka hadlaya wuxuu ina yidhi :"…Waxa taa soo labaysa, cidda lagu arko astaamaha culimada ama ashcaarta Islaamka, inaan laba cali ku wada hadlin sheekhnimadiisa. Aqoosniga ay Soomaalilaand raadintiisa kabuhu kaga dhammaadeen, ee ay ku xabeebatay siday meel walba uga baafinaysay, soomaalida agteeda wuxuu ka yahay wax iska bilaash ah oo ciddii la doonaba loogu deeqo. Waa kaa maskiinkii Kuwayd u xamaal doontay, fannaankii iyo tagsiilihii carbeed ba shuyuukh u aqoonsaday. 

Waxaa haddaba oon iyo harraad ba loo qabaa, dadka in loo sharraxo, yaa wadaad ah yaan se ahayn? Wadaadka iyo diintu ma isku mid qudhaa mise waa kala laba? Khamiiska, gadhka iyo surwaalka oo la gaabsadaa ma wadaadnimaa, ma diinbaa, mise tolow waaba wax kale? Dad badan oo soomaaliyeed ayaan maanta laga dhaadhicin karin inay jiraan Carab diinta Kiristaanka haysta oo waliba dhulka Carabta ku nool oo khamiis iyo cumaamadba qaata. Kiristaankaa Carbeed khamiiska waxay u xidhaan si ay dhaqankooda iyo hiddahooda Carabnimo u ilaashadaan..". Wuxuu Khadar ina dareensiinayaa wadciga jira soomaalida dhexdeeda, beentii maaha waanay jiraan intaa uu sheegayba. Boqolkiiba boqol waan ku raacsanahay Khadar maqaalkiisaa. Waydiinta meesha taallaa waxay tahay, Khadar maqaalkiisu dhaliil ma lee yahay? Nacam, waa leeyahay. Sida uu uga sheekeeyey dhibta wadaad ka iman karta ama ka timaadda ugama uu sheekeyn wanaaggooda. Laakiin taa Khadar kuma qabsanayo oo wanaagga wadaadka habarta miyiga joogta iyo ka magaalo ku gaamurayba waa ka dheregsan yahay, laakiin meesha dhibtu ka taagan tahay waxa weeye in la sheego xumaanta iyo dhibta wadaadku leeyahay ama yeellan karo. Haddii aan Khadar talo siin lahaa, waxaan ku odhan lahaa magaca maqaalka waxaad ka dhigtaa: Wadaadku shar ma lee yahay?

Waxa maqaalkaa haddaba Khadar ka fal-celiyay Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen oo ku soo galay doodda maqaal uu u bixiyay Wadaad diid ha noqon. Maqaalka Xuseen-Mahdi laba qaybood ayuu u qaybsanaa: qayb uu kaga hadlayo wadaadka iyo waxyaabaha soo hoos gali kara. Si baxsan oo ragannimo leh una baahan in lagu bogaadiyo ayuu Xuseen halkaa u sharraxay. 

Qaybta labaad wuxuu isku dayey inuu naqdiyo maqaalkii doodda lagu bilaabay ee Wadaad: shar iyo khayr. Markaan akhriyay haddaba Xuseen naqdinta uu sameeyey, waxa iiga muuqday gefaf badan. Xuseen duddada ayuu cararay oo wuxuu wakhtiga ku lumiyey meel aan waxba ku jirin. 

Wuxuu saaray tafsiir isaga u gaar ah, waxaanu ka soo saaray waxaan meeshaba oollin. Waxaan odhan karaa, qaybtaa dambe may ahayn dhabaddii habkii iyo hannaankii naqdinta, waxa ka muuqatay qoraalka jahli badan oo dhanka naqdinta ah. Muu ahayn qoraal ilaaliyay xuquuqda cidda uu naqdinayo.Wuxuu ahaa qoraal meel cad kaga dhacay xuquuqda qoraalka qofka iyo soo guurinta hadallada. Taasina waxa kuu caddaynaysa markaad aragto sida Xuseen uu hadallada Khadar u soo kala jar-jaray ee hadalkii galbeed u socday bari u geeyay. Waxaynu ogsoonnahay in haddii hadalka la soo kala jaro, oo badh la soo qaato badhna laga yimaaddo, in maqsuudkii meesha ka baxayo ayna soo baxayso aragti aan ahayn tii qoraagga hadalkiisa la soo jar-jaray uu qabay. Hadal badan haamo lagama buuxsho ayay soomaalidu tidhaahdaaye aan gudo-galno bal sidii uu ahaa qoraalkii Xuseen-mahdi.

Ugu horreyn wuxuu Xuseen ka bilaabay inuu isdul-taago ladhka qoraalka Khadar ee ahaa Wadaad: shar iyo kheyr. Wuxuu yidhi Xuseen-Mahdi :" Markaba waxa is wayddiin kartaa ciwaanka Shar iyo Khayr, wadaadka ummadda ma shar ayuu u leeyahay mise khayr? Walaalkay Khadar ma wadaad leexday ayuu ka hadlayaa mise wadaaddada ayuu umadda uga digayaa? Culimadu ummadda ma shar ayey u leeyihiin mise khayr? Waa hubaal culimadu in ayna bulshada shar u lahayn, haddii shar u leeyihiin macaanka diintu ma soo gaadheen manay soo gaadhsiiyeen. 

Ma sheegin wadaad xume, wadaad xumana kama tarjumayo culimada oo dhan." Intaanan naqdinta Xuseen u gelin bal aan isdul-taaggo cinwaanka qoraalka Khadar. Wadaad: shar iyo kheyr, wadaad waynu garanaynaa oo waa diin-aqoonkii aynu kor ku soo xusnay. Waxaynu kor ku soo xusnay sidoo kale in wadaaddadu xumaan iyo samaan ba leeyihiin. Halkanna Khadar wuxuu yidhi Wadaad: shar iyo kheyr oo macnaheedu yahay wadaaddadu sharna ummadda way u leeyihiin kheyrna way u leeyihiin. Haddii si kale loo dhigo wadaaddada waxa jira kuwo shar wadayaal ah iyo kuwo kheyr wadayaal ah. Haddaba ugu horreyn wuxuu Xuseen ina waydiiyay su'aal ah inuu wadaadku shar u leeyahay ummadda iyo in kale. 

Bal hadda eeg hadalkanna wuxuu ku jiraa maqaalka Xuseen qaybtiisa hore e’:"Waa hubaal in uu jiro wadaad xume, diintu waxay u taqaan Culumaa’u Suu". Waydiimaha Xuseen inna waydiinayo soo kan isagu ka jawaabay bilawgii horeba, xaggee wax si ka yihiin? Culumaa’u Suu-ga Xuseen inoo sheegay iyo sharka Khadar wadaadka ka sheegayaa maxay kala yihiin? Walaalkay marna saaxiibkay Xuseen, waxaad mooddaa in uu wax sheegay isla markaana shareerayo.

Bal hadda eeg Xuseen oo haddana dhan kale innagaga yimi: "Waa hubaal culimadu in ayna bulshada shar u lahayn, haddii shar u leeyihiin macaanka diintu ma soo gaadheen manay soo gaadhsiiyeen. Ma sheegin wadaad xume, wadaad xumana kama tarjumayo culimada oo dhan. In sifo caam ah la siiyo qof khaldamay waa khalad cad.".Wuxuu walaalkeen ka dhigay inaanay culimadu shar lahayn mid hubaal ah. Xuseen wuxuu ku haystaa Khadar, in uu magaca Wadaad wax ku weeraray oo aanuu kala saarin, halkanna Xuseen wuxuu markan isku wada qaaday culimadii oo dhan oo leeyahay shar ma leh, halka horena Culumaa’u suu iyo wadaad xume ayuu inoogu sheegay. Halkaa anigu is diido iyo isku daba meeraysi ayaan ka arkaa, adiguna maankaaga xorta ah ayaad wax ku cabbiri doontaa. Su'aal keliyana aan ku weydiiyee waxaa is-gaaleysiin wadaaddada ka dhex dhacaysay iyo dhammaan kooxahaa muslimiinta kala qaybiyay ma baabka sharkaynu ku darnaa mise kheyrka? Ummaddaa la gumaadayo ee fadwada culimada waaweyn loo haysto ma baabka sharkaynu ku darnaa mise ka kheyrka?Midda kale qoraalka Xuseen safxadda ugu horreysa sawka inoogu soo laqimay in wadaadku aanu macsuum ahayn ee gefayo, ila eeg bal waakan hadalkaagiye Xuseen :" waa bani’aadam maaha wax macsuum ah oo dambi oo dhan ka nasahan waa gafayaa oo bani’aadam ayuu u yahay" Labaddaadan hadal ee isku maqaalka ku jira keebbaan qaataa ma ka odhanaya way gefayaan mise ka odhanaya ma gefayaan sharna ummadda uma laha?

Maqaalka Khadar doodda ku faray ee Wadaad: shar iyo khayr wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood. Qaybta koowaad wuxuu soo dhiraandhirinayaa soomaalida iyo sida ay u qalbi wanaagsan yihiin hubsiimaduna ugu yar tahay. Qaybta labaad wuxuu soo qaatay wadaaddo iyo culimo hadalkoodu is tabceeyey ama iska hor yimi. Qaybta u dambaysana wuxuu ku soo gunaanaday in wadaadada la kala saaro oo fiiro loo yeesho, si ka xun iyo ka wanaagsan loo kala ogaado. Xuseen bilawga koowaad ba wuxuu shaki galinayaa qoraalka Khadar iyo ujeedadiisa. Xuseen isagoo dhaliilaya soona kala jaray hadal Khadar leeyahay, ayuu inta soo qaatay:‘‘Kaliya ma aha dad u nugul jacaylka diimeede, waa wax dabiici ahaan ugu abuuran qiiradu. Wixii markii hore isu keenay (1960-kii), wuxuu ahaa muxibo iyo laabla kac laga dhaariyey miyir iyo deggenaan.'

Xuseen, isagoo intaa fasiraya wuxuu yidhi: ‘‘Waxa uu ka hadlayaa waa dadka soomaaliyeed gaar ahaan bulshada reer soomaalilaan marka tusaalaha uu bixiyey la eego, waxa ka dhadhammaysa qoraalkiisa inuu didmo ka muujinayo dadku in ay jeclaadaan diinta. Waxa uu tusaale ugu ladhay 1960, midowgii reer soomaalilaan u jeellanaayeen iyo wixii ka soo baxay oo kaaf iyo kala dheeri ah, inaan laga dheefin wanaag, markaa sow kama dhigna hadalkiisu jacaylka diimeed ee xad-dhaafka ah bulshadu u hayso diinta in aan laga dheefayn wax san, in jacaylka diintu yahay laabla kac laga dhaariyey miyir iyo deggenaan.".Khadar hadalkiisan iyo inaha kale ee ay ka mid tahay markay isaga iyo raggu maqaaxida shaaha ku wada cabbayeen ee gabadha dawarsanaysaa u timi ee odaygu iska ooyey, waxa laga fahmayaa inuu sharraxayo soomaalida iyo qiiro badnaateeda aan deggenaanta aqoon. Xuseen haddaanu hadalka leexinayn oo meel kale wax u wadin dhawrka sadar ee hadalkan uu soo raray ka horeeya muxuu uga tagay? Khadar soo kan yidhi:"Dadka soomaalidu, si guud marka loo qiimeeyo, waa dad qalbi wanaagsan oo aad u laab furan. Waxay ammaan iyo bogaadinba ku mudan yihiin jacaylka xad dhaafka ah ee ay u qabaan Ilaahay, Nebi Maxamed (NNKH) iyo diinta Islaamka. Waxay kaloo jacaylkaa mid la mid ah u hayaan dadka diinta u dhaqdhaqaaqa ama culimada." Khadar haddii uu ka dhignaa hadalkiisu mid jacaylka diimeed ee xad-dhaafka ah ee bulshadu u hayso diinta mid aan laga dheefayn wax san iyo in jacaylka diintu yahay laabla kac laga dhaariyey miyir iyo deggenaan muxuu ugu boggaadinayaa oo ugu ammaanayaa Somaalida hadda Jacaylka diimeed iyo Ilaahay iyo rasuulkaba? Muxuu se hadalkan hoosena u soo qaatay walaalkeen Xuseen, ka sarena uga tagtay ee ammaanta iyo boggaadinta wata?

Wadaaddadu waa bashar sida aynu soo tilmaannay, waxa jira kuwo aan aqoon buuran lahayn, kuwo aqoon buuran oo xeel-dheer diinta u leh oo toosan iyo kuwo aan toosannaynba. Waa la caddaynayaa gefkooda iyo sharkooda waxaana caddaynaya cid kasta oo cilmi u leh arrinkaa, waa kan Xuseen oo in culimada laga hadlo ku diiddan Khadar:"Mar kale iyo qayb ka mid aha qoraalka saaxiibkay: 'Kalgacalkaa iyo hubsiimo la’aantaa is dhex hawaara ee wadaaddada loo hayaa, waxay keentay inaan soomaalida xagga wadaaddada laga marin, gar iyo gar darraba.' Xuseen, oo sidaan sheegay la mooddo inuu fahamka dadka leexinayo ayaa waydiimahan iyo hadalkan is daba taxay: ‘‘Tallow wadaadka maxaa loo sheeganayaa? Maxaa looga kaxaynayaa dadkiisa? Maannu dadka ka mid ahayn? Wadaadka miyaa la iska jeclaaday mise diinta ayaa lagu jeclaaday? 
Haddii wadaadka kaxayno bulshada yeynu u dhiibnaa? 

Gar iyo gar darraba, wadaad maxaad u gar darraysanaysaa? Gar u yeellaba, se waxa lagu haysto cidda ku haysataa ma uga aqoon badan tahay?". Hadalk Khadar xaggay kaga jiraa wadaadka dadka ha laga dhex saaro? Goor muu yidhi dadka ka mid ma aha? Khadar wadaad muu eryin manuu dhaleecayn wuxuu keliya sheegay in hubsiimo la'aani jirto, hubsiimo la'aantaas oo ah inaan lakala hubsan yaa wadaad ah, yaan se ahayn? Laakiin Xuseen hadda ayaad ba wadaadkii wax weyn inooga dhigtay oo aan bini-aadam ahayn. Markaad leedahay gar iyo gardarraba yaan la gardarraysan miyaanu bashar ahayn la radinaayo oo gefkiisa la caddaynaayo? Miyaadan se adiguba odha sidan :"waar walaallayaal dadka dusha ha is ka saarinna, kii xun halkiisa ku sheega, kii saxsanna dee ka xun waxa ha la wadaajinina".Maxaad hadda ku keentay gar iyo gardarraba yaan lala hadlin. Miyaanay sida hadalkaaga danbe ahayn kii gefa in la caddeeyo?

Mar kale wuxuu Xuseen ka soo raray hadal Khadar oo wuxuu yidhi :" Mar kale iyo Khadar isaga oo wadaadka dabo dhigtay, sidoo kalena canaan ku hirgisaya bulshada aynu eegno, wuxuu yidhi:' Buunbuunintii wadaadka, oo u muuqata mid aad loogu talax tagay, waxay dhashay in laga saaro xadka bini’aadannimada.' Cajiib, ma arag Khadar laftiisuna ma keenin meesha bini’aadannimada looga saaray wadaad, se Khadar muxuu ku diiday wadaadka bulshada diinta ugu addimaya in la qaadqaado oo la weynneeyo, sow waxa uu sidaa diin maaha? Taas waxaan u leeyahay Khadar si aan kala sooc ahayn ayuu uga hadlay wadaad, mana kala saarin wadaadka aan u qalmin in la buunbuunniyo." 

Beenaale markhaatigiisa Baydhabo ayuu geeyaaye bal hadalkaagan Xuseen ahaan u fiirso :" Gar iyo gar darraba, wadaad maxaad u gar darraysanaysaa?" Haye hadda liiska bini-aadamka gar iyo gardarraba la gardaraysanayo maka saartay oo maka dhigtay ruux aan gar iyo gardarraba lala tiraabi karin? Maka dhigtay qof aan lagaba daba hadli karin? Miyaadan ka saarin bani-aadannimadii? Miyaadan haddana odhan :"Waa hubaal culimadu in ayna bulshada shar u lahayn" Miyaadan haddana ka dhigayn wadaadkii waxaan basharba ahayn oo aan sharba lahayn? Ma anaa waallan ayuu yidhi mise cadanbaa laga heesayaa. miyaanu tolow Xuseen hadalkan ku odhan maqaalkiisa :" Marka qofka diinta u taagan, una heellan, ku dhaqmaya dadkana faraya la dhibaateeyo, la caayo, meel lagaga dhaco sharaftiisa, waa marka lagu sumoobayo hilibkiisa. Waayo waxaad wax ka sheegaysaa waa diinta ee maaha qofka". Xuseen hadalkiisan inta hore oo dhan waan ku raacsanahay, laakiin marka uu leeyahay ‘‘Waayo waxaad wax ka sheegaysaa waa diinta ee maaha qofka", waxaan u arkaa khalad, waayo diinta iyo wadaadku iskuma jiraan, wadaadkuna in uu diinta ka mid yahay ama isaguba diin yahay ma hayno meel ay ku taallo. Xuseen wuxuu inoo dhigayaa in haddii wadaad la dhaliilo ama wax laga sheego, in diintii wax laga sheegayo. Xaggee walaal lagu maseeyay diinta iyo ruux? Nabi Maxamed (NNKH) iyo diinta Ilaahay waa kala laba.Sidee markaa ruux aan Nebi Maxamed ahayn iyo diintu isku mid u noqdeen? Haddii hadalka Xuseen aynu ku soconno waxa inoo soo baxaysa ruux kasta oo ay wadaad is qabsadaan dabadeed caayaa inuu diintii caayay sidaana diinta kaga baxayo, waayo diinta oo la caayo waa lagu gaaloobaa.Laakiin waa maasha Allah marba haddii Xuseen ku doodayo in wadaadku diin yahay.

Qofka kasta gaal, muslin, wadaad iyo waran leba hilibkiisu wuu sumaysan yahay haddii lagu gefo, shakina kuma jiro taas. Bal mar kale Khadar oo arrinkaa ka hadlaya iyo Xuseen siduu hadalka qoraaga u soo kala jaray ee uu macno kale u saaray ila eega:" Khadar mar kale waxa uu leeyahay: Hadallo caamada lagu gilgilo, wadaadkana loogu hiilinayo, oo tiro beelay, ayaa meel walba ka dhacay. ‘Culimada hilibkooda waa lagu sumoobaa‘ iyo ‘Isha culimada waa la iska ilaaliyaa oo way cawri kulul yihiin‘‘. Xuseen hadalkaa Khadar wuxuu ku ladhay intan:‘‘Ma Ilaahay ayaa simay qof aqoon leh iyo mid jaahil ah oo aqoon lahayn? Khadar waxa uu ilduufsan yahay marka la leeyahay culimada hilibkooda waa lagu sumoobaa in ay tahay wax jira oo lagu sumoobayo, se waa hadma? Marka qofka diinta u taagan, una heellan, ku dhaqmaya dadkana faraya la dhibaateeyo, la caayo, meel lagaga dhaco sharaftiisa, waa marka lagu sumoobayo hilibkiisa. Waayo waxaad wax ka sheegaysaa waa diinta ee maaha qofka, ma sheegin wadaad baydhay, inaad wadaadka marka uu toosan yahay u hiiliso waa waajib, ma garanayo Khadar waxa uu ku diidan yahay wadaad ehlu diin ah u hiilintiisa." 

Haa Ilaahay ma simin qof wax yaqaan iyo ruux kale laakiin Xuseen, Khadar kugumaba diiddana manuu ilduufin in wadaadka hilibkiisu sumaysan yahay ee hadlkan ka danbeeya maxaad uga tagtay ee ugu dari wayday hadalka aad Khadar ka soo rartay? U fiirso Khadar wuxuu hadalkaa ka danbeysiiyay :"Qof kasta oo lagu xad gudbo ama la dulmiyo, muslim iyo gaal, caamo iyo culimo, ayuu hilibkiisu sun yahay lagu go‘ayo." Mar leyba haddii hadalka la kala jaro macnaha iyo maqsuudku wuu beddelmaa oo kii looga jeeday midaan ahayn ayuu soo baxaa. Khadar wuxuu inoo sheegay in ruux kasta gaal, muslim iyo wadaadba haddii lagu gefo hilibskiisu sun yahay. Laakiin Xuseen, si wadaad in la diiddayo uu inoogu muujiyo, ayuu hadalkaa danbe uga tagay malaha.

Saaxiibkay Xuseen iyo bal mar kale aan ka dhawaajiyo hadalkiisa :" Khadar iyo mar kale, waxa uu yidhi: Arrimahaasi waxay dhaleen, in iyadoo la arkayo wadaadkii oo balaayo booshaaqaya, haddana la waayo cid ku dhacda oo wax ku diida. Jeerka hadalladaas dadka loogu caga-juglanayo, ayey wadaaduna noqdeen maxaa kaa galay iyo intaasoo kooxood: Khadar waxa habboonayd in uu si fiican u sifeeyo wadaadka uu ka hadlayo, waa waxa aynu u leenahay Khadar ma kala soocin wadaad oo dhan, wadaadka la arkaayo isaga oo wax booshaaqaya waa kee iyo waa halkee, ma dunida wadaadka ku nool oo dhan ayuu Khadar soo tirakoobay. Ka warran haddii maanta aan idhaah Hargeysa way wada xuntahay oo waa wada sidan iyo sidan, garayshiyo ma ku helayaa? Waa maya. 

Garowshiyo waxa Khadar lagu siin lahaa marka uu cidda uu ka hadlayo toos u abbaaro, se ha ogaado nafna naf kale in ayna dambigeeda qaadi karin, kii wax lumiyey isagu waa halkiisa." Xuseen intuu hadalkaa ka yaabbay ayuu sumaddii wadaadnimo u diiday in caam laga dhigo haddana markuu isagii ka dhigay caam Wuxuu walaalkeen Khadar ku yidhi wadaadka la arkayo isagoo wax booshaaqanayaa waa kee? Iyo waa halkee? Xuseen anoon caalamkaba u gelin bal aan u soo qabto laba, saddex wadaad oo culimadeenna waaweyn ah. 

Markii Maxaakiimta la sameeyay waxa hoggaaminayay culimadeenna waaweyn oo hiil iyo hooba la garab taagnaa; maxay sameeyeen culimadu miyaanay Cabdilaahi Yuusuf iyo xukuumaddiisiiba xukuumad riddo loogu yeedhin, miyaan dhiiggiisa, maalkiisa iyo sharaftiisaba la bannaysan, yaa sidaa samaynayay Xuseenoow tolow? Miyaan Cabdilaahi yuusf Islaam ahayn oo aan xukuumaddiisii muslimiin ahayn, dantii waxay ku keliftay xiligaas inuu Cabdilaahi Yuusuf ciidamo Itoobiyaan soo kaxaysto, haddana waa la oggaa wxii ka dhacay in intii in ka badan loo sii miisay. haddaan mis kale soo qabto. Miyaan , wadaaddadeenna waaweyn ee Ictisaam intaas oo Soomaali ah dacalka kaga qaban oo aanay layn, haye taasi qudhun maaha, mise way tahay ee cidda samaynaysay ayaa shaydaanno ahaa?

Xuseen halkan iska-hor-imaad weyn ayuu sameeyay bal ila eeg horta hadalkan :" Wadaadku horrayso iyo dambayso waa isku mid, inta uu diinta ku toosan yahay mar walba hilibkiisu waa sumaysan yahay. Haddii uu ka baydho innaga ayuu xil ka saaran yahay inaynu toosinno waxa uu ku khaldamay waa haddaynu garanayno, haddii kalena wadaad ayaa u jooga, naqdintuna waa wax waligeedba soo jirtay. Wadaad ayaa tubta waydaaran mid kale ayaa ka daba qaadan oo dadka uga digi, se maaha sida uu Khadar u yidhi: Berigii hore haddii hilibkooda sun lagu bakhtiyo lagu sheegi jiray ishooduna kululayd, iminka xaalku waa ‘Alamtarna soo dhaaf‘. Qofkii si uun isugu daya inuu sheego dhaliil wadaad lee yahay, waxaa lagu harqiyaa xukunno degdeg ah oo daradoorri isaga soo daba dhacaya" oo bal walaal muxuu yidhi Khadar ee aad diiddan tahay ee aan ahayn inay berigii hore wadaaddada hilibkoodu sun ahaa haddana ciddii dhaliil wadaad sheegta xukun lagu fulinayo? Maxaad qoonsatay tolow? Xuseen sidaa immika uu u hadlayo saw ma aragtaan ee uu ina leeyahay dhaliisha wadaadka gefay waa la sheegayaa, bal hadalkiisan horena eega ee uu maqaalka horraantiisa ku yidhi :" ? Gar iyo gar darraba, wadaad maxaad u gar darraysanaysaa?" Bal Xuseen labaddan hadal isu kaaya waafaji oo noo kala sheeg garan waynay annaguye? Markeed saxsan tahay markeed se khaldan tahay ma marka aad leedahay yaan lala hadlin wadaadka mise marka aad leedahay innagaa radinayna. Mise Khadarbaan ehel u ahayn inuu dhaliisha wadaad sheego se adigu waad u leedahay?

Xuseen mar kale haddana wuxuu ka soo raray Khadar iyo wuxuu ka yidhi aynu eegno. Wuxuu soo qaatay hadalkii Khadar ee ahaa sidan: "Waa cilmaani, waa caqlaani diinta ka soo horjeeda, fikir reer galbeed ayuu wadaa, iyo kuwa faraha badan ee la wada garanaayaba waa ishii kululayd iyo hilibkii sunta ahaa oo la casriyeeyey. Subxaana Rabbika, Rabbi cisati cammaa yasifuun. Caqliga iyo diintu, ma aha wax is diidaya, haddaan wax kale meesha ku jirin. Aayado badan ayey ku jiraan ‘‘Afalaa tafakaruun; Fakayfa taxkumuun; Afalaa tubsiruun iyo Afalaa tacqiluun’’. Tolow ayaadahaasi ma caqliga ayey dhiirrigalinayaan mise way xarrimayaan? Ruuxa waalan iyo ilmaha sabiga ah wax takliifaad ahi ma saarna dambina looma qoro. Waayo? Waxa waajibku qabanayaa ma aha qofka ee waa caqliga iyo garashada’’. 

Walaalkeen Xuseen isagoo maagay saaxiibkeen Khadar ayuu yidhi: ‘’Aragtida Khadar waxay ilduufsantahay arrimahan hoos ku xusan:" Dabadeed laba qodob ayuu sharraxay oo uu caqliga iyo nusuusta kaga hadlayo. Walaal ma ilduufsana ee Khadar wuxuu inoo tusaalaynayaa waaqiceenna ah in qudhaaba xukun lagula deg-dego qof, layskuma hayoo Khadarna hadalkiisa kama muuqato inuu diidan yahay intaa aad taxday iyo kuwa kaleba ee qofka marka xukunka caadiga ahi ku dhacayo loo eegayo. Markaad se leedahay: "Afalaa tafakaruun, Afalaa tacqiluun, Afalaa tubsiruun, midna tilmaami mayso in caqliga bani’aadamku ka sarreeyo hadalka Ilaahay, Ilaahay ayaa bani’aadamka abuuray, kitaabkana isaga ayaa u soo dajiyey, wax aan is qaadan karin marna lagama dhigi karo, hadduu caqligu aayadda diidan yahay calqiga ayaa khaldan oo wax ka khaldanyihiin waxa xumaada ee khalkhalaa waa caqliga ee maaha Kitaabka Alle." Xaguu Khadar ku yidhi aayadahaasi waxay ka sarreeyaan caqliga ee aad ka dhadhansatay macnahaa? Waa markaan leeyahay Xuseen fahanka dadka ayuu leexinayaa oo waxaan meeshaba oollin ayuu keenayaa.

Xuseen isagoo maqaalkiisa soo xidhaya wuxuu yidhi :"Wayddiintu waxay tahay maxaa halbeeg inoo ah? Waxaynu ka qiyaas qaadanaynaa hadday innaga khaldanto? Waxa cad in biyaha iyo saliidda isku darayno, qofka muslimka ah waxa halbeeg u ah diinta, Alle ma odhan wadaadka tusaale fiican ayaa idiinku sugan, se waxa uu inoo sheegay in tusaale fiican inoogu sugan yahay ergaygii Alle Muxammed (CSW)". Ragannimo, waan kugu raacsanahay hadalkan laakiin ha moogganaan inaad qoraalkaaga dhankiisa sare ku soo xustay inaan wadaaddada lala hadli karin oon la gardarraysan karin gar iyo gardarraba. Waa sax weedhaadan kale iyaduna ee ka danbaysa ee odhanaysa:"Sidaa awgeed maaha halbeegu wadaad". Laakiin iyana ha moogganaan inaad diinta oo wax laga sheegay ka dhigtay wadaadka oo wax laga sheegay.

Xuseen mar kale ayuu ku galgashay qoraalka Khadar oo sida uu doono ka yeellay. Xuseen wuxuu soo qaatay qisada Khadar kaga sheekeynayo Ayman Diin sidii uu markii hore ahaa iyo sida uu iminka yahay. Xuseen intan ayuu ka soo qaatay maqaalka Khadar; ‘’Ayman Diin wuxuu ka mid ahaa ururka Al-qaacida, wuxuuna ka mid ahaa raggii ugu horeeyey ee ka qayb qaatay aasaaskii ururkaas. Wuxuu wax ku bartay dalka Sucuudiga, isaga oo qaatay fikirka jihaadiga ah. Wuxuu ka soo dagaallamay Bosniya xilligii Yuguslaafiya burburtay, markii danbena wuxuu deegaan ka dhigtay dalka Afgaanistaan xeryihii ay ku tababaran jireen Al-qaacida. Hasa yeeshee intii dambe wuu is baddelay. Wuxuu sheegay in uu is baddelay sannadkii 1998-kii markii ururka Al-qaacida uu weerarka ku qaaday safaaradaha Maraykanka ee Kiiniya iyo Tansaaaniya, isaga oo sheegay in uu u arkay waxaan suurta gal ahayn waxyaalaha ururku samanayo. Ayman Diin wuxuu markii danbe ka qayb qaatay sidii uu u burburin lahaa una curyaamin lahaa ururka Al-qaacida. Si uu arrintaa u hirgaliyo, Ayman Diin, maanta wuxuu shaqo sare ka hayaa sirdoonka Ingiriiska. Bal kala fogaanshaha fikir ee intaa le’eg eeg? Ma anagaa waalan mise waa nala waalayaa?’’. 

Xuseen sidii u caadada ahayd ayuu hadalkii kala jaray oo badh ka tagay markaasuu waliba fasiraad, macne iyo tuhun galin dusha ka saaray. Bal eeg halka uu arrintii la maray Xuseen: ‘’Waxa kale oo runtii yaab leh in Khadar hadalkiisa laga arkayo inuu boorinnayo in dib loo noqdo, saxna ay tahay inuu Ayman basaas gaaleed noqday miyirsadayna imika, waxa uu Khadar mar kale lee yahay:Rag badan oo soomaaliyeed oo markii hore fikir xagjirnimo ah qaatay, sida Ayman Diin, ayaa gadaal ka miyirsaday markay arkeen inaan xaalku ahayn sida ay moodayeen.’’ 

Waar miyaan Ilaahay laga baqanayn, muxuu Xuseen dadka u tashuush galinayaa? Intaa uu soo qaatay, waxa la socotay oo uu Xuseen garan waayey inuu raaciyo ama uu ogaan uga tagay intan oo Khadar ku sheegayo halista uu soo waddo Ayman markuu sirdoonka Reer Galbeed la shaqanayo: ‘’..Ninka sirdoonka ahina wuu ku qasban yahay shaqo kasta oo basaasnimo ah oo loo diro inuu qabto. Yaa huba inaan sheekhii xagjirka ahaa iminka jaajuuska ah, Ayman Diin, aanu dad bilaa dambi ah gaalo gacanta u galin oo aan sababtiisa lagu dhibaatayn? Markee ayuu waallan yahay markee se miyir qabaa labada jeer?’’. Xuseen markuu sidan samaynayo ma wax buu saxayaa mise wax buu qarribayaa?

Xuseen iyo gunaanadka hadalkiisa wuxuu yidhi:"In culimadu is naqdido waa wax soo jiray, Nabiga oo fadhiya ayaa lagu yidhi caddaalad maad samayn ee caddaalad samee, asxaabtii culimada ahayd ayaa cadhootay oo u siqday in ay qoorta ka jarto. Nabigaa la doodday oo yidhi yaa caddaalad samaynaya haddii annigu samayn waayo. Khilaafadii Abubakar ayaa diinta laga riddoobay, Nabiyo la sheegtay, qaarna sakada diideen, waa loo caqli celiyey, wixii diidayna waa lala dagaalamay. Intaas oo culimo ah ayaa kutub iska qorta, mid ayey masalo hoos maraysaa, mid kale oo u baxsantahay ayaa ka daba qaadanaya, se maaha sida uu Khadar u malaynayo, marka uu hadalkan yidhi: Siday isu naqdinayeen, ayaa loolankii gaadhay in qaar diintaba laga saaro oo la yidhaa waa gaal . Naqdinta waa wax fiican, aqoon ayaa laga koradhsadaa." Xuseen wuxuu qoonsaday maan garan anigu!Sawkan Xuseen ina leh culimadu way is naqdin jireen oo is raddin jireen ee tusaaleyaal u soo qaatay, muxuu diiddan yahay? Ma wuxuu diiddan yahay in culimo is gaalaysiisay oo khadkaba iska saartay mise wax kale? Waar malaa Xuseen odhan maayo culimo isgaalaysiisay ma jirto. Hadduu se yidhaahdo ayaynu u soo taxaynaa. Is gaalaysiintaa culimada dhexdeeda ahna baabka sharkooda inoogu dar Xuseen.

Akhristaw waydiintaydu waxay tahay: walaalkeen Xuseen maqaalka Khadar miyuu naqdiyey mise fahamkii iyo ujeedadiisii ayuu leexiyey? Qofka aan maqaalka Khadar akhriyin muxuu u qaadanayaa? Waxaa wanaagsan Xuseen sida uu u doonayo in aan dadka fikir qaldan laga aaminsiin oo sharaftiisa loo dhawro, in uu isaguna dadka kale karaamadooda u dhawro.

Gunaanad: 
Ugu dambayntii aragtida iyo qalinku saaxiib malaha. Maanta adaa si wax u arkaaya mid kalaa isna si kale u arkaaya. Intaas aan xusay iyo waxaan ka tagayba way jiraan oo galdaloolooyin ah oo ku sugan maqaalka Xuseen. Wixii aan saxay Alle hayga waafajiyo wixii aan khaldayna dhankayga ayay ka timid. Sidii aan u difaaci lahaa maqaal uu Xuseen leeyahay ama qof kastoo kalaaba lee yahay, ayaan kan Khadarna in la qalloociyo ugu diidayaa. Waxa igu kelifay soo gelidda dooddu waa inaa caddeeyo jaha-wareerinta la jahawareeriyay maqaalkaa Khadar oo aan ku raacsanahay. Waxaynu dhammaanteen doonayaa waxa saxda ah ee diin iyo caqliba isku waafaqsan yihiin inay helno ama samayno, sidaa darteed wixii taa ka soo hor jeeda cidna loogu habranmaayo. 
 
Mahadsanid.
Cabdiqani Cabdillaahi Aadan.
19, May, 2015.
Hargeysa, Somaliland.

Comments