Buugga: Garashada Wax Laguu Gartay

Buugga: Garashada Wax Laguu Gartay

Qoraallada, dhaganayaasha iyo sheekooyinka ku qoran Af Soomaaligu wax ay ahaayeen sanooyinkii u dambeeyay qaar soo tarmayay maalinba maalinta ka dambaysa. Sida dhibcaha roobka ayay qoraalladaas iyo buugaagtaasi isaga soo daba dhacayeen. Waxaanay u badnaayeen qaar ka hadlayay sooyaal, suugaan iyo sheekooyin gaagaaban ama kuwo dhaadheer.

Marka aan arko iftiinkaa soo baxay ee dhigaallada ka la geddisan ee dhaxalka ummadeed ah, waxaa i gasha nayaayiro in maalin aan fogayn aynnu noqon doonno bulsho akhriska iyo qoraalka heer sare ka gaadha oo wax soosaar cilmi oo dunida la ga akhristo yeelata.

18/6/2015kii wax aan ka ga qaybgalay xafladda daahfurka buuggan aan u holladay in aan erey ka qoro. Buugga Garashada Wax Laguu Gartay waa mid gebi ahaanba ka geddisan buugaagtii hore. Haa, way jiraan buugaag la mawduuc ah balse kow iyo laba ka ma badna buugaagta la tayada qoraalleed iyo nuxurba ahi. Buuggani wax uu wax ka bidhaaminayaa laamaha ka la duwan ee awoodaha qofka Ilaahay ku galladay. Waa buug loo qoray hab farshaxankiisu aad u sarreeyo iyo hannaan qalin toolmoon.

Aragtida u gu horraysaba indhahaagu marka ay halacsadaan wax ay ishaadu qabanaysaa jeldiga sare ee buugga oo uu ku sawiran yahay ruux meel sare wax ka halacsanaya oo fuushan sallaano badan oo uu is ku dul raseeyay, jeerkaasna arki kari la' waxii uu halacsanayay. Dusha sare waxa ka ga xardhan sawirka magaca dhiganaha oo far waaweyn ku qoran (GARASHADA WAX LAGUU GARTAY).Dhanka ugu hooseysa markaad eegtana waxa ku xardhan iyana magaca qoraha buugga (Cabdicasiis Guudcadde).

Sawirka buugga haddaan ku soo noqdo, wuxuu sawirkaasi ka turjumayaa macnaha buugga in badan oo ka mid ah. Ninkaa sallaannada isdul toobay waxa uu garanwaayay in uu hal sallaan si sax ah gidaarka ugu tiiriyo si uu u gaadho halka uu doonayo inuu eeggo ee uu halacsanayo. Garasho la'aantaa ninka buugga ku sawiran ka haysa isticmaalka saxda ah ee sallaanada uu dul fuushanyahy haddana aan gaadhsiin meeshii uu doonayay waxa ay ka dhigantahay qofka oo awoodihii naftiisa uu Ilaahay geliyay garanwaayay isticmaalkeeda dabadeed soo baxa sida ninkaa garan la' sallaanadan uu haysto hab isticmaalkooda fiican ee uu ku gaadhi karo halka uu doonayo. Waa halka qoruhu innaga leeyahay GARASHADA WAX LAGUU GARTAY, yacnii naftii Ilaahay ku siiyay ee uu geliyay awoodaha u gaarka ah oo aad garanayso weeye macnaha ladhka buuggu.

Buuggan GARASHADA WAX LAGUU GARTAY dhab ahaan waa dhigane nolosha akhristaha ee ku aaddan adduunka iyo waayaha wax weyn ka beddelaya. Waa buug aad qiimo iyo qaayo weyn u leh. Waa buug aad ugu tegayso baraarujin uu kugu baraarujinayo isticmaalka awooddaha Ilaahay naftaada u gartay ee aan ruux kaala mid ihi jirin. Waa buug ay dhex ceegaagto xikmad, murti, hogotusaalayn iyo miid shiillani. Waa buug maanka akhristaha kobcinaya, awooddaha nafta carinaya, garaadka korinaya, aqoon iyo waayo-aragnimo xeeldheerna kugu soo biirinaya. 

Maaha buug uu akhriskiisu uu kaa qaaddanayo maalmo iyo bilo toonna, waa buug aad gelin ama maalin keliya ku dhammayn karto. Waxa uu ka koobbanyahay buuggu gebigiisuba 124 bog. Dhanka kale wuxuu u kala qaybsanyahay afar qaybood oo qayb waliba murtiddeeda iyo xiisaheedda leedahay.

Qaybta koobbaad waxa baadisooc ama ladh u ah "Is garo oo qofmaadtahay" waxa ay ka koobban tahay 19 safxaddood. Qeybtani waxay si gunfog uga hadlaysaa sida ladhkeedaba ka muuqata inuu qofku is garto oo is aqoonsado. Weedhaha qoruhu kuugu hogotusaalaynayo waxa aad noqonkarto waxa ka mid ah hadalkan :"Adigu waxaad tahay hadba waxaad is mooddo!, naftaaduna aday kugu xidhan tahay, oo haddii aad u garatid inay sidaad la doonaysid noqoto, way noqon. Haddii aad la doonayso inay noqoto waxa dadku u gartaanna, way noqon kartaa". Waxa ku jira qaybtan su'aalo lixdan ah oo qoruhu kuugu soo gudbinayo si aad uga jawaabto oo aad dabadeed isu garato cidda aad tahay.

Qaybta labbaad ; ladhkeedu ama cinwaankeeduna waa "U FEKER SI TOGAN". waxa qaybtan qoruhu si baxsan, murtiyaysan oo wacan u iftiiminaysaa fikirka togan. Wuu dhiirigelinayaa, hogotusaalaynnayaa oo innagu hagayaa fikirka togan. Weedhaha uu qoruhu qaybtan dhexdeedda innala wadaagay waxa ka mid ah "Hubi in hannaan-u-fekerkaagu noqdo mid wax dhisa, kana dheeroow inuu ahaado kuna sifaysnaado mid wax dhantaala, bilowga kama soo hadho, degdeg haddaanad geedka u fuulin degdeg ugama soo daadagtid, ii xusuusnawna in hadalka aan laga fiirsani inala foggaanayo, caanaha aan fiiqsiga loo dhaminna feedhaha wax yeelayaan, noqo qof togan, ha noqon qof taban, noqo qof lagu ducaysto ee ha noqon qof laga ducaysto". Ugu danbayn waxa uu qoruhu qaybtan ku soo gunaanadayaa hadal uu ka soo xigtay Faiez H. Seyal oo u dhigan sidan "Ka fogoow dadka waxa taban fisha, iyo kuwa sida khaldan u fekera yaanay ku qaadsiin fayraskoodee".

Qaybta saddexaad; waa qaybta ugu ballaadhan buugga aan is leeyahayna waa qaybta ugu muca weyn oo ballaadhnaanteeda ayaaba ku tusaysa muceedda iyo muhiimadda ay leedahay qaybtani. Waxa qoruhu cinwaan qaybtan uga dhigay "KOBCINTA KALSOONIDA IYO KABISTA DHAIIRIGELINTA". Hordhaca qaybtan qoruhu u sameeyay waxa uu kaga hadlayaa KALSOONIDA iyo DHIIRIGELINTA isagoo si baxsan labaddaa u kala dhigay. Waxa xusid mudan wuxuu yidhi qoruhu markuu kalsoonida ka hadlayay "Inta ay leegtahay heerka gaadhidda hadafyadeennu waa minqiyaaska laga go'aansan karo heerka kalsoonideenna". 

Dhan kale isagoo qoruhu si wanaagsan inoogu qeexaya Dhiirrigelinta wuxuu yidhi :"Dhiirrigelintu keliyaata waa xoog iyo tamar macnawi ah oo ruuxa ku riixda, kana hadhin ilaa uu ka gaadhayo hadafkiisa.". In taa ka dib, waxa uu qoruhu hordhaca uga sii gudbayaa inuu inoo soo gudbiyo "Aragtiyaha kalsoonida ku soo arooray" ilaa dhammaadka qaybtani waa mid xiise iyo xanxantayn gaar ah leh. Wuxuu qoruhu ku soo gunaanadayaa qaybtan hadal qiimo weyn aniga ii sameeyay, aanna filayo in uu akhriste adna kuu sameeyo, waxa uu hadalkan ka soo qaaddanayaa Macheal Boldue, waxa aanu u dhiganyahay hadalku sidan "Udiyaar garow wax dhaca kan ugu xun, filo se wax dhaca kan ugu wanaagsna".

Qaybta afaraad; waa qaybta ugu danbaysa buugga waxaanu qoruhu cinwaan uga dhigay " RABITAAN". Waxa soo jiidasho leh hadalka ugu horreeya ee uu safxadda bilowga qoruhu inoo hoos dhigay Cinwaanka, hadalkaas oo uu ka soo guurinayo Nepoleon Hill oo u dhigan sidan "Rabitaanka liitaa wuxuu dhaliyaa natiijo liidata, si la mid ah sida dabka yari u dhaliyo kulayl yar". Waxa uu qoruhu inoogu qeexayaa hordhaca Rabitaanka isagoo ina leh "Rabitaanku waa doonid ka go'naansho weheliyo oo xad dhaaf ah naftana si madaxbannaan uga soo fushay. Waa damac kaa haya gaadhidda wax ama noqoshada cid. Rabitaanka xooggani wuu awood badanyahay adagtahayna in la liiciyo". Haddaba, farriinta guud ee buuggani inoo soo gudbinayaa waa sidii aynnu awooddaha qarsoon ee nafaheennu gaarka u leeyihiin aynnu u isticmaali lahayn innaga oo si qumman u isticmaalayna.

Guntii iyo gunnaanadkii qoraalka waxa aan hanbalyo kal iyo laab ah u dirayaa saaxiibkay Cabdicasiis Mahdi Axmed "Guudcadde" oo ah qoraha buuggan aan halka iyo labbada ka idhi. Wuxuu Cabdicasiis bulshada u soo bandhigay ama u qoray buug qiimo iyo qaayo weyn dadkeenna ugu fadhiya. Dhabtiina waxa uu geliyay dedaal iyo juhdi badan oo aan la sheegi karin. Run ahaan waa buug raandhiis iyo raasamaal leh oo aan qarsoonnayn. Waxaan leeyahay Cabdicasiis guul iyo gobonnimo, waxa aan sidoo kale leeyahay ereyaddii abwaan Yamyam ee ahaa:

"Ninkii tiin tallaaliyo

Ninkii timir abuuraba

Taariikhdu way werin."


Nooca buugga: GARASHADA WAX LAGUU GARTAY.

Qoraagga dhiganaha: Cabdicasiis Mahdi Axmed "Guudcadde".

Daabacaddii 1aad: Juun, 2015/ Hargeysa, Somaliland.

Shirkadda daabacday: IFTIN Print.

Allaa Mahad leh.


Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

18/6/2015, Hargeysa, Somaliland.

Comments